Home Blog Page 3014

Malta-flagged ship remains hijacked off Somalia

0

A Maltese-flagged commercial ship hijacked two weeks ago in the Arabian Sea is anchored off Somalia.

Transport Malta said in a statement it was monitoring the situation aboard the Malta-flagged ship RUEN together with the Armed Forces of Malta and the European Naval Force Somalia Operation Atalanta.

The ship, hijacked on December 14, was being managed by a Bulgarian company and had a crew of 18 seafarers of Bulgarian, Angolan and Myanmar nationalities aboard.

“The RUEN crossed the Arabian Sea initially headed towards the northeastern coast of Somalia and then navigating southwards towards Eyl.

“The military assets deployed from EU Operation Atalanta and the Information Fusion Centre – Indian Ocean Region continued to follow and monitor closely the RUEN vessel movements on her southbound heading,” TM said, adding the ship was currently anchored at 2.5 nautical miles of the coast at Baqbaq Somalia.

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ”Heshiiskaan ina horyaala waa in aan diidnaa ama aan ansixinaa.”

0

Sabdi Dec:-30-2023-{HMC} Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ”Heshiiskaan ina horyaala waa in aan diidnaa ama aan ansixinaa.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Taliyaha Boliiska Sulub ” Dagaalka AS waxa nagu dhiirri geliyay shacabka Soomaaliyeed

0

Sabdi Dec:-30-2023-{HMC} Taliyaha Boliiska Sulub ” Dagaalka AS waxa nagu dhiirri geliyay shacabka Soomaaliyeed

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Dal dhaca Qaarada Yurub oo taageeray heshiiska DFS iyo Somaliland.

Sabti Dec:-30-2023-{HMC} Boqortooyada Ingiriiska ayaa war kasoo saartay wada-hadallada cusub ee haatan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga billowday dalka Jamuuriyadda Jabuuti, si dib loogu amaba qaado dadaalladii hore u socday.

Warsaxaafadeed kasoo baxay safaaradda UK ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ugu horreyntee lagu soo dhaweeyay war-murtiyeedka kasoo baxay shirka ay labada dhinc ku yeesheen dalka Jabuuti, iskuna arkeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Ingiriisku uu soo dhawaynayo heshiiska haatan laga gaaray sii amba qaadida wada-hadallada labada dhinac, iyada oo UK ay ku tilmaamtay tallaabo muhiim ah oo xaga dib u heshiisiinta loo qaaday.

“Waxaan soo dhawaynaynaa war-murtiyeedka ka dib wada-hadallo muhiim ah oo dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, Xasan Sh. Maxamuud iyo Muuse Biixi Cabdi ee Jabuuti, waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca dib-u-heshiisiinta” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho.

UK ayaa noqoneysa dalkii ugu horreeyay ee soo dhaweeyay wada-hadallada dib u billowday ee Soomaaliya iyo Somaliland, maadaama ay horay dalkeeda uga dhaceen shirarkii hore ee wada-hadallada ku saabsan dowladda federaalka iyo maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Jabuuti oo ka kooban 8 qodob ayaa waxaa lagu go’aamiyey in mar kale dib loo bilaabo wada-hadallada labada dhinac, iyadoo diiradda la saarayo arrimaha masiiriga ah, si loo gaaro xal-waara.

Labada dhinac waxay sidoo kale ku heshiiyeen in 30 maalmood gudahood go’aan looga gaaro hanaanka geedi socodka wadahadaladaas, iyadoo lasoo magacaabayo guddiyo farsamo oo fududeeya wada-hadallada.

Waxaa kale oo bayaana lagu yiri “In garowshiyihii dowladihii Soomaaliya ay ka bixiyeen dilkii, gaboodfaladii iyo burburintii dowladii militeriga ay u geysatay dadka gobollada waqooyi ay u geysatay ka garaabidioda ay sii wado”.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in labada dhinac ay ka fogaadaan hadallada, qoraalada iyo wax kasta oo wax u dhibi kara jawiga wadahadallada ee socda.

{DAAWO MUQAALKA} Marxuum Sheikh Maxamed Xaaji Yuusuf oo lagu aasay Magalada Muqdisho

0

Sabdi Dec:-30-2023-{HMC} Marxuum Sheikh Maxamed Xaaji Yuusuf oo lagu aasay Magalada Muqdisho

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Guddiga Difaaca wax talo ah lagalama sameyn Xeerkaan oo arrimaha gaa

0

Sabdi Dec:-30-2023-{HMC} Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Guddiga Difaaca wax talo ah lagalama sameyn Xeerkaan oo arrimaha gaa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Dal ku yaala Afrika oo Dacwad ka dhan ah Israa’iil gudbiyay.

0

Sabti Dec:-30-2023-{HMC} Dalka Koonfur Afrika ayaa maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) u gudbiyay dacwad ku saabsan in Israa’iil ay “xasuuq” ka waddo Qasa.

Maxkamadda Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay dacwadda ku saabsan ku xadgudubka waajibaadka Israa’iil ee hoos yimaada Axdiga Xasuuqa.

Israa’iil ayaa si adag u diidday eedeynta, waxayna ku tilmaantay “mid aan sal iyo raad toona lahayn”.

“Israa’iil waxay yaqyaqsi ah u diidday been-abuurka dhiigga la daadshay ee ay faafisay Koonfur Afrika,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda.

Maxkamadda ICJ, oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, ayaa ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka sharciga. Waxay xallisaa khilaafaadyada u dhexeeya dawladaha waxayna samaysaa talo-bixin ku saabsan arrimaha sharciga caalamiga ah.

Kaddib codsigii ay u gudbisay maxkamadda ICJ, madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in waddanka ay waajib ku tahay “ka hor tagga in xasuuq uu dhaco”.

“Koonfurta Afrika waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda dadka rayidka ah kasoo gaadhay weerarrada hadda ay Israa’iil ku hayso Marinka Qasa taas oo ay ugu wacan tahay adeegsiga aan loo meel dayin ee xoogga iyo raridda dadka,” ayaa lagu yidhi.

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Odawaa”Magaalada halaga daayo hubka culus ee lagu wato si loo hormariyo ammaanka”.

0

Sabdi Dec:-30-2023-{HMC} Xildhibaan Odawaa”Magaalada halaga daayo hubka culus ee lagu wato si loo hormariyo ammaanka”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Madaxweyne Deni oo diiday go’aankii kasoo baxay Isimada Puntland.

0

Sabti Dec:-30-2023-{HMC} Isimada Puntland ayaa xalay go’aamiyay in golaha wakiillada cusub ee Puntland laga reebo xildhibaannadii kumatali jiray deegaannada SSC Khaatumo, kuwaa oo dhisay maamul goboleed u gaar ah.

War-murtiyeed ay soo saareen isimada ayeyna ku go’aamiyeen in kaliya lasoo xulo 49-xildhibaan uu ka koobnaan doono golaha cusub ee wakiillada Puntland ,kuwaa oo lagu wado in ay doortaan madaxweynaha Puntland.

Go’aanka kasoo baxay isimada Puntland ayaa wararku sheegayaan in si weyn uga soo horjeedo madaxweynaha muddo xileedkiisu maalmaha ka harsan yihiin ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kaa oo doonaya in xildhibaannada Dhulbahante lasoo xulo.

Siciid Cabdullahi Deni oo habeen kahor ku dhawaaqay in uu mar kale xilka madaxweynaha u sharaxan yahay ayaa shaaciyay in xildhibaannada Dhulbahante lasoo xulayo ayna qeyb ka noqon doonaan doorashada dhaceysa.

Sida aan xogta ku heleyno madaxweyne Deni ayaa diidan go’aanka xalay soo saareen isimada, waxa uuna guddiga xalinta khilaafaadka iyo xulista xildhibaannada uu xalay la kulmay ka dalbaday in ay diiwaan-geliyaan xildhibaannada Dhulbahante matelaya.

Dhinaca kale madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa dhankiisa taageeray go’aanka isimada Puntland soo saareen, waxaana xogaha sheegayaan in Axmed Karaash raali ka yahay in Khaatumo laga reebo Puntland ayna noqdaan maamul madax-bannaan.

Doorashada Puntland ayaa wajaheysa caqabado dhinacyo kala duwan uga imaanaya, waxaana laga cabsi qabaa in doorashada loo ballan-san yahay xilligeeda ku dhici weyso ayna dib u dhacaan xulista xildhibaannada Puntland.

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan dhabancad ” Waxaan la yaabay in shaqadii wasaaradaha ay lahaayeen kala aqoon wayaan.

0

Sabdi Dec:-30-2023-{HMC} Xildhibaan dhabancad ” Waxaan la yaabay in shaqadii wasaaradaha ay lahaayeen kala aqoon wayaan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA