Home Blog Page 3022

Caasimadda Hindiya oo ceeryaamo la isla arki la’yahay xilli ay baaqdeen in ka badan 100 duulimaad

Khamiis December-28-2023-{HMC}  Qabow aad u daran iyo ceeryaamo culus ayaa saameeyay isu socodka magaalada Delhi ee caasimadda Hindiya iyo qeybo kale oo ka tirsan waqooyiga Hindiya.

In ka badan 100 duullimaad iyo 25 tareen ayaa dib u dhacay xaaladda awgeed.

Magaaladu waxa ay la kulantay mid ka mid ah maalmaha ugu ceeryaamaha badan ee xilliga xagaaga ilaa hadda, iyadoo dadku ay la halgamayeen inay si cad wax u arkaan wax ka yar 50 mitir Arbacadii.

Ceeryaamo xooggan oo saaka aroortii dhacay ayaa sababay ciriiriga isu socodka gaadiidka iyo sidoo kale shilal ka dhacay meelaha qaar.

Shilalka ayaa laga soo sheegay meelo kale oo ka tirsan waqooyiga Hindiya.

Gobolka Uttar Pradesh ee deriska la ah, dhowr baabuur ayaa isku dhacay wadada weyn subaxnimadii Arbacada ka dib markii ceeryaamo culus ay hafiyeen gobolka.

Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay qaybaha baabuur burbursan oo yaalla wadada oo ceeryaamo ah.

Dhowr qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen shilkaasi balse ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay shilkaasi.

Xaalado ceeryaamo ah ayaa ku badan gobolkan inta lagu jiro xilliga xagaaga.

Cimilada qabow waxay sidoo kale ka socotaa qaybo badan oo ka mid ah gobollada waqooyiga ee Punjab, Haryana, Uttar Pradesh, Madhya Pradesh, Rajasthan, iyo Kashmir-ta ay Hindiya maamusho.

Waaxda saadaasha hawada ee Hindiya ayaa soo saartay digniin, iyadoo sheegtay in xaalado ceeryaamo ah la filayo shanta maalmood ee soo socota.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Goob fagaare ah uga jawaabay Su’aalo Shacabka weeydiiyeen

Khamiis December-28-2023-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay dood-furan oo si toos ah ay shacabka Soomaaliyeed ugu weydiinayeen su’aalahooda la xiriira dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada, qorshaha xasilinta, cunuqabateynta hubka ee la qaaday, qalabeynta iyo tayeynta ciidanka qalabka sida, bixitaanka ATMIS iyo Deynta Soomaaliya laga cafiyay.

Dagaalka ka dhanka ah argagixisada; Madaxweynaha ayaa soo bandhigay miro-dhalka wajiga koowaad ee howlgalka socda ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, waxa uuna tilmaamay in dowladdu ay diyaarinayso ciidamo si gaar ah uga shaqeeya amniga iyo difaaca deegaannada la xoreynayo.

“Bisha Tobonkeedii ilaa hadda waxaa socda howlgallo joogta ah, muddadaas ilaa hadda waxaa lagu guuleystay xoreynta deegaanno badan. Dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay u wada taagan yihiin xoreynta dalka. Qabaa’il badan ayaa wada-yeeshay iskaashi ay ku cirab-tirayaan argagixisada.”

Amniga iyo Bixitaanka ATMIS;

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee AMISOM ay ka qaateen nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna muujiyey sida uu uga faraxsan yahay in Ciidamada Soomaaliyeed ay soo gaareen marxalad ay ku hantaan sugidda amniga Madaxda, Hay’adaha dowladda iyo hoggaanka dalka.

“Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa in amnigeyga ay ilaaliyaan wiilal Soomaaliyeed, haybad iyo nasiib gaar ah ayeeyna ii tahay in aan noqdo Madaxweynihii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee ay ammaankiisa si buuxda u ilaaliyaan ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, tan iyo burburkii dalka”.

Deyn cafinta iyo kobaca dhaqaalaha;Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay natiijada laga filanayo deynta laga cafiyey dalkeenna, waxa uuna xusay in sannadkan 2023 uu kobcay dhaqaalaha 14%, waxa ayna dowladdu higsanaysaa in sannadka cusub la gaarsiiyo kobac dhan 22%, taas oo ay barbar socota yareynta fakhriga iyo saboolnimada oo la yareeyey lana gaarsiiyey 54%,halka uu horey u ahaa 69%.

“Horumarka dal waa in uu leeyahay hiigsi fog. Sida aan u sheegnay, sannadkan iyo sanadka xiga ugama gudbi karno caqabadaha jira, waana sababta aan u keennay hiigsiga 2060. Soddon iyo Todoba sano oo hadda kaddib ah, Soomaaliya side u ekaanaysaa in aan maanta gaarno go’aankeeda.”

Dhameystirka Dastuurka;

Madaxweynaha oo ka jawaabay weydiimaha dastuurka ayaa waxa uu yiri “Qabyo tirka Dastuurku dib u dhacyo badan ayuu lasoo kulmay, waxaana isku soo dhiibay Baarlamaano kala duwan oo uu waqtigu ka dhammaaday iyaga oo ka shaqeynaya. Waxaa naga go’an in uusan muddoo xileedkan nala dhaafin, dhammeystirkiisana waxaa asal u ah rabitaanka ummadda Soomaaliyeed. Qaabka aan anigu jeclahay waxaa ka muhiimsan rabitaanka inta badan bulshada Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka jawaabay su’aalo laga soo weydiiyey daafaha dunida oo ku saabsan sarreynta sharciga, wadashaqeynta hay’adaha dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, dib u heshiisiinta iyo xiriirka caalamiga ah.

Musharraxiinta Mucaaradka Puntland oo kalsoonidii kala laabtay guddiga ansixinta xubnaha Baarlamaanka Maamulkaas.

0

Arbaco December-27-2023-{HMC} Musharraxiinta madaxtinimada Maamulka Puntland ee Mucaaradka ayaa ku dhawaaqay inay kalsoonidii kala laabteen guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka, ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay madaxweyne Deni kala shaqeynayaan inuu boobo kuraasta baarlamaanka.

15 musharrax oo ku midaysan bayaan ay soo saareen ayaa waxay ku sheegeen, in cawaaqib xumada ka dhaalata boobka kuraasta baarlamaanka, ay qaadi doonaan guddiga xallinta khilaafaadka iyo madaxweyne Deni.

Musharraxiintu waxay sheegeen in madaxweyne Deni uu bilaabay inuu suuqa ka qorto xildhibaanada SSC- Khaatumo, islamarkaana ay guddiga xallinta khilaafaadku u meel mariyeen.

Si looga hortagga boobka kuraasta SSC, Waxay sheegeen in doorashada lagu galo 49 xildhibaan, maaddaama ay sheegeen in madaxweyne Deni uu diiday in heshiis siyaasadeed laga gaaro habka ay ku imaanayaan 17-ka xildhibaaan ee SSC- Khaatumo.

{DAAWO MUQAALKA} Maxey tahay Sharuudaha ay ku xirtay SSC- Khaatumo siidaynta maxaabiista Soomaaliland

0

Arbaco December-27-2023-{HMC} Cabdiqaadir Axmed Firdhiye Hogaamiyaha maamulka SSC- Khaatumo, ayaa sharuudo ku xiray siidaynta maxabiista ciidamada Somaliland ee lagu qabtay dagaaladii ka dhacay gobolka Sool.

Madaxweynaha SSC- Khaatumo wuxuu sheegay, siidaynta maxaabiista Somaliland in ay ku imaan karto marka la gaaro heshiis nabadeed oo buuxa, islamarkaana maamulka Soomaliland uu joojiyo sida uu sheegay daandaansiga uu ku doonayo inuu kusoo duulo degaannada SSC.

“Inta Muuse uu leeyahay waan soo dagaalamayaa, waan is dilaynaa, maxaabiis baan kaa qabsanayaa, adiguna iga qabso, siidayntu wax dhan dhan ah sameyn mayso,” ayuu yiri madaxweyne Firdhiye.

Madaxweyne Firdhiye ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan qiyaastii 292 maxbuus ah, kuwaas oo uu sheegay inay ku xiran yihiin labo xabsi oo kuyaala magaalada Laascaanood, halkaasna ay ku haystaan daryeel joogto ah sida uu sheegay nadaxweynuhu.

Wuxuu sheegay in hal maxbuus oo kamid ah maxaabiista uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, halka labo kaloo qabay dhaawacyo culus lagu wareejiyay qoysaskooda iyadoo loo marayo hay’adda ICRC.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 27/12/2023

Arbaco December-27-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdi Rahman Muse Osman

Farsamadii :Cabdimajiid Abdi Rahman Adan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Waa kuma taliyaha sare ee Iiraan looga dilay gudaha Suuriya?

Arbaco December-27-2023-{HMC} Madaxweynaha Iiraan Ibraahim Raisi aya ku hanjabay dalkiisu inuu ka aargoosan doono dilka taliye sare oo ka tirsan ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan kaas oo ka dhacay dalka Suuriya, isla markaana lagu eedeeyay in ay ka danbeeysay Israa’iil.

War qoraal ah oo laga soo saaray dilka Razi Mousavi oo ka mid ahaa taliyayaasha ugu sarreeya ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayuu Madaxweyne Ibraahim Raisi carabka ku adkeeyay in “Israa’iil ay ka shaleyn doonto danbiga dilka mas’uulka sare”.

Xussen Amir Abdollahian, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sidoo kale ugu hanjabay Israa’iil in ay tallaabo ka qaadi doonaan kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee horey loo oran jiray Twitter.

Sidoo kale bayaan kasoo baxay taliska ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa lagu sheegay in Sarreeye Guuto Razi Mousavi, oo ahaa taliyaha ugu sarreeya ciidanka Iiraan ee Suuriya ku sugan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Mousavi uu ahaa lataliye sare oo ka tirsan ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan iyo in uu si gaar ah “mas’uul uga ahaa taageeridda jabhadda iska caabbinta” ee Suuriya.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa ku tilmaamay Israa’iil in qaadi doonto mas’uuliyad weerarkana ayna qaadi doonaan cawaaqibka ka dhasha arrintaan.

Razi Mousavi iyo Qassem Soleimani

Telefishinka qaranka Iiraan ayaa ku dhawaaqay in Mousavi lagu bartilmaameedsaday “saddex gantaal” oo ku dhacay deegaanka Saynabiyaha ee magaalada Dimishiq, waxaana uu baahiyay muuqaalo muujinaya qiiq aad u xoogan oo ka baxaya goobta uu gantaalku ku dhacay.

Xuseen Akbari, safiirka Iran ee Suuriya, ayaa sheegay in Mousavi uu ku sugnaa xafiiskiisa oo ku yaalla dhismaha safaaradda Iiraan ilaa 2:00 duhurnimo, ka dibna uu aaday gurigiisa.

Sida laga soo xigtay safiirka Iiraan, guriga Mousavi ayaa la beegsaday 3:00 PM, waxaana meydkiisa lagu tuuray daaradda guriga.

Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in weerarkaan lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo gacansaar la leh Iiraan iyo Xisbullaah.

Israa’iil kama aysan hadlin arrintan, laakiin Nasir Kanani, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan, isagoo cambaareeyay Israa’iil, wuxuu ku nuuxnuuxsaday xaqa ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah u leedahay inay “qaadato tallaabooyinka lagama maarmaanka ah oo ay uga jawaabto tallaabadan waqtiga iyo goobta saxda ah”.

Arday ka tirsan Jaamacadda Teran oo ku taal meel ka soo horjeedda xarunta Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa dhigay isku soo bax ay ku dalbanayaan in loo aaro sarkaalkan.

Waa kuma Razi Mousavi?

Wuxuu mas’uul ka ahaa isku-dubbaridka isbahaysiga milatari ee u dhexeeya Suuriya iyo Iiraan, waa uu ahaa hoggaamiyaha qayb muhiim ah oo ka mid ah shabakadda gobolka ee Iran xulafada iyo wakiillada bariga dhaxe.

Mousavi waxaa uu ahaa mid ka mid ah taliyeyaasha ugu da’da weyn ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan, wuxuuna ka shaqeynayay dalalka Suuriya iyo Lubnaan ilaa 80-meeyadii.

Waxaa la sheegay in Razi Mousavi uu taariikh dheer ku lahaa dalka Suuriya, wuxuuna xiriir dhow la lahaa Qassem Suleeymaan , taliyihii hore ee ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabcday wakaaladda wararka Iiraan, waxaa uu ka mid ahaa saraakiil la socotay Qassem Suleeymaan, kaasoo lagu dilay weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay ka fuliyeen Ciraaq 2020.

Ma ahan markii ugu horreysay oo mid ka mid ah ciidamada Iiraan ee fadhigoodu yahay Suuriya la dilo.

Dhowr jeer oo hore, tiro ka mid ah ciidamada la taliyayaasha Iiraan ayaa lagu dilay Suuriya, kuwaas oo qaarkood ay ahaayeen taliyayaal sare.

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo ka hadlay weerarada maal mahaan Lagu haayo shirkadda Isgaarsiinta Hormuud

0

Arbaco December-27-2023-{HMC} Booliska dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay baaritaannada iyo howl-galka ay ka sameynayaan waddooyinka Muqdisho qaarkood, iyaga oo sheegay in arrintaasi ay uga gol leeyihiin xaqiijinta amniga caasimadda oo aad usoo hagaagay.

Dhinaca kale, booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ay baaritaan ku billaabeen weeraro dhowr ah lagu qaadayay shirkadda isgaasriinta Hormuud.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBXINTA 

Soomaaliland oo amaro ku soo rogtay Television Universal

Arbaco December-27-2023-{HMC} Soomaaliland ayaa Television Universal xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ku amartay in uu joojiyo doodo uu qaban jiray oo ay sheegtay in ay lidi ku yihiin anshaxa suuban iyo dhaqanka.

 

Amarkan manata kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta ayaa lagu sheegay in muuqbaahiyahan laga mamnuucay doodo uu in mudo ahba qabanayay, kuwaasi oo ku sal lahaa arrimaha qoyska, kuwaasi oo bulshadu ay fikrado kala duwan ka qabeen waxtarkooda iyo waxyeeladooda.

 

Television Universal ayaa dhawaan qabtay dood ku sal leh qabiil iyo qoomiyado, isaga oo baahiyay dood lagu falanqaynayay qaybo kamid ah qabiilada Soomaaliyeed iyo qoomiyada Oromada, taasi oo ay xukuumadu ku tilmaantay wax anshaxa ka baxsan.

 

HOOS KA AQRI AMARKA AY SOMAALILAND KU SO ROGTAY UNIVERSAL TV

Netanyahu oo ka jawaabay hadalkii adkaa ee Erdogan maanta sheegay

Arbaco December-27-2023-{HMC} Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa hadalka Erdogan kaga jawaabay “Madaxweynaha Turkiguu waa qofka ugu dambeeyay ee casharro akhlaaqeed u sheegi kara Israa’iil.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ayuu Netanyahu ku yiri: “Erdogan oo xasuuq u geystay Kurdiyiinta, isla markaana heysta rikoorka adduunka ee xarigga suxufiyiinta ka soo horjeeda xukunkiisa, waa qofka ugu dambeeya ee na siin kara casharro akhlaaqeed”.

Erdogan oo Netanyahu la barbardhigay Hitler

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa xasuusiyay in 80 maalmood ay ka soo wareegatay markii ay bilowdeen weerarada Israa’iil ee Qasa, wuxuuna yiri “Dhammaan qiyamka bini’aadminimada waxaa lagu toogtay indhahayaga hortooda muddo 80 maalmood ah.”

Edogan oo ka hadlayey sannad-guurada 100-aad ee TÜBİTAK iyo TÜBA ee Abaalmarinta seyniska, ayaa yidhi, “Waxaan daawannay dhacdadii garoomada Naasiga Israa’iil ee xeryaha, sax? Waa shaqo caynkee ah tani? Waad ogtahay, inay si yaab leh uga hadli jireen Hitler. “Sidu kaga duwan yahay Hitler?” ayuu weydiiyey, isaga oo sii watay sidatan.

“Waa maxay farqiga u dhexeeya adiga iyo Hitler? Kuwani waxay noo for seedayaan inaan dib u eegno Hitler. Ma jiraan wax ka haray ficillada Netanyahu marka la barbar dhigo kuwii Hitler? Maya. Hitler ma ahayn nin taajir ah. Ninkani waa ka hanti badan yahay Hitler. Waxay taageero ka helaan reer galbeedka, dhammaan taageerada nooc kasta ah waxay ka timaadaa Maraykanka, dhammaan taageeradaas, waxaa lagu dilay in ka badan 20 kun oo reer Qasa ah. “Codka u taagan kuwa dulman waa codkii Turkida Muslimiinta ah.”

Soomaaligii magaaladiisa u diiday Trump oo ka mid noqday liiska Afrikaanka ugu saameynta badan

Arbaco December-27-2023-{HMC} Magid Magid waa Maayarkii hore ee magaalada Sheffield ee UK, iyo xubin hore oo baarlamaanka Yurub ah (MEP) ee Yorkshire iyo Humber.

Magid Magid waxa uu ku dhashay magaalada Burco. Ka hor inta aysan qoyskiisa UK imaanin, waxay muddo lix bilood ah ku jireen xero qaxooti ah oo ku taalla dalka Itoobiya. Sannadkii 1994-kii ayay qoyskiisa oo ka koobnaa Lix caruur ah iyo hooyadii u suurogashay in ay UK ka helaan dib u dejin, gaar ahaan magaalada Sheffield.

Waxa uu ku koray Sheffield, oo uu kaga baxay Iskuulka Fir Vale ee isla Sheffield, ka hor inta uusan Jaamacadda Hull ka bararnin cilmiga noolaha biyaha ku jira, ka dibna waxa uu shahaadada labaad ee Masterka ee hoggaaminta horumarka waara ka qaatay Jaamacadda Queen’s, Belfast, sida uu  sheegay

Magid wuxuu markii ugu horreysay soo shaac baxay ka dib markii uu noqday ninkii ugu da’da yaraa ee maayir ka noqda magaalada Sheffield, qaab hoggaamintiisa gaarka ah ayaa durbadiiba qabsatay cinwaanada warbaahinta iyo baraha kala duwan ee bulshada.

Waxa uu ahaa nin u ololeeya qaxootiga, deegaanka iyo cadaalada bulshada.

Magid ayaa sheegay in uusan wax badan ka xusuusan carruurnimadiisi isla markaana uusan dib ugu laaban dalkii uu ku dhashay.

“Waxaan xusuustaa in aan faraxsanaa oo aan iska ciyaari jiray si la mid ah carruurta kale,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in noloshu ay adkayd markii isaga iyo qoyskiisa ay yimaadeen UK, gaar ahaanna barashada luuqadda Ingiriiska iyo in ay nolosha cusub la qabsadaan.

Wixii dhexmaray Magid Magid iyo Trump

Magid Magid ayaa waxaa la yaabay dad badan ka dib markii uu magaaladii uu maayarka ka ahaa ee Sheffield “ka mamnucay” madaxwaynihii Mareykanka Donald Trump oo xilligaasi booqasho ku joogay Britain.

Magid ayaa ku dhawaaqay go’aankan mar uu shir guddoominayay golaha deegaanka Sheffield “arrintaasi oo garab istaag loogu muujinayay dadka reer Mexico”, sida uu sheegay.

Waxa uu markaas Donald Trump ku tilmaamay “Nin nacas ah” ayadoo laga mamnuucay magaalada” qiimaha badan” ee Sheffield.

Balse waxaa go’aankaasi ka so horjeestay qaar ka mid ah golaha deegaanka magaalada Sheffield, kuwaas oo sheegey in Maayarka uusan lahayn awood sharci oo uu Trump kaga mamnuuci karo booqashada magaaladaasi.

Ka dib Magid ayaa markaas bartiisa twitter-ka ku soo qoray: “Aniga oo ah Magid Magid, Maayarka iyo muwaadinka ugu horreeya ee magaaladan waxaan halkan ku caddaynayaa in aanu Donald J Trump kaliya ahayn NACAS, balse sidoo kale hadda ka dib laga mamnuucay magaalada weyn ee Sheffield!.

Sida uu indhaha caalamka u soo jiitay

Dhanka kale waxaa dunida caan ka noqday sheekooyinkiisa oo xitaa uu ka mid yahay Iskuulka Crocker Farm Elementary ee Amherst, oo ay dhigtaan ardey ka soo jeedda qaaradda Afrika.

Jean Fay oo macallimad ka ah Iskuulkaasi ayaa sheegtay in laba arday oo ka soo kala jeeda dalalka Sri Lanka iyo Cape Verde ay aad u soo jiidatay heerka uu gaaray Magid oo iyaga la mid ahaa markii uu dalka imanayay.

labadan ardey ayaa mar kasta akhriya taariikhda ninkan indhaha caalamka soo jiitay ee markii uu dalkan imanayay ku hadlayay luuqad ka duwan tan dalka looga hadlo, sida iyaga oo kale.

Sidee loo soo xushaa xubnaha liiska ku qoran

Africa Report waxay sheeegeen in laba qaab ay u xushaan dadka ay liiskan ku soo daraan.

Tan hore ayaa ah inay egaan dadka aan aadka loo aqoon ee aan aadka uga soo muuqan warbaahinta. Waxay kaloo sheegeen in liiska lagu soo darao dadka magaca leh, dadka wanaagsan, dadka xun iyo kuwa leh saamaynta aan fiicnayn uuna baaritaan ku socdo ama dacwado loo haysto.

Tan labaad ayaa waxay tahay inay soo bandhigaan dadka tusaale u noqon kara wax dhaafsiisan shaqsiyadooda. Bil matal, dadka diin ahaan saamaynta leh sida iimaamayada iyo baadariyada saamaynta leh. Waxaa kalo iyagana ku jira hay’adaha haga ra’yul caamka, iyo kuwa ka shaqeeya in isbeddel lagu sameeyo nolosha dadka.

Tirada dadka iyo hay’adaha la isku keeno oo boqolaal gaaraya ayaa laga xushaa 50 sida lagu qoray barta majalladan