Home Blog Page 3017

{DAAWO SAWIRADA} Kulanka wada-sahqeynta Booliiska iyo Bulshada oo lagu so geba-gebeeyay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiran

Maxaas-29-Dec-2023 {HMC} Waxaa si rasmi ah degmada Maxaas loogu soo gebe-gebeeyay Kulanka wada-tashiga hey’adaha amniga iyo Booliiska oo ka socday halkaasi muddo shan maalin ah kaaasi oo ay iska kaashanayeen wasaaradda Amniga HirShabelle iyo Hey’adda IOM Kulanka inta uu socday waxaa si weyn looga hadlay caqabadaha ka jiro xiriirka Booliiska iyo Bulshada , Guddiyada Amniga , Kaalinta shacabka ee ka shaqeynta Nabad galyada iyo sidoo kale in kalsoonida shacabka ee Booliisku sare loo qaado .

Masuuliyiinta wasaaradda Amniga ayaa sheegay inay ka go’antahay in aad la’isagu tolo Dadweynaha iyo hey’adaha Amniga waxaana ay u mahadceiyeen Hey’adda IOM iyo sido kale dadka reer Maxaas oo kaalion fiican ka qaatay Barnaamijkani kalsooni dhisidda .

Bulshada ka qeyb-galeysay kulanka ayaa aad u soo dhoweysay Barnaamijkani iyaga oo dalbaday in la joogteyo kulannada noocdaan ah Maamulka degmada maxas aya u ballan qaaday Bulshada inay ka shaqeyn doonan nabad gelyada iyo hannaan daah-furan oo ay ku wada shaqeeyan hey’adaha Amniga iyo Booliiska iyaga oo kaashanayo Wasaaradda Amniga HirShabelle .

Kulankani ayaa ahaa kii ugu horreeyay oo noociisa lagu qabto degmada Maxaas ee Gobolka Hiiran.

Xayiraad lagu soo rogay xawaalado dhowr ah

Jimco Dec:-29-2023-{HMC} Mareykanka ayaa cuna-qabatayn ku soo rogay shirkado dhinaca xawaaladaha lacagta ah, oo laga kala leeyahay Turkiga iyo Yemen, kadib markii lagu eedeeyey inay gacan ka geysteen lacagaha loo dirayo kooxda Xuutiyiinta ee gacan-saarka la leh Iran.

 

Kooxdan ayaa lagu eedaynayaa weerarada ay ku qaaddo maraakiibta ganacsiga ee maraya dhinaca Koonfureed ee Badda Cas.

 

Shirkadaha lagu soo rogay cuna-qabataynta ayay ku jiraan qaar ku yaalla Sanca, iyo saddex xarumood oo dhinaca sarrifka lacagaha ah oo ku kala yaalla Turkiga iyo Yemen.

 

Wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka ayaa ku eedaysay in shirkadahan iyo shakhsiyaadka ku lug lehiba ay gacan ka geysteen in lacag malaayiin doollar ah loo xawilo kooxda Xuutiyiinta, iyada oo la raacayo tilmaamaha Sa’id al-Jamal oo ah fududeeye dhinaca maaliyadda ah oo u dhashay dalka Iran. Sa’id ayaa ka mida dadka cuna-qabatayntu saaran tahay.

 

Cuna-qabatayntan ayaa ka hor-istaagaysa shirkadahan iyo shakhsiyaadkani inay la baxaan hantida ka taalla Maraykanka iyo xataa lacagaha u yaalla baananka, isla markaana waxay ka hor-istaagaysaa inuu ganacsi dhexmaro shirkadaha ay leeyihiin muwaadiniinta Maraykanku.

 

Tallaabadan ay qaaday dawladda Maraykanku ayaa ah, tii ugu dambaysay ee ay ku bartilmaameedsanayso kooxda Xuutiyiinta.

 

Bilawgii bishan, waxaa Maraykanku ay ku dhawaaqeen cuna-qabatayn lagu soo rogay illaa 13 qof iyo shirkado lagu eedeeyey inay xuutiyiinta gaadhsiiyeen, alaabooyin ku kacaya tobanaan milayn oo dollar oo ka yimi dalka Iran.

{DAAWO MUUQAALKA} Ugaaska Xawaadle waxaa lagu duubi doonaa Baarta Degmada Maxaas”Guddoomiye Muumin Xalane”

Jimco Dec:-29-2023-{HMC} Ugaaska Xawaadle waxaa lagu duubi doonaa Baarta Degmada Maxaas”Guddoomiye Muumin Xalane”

Isku aadka Ciyaaraha dowlad goboleedyada ee maanta ka furmaya Muqdisho

0

Jimco Dec:-29-2023-{HMC} Waxaa Jimcaha maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya. Afrikada bari saacaddu markay tahay 3-da galabnimo, waxaa tartankaasi lagu daah furi doonaa kooxaha metelaya maamullada Galmudug iyo Hirshabelle.

Tartankan ayaa waxaa si aad ah loogu hadal hayaa magaalada Muqdisho, oo ah halka uu ka dhici doono kulankaasi.

Tartanka sanadkan waxaa ka qeyb galaya shan kooxood oo kala ah Galmudug, Hirshabelle, Juballand, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir.

Waxaa aan ciyaareyn oo tartankan ka maqan arrimo siyaasadeed awgood maamulka Puntland. Afarta kooxood ee ugu dhibcaha badan ayaa u soo gudbi doona wareegga afar-dhamaadka halka kooxda ugu dhibcaha hooseysa ay ka hari doonto tartanka ah mid is wada arag ah

HOOS KA AKHRISO ISKU AADKA TARTANKA

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 29/12/2023

Jimco December-29-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Yasiin Ali Ahmed 

Farsamadii :Abdirahma Macalin muse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

Ukraine oo lagu weeraray 158 gantaal iyo diyaarado dagaal

Jimco Dec:-29-2023-{HMC}  Milatariga Ukraine ayaa sheegay, in Ruushka uu Ukraine ku soo qaaday weerar dhanka cirka ah isagoo adeegsanaya 158 qaabood oo kala duwan oo ah weerarro dhanka hawada ah.

Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Ukraine, Valerii Zaluzhnyi, ayaa sheegay in Ruushka uu markii hore adeegsaday qaab ‘caadi ah’ oo uu soo daabulay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shaheed oo lagu farsameeyo gudaha dalka Iran.

Waxaa intaas daba socday adeegsiga ugu yaraan 55 gantaal oo nooca Cruise-ka ah, shan gantaal oo kuwa hawada sare loo diro ah iyo noocyo kale oo gantaallo ah.

Zaluzhnyi waxaa uu sheegay in Ukraine ay soo riday 27 kamid ah 36 diyaarado oo ah nooca aan duuliyaha lahayn oo laga leeyahay dalka Ruushka iyo sidoo kale 87 gantaal.

Maxay ilaa hadda ka wada hadleen Xassan Sheekh iyo Muuse Biixi?

Jimco Dec:-29-2023-{HMC} Waxaa ilaa xalay socday wadahadal u dhaxeeya madaxweyaha Soomaaliya, Xassa Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Shirkan ayaa si rasmi ah u frmay Khamiistii shalay, waxaana la filayaa in maanta mar kale la isku soo laabto si looga sii wada hadlo qodobo ay tahay inay ka hadlaan labada dhinac.

Maxeey Tahay Xiisada Adag ee ka taagan doorashada Puntland?

Jimco Dec:-29-2023-{HMC} – Xiisad xooggan ayaa ka taagan doorashada maamulka Puntland, gaar ahaan Xildhibaannada laga soo doorto SSC-Khaatumo.

Arrinta xiisadda ay hadda ka taagan tahay ayaa ah in Saciid Deni uu suuqa ka qortay 17-ka Xildhibaan ee laga soo doorto SSC, xilli Isimida dhaqanka SSC-Khaatumo ay sheegeen in aysan ka qeyb-galeyn doorashada Puntland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in 17 xubnood oo laga keenay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha xukuumadda Deni lagu daray liiska 66-ka Baarlamanka Puntland.

Xubnahan ayaa haysan saxiixa rasmiga ah ee Isimada iyo cuqaasha SSC-Khaatumo, oo iyagu dhawaan si buuxda u caddeeyay mowqifkooda doorashada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xubnaha uu soo xushay Siciid Deni ay qaarkood haystaan saxiixyo lagu been-abuurtay Isimada dhaqanka iyo cuqaasha SSC-Khaatumo.

Arrintaan ayaa waxaa si weyn uga horyimid musharaxiinta mucaaradka Puntland, oo digniin culus kasoo saaray. Sidoo kale waxaa soo baxeysa in tallaabadan isku maandhaafsan yihiin Deni iyo ku-xigeenkiisa Karaash.

Xiisadda ka taagan Xildhibaannada laga soo doorto deegaannada SSC ee 17-ka ah ayaa markale laga cabsi qabaa inay gacan ka hadal ka rido Garoowe, xilli lasoo warinayo in mucaaradka uu isku diyaarinayo qaadista tallaabo ka dhan ah isku-dayada Deni.

Si kastaba, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa xalay caddeeyey in haddii SSC ay noqoto maamul gaar ah aysan lumin doonin xuquuqda siyaasadeed ee beelaha SSC-Khaatumo ay ku leeyihiin maamulka Puntland.

“Waxaan ixtiraameynaa mudada ay qabsadeen, waxaana kula shaqey doonaa sida ay jecelyihiin, Cid walba waxaan ogeysiinayaa Puntland weli sidii lagu soo dhisay ayey ku dhisan tahay ilaa inta wax laga bedelayo xeerarka iyo qawaaniinta u taalla,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Bahda Ciyaaraha Baladweyne oo ku kala qeybsamay taageeridda Maamulka Hirshabelle.

Jimco Dec:-29-2023-{HMC} Bahda Ciyaaraha Baladweyne oo ku kala qeybsamay taageeridda Maamulka Hirshabelle.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Booliska soomaaliya oo soo saaray dhacdooyinka dalka ee Todobaadkii tagay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA