Khamiis December-28-2023-{HMC} Ajaanib Dahab badan ka dhacay Muqdisho oo la qabtay
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBXINTA
Khamiis December-28-2023-{HMC} Ajaanib Dahab badan ka dhacay Muqdisho oo la qabtay
Khamiis December-28-2023-{HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn
Khamiis December-28-2023-{HMC} Ciidanka Boliiska degmada Wanlawayn oo la faraya inay ka fogaadaan arrimaha qabiilka”
Khamiis December-28-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ; shugei baryare maxuud iyo Mustaf ali adoow
Farsamadii :Kaafi Cismaan
Khamiis December-28-2023-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ugu ambabaxay magaalada Djibouti ee dalka Jamhuuriyadda Djibouti.
Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa ah in la sii ambaqaado dadaalka wadahadallka u dhexeeya DFS iyo Somaliland iyo xalinta colaadaha dalka ka aloosan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wafdiga uu horkacayo ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga ee DFS Mudane Jibriil Cabdirashiid iyo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga Gaarka ah ee wadahadalada DFS iyo Somaliland.
Dowladda aanu walaalaha nahay ee Djibouti ayaa martigelineysa dadaaladan socda, iyadoo dhanka Somaliland uu wadahadalka uga qeybgalayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Khamiis December-28-2023-{HMC} Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa Maanta oo khamiis ah ka dhoofay Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, iyaga oo kusii jeeday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Ujeedada safarkan weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo ayaa ah in halkaa laga sii amba qaado wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo ku bilaami doona heer Madaxweyneyaal.
Safarka shaqo ee Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa muddo kooban qaadan doona, waxana ku wehelinaya wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Axmed Maxamed Diiriye {Toorno}, Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Waxbarashada iyo xubno kale.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muuse Biixi ayaa sannadkii hore ugu kulmay magaalada Jabuuti, xilligaas oo labada madaxweyne Jabuuti u tageen ka qeyb galka Munaasabad ka dhaceysay dalkaasi.
Khamiis December-28-2023-{HMC} Madaxweyne xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Soomaaliland oo kulan yeelanaya.
Khamiis December-28-2023-{HMC} Gudoomiye Madaale “Is adkeeya oo difaacda Koobka Cayaaraha kubada Cagta
Khamiis December-28-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ; Abdi Rahman Macalin Muse
Farsamadii :Abdimajid Abdirahman Addan
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Khamiis December-28-2023-{HMC} Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland xalay waxaa ka dhacay dil ay labo sargaal oo katirsanaa ciidanka booliiska Puntland u geesteen nin oday ah iyo wiil uu dhalay oo booliiska la sheegay in ay doonayeen in ay soo xiraan.
Aabaha iyo wiilka uu dhalay ee dilka geestay oo lagu kala magacaabo Xuseen Muuse Faarax iyo Maxamed Xuseen Muuse ayaana dilka kaddib iyaga hubeysan goobta uu falka ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday.
Ciidanka booliska Puntland ayaa raadinaya labada eedeysane magalada Galkacayo gaar ahaan xaafadda Halabokhad ku dilay laba sarkaal oo booliiska qaybta gobolka Mudug ka tirsana, kuwaas oo lagu kala magacaabo X/le Xuseen Cabdul Cumar iyo X/le Sakariye Maxamed Diiriye iyagoo fulinayay waran loo soo jarey edeysanaha.
“Qofkasta oo garanaya halka ay joogaan waxa lagu boorinayaa in uu ka waco Ciidanka booliiska Puntland Tell: +252905500000 ama lambarka gaaban ee booliska 999 ama saldhiga booliiska ee kuugu dhow” ayaa lagu yiri qoraal ay baahiyeen booliiska Puntland.
Ciidamada booliiska Puntland ayaana xalay ilaa saakay wadaan howlgalo ay ku baadigoobayaan ninkan odayga ah iyo wiilkiisa ee ku eedeysan dilka labada sargaal ee katirsanaa booliiska magaalada Gaalkacyo ka howlgala.