Home Blog Page 3016

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Kaahin oo Faah faahin ka bixiyay Warmurtiyeedkii wadahadalada DFS Soomaaliya iyo Somaliland

0

Jimco Dec:-29-2023-{HMC}  Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Maxamed Kaahin Axmed ayaa Warbaahinta u Faah faahin ka bixiyay Warmurtiyeedka Shirka Djibouti ee wadahadalada Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland’

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

 

War-murtiyeed laga soo saaray Wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland ku dhax maray Jabuuti

Jimco Dec:-29-2023-{HMC} War-murtiyeed ayaa caawa laga soo saaray Wadahadalladii shalay iyo maanta dalka Jabuuti uga socday madaxweynaha dowladad Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Qodobada lasoo saaray ee isku fahmeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi ayaa waxaa kamid ah in dib loo bilaabo wadahadaldii labada dhinac u socday iyo in 30-maalin gudahood labada dhinac isla meel dhigaan geedi-socodka wadahadalada.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ay fuliyaan heshiisyadii ay labada dhinac horey ugu gaareen Dalalka Turkiga, Ingiriiska iyo Jabuuti.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu cadeeyay in labada dhinac ku heshiyeen in iskaashi buuxa ka yeeshaan dhinacyada amniga ,ladagaalanka fal-dambiyeedyada abaabulan iyo in laga shaqeeyo gobolada ay colaaduhu ka jiraan in nabad laga hirgaliyo.

Galmudug iyo Hirshabeelle oo Ciyaartii Galabta ku kala Baxay Bar-Bardhac,yaasa Cayaarayo Maalinta Biri ah

0

Jimco Dec:-29-2023-{HMC} Waxaa goordhaw soo idlaaday kulankii ugu horeeyay ee ka tirsan tartanka Kubadda Cagta dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo galabta dhexnaray xulalka Galmudug iyo Hirshabeelle oo ciyaartooda kusoo dhamaaday barbaro gool iyo gool ah.

Raysal Wasaare Xamse ayaa  ugu horeyn ku bogaadiyey bahda ciyaaraha Soomaaliyeed sida ay ugu mideysan yihiin xoojinta is dhexgalka, nabadda iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Ciyaarta galabta dhexmartay xulalka Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa aheyd mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badnaa ee isha lagu haayay waxaana u daawasho tagay boqolaal dadweyne ah oo u badnaa taageerayaasha labada kooxood ee Galmudug iyo Hirshabeelle.

Maalinta berito ah haduu Alle idmo waxaa la ciyaari doona kulanka labaad ee tartankaan waxaana wada Ciyaari doona xulalka Banaadir iyo koonfur Galbeed.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 29/12/2023

jimco December-29-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdimajiid Abdirahman Aadan

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Kooxo hubaysan oo Muqdisho ku dilay xildhibaan hore.

0

Jimco Dec:-29-2023-{HMC} Allaha unaxariistee waxaa galabta degmada Wadajir ee Gobolka banaadir lagu dilay Ibraahim Saalax Deyfullaah oo ahaa Xildhibaan hore waxaana uu ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya.

Koox hubeysan ayaa toogteen Marxuumka xili uu ka so baxaayay masaajid ku yaala dagmada uu ka dhacay dilkiisa sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal.

Maamulka degmada wadajir iyo laamaha amnigu Soomaaliya wali kama hadlin dilka Allaha unaxariistee Xildhibaan hore Ibraahim Deyfullaah.

 

{DAAWO SAWIRADA} Tartanka Kubadda Cagta Dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo Maanta ka Furmay Muqdisho

0

Jimco Dec:-29-2023-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyqdda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta daah furay tartanka Dowlad-goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo ka bilowday Staudiom Muqdisho.

Kulanka daah-furka koobka oo ay ku tar tamayeen xulalka Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku bogaadiyey bahda ciyaaraha Soomaaliyeed sida ay ugu mideysan yihiin xoojinta is-dhexgalka, nabadda iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

“Ciyaarta macnaha ugu weyn waa in la is barto, isdhexgal yimaado, lagu saaxiibo, la isugu yimaado, sidoo kale, dadku waa wada farxsan yihiin. Waxaan rajaynayaa in sannad walba aynu isugu nimaadno jawigaan farxadeed oo kale”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay muhiimadda xasilinta amniga caasimaddu ay u leedahay horumarinta dhallinyarada, iyadoo jawiga nabadeed ee uu ku bilowday tartanku uu muujinayo dadaalka dowladdu ay ku bixisay xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho.

Furitaanka Koobka Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir waxaa ku weheliyey Ra’iisul Wasaaraha, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo bahda ciyaaraha ee heer Federaal iyo heer gobol.

{DAAWO MUQAALKA} Taliye Mahad salaad oo tagay garoonka ay ciyaarta ka socota iyo dhalinyarada oo uu gacan qaaday.

Jimco Dec:-29-2023-{HMC} Taliye Mahad salaad oo tagay garoonka ay ciyaarta ka socota iyo dhalinyarada oo uu gacan qaaday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Shacabka dhuusamareeb oo ka hadlay Ciyaartoydooda galabta la ciyaaraha kuwa Hirshabelle.

Jimco Dec:-29-2023-{HMC}  Shacabka dhuusamareeb oo ka hadlay Ciyaartoydooda galabta la ciyaaraha kuwa Hirshabelle.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Dowladda Deegaanka Soomaalida oo ka hadlay sida ay u qabteen hub rasaas iyo dadkii waday.

0

Jimco Dec:-29-2023-{HMC} Taliska Ciidamada Booliska Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ka warbixiyay qaabka ay u qabteen hub rasaas iyo dadkii watay.

Hubka rasaasta iyo dadkii watay ayaa maalmo ka hor lagu qabtay rugta baadhista magaalo qaran oo ku taalo Duleedka Magaalada Jigjiga ee Caasimada Maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA