Home Blog Page 3018

{DAAWO MUUQALKA} Abwaan suugaan kaga hadlay Ciidamada aan muda Mushaarka Qaadan ee Puntland

Jimco -Dec:-29-2023-{HMC} Abwaan suugaan kaga hadlay Ciidamada aan muda Mushaarka Qaadan ee Puntland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Israel-Xamaas: Xog cusub oo laga helay qorshaha Masar ay ku xalineyso xiisadda dagaal ee Qasa

Jimco -Dec:-29-2023-{HMC}  Wargayso iyo xarumo warbaahineed oo badan ayaa maalmahan iftiiminaya firkado qaar loo tiirinayo in Masar ay doonayso hinde lagu soo afjari karo dagaalka Qasa ka socda bilaha.

Ilo masuuliyiin Masaari ah ayaa u sheegay kanaalka rasmiga ah ee Qaahira News Channel in Dowlada Masar doonayso xabad joojinta Qasa laga dhigo mid ku dhamaata in colaado istaagto.

Hindisaha Masar oo wax ka badan hal mar wax laga beddelay ayaa salka ku haya soo jeedinta dhaqangelinta xabbad joojin bini’aadantinimo oo ku meel gaadh ah muddo kooban oo ay jiri doonto xabbad-joojin iyo hirgelinta gargaar degdeg ah, iyo sidoo kale hirgelinta heshiisyada is-dhaafsiga la haystayaasha.

Sida ku cad aragtidan, inta lagu jiro wejiga koowaad, waxaa lagu dhawaaqi doonaa xabbad joojin bini’aadannimo muddo 10 maalmood a.

Muddadaas Xamaas ayaa sii deyn doonto dhammaan la haystayaasha ay haysato, oo ay ku jiraan haweenka, carruurta, iyo bukaannada, beddelkeedana Israa’iil l ay sii deynaysa tirada lagu heshiiyey ee maxaabiisteeda Falastiin.

Inta qorshan lagu jiro waxaa la joojinayaa dhamaan dagaalka labada dhinacba, waxaana ciidamada Israa’iil la geyn doonaa meel ka fog agagaarka bulshooyinka la deggan yihiin.

Sidoo kale waxaa la ogolaan doonaa xorriyadda dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta ee koonfurta iyo waqooyiga, sida dhaqdhaqaaqa baabuurta iyo kuwa xamuulka, xilli dhaqdhaqaaqa Xamaas ay ka go’an tahay inay joojiyaan dhammaan noocyada howlgallada ka dhanka ah Israa’iil.

Si loo xaqiijiyo hirgelinta aragtidan, Israa’iil waa inay joojisaa dhammaan noocyada dhaqdhaqaaqa hawada Israa’iil oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo diyaaradaha sahaminta, iyadoo la xoojinayo hirgelinta gargaarka bani’aadamnimada oo ay ku jiraan daawooyinka, sahayda caafimaadka, shidaalka, iyo cuntada ee marinka Qasa.

Dadka la socda colaada Qasa ayaa sheegay in wajiga labaad ee aragtidan ay socon doonto muddo toddobaad ku dhow, waxaana ka mid ah in la sii daayo dhammaan haweenka Israa’iiliyiinta ah ee ka tirsan ciidammada Israa’iil ee u xiran dhaqdhaqaaqa Xamaas, si loogu beddelo tiro ay ku heshiiyeen labada dhinac ee maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee ku jira xabsiyada Israa’iil.

Maxay tahay sababta dowlada Falastiin u rabin qorshahan?

Maamulka Falastiin ee fadhigiisu yahay Ramalah ayaa rabin qorshahan iyada oo doonaysa inay maamusho marxaladaha ku meel gaarka inta lagu guda jiro doorashada madaxweynaha iyo barlamaanka ee la filayo inay ka qabsoonto dhulka Falastin oo ay ku jirto Marinka Qasa.

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen Guddiga Fulinta ee Ururka Xoraynta Falastiin kaas oo ay daabacday Wakaaladda Wararka Falastiin “Wafa” ayaa lagu sheegay inay diidan yihiin dowlada maamusha daanta galbeed qorshe aysan qayb ka ahayn maadama ay yihiin wakiilka kaliya ee sharciga ah ee Falastiiniyiinta.

Guddiga fulinta ee PLO ayaa xaqiijiyay in ay go’aansadeen in la sameeyo guddi ka kooban xubno iyagaa si ay daba gal ugu sameeyaan khataraha ka dhalan kara ee saameeya danaha dadka reer Falastiin iyo xuquuqdooda qaran ee aan la leexsan karin.

Sida ilo xog ogaala oo ah dhinacyda Falastiin iyo Masaaridu ay sheegeen, wafdi ay ka mid yihiin wakiillo ka kala socda dhinacyo badan oo falastiiniyiin ah oo uu hoggaaminayo Xuseen Al-Sheekh oo ah xoghayaha guddiga fulinta ee ururka PLO ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Qorshaha ayaa ah in la sameeyo aragti guud oo Falastiniyiint ah oo ay ku jiraan samaynta dowlad midnimo qaran oo ay ku biirayso Xamaas oo maamusha marinka Qasa.

Labo wafdi oo ka kala socday Xamaas iyo Islamic Jihad ayaa si gooni gooni ah ula kulmay madaxda Masar bishii December.

Xamaas waxa ay sheegtay in ay raadinayso xabbad joojin dheer, ee aanay raadinayn xabbad joojin ku meel gaadh ah ama mid gaaban.

Madaxa Waaxda Carabta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dhaqdhaqaaqa Jihaadka ee Lubnaan, Ihsan Ataya, ayaa mar sii horreysay sheegay in warqadda Masar ay soo bandhigtay ay tahay fikrado guud oo laga doodi doono, mowqifka mideysan ee Falastiiniyiintana la soo saari doono maalmo gudahood

Maxay tahay sababta Israa’iil loo haysto?

Sida ay muujiyeen xog uu daabacay wargayska Wall Street Journal, Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa in la soo afjaro dagaalka Qasa ku xiray saddex shuruudood oo ay ka mid yihiin burburinta Xamas,hub ka dhigis lagu sameeyo kooxaha Falastiiniyiinta ee marinka Qasa iyo ciribtirka waxa uu ku tilmaamay in ay asal u yihiin xagjirnimada bulshada Falastiin

Fursadaha Falastiiniyiinta iyo Dawlad midnimo qaran

Tamara Xaddad oo falanqeeya arrimaha siyaasadda Falastiin ayaa sheegtay in Masaarida ay soo bandhigtay aragti ay ku tilmaantay mid u wanaagsan xallinta xiisadda, isla markaana ay ku dhisan tahay marxalado kala duwan oo mid waliba kan kale si tartiib tartiib ah ugu wareejinayo, waxayna ka dhigan tahay tijaabo lagu ogaanayo heerka ay gaarsiisan tahay ballan-qaadkii Israa’iil.

“Caqabada kaliya ee hortaagan hirgelinta hindisahan ay tahay is-afgaradka Falastiin si ay u doortaan dowlad midnimo qaran ee soo socota kaas oo danaynaysa dadaallada dib-u-dhiska, qabashada doorashooyinka, iyo helitaanka gargaarka iyo gargaarka caalamiga ah,” ayey tiri Xaddad.

Qayb ka mida sirta shuruudaha hindaha Masar ayey heshay warbaahinta qaar ka hor inta aan la dhamaystirin taas oo horseeday diidmada maamulka Falastiin laakiin sida laga soo xigtay ilo ka tirsan Masaarida hindisahan ayaa lagu dhawaaqi doonaa ka dib dhamaystirka wada xaajoodyada dhamaan dhinacyada oo ku jirto Israa’iil.

Yagleelida dowlada midnimo qaran oo ka dhaxaysa Falastiniyiinta ayey qabtaa Tamara inay tahay wax u baahan wada xaajoodyo gun dheer oo muddo qata si dhinacyada loogu kala qanciyo aragti mid ah.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn.{29/12/2023}

Jimco December-29-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Abdi Rahman Macalin Muse

Farsamadii :Abdimajid Abdirahman Addan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay xawaalado lacag loo marsiiyey xuutiyiinta

Jimco -Dec:-29-2023-{HMC} WASHINGTON — Maraykanka ayaa Khamiistii cunaqabatayn ku soo rogay shirkado dhinaca xawaaladaha lacagta ah, oo laga kala leeyahay Turkiga iyo Yemen, ka dib markii lagu eedeeyey inay gacan ka geysteen lacagaha loo dirayo kooxda Xuutiyiinta ee gacan-saarka la leh Iran. Kooxdan ayaa lagu eedaynayaa, weerarada ay ku qaaddo maraakiibta ganacsiga ee maraya dhinaca Koonfureed ee Badda Cas.

Shirkadaha lagu soo rogay cunaqabataynta ayay ku jiraan qaar ku yaalla Sanca, iyo saddex xarumood oo dhinaca sarrifka lacagaha ah oo ku kala yaalla Turkiga iyo Yemen.

Wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka ayaa ku eedaysay in shirkadahan iyo shakhsiyaadka ku lug lehiba, ay gacan ka geysteen in lacag malaayiin doollar ah loo xawilo kooxda Xuutiyiinta, iyada oo la raacayo tilmaamaha Sa’id al-Jamal oo ah fududeeye dhinaca maaliyadda ah oo u dhashay dalka Iran. Sa’id ayaa ka mida dadka cunaqabatayntu saaran tahay.

Cunaqabatayntan ayaa ka hor-istaagaysa shirkadahan iyo shakhsiyaadkani inay la baxaan hantida ka taalla Maraykanka iyo xataa lacagaha u yaalla baananka, isla markaana waxay ka hor-istaagaysaa inuu ganacsi dhexmaro shirkadaha ay leeyihiin muwaadiniinta Maraykanku.

Tallaabadan ay qaaday dawladda Maraykanku ayaa ah, tii ugu dambaysay ee ay ku bartilmaameedsanayso kooxda Xuutiyiinta.

Bilawgii bishan, waxaa Maraykanku ay ku dhawaaqeen cunaqabatayn lagu soo rogay illaa 13 qof iyo shirkado lagu eedeeyey inay xuutiyiinta gaadhsiiyeen, alaabooyin ku kacaya tobanaan milayn oo dollar oo ka yimi dalka Iran.

AP

{DAAWO MUQAALKA} 25-Sano ka hor wax aan diidnay hadda kama aqbaleyno MW Xasan Sheekh”Madaxweyne Saciid Deni”

Khamiis -Dec:-28-2023-{HMC} 25-Sano ka hor wax aan diidnay hadda kama aqbaleyno MW Xasan Sheekh”Madaxweyne Saciid Deni”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Madaxda 9 TV oo eedeymo ujeediyay agaasinka warfaafinta Villa Somalia

Khamiis -Dec:-28-2023-{HMC} — Warbaahinta Madaxa-banaan ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku eedeysay Madaxtooyada Soomaaliya oo ay sheegeen inay cuuryaamisay doorkii Dastuuriga ahaa ee Warbaahinta Madaxa-banaan.

Bayaankaan ayaa ka soo baxay shir xasaasi ah oo maanta ay isugu imaadeen agaasimayaasha 9 ka mid ah TV-yada gaarka loo leelayahay ee dalka ka howlgala.

War-saaxaafadeedka soo baxay ayaa ka kooban afar qodob oo eedeyn ah iyo labo qodob oo baaq ah.

Ugu horeyn agaasimayaasha sagaalkaan TV waxay sheegeen in madaxweyne Xasan Sheekh uu uga baxay balantii aheyd inuu soo afjarayo dhaqankii taliskii Farmaajo oo warbaahintu ay dhibsatay shantii sano ee xafiiska uu joogay.

Qodobka labaad waxaa lagu eedeeyey xafiiska warfaafinta madaxtooyada oo lagu eedeeyey inuu cuuryaamiyey doorkii warbaahinta madaxa-banaan ee tebinta xogta rasmiga ah ee dalka.

Sidoo kale xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada waxaa lagu eedeeyey in wadashaqeyntii warbaahinta kale uu ku soo koobay muuqaalo faaf-reeban oo lasoo diro.

Isla xafiiska warfaafinta madaxtooyada waxay madaxda warbaahinta madaxa-banaan ku eedeeyeen inuu caqabad ku noqday in madaxda dowladda ay la hadlaan warbaahinta madaxa-banaan.

Ugu dambeyntii sagaalka agaasime ee soo saaray bayaankaan waxay soo jeediyeen labo qodob oo baaq ah, kuwaas oo kala ah:

1 – In saxaafadda madaxa banaan loo ogolaado xaqa dastuuriga ah oo ay u leedahay soo tebinta dhacdooyinka masiiriga ah ee dalka, si faafreeb la’aan ah.

2 – In saxaafadda madaxa-banaan laga joojiyo faafreebka iyo sumcad dilka uu ku wado xafiiska warfaafinta ee Villa Somalia, taas oo keeni karta cawaaqib xumo.

Hoos ka akhriso bayaan

 

Denmark oo ansixisay xeer ogolaanaya in qaxootiga lagala noqdo sharciga

Khamiis -Dec:-28-2023-{HMC} — Dawladda Denmark ayaa ansixisay wax ka bedel lagu sameeyey xeer u ogolaanaya in ay dowladu sharciga kala noqon karto qaar ka mida dadka waddankaasi iska dhiiba ee loo aqoonsado qaxooti.

Waagii hore ,haddii qofku sharci ku leeyahay Denmark, dalkana degan yahay illaa toban sano wey adkeyd sida qofkaas loogala noqdo sharciga.

Kumanaan dhalinyaro Israa’iil ah oo socod ku maray Talaabiib si ay u dalbadaan in la sii daayo la haystayaasha

Khamiis -Dec:-28-2023-{HMC} Kumanaan dhalinyaro Israa’iili ah ayaa socod ku maraya Talaabiib si ay u dalbadaan in la soo celiyo la haystayaasha ku jira Qaza.

Ka qaybgalayaasha socodaalka ayaa socod ku maraya magaalada Qudus, waxayna gaari doonaan Knesset, baarlamaanka Israa’iil, gelinka dambe ee maanta.

Waxay ka soo ambabaxeen fagaaraha lagu lagu magacaabo la haystayaasha ee Tel Aviv ku yaalla maalintii Axadda.

Dhalinyaradu waxay ku baaqayaan heshiis cusub oo lagu soo celinayo la haystayaasha wali lagu haysto Gaza.

Israel oo dagaal xuduudeedka uga digtay Xisbullah iyo Lubnaan

Khamiis -Dec:-28-2023-{HMC} Wasiir ka tirsan Israa’iil ayaa ka digay in Israa’iil ayaa ku dhaqaaqi doonta sidii ay Xisbullah uga saari lahayd xadka ay la wadaagto Lubnaan, haddii ay sii socdaan weerarrada kooxda maleeshiyada ah.

Benny Gantz ayaa sheegay in militariga Israa’iil ay soo faragelin doonaan haddii ay xagjiriintu joojin waayaan rasaasta ay ku soo ridayaan waqooyiga Israa’iil.

Waqtigii xal diblumaasiyadeed wax lagu xalin lahaa ayaa sii dhamaanayay, ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, madaxa ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadu ay aad ugu diyaar garoobeen dagaallo kale oo ka dhaca waqooyiga.

“Hawsheenna ugu horreysa waa inaan soo celinno amniga iyo dareenka amniga dadka deggan waqooyiga, tanina waxay qaadan doontaa waqti,” ayuu yiri taliyaha guud Lt Gen Herzi Halevi, ka dib markii uu sameeyay “qiimeyn xaaladeed”.

Rasaasta la isku weydaarsanayaan xudduudaha ayaa sii kordhayay tan iyo markii Xamaas ay weerar ku qaadeen Israa’iil 7-dii Oktoobar.

Israa’iil oo sheegtay inta askari ee laga dilay tan iyo markii uu dagaalku billowday

Khamiis -Dec:-28-2023-{HMC} Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga falastiiniyiinta ayaa sheegtay in aysan jirin cunto ku filan marinka Qaza.

“Maalin walba waa halgan loogu jiro badbaadada, helida cunto iyo helida biyo,” ayuu yiri Thomas White, oo ah Agaasimaha UNRWA.

Hay’addu waxay intaa ku dartay in 40% dadka ay hadda halis ugu jiraan macaluul, loona baahan yahay gargaar dheeraad ah.