Home Blog Page 3019

Israa’iil oo sheegtay inta askari ee laga dilay tan iyo markii uu dagaalku billowday

Khamiis -Dec:-28-2023-{HMC} In ka badan 500 oo askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa la dilay tan iyo markii dagaalka ka dhanka ah Xamaas uu billowday 7-dii October, sida ay sheegeen milateriga Israa’iil.

Waxa ay intaa ku dareen in in ka badan 160 askari oo IDF ah la dilay tan iyo markii ay duulaanka dhulka ee gudaha Gaza bilowday dabayaaqadii October.

Ilaa 900 oo askari ayaa la dhaawacay tan iyo markii howlgalkaas uu billowday – iyadoo ciidamadu ay dagaal dhow la galeen dagaalyahannada Xamaas.

Israa’iil ayaa sheegtay in aysan joojin doonin ololaha aargoosiga ah ee ay ka waddo Qaza ilaa ay burburiso Xamaas.

Ugu yaraan 1,200 oo qof ayaa la dilay markii Xamaas ay weerartay Israa’iil 7-dii Oktoobar, qiyaastii 240 kalena waa la qafaashay.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 28/12/2023

Khaniis December-28-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Yasiin Ali Ahmed

Farsamadii :Abdi Rahman Muse Osman

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Sidee dahab kumanaan doollar ah si safmar ah looga xaday seddex magaalo oo soomaaliyeed

Khamiis -Dec:-28-2023-{HMC}  Ciidanka boliiska dowladd goboleedka Puntland ayaa sheegay in gacanta ku dhigeen afar ruux oo ajaanib ah kuwaas oo ku eedeysan inay dahab ka soo dhaceen magaalooyinka Muqdisho, Garowe iyo Qardho .

Eedaysanayaasha oo ah hal qoys ah ayaa Qardho lagu hayay 2-dii maalmood ee la soo dhaafay, sida uu BBC-da u sheegay taliyaha qeybta booliska gobolka Karkaar Gaashanle sare Xuseen Cali Maxamuud.

Taliyaha oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dadka oo u dhashay dalka Suuriya ay ku wadaan baritaan kadib markii ay gacanta ku dhigeen, dadka ajaanibta, ayaga oo doonaya in ka baxaan magaalada qardho.

“Dadkaan markii hore Muqdisho ayay ka yimaadeen sida aan ilaa iyo hadda baritaanka ku ogaanay, Garowe ayay soo mareen ka dib suuqa dahabka ayay dahab badan ka xadeen, intaas kadib safarka ayay sii wateen waxaana ay yimaadeen Magaalada qardho oo mar kale dahab ay ka xadeen” ayuu yiri taliyaha qeybta booliska gobolka Karkaar Xuseen Cali .

“Xogtooda waan haynay ilaa markii ay Qardho imaanayeen balse inta aysan ciidanka qaban ayay dukaan dahab ka xadeen ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Mar Taliyaha wax laga waydiiyay halka ay dadka safarka u ahaayeen waxaa uu sheegay in aysan caddayn balse marka ay baaritaanka dhameeyaan uu soo bixi doono.

Eedaysanayaasha Boliiska qabteen ayaa kala ah, Cabdikariin Axmed Almuhamed, Jamiila Qasi Yuusuf, Cabdalla Cabdikariim Axmed, iyo Malay Cabdikariim Ahmed.

Xuseen Cali Maxamuud waxaa uu sheegay in ilaa hadda aysan hayn xisaab sax ah oo ku sabsan qiimaha hadabka ay kooxda lagu eedayay in ay soo xadeen.

“Marba marka ka danbeeysa waxaa na soo wacay dad sheegay in ay dahab ka soo xadeen marka ilaa iyo hadda qiimo sax ah lama hayo, gancsatada Muqdisho waxa ay sheegeen in ka soo xadeen dahab dhan 940 Garaam oo dahab ah”.

Marka dahabkaas la qiimeeyo, ayado la raacayo sicirka dahabka uu hadda ka marayo suuqyada oo ah 70 doollar halkii garaam ayaa 940 garaam wuxuu noqonayaa 65,800 00 doollar. Wxaa laga yaabaa in qiimaha dahabka la sheeganayo uu intaa ka yar yahay ama ka badan yahay.

Mid ka mid ah ganacstada dahabka laga xaday oo ku sugan Magaalada Muqdisho oo diiday in magaceeda warbixinta loo isticmaalo ayaa sheegtay in kooxda ay u yimaadeen ayada oo ku sugan goobteeda ganacsiga ayna u sheegeen in ay u baahan yihiin 100 garaam oo dahab ah in laga iibiyo.

Waxaa ay intaas ku dartay in dadka oo gaarayay ilaa afar qof markii ay u yimaadeen ay mashquuliyeen maadaama ay ahaayeen dad badan, isla markaana aysan garanayn luuqada ay ku hadlayaan .

Sidoo kale xariir kala duwan oo aan la sameeynay ganacsatada dahabka ee magaalooyinka Garowe iyo Qardho si aan wax uga waydiino arrintan ayaysan noo suurta galin.

Muuqaalka eedaysanayaasha Boliisku qabteen ayaa waxaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada maalmihii lasoo dhaafay.

Ciidanka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar iyo CID ayaa sheegay inay dhawaan soo bandhigayaaan baaritaanadii lagu sameeyay eedaysanayaasha, waxaana la horgeyn doona cadaaladda haddii eebbe idmo sida taliyaha qeybta gobolka Karkaar Xuseen Cali Maxamuud uu sheegay.

Soomaaliya waxaa ku sugan dad badan oo u dashay dalka Suuriya kuwaas oo ka soo cararay colaadaha ka jira dalkooda.

Maxay yihiin arrimaha muhiimka u ah wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland?

Khamiis -Dec:-28-2023-{HMC}  Magaalada Jabuuti waxaa isugu tegey wufuud ay hogaaminayaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halkaasoo uu durba kulan uga billowday.

Bishii Juun sanadkii 2020-kii waxaa isla dalka Jabuuti ku shiray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyne Muuse Biix Cabdi, ayadoo markii la soo gabagabeeyay laga soo saaray qodobbo dhowr ah oo markaa dhinacyadu ku heshiiyeen.

Waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ugu muhiimsanaa dhowr qodob oo kala ahaa in laga wada shaqeeyo nabadgelyada labada dhinac, in aan la siyaasadayn dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aamnimo ee caalamka, in la wada maamulo arrinta duulimaadyada hawada oo khilaaf ka taagnaa, iyo isku socodka bulsho ee labada dhinac.

Dadka falanqeeya arrimahan ayaa aaminsan in fulin la’aanta qodobadii hore loogu heshiiyay ay mar walba noqon karto caqabadda ugu weyn ee hortaagan gaarista hadafka laga leeyahay wadahadallada muddada jiitamaya.

Maxey u hirgali waayen qodobbadii ugu dambeyay ee lagu heshiiyay?

Saddex qodob ayaa ugu muhiimsanaa heshiiskii ugu dambeyay kuwaas oo kala ahaa wada-maamulidda hawada, wadaagidda deeqaha caalamiga ah iyo amniga.

Somaliland xilligaas waxay dalbatay in wax ka qabashada qodobbadaan ay sal u noqon doonaan in hore loogu socdo wadahadallada iyo ka gun-gaaristooda, waxaana arrintaas ay keentay in saddex guddi loo magacaabo si loo dharaandhiriyo arrinta, dhinacyaduna ugu qancaan. Isla wakhtigaas doodda dowladda federaalka ah waxay ahayd in isu socodka la isku furo oo siyaasiyiinta iyo dadka kaleba ay si xorriyadi ku jirto ugu safraan halka ay doonaan.

Cabdi Maxamuud Sabriye oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha oo wasaaraddiisu qabanqaabineysay wadahadalladaas ayaa sheegay in xilligaas oo ahayd bishii Juun ee sanadkii 2020-kii marka la isla fariistay cid walbana dooddeeda gudubsatay lagu ballamay in laba toddobaad kadib la isku yimaado guddiyadii seddexda ahaana ee aan kor ku soo xuneyna la isku keeno.

“Marka halkaa howshu maraysay waxaa soo kordhay xilligaas arrin aan horay loogu baraarugsaneyn, kana timid dhanka Somaliland sida muuqatana ku adkaatay dhanka dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo ahayd in Somaliland ay diidday in guddiyada isu imaatinkooda la sugayay lagu soo daro cid ka soo jeedda waqooyiga” ayuu yiri Sabriye.

“Reer Somaliland waxay yiraahdeen saddexda guddi ha ku soo darinina qof ka soo jeeda Somaliland, haddaad ku soo dartaan ma soo galeyno gogoshaas,” ayuu yiri Cabdi Maxamuud Sabriye wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya.

Dhanka dowladda federaalka Soomaaliya maadaama guddiyada howshaan loo saaray wakhtigaas ay lagama maarmaan u ahaayeen wasaaradaha qaar sida tan maaliyadda iyo qorsheynta ayna joogeen rag ka soo jeeda Somaliland waxaa ku adkaatay in ay beddesho.

“Xilligaas haddii la yiraahdo dowladda federaalku yaaney ku soo darin guddiyada dad reer waqooyi ah nooma shaqeyn karin, iyaguna ma aqbali karin, intaas ayaa horjoogsatay,” ayuu yiri wasiir hore Sabriye

Guuleed Dafac oo ah sharci yaqaan iyo falanqeeya siyaasadeed ayaa isana qaba in sababaha ugu waaweyn ee heshiiskii hore loo fulin waayay ay tahay, iyadoo markii horeba dhinacyadu aanay u galin wadahadallada hannaan hufan oo ay u kala caddahay waxa laga hadlayo iyo ujeedada laga leeyahay.

“Anigu waxaan is leeyahay sababaha keenaya in aan heshiisyadaasi fulin waxay ahayd in qaabka wadahadalka loo galayaa mar uu yahay mid gole-kafuula, oo aan ahayn qaab habeysan waxa la isku hayana aan si mug leh looga wadahadleyn,” ayuu yiri Guuleed Dafac.

Wuxuu intaa raaciyay in marka la is mari waayo lagu mashquulo arrimo uu ku tilmaamay kor ka xaadis oo ula jeedo in aan loo dhaadhicin ubucda iyo nuxurka waxa la isku hayo.

“Cid dabagasha oo arrimihii sii raacdana ma jirto marka waa qaab wadahadalka wax weyn ka qaldan yihiin ayuu hadalkiisa raaciyay,” Guuleed.

Haddii la dhaqan galin lahaa qodobbadii hore maxaa soo kordhi lahaa?

hore maxaa soo kordhi lahaa?
Waa su’aal dad badan ay is waydiinayaan isla markaana qof walba haddii uu aragtidiisa ku cabbiro si uun uu uga jawaabi karo.

Wasiir hore Cabdi Maxamuud Sabriye oo BBC-du su’aashaan waydiisay maadaama uu mar hormuud u ahaa qabsoomidda wadahadallada ayaa si kooban u bixiyay jawaab ah, “koley haddii wixii taagnaa markaas laga gudbi lahaa rajadu waxay ahaan laheed in loo gudbo wax kale oo la isku fahmo ama la isku diido”.

Aragtidaas mid aan wax badan kaga duwaneyn waxaa isna qaba Guuuleed Dafac , “kalsooni kaliya ayaa imaan lahayd marka heshiisyadii la gaaray la fuliyo, oo wuxuu gogal xaar u noqon lahaa kuwa dambe,”.

Hadda ma laga tillaabsan karaa qodobbadii horey loogu heshiiyay ee aan la fulin oo wax kale ma laga wada hadli karaa?

Qaar ka mid ah falanqeeyaasha arrimahan ayaa qaba in dhibaatada ugu weyn ay tahay in labada dhinac ee mar walba wada hadlaya oo ah madaxda Soomaaliya iyo Somaliland aaney ku dhicin in cid walba waxa ay rabto ay si aan ka leexleexad laheyn u wajahdo.

In gunta ujeedada aan loo dhaadhicin waa arrinta keenaysa mar kasta in aysan wadahadalladu miro dhal noqon. Marka loo yimaado in laga tillaabsado qodobbadaan oo labada dhinacba ku adkaatay markii hore waa arrin adag oo aan suurta gal aheyn.

Guuleed Dafac ayaa rumeysan in aan laga wadli karin arrimo kale iyadoon labada dhinac, gaar ahaan madaxweynayaashu aaney kulanka la imaan wax ay ku matalaan shucuubtooda oo go’aan kama dambeysa ah ay ka gaari karaan.

“Wax bisil miiska ha la yimaadaan oo madaxweynaha Soomaaliya dadkiisa ku mato madaxweynaha Somaliland-na shacabkiisa ku matali karo,2 ayuu yiri Guuleed.

Wasiir hore Cabdi Maxamuud Sabriye ayaa isagu qaba in qodobbadaan horey loogu heshiiyay ee aan la fulin ayba yihiin caqabad aan ogoleyn in heshiis dhab ah laga gaaro wahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

“Haddii hore loo socdo oo laga hadlo heshiis muhiim ah oo ama la kala tago ama la is qaato oo sidaa heshiis lagu gaari lahaa qodobbadaan meesha way ka bixi lahaayen” .

Wuxuu intaa ku daray Mr Sabriye in labada dhinac ee mar walba wadahadlaya aysan ku dhici karin in midba midka kale aqbalo waxa uu rabo oo go’aan sidaas aanu qaadan karin.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh”Wasaaradda waxbarashadda Kenya ayaa ka miisaaniyad Badan Dowladda Soomaaliya”

0

Khamiis -Dec:-28-2023-{HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay dood-furan oo si toos ah ay shacabka Soomaaliyeed ugu weydiinayeen su’aalahooda la xiriira dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, qorshaha xasilinta, cunuqabateynta hubka ee la qaaday, qalabeynta iyo tayeynta ciidanka qalabka sida, bixitaanka ATMIS iyo Deynta Soomaaliya laga cafiyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Isimmada Dhaqanka SSC- Khaatumo oo lagu eedeeyay in ay carqaladeeynayaan doorashooyinka Puntland

Khamiis -Dec:-28-2023-{HMC} Maxamuud Caydiid Dirir, Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland ayaa sheegay in qaar badan oo kamid ah Isimmada SSC- Khaatumo ay soo xusheen xildhibaanada beelahooda ku matalaya baarlamaanka cusub ee Puntland.

Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay, in isimmadu aanay kaligood lahayn awoodda soo xulidda baarlamaanka. Wuxuu sheegay cuqaasha beeluhu inay usoo gudbiyeen dadka ay doonayaan inay u saxiixaan xubinta baarlamaanka.

wuxuu ku tilmaamay go’aanka Isimmada SSC- Khaatumo Wasiir Caydiid in uu yahay mid aan sax ahayn, wuxuuna sheegay odayaashu inay ka taliyeen in Puntland qalalaaso la galiyo, Muuse Biixina uu mar kale duullaan kusoo qaado degaanada SSC- Khaatumo.

Sidoo kale waxa uu yiri Wasiir Caydiid “alada Isimmada SSC- Khaatumo ma ay ahayn talo la qaadan karo oo lagu guuri karo. Laakiin, odayaashu ciriiri markaas haystay ayay isaga furfurayeen. In badan oo kamid ahna taladaas way ka qoomameeyeen, waxayna qireen inay dhallinyarada makarafoonada la hor istaagnayd ay isaga kala dirayeen,”.

Wasiir Caydiid iyo xubno kale oo katirsan golaha xukuumadda madaxweyne Deni oo kasoo jeeda SSC- Khaatumo ayaa lagu wadaa inay kasoo dhex muuqdaan liiska cusub ee baarlamaanka Puntland.

Shalayna, musharraxiinta ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu boobayo kuraasta SSC- Khaatumo, iyagoo sheegay in ay kalsoonidii kala laabteen guddiga xallinta khilaafaadka.

{DAAWO SAWIRADA} Kulan loogu ducaynayey Marxuum Khadiija Diiriye oo lagu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Khamiis -Dec:-28-2023-{HMC}— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Wasiirkii hore ee Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka marxuum Khadiija Maxamed Diiriye ay ahayd hooyo lagu soo hirto, maddaale ku firfircoon shaqooyinka Qaranka iyo qof nolosheeda oo dhan u soo hurtay dowladnimada Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey kulan loogu ducaynayey marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo lagu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in muddooyinkii u danbeeyey ay marxuumaddu ku howlanayd sidii hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed loo badbaadin lahaa, taas oo kamid ahayd wax yaabihii wanaagsanaa ee lagu xasuusan doona intii ay nooleyd marxuumaddu.

 

Kulanka Ducada ayaa lagu soo bandhigay sooyaalkii nololeed ee Marxuum Khadiija Maxamed Diiriye, iyada oo ay dadkii kulanka ka hadlay dhammaantood tilmaameen in marxuumaddu ay ahayd qof naxariis badan oo ummadda Soomaaliyeed ugu soo adeegtay si daacad ah.

 

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, ku-xigeennadiisa, xubno ka tirsan goleyaasha dowladda iyo ehelka ay marxuumaddu ka baxday.

DHAMMAAD

Israa’iil oo dishay in kabadan 8,000 caruur ah Mudo Laba bil gudahood

0

Khamiis -Dec:-28-2023-{HMC} Israa’iil ayaa waxay dishay 8,800 oo caruur ah oo ay weheliyaan 6,300 oo haween ah tan iyo markii duulaanka militari ee ay ku qaadeen magaaladda Gaza 7-dii October sanadkan 2023.

Xafiiska warbaahinta Gaza ayaa sheegay in Israa’iil ay sii wado duqeymaha aan loo meel-dayin ee dhanka cirka ah cirka iyo duqeymaha ah ee dhulka ay xoogga ku haysato ee Falastiiniyiinta.

“Tirada Falastiiniyiinta ah ee la dilay ee la keenay isbitaallada ku yaala Gaza tan iyo bilowgii dagaalka ay gaartay 21,110,” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah qoraalka xafiiska warfaafinta

Qoraalka ayaa intaas ku daray: “Waxaan oo dhan waxay ku dhaceen 82 maalmood oo uu socday dagaalka guud ee xasuuqa ah, ciidamada Israa’iil waxay geysteen 1,779 xasuuq, taasoo keentay in 28,110 shahiid ah iyo shakhsiyaad la la’yahay”.

Dhanka kale, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa shaaca ka dhigay in dadka deggan Gaza ay ku jiraan “xaalad halis ba’an” ka dib in ka badan 11 toddobaad oo dagaal Israa’iil ah.

Tani ayaa ka dambeysay weerarkii Hamas ku qaadey Israa’iil Oktoobar 7-dii. Duulaankaas waxaa loogu magacdaray “Duufaanta Qasa”.
Inkasta oo tiro ka badan jiri karto, waxaa la dilay in ka badan 1,000 Israa’iil.

Madaxwayne feeray garsoore kubada cagta ah oo cudur daartey,kadib markii ay Booliska ay,,,

Khamiis -Dec:-28-2023-{HMC} Madaxweynaha kooxda kubadda cagta ee ka dhisan wadanka Turkiga laguna magacaabo Faaruuq Koca oo todobaadyo ka hor feeray garsoore, ayaa Arbacadii shalay ahayd xabsiga laga sii daayay.

 

Taageerayaasha naadiga kubada cagta Ankaragucu ayaa si qurux badan ugu soo dhaweeyay hogaamiyahooda iyaga oo sameeyay bandhig si weyn usoo jiitay indhaha caalamka.

 

Koca oo la hadlay saxaafadda kadib sii deyntiisa ayaa waxa uu u mahadceliyey cid walba oo usoo baxdey inuu dib u helo xorriyadiisa wuxuu caddeeyay inuu qiranayo wixii qalad ahaa ee ka dhacay.

“Weligay ma difaacayo tallaabadan aan qaaday. Dhammaan asxaabtayda i yaqaana waxay hubin karaan inaan ahay qofka ugu dambeeya ee falkan samayn doona,” ayuu ku bilaabay hadalkiisa.

 

Wuxuu raaciyay: “Si kastaba ha ahaatee, waxaan nahay aadane. Waxaan ka falcelinaa qaladaadka iyo cadaalad darada aan aragno. Qaabka falcelinta ayaa laga yaabaa inay khaldan tahay, laakiin Inaad noqoto dad, inaad nin noqoto, waa inaad ka falceliso oo aad ka soo horjeeddaa caddaalad-darrada iyo khaladka”.

 

“Waxaa jira waxyaabo qiyam ah oo aan horey ugu qaatay mabda’a ahaan nolosheyda. Ma doonayo in aan helo magac kasta oo aan u qalmin. Ma rabo in aan halkan uga tago anoo geesi ah,” ayuu xusay.

 

Sanadihii lasoo dhaafay waxa ay si weyn usoo jiidaneysa indhaha taageereyaasha caalamka Kubada cagta Wadanka Turkiga taas oo horyaalka dalkan ka dhigtay mid dunida looga soo daawasho tago.

Shirka Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Danbiyada Kufsiga iyo anshax-xumada

Khamiis December-28-2023-{HMC} Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada uu shirguddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta lagu ansxiyey hindise sharciyeedyo ay soo diyaariyeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa lagu yiri, “Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Danbiyada Kufsiga iyo anshax-xumada oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay kulanka ayaa lagu sii yiri, Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey heshiiska caalamiga ah ee da’da ugu yar ee shaqada iyo heshiis is-afgarad ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq.

Hindise sharciyeedyadaan maanta ay meelmariyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa maalmaha soo socda in la horgeeyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya si ay u meelmariyaan.