Home Blog Page 3013

Maxaa ka Soo kordhay Kiiska maxkamada ee madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya?

Sabti Dec:-30-2023-{HMC}  Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa maxkamadda ka hor sheegay in marqaatiyaashii difaacayay ay xireen oo ay garaaceen ciidamada booliiska dalkaas

 

Xeer Ilaaliyaha ayaa dhanka kale faahfaahin ka bixiyay dhageysiga dacwadda mid ka mid ah marqaatiyaasha Cabdi oo horey u laalay eedeymaha loo heysto, balse hadda dib loo bilaabayo

 

Waxaa uu sheegay in shan ka mid ah dadkii marqaatiyada u ahaa sadex maalin kadib xabsiga loo taxaabay markii ay maxkamada ka baxeen

 

Afar ka mid ah shanta marqaati ee la sheegay in ay booliisku gacanta ku hayaan ayaa la dhaariyay si ay ugu marqaati furaan maxkamadda maalintii Talaadadii, sida uu BBC-da u sheegay qof ku si dhow ula socada kiiska dacwadd ka dhanka ah Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida

 

Bishii Agoosto ee sanadkii hore, ayaa Cabdi Maxamed waxaa lagu amray inuu iska difaaco eedeymaha ka dhanka ah Maxkamadda Sare ee Federaalka Itoobiya gaar ahaan Qeybta 1-aad ee La-dagaalanka Argagaxisada iyo Dastuurka

 

Cabdi Maxamuud Cumar, oo muddo siddeed sano ah hoggaaminayey Deegaanka Soomaalida ayaa wajahaya dacwad uu xeer ilaaliyuhu u soo bandhigay oo ay ahayd in ay iska difaaco taas oo ah “kacdoon hubeeysan oo uu sameeyay iyo dambi uu ka galay dawladda oo ah in uu hurinayay dagaal sokeeye

 

Cabdi Maxamed waxa uu maxakamadda keenay ilaa 128 marqaatiyaal ah kuwaas oo difaacayay, bishii hore ee November waxaa bilaabatay dhageysiga marqaatiyaasha, iyadoo ilaa Talaadadii isbuucii hore la dhagaystay 23 marqaati

 

Qof ka mid ah dadkii daawanayay dhageysiga dacwadda ayaa BBC Amharic u sheegay in marqaatiyaasha kale ee dhiman dhawaan la dhagaysan doono

 

“Marqaatiyaasha ayaa la dhaariyay markii ay hor yimaadeen maxkamadda, magacyadooda iyo maqalkoodana la duubay” ayuu yir mid ka mid ah dadka goobjoogga ahaa oo BBC-da la hadlay

 

Codsi loo gudbiyay maxkamadda ayaa lagu sheegay in “Marqaatiyaal la xiray lana garaacay kadib markii ay maxkamada horyimaadeen oo ay dhaarteen”

 

Mid ka mid ah marqaatiyaasha la sheegay in ay boolisku xireen ayaa horay waxaa loogu soo oogay docwad la mid ah mid loo haysto Cabdi Maxamuud Cumar, balse waxaa la laalay eedeymihiisii saddex sano iyo siddeed bilood ka hor

 

Intaas kadib waxaa loo diwaan galiyay in uu marqaati u yahay Cabdi Maxamuud, ka dib markii la soo afjaray kiiskiisa, wallow xabsiga lagu sii hayay in muddo ah sida uu BBC-da u sheegay qofka xog ogaal u ah kiiska ka dhanka ah madaxweynhihii hore

 

Kadib markii uu Cabdi Maxamuud Cumar u gudbiyay maxkamadda codsi uu ku sheegay in la xiray marqaatiyaashiisa, Taliska Booliska Addis Ababa iyo Booliska Federaalka ayay maxkamaddu ku amartay inay kasoo jawaabaan sababta marqaatiyaasha loo xiray

 

Booliiska Addis Ababa ayaa maxkamadda u sheegay in uusan jirin qof marqaati u ahaa madaxweymihii hore ee Dowladda Deeganka Soomaalida oo ayaga u xiran

 

“Ma jiro maxbuus noo xiran marqaatiga 23-aad waaxaa haysta oo uu u xiran yahay booliiska federaalka,” ayaa lagu yiri jawaabta taliska booliska magaalada Adis Ababa

 

Qareennada u doodaya Cabdi Maxamuud ayaa yiri “Go’aanka lagu sii wadi doono dacwadda loo haysto mid ka mid ah marqaatiyaasha difaacayay Cabdi waxaa ay xadgudub ku tahay dastuurka, sidaas darteed waa in la diidaa”. “Xuquuqda aan u leennahay in aan is difaacno waa in aan la carqaladayn,” ayuu yir

 

Qareenka ayaa intaa ku daray in eedaysane Cabdi uu xaq u leeyahay in uu is difaaco sida uu qabo dastuurka

 

Sida uu qabo dastuurka dalka Itoobiya, dadka la soo eedeeyo “Waxay xaq u leeyihiin inay soo bandhigaan ama ay keenaan maxakamadda caddaymo ay isku difaacayaan, iyo inay codsadaan in marqaatiyaashooda la horkeeno lana dhageysto,”

 

Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa shan sano ka hor loo xiray shaqaaqadii ka dhacday magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Ra’iisul Xamsa oo sheegay in bilowga 2024 la qaadi doono dhagaxyada yaala waddooyinka Muqdisho

Sabti Dec:-30-2023-{HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay in bilowga sanadka cusub ee 2024 la qaadi doono qeybo badan oo kamid ah dhagaxyada amni ee yaalla waddooyinka magaalada, xilli uu isbeddel amni uu ka jiro caasimadda

 

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay shir lagu soo bandhigay horumarka iyo guulaha laga gaaray amniga caasimadda Muqdisho, ayaa tilmaamay in dowladnimadu aysan horumar sameyn karin haddii aan amniga la xaqiijin, isla markaana uu fure u yahay nolosha oo dhan, isaga oo ugu baaqay ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan dabargoynta Khawaarijta

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumaddiisa ay sameysay shuruuc muhiim u ah amniga caasimadda, taas oo qeyb ka qaadatay isbeddelka amniga ee ka jira Muqdisho, wuxuuna ku ammaanay hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir dadaalka iyo wada-shaqeynta dhexdooda ah

 

Sidoo kale, Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa sheegay in dalka uu marayo isgoys muhiim ah oo uu caalamku qiimeynayo tallaabooyinka la qaadayo, maadaama dalka laga qaaday cunaqabatayntii hubka, isla markaana dayntii laga cafiyey

 

Kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, saraakiil ciidan, madaxda gobolka Banaadir, culimada, odayaasha dhaqan iyo haween, iyadoo lagu soo bandhigay muuqaallo iyo warbixinno muujinaya guulaha la gaaray iyo tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira amniga caasimadda.

{DAAWO MUQAALKA} As waxey rabaan iney layaan dadkayna “Diintana dumiyaan mana yeeleyno “Ra’iisul wasaare Xamse.

0

Sabdi Dec:-30-2023-{HMC} As waxey rabaan iney layaan dadkayna “Diintana dumiyaan mana yeeleyno “Ra’iisul wasaare Xamse.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Ciyaar Fiinal aheed oo xalay ka dhici laheyd dalka Sacuudiga oo Sabab yaab leh loo baajiyey

Sabti Dec:-30-2023-{HMC}  Waxaa xalay lagu waday in garoonka kubadda cagta ee Riyaad ee Al-Awwal ee Boqortooyada Sacuudiga ka dhacdo ciyaar fiinaal ah oo u dhaxeysay kooxaha kubadda cagta ee Galatasaray iyo Fenerbahce ee ka dhisan dalka Turkiga

 

Ciyaarta finalka ee Super Cup-ka Turkiga ayaa si lama filaan ah u baaqatay , xilli taageerayaasha tikitka ciyaarta jartay ay soo xaadireen garoonka , lana filayay in ciyaarta oo aheyd mid lawada sugayay bilaabato

 

Khilaaf soo kala dhax galay masuuliyiinta labada kooxood ee ka dhisan dalka Turkiga iyo marti-galiyaasha ciyaarta ee Sacuudiga ayaa sabab u noqotay in ciyaartan dib loo dhigo, kaddib markii boorar ay wateen labada koox loo diiday in ay garoonka la galaan

 

Sacuudiga ayaa diiday in garoonka ciyaarta ka dhaceysay ciyaartoyda labada koox ee Galasataray iyo Fenetbache la galaan boorar ay ku qoran yihiin aabbaha “sharafta leh ee Turkiga casriga ah” Mustafa Kemal Ataturk

 

Ciyaartoyda labada kooxood ayaa sidoo kale loo diiday in gudaha garoonka la galaan funaanado uu ku sawiran yahay Ataturk oo ahaa hoggaamiyha aas aasaha Turkiga, sidoo kale soo noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Turkiga sannadkii 1923-dii.

{DAAWO MUQAALKA} Guddoomiye Madaale” shacabku waxaa ay ku dhiiradeen iney soo qabtaan wixii Amniga lid ku ah”.

0

Sabdi Dec:-30-2023-{HMC} Guddoomiye Madaale” shacabku waxaa ay ku dhiiradeen iney soo qabtaan wixii Amniga lid ku ah”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Rag loo heysto in ay basaas u ahaayeen Israa’iil oo xukun dal dalaad ah lagu fuliyay

Sabti Dec:-30-2023-{HMC}  Dowladda Iran ayaa xukun daldalaad ah ku fulisay afar nin oo lagu eedeeyay in ay ku howlanaayeen basaasida cadawga Israa’iil iyo falal kale oo lagu sheegay in ay ahaayeen qaran dumis

 

Xabsiga Urmia ee dalka Iran ayaa lagu daldalay afartan nin oo muddo ku xirnaa xabsi si gaar ah loo ilaaliyo, waxaana daldalaada lagu fuliyay raggan eedeysanayaasha ah warbaahinta u xaqiijiyay garsoorka Iran

 

Raggan la toogtay oo lagu kala magacaabo Wafa Hanareh, Aram Omri, Rahman Parhazou iyo Nasim Namazi ayaa xukunka dilka ah lagu xukumay sannad ka hor, waxa ayna qeyb ka ahaayeen dad kale oo isla kiiskan loo xukumay

 

Garsoorka Iran ayaa sidoo kale ku eedeeyay ragan in ay afduubteen dad una hanjabeen oo ay jirdileen, si ay si been abuur ah ugu sheegaan in ay yihiin ilaalada Iiraan kadibna ay been ku saabsaan hadafkooda mustaqbalka ka faafiyaan

 

Daldalaada raggan ayaa kusoo aadeysa maalin kaddib markii la aasay Razi Mousavi oo ahaa sargaal sare oo katirsanaa ilaalada Kacaanka Iran, kaa oo lagu dilay gudaha Syria, waxaana dilkiisa lagu eedeeyay in Israa’iil ka dambeesay.

Nin Mareykan ah oo ku biiri rabay A,S oo la qabtay laguna celiyay dalkiisa

Sabti Dec:-30-2023-{HMC}  Nin u dhashay dalka Mareykanka oo doonayay in uu ku biiro kooxda A,S ayaa 14-kii bishan lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxaana ninkan lagu eedeeyay ku biirista koox argagaxiso ah

 

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay Karrem Nasr oo 23-sanno jir ah uu damacsanaa in uu kamid noqdo kooxda A,S, waxa ayna xustay in ninkan dhiiro-gelin ka helay weerarkii Xamaas ku qaaday Israa’iil 7-dii October

 

“Sida la sheegay, Karrem Nasr, wuxuu dhiirro-gelin ka helay weerarkii ba’naa ee ay Xamaas qaadeen 7-dii Oktoobar, isagoo ku talogalay inuu sameeyo jihaad ka dhan ah Ameerika iyo xulafadiisa,” ayuu yiri xeer-ilaaliyaha Mareykanka Damian Williams

 

Ninkan lagu eedeeyay in uu ku biiri rabay A,S ayaa kasoo tagay Mareykanka bishii July ee sannadkan, waxa uuna bilooyin ku sugnaa dalka Masar , kahor inta uusan kasoo degin magaalada Nairobi laguna xirin

 

Laamaha ammaanka dalka Kenya ayaana ninkan u gacan-geliyay sirdoonka Mareykanka, waxaana ninkan maalintii Khamiista aheyd dib loogu celiyay dalka Mareykanka, halkaas oo la filayo in lagu maxkamadeeyo.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Hiiraanweyn 30-12-2023

Sabti Dec:-30-2023-{HMC}  Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; shugei baryare maxuud iyo Abdi yare

Farsamadii :Abdi maajid abdirxmaan aadan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

 

Dowlada Burundi oo ciidamadii ugu badnaa kala baxday Soomaliya

Sabti Dec:-30-2023-{HMC} Dowladda Burundi ayaa warbixin cusub kasoo saartay howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha kala guurka ah

 

War kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in bishan gudaheeda ay ciidamadii ugu badnaa kala baxeen Soomaaliya, taas oo qayb ka ah qorshaha dhimmista ciidamada howlgalka ATMIS ee howlgallada u jooga gudaha dalka

 

Tirakoob ay soo saartay dowladda Burunti ayaa waxaa lagu sheegay in illaa 734 askari ay kala baxday Soomaaliya, wixii ka dambeeyay 23-kii bishan December ee 2023-ka

 

Ciidamadan oo ahaa wajiga labaad ee qorshaha dhimmista askarta Midowga Afrika ayaa dalkooda dib ugu soo laabtay 27-kii bishan, sida lagu sheegay qoraalka

 

Saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Burundi ayaa boqolaalkan askari kusoo dhoweeyay garoonka ciidamada ee ku yaalla magaalada caasimada ah Bujumbura

 

Horay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa u bilaabay inay la baxaan askartooda, taas oo qayb ka ah go’aanka ciidamada shisheeye looga saarayo dalka

 

waxa ay wareejisay xerooyin badan oo ay ku lahayd gobollada dalka, waxaana haatan si buuxda u maamulaya ciidamada Xoogga dalka oo dagaal kula jira A,s

 

Sidoo kale waxay horraantii bishan wareejisay amniga guud ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo 16 sano kadib ay ilaalinayaan ciidamo Soomaaliyeed

 

Si kastaba, ciidanka howlgalka ATMIS ayaa la filayaa in dhamman dalka ay isaga baxaan marka la gaaro bisha December ee sanadka cusub ee 2024-ka.

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo War kasoo saaray Bayaankii ay soo saareen Isimada maamulka Puntland

Sabti Dec:-30-2023-{HMC}  Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ahmed E. Osman Karaash ayaa war goordhaw uu soo saaray kaga hadlay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee ka jira dowlad gobolreedka Puntland

 

Axmed Karaash ayaana qoraalka uu soo saaray kusoo dhaweeyay go’aankii xalay kasoo baxay isimada maamulka Puntland ee ahaa in golaha wakiillada Puntland laga reebo xildhibaannadii laga soo dooran jiray beesha Dhulbahante

 

Warka uu soo saaray Axmed Karaash ayaa u qornaa sida tan

 

“Markaan arkay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Puntland ku sugan tahay.
Markaan tixgaliyey go’aankii kasoo baxay golaha dhaqanka ee SSC-Khaatumo 23 December 2023, baaqii dallada musharixiinta 27 December 2023 iyo go’aamadii isimada Puntland 29 December

 

Waxaan si buuxda usoo dhaweynayaa in doorashadan lagu galo 49 iyadoo la xaq-dhawrayo go’aankii masiiriga ah ee bulshada deeganadaas

 

Marnaba ma aqbali doono 17 xubnood oo aan haysan matalaada bulshada deegaanadaas sifo kasta haku yimaadeen

 

Waxaan ka digayaa talaabo kasta oo keeni karta xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amNI