Home Blog Page 303

Trump dismisses US intelligence that Saudi prince was likely aware of 2018 killing of journalist

0

Wednesday November 19, 2025 {HMC} President Donald Trump on Tuesday dismissed U.S. intelligence findings that Crown Prince Mohammed bin Salman likely had some culpability in the 2018 killing of Washington Post journalist Jamal Khashoggi as Trump warmly welcomed the de facto ruler of Saudi Arabia on his first White House visit in seven years.

The U.S.-Saudi relationship had, for a time, been sent into a tailspin by the operation targeting Khashoggi, a fierce critic of the kingdom.

But seven years later, the dark clouds over the relationship have been cleared away. And Trump is tightening his embrace of the 40-year-old crown prince, who he said is an indispensable player in shaping the Middle East in the decades to come.

Trump in his defense of the crown prince derided Khashoggi as “extremely controversial” and said “a lot of people didn’t like that gentleman.” Prince Mohammed denies involvement in the killing of Khashoggi, who was a Saudi citizen and Virginia resident.

“Whether you like him or didn’t like him, things happen,” Trump said when asked about the killing by a reporter during an Oval Office appearance with Prince Mohammed. “But (Prince Mohammed) knew nothing about it. And we can leave it at that. You don’t have to embarrass our guest by asking a question like that.”

But U.S. intelligence officials determined that the Saudi crown prince likely approved the killing by Saudi agents of U.S.-based journalist inside the Saudi consulate in Istanbul , according to U.S. findings declassified in 2021 at the start of the Biden administration. Trump officials, during his first administration, refused to release the report.

Prince Mohammed said Saudi Arabia “did all the right steps” to investigate Khashoggi’s death.

“It’s painful and it’s a huge mistake,” he said.

Trump, who said the two leaders have become “good friends,” even commended the Saudi leader for strides made by the kingdom on human rights without providing any specific detail.

New investment from Saudis
The crown prince for his part announced Saudi Arabia was increasing its planned investments in the U.S. to $1 trillion, up from $600 billion that the Saudis announced they would pour into the United States when Trump visited the kingdom in May.

Echoing rhetoric that Trump likes to use, the crown prince called the U.S. the “hottest country on the planet” for foreign investment.

“What you’re creating is not about an opportunity today. It’s also about long-term opportunity,” Prince Mohammed said.

Trump’s family has a strong personal interest in the kingdom. In September, London real estate developer Dar Global announced that it plans to launch Trump Plaza in the Red Sea city of Jeddah.

It’s Dar Global’s second collaboration with the Trump Organization, the collection of companies controlled by the U.S. president’s children, in Saudi Arabia.

Trump pushed back on suggestions that there could be a conflict of interest in his family’s dealings with the Saudis.

“I have nothing to do with the family business,” Trump said.

Trump’s comments about Khashoggi’s killing and defense of his family’s business in Saudi Arabia were blasted by human rights and government oversight activists.

Human rights groups say Saudi authorities continue to harshly repress dissent, including by arresting human rights defenders, journalists and political dissidents for criticism against the kingdom. They also note a surge in executions in Saudi Arabia that they connect to an effort to suppress internal dissent.

“President Trump has Jamal Khashoggi’s blood on his hands,” said Raed Jarrar, advocacy director for DAWN, a U.S.-based group advocating for democracy and human rights in the Arab world that was founded by Khashoggi.

Rolling out the red carpet

Trump warmly received Prince Mohammed when he arrived at the White House Tuesday morning for a pomp-filled arrival ceremony that included a military flyover and a thundering greeting from the U.S. Marine band.

Technically, it wasn’t a state visit, because the crown prince is not the head of state. But Prince Mohammed has taken charge of the day-to-day governing for his father, King Salman, 89, who has endured health problems in recent years.

Later, Trump and first lady Melania Trump welcomed the crown prince for a black-tie dinner in the White House East Room. The boldface names who attended included Nvidia CEO Jensen Huang, tech entrepreneur Elon Musk and soccer star Cristiano Ronaldo.

Trump at the dinner announced he was designating Saudi Arabia as a major non-NATO ally. The designation, while largely symbolic, provides foreign partners with certain benefits in the areas of defense, trade and security cooperation.

The president also announced that the two leaders had signed a new defense agreement, but the White House did not immediately release details of the pact. Ahead of the visit, the Saudis had signaled they were looking for formal assurances from Trump defining the scope of the U.S. military protection for the kingdom.

“A stronger and more capable alliance will advance the interests of both countries,” Trump said. “And it will serve the highest interest of peace.”

Fighter jets and business deals

On the eve of Prince Mohammed’s arrival, Trump announced he had agreed to sell the Saudis F-35 fighter jets despite some concerns within the administration that the sale could lead to China gaining access to the U.S. technology behind the advanced weapon system. The White House announced the two leaders formalized the F-35 agreement Tuesday as well as a deal for the Saudis to purchase nearly 300 tanks from the U.S.

They also signed agreements signifying closer cooperation on capital markets and critical minerals markets, as well as efforts against money laundering and terrorist financing.

Trump’s announcement on the fighter jets was surprising because some in the Republican administration have been wary about upsetting Israel’s qualitative military edge over its neighbors, especially at a time when Trump is depending on Israeli support for the success of his Gaza peace plan.

Abraham Accord talks

The visit comes at a moment when Trump is trying to nudge the Saudis toward normalizing relations with Israel.

The president in his first term had helped forge commercial and diplomatic ties between Israel and Bahrain, Morocco and the United Arab Emirates through an effort dubbed the Abraham Accords.

Trump sees expansion of the accords as essential to his broader efforts to build stability in the Middle East after the two-year Israel-Hamas war in Gaza. Getting Saudi Arabia — the largest Arab economy and the birthplace of Islam — to sign on would spur a domino effect, he argues.

But the Saudis have maintained that a path toward Palestinian statehood must first be established before normalizing relations with Israel can be considered. The Israelis remain steadfastly opposed to the creation of a Palestinian state.

“We want to be part of the Abraham Accords, but we want also to be sure that we secure a clear path of a two-state solution,” Prince Mohammed said.

___

AP writers Josh Boak, Fatima Hussein, Seung Min Kim, Michelle L. Price and Darlene Superville contributed to this report.

Source AP

{DAAWO MUQAALKA} Faahin Faahin-Duqeeyn Lagu dilay Madax ka tirsan daacish.

0

Abaco 19,Nov 2025 {HMC} Faahin Faahin-Duqeeyn Lagu dilay Madax ka tirsan daacish.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Dowlada Soomaaliya oo Soo Kordhisay Nidam Lagula Socono Maraakiibta iyo Badeecadaha Isticmaalo Bada.

0

Abaco 19,Nov 2025 {HMC}  Dowlada Soomaaliya oo Soo Kordhisay Nidam Lagula Socono Maraakiibta iyo Badeecadaha Isticmaalo Bada.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Calanka Israa’iil oo Lagu Arki Doono Sacuudi Carabiya kadib Heshiis dhacay.

0

Abaco 19,Nov 2025 {HMC} Calanka Israa’iil oo Lagu Arki Doono Sacuudi Carabiya kadib Heshiis dhacay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

Israa’iil iyo Lubnaan oo si kala duwan uga hadlay duqeyn ka dhacday xero qaxooti

Arbaco Nov 19, 2025 {HMC} Militeriga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqaymo ku dileen dagaalyahannada Xamaas oo ku sugnaa xero qaxooti Falastiiniyiin ah oo ku taalla dalka Lubnaan.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex iyo toban qof lagu dilay xero qaxooti oo ku taalla koofurta dalkaas oo ay ku jiraan Falastiiniyiin.

Xamaas ayaa cambaareysay weerarka.

Israa’iil ayaa weerarro joogto ah ku qaadda dadka iyo goobo ku yaalla Lubnaan tan iyo intii la saxiixday heshiis lagu doonayay in lagu soo afjario kooxda ay Iiraan taageerto ee Xisbullah.

Inta badan weerarrada ayaa lagu beegsaday Xisbullah balse Israa’iil ayaa sidoo kale Xamaas ku weerarta gudaha dalka.

“Tani waa qolka ay ku dileen dhamaan qoyskeyga.”

0

Arbaco Nov 19, 2025 {HMC}  Daqarrada rasaasta ayaa ka muuqda albaabka weyn ee gurigan ku yaal magaalada Haditha ee Ciraaq. Tani waa gurigii uu ku soo barbaaray Safa Younis, waxaana Safa Younis ay taagantahay mid ka mid ah qolalka iyad oo sheekada ka warrameysa.

Sariirta qolka jiifka ee dhabarka guriga oo ay saarneyd busto midabbo leh ayay ahayd meesha qoyskeeda lagu toogtay.

Halkaan ayaa ahayd meesha ay Safa isku qarinayeen iyada oo la joogtay shan walaalaheeda ah, hooyadeed, iyo ayeeyadeed markay ciidamada Maraykanku xoog ku soo galeen guriga oo ay rasaas fureen, taas oo ay ku geeriyoodeen dhammaan dadkaas oo dhan marka laga reebo Safa.

Aabbaheed waxaa lagu toogtay isagoo furay albaabka weyn ee guriga.

Hadda, 20 sano ka dib, baaritaan ay sameysay BBCI ayaa lagu caddeyn muujinaysa in labada askari ee ku lug lahaa dilka qoyskeed aan marnaba la maxkamadeyn.

Caddeymaha iyo marag-furka soo baxay kadib dhimashadan ma aha oo kaliya inay shaki geliyeen baaritaankii Maraykanka, balse waxay sidoo kale keeneen su’aalo culus oo ku saabsan sida lola xisaabtamo ciidamada qalabka sida ee Maraykanka.

Dilka qoyskii Safa wuxuu ka mid ahaa xasuuqii Haditha, markii ciidamada Maraykanka ay dileen 24 qof oo rayid ahaa oo Ciraaqiyiin ah, oo ay ku jireen afar dumar ah iyo lix caruur ah.

Askarta Mareykanka ayaa sheegay inay ka jawaabayeen rasaas kadib markii bam jidka lagu aasay uu qarxay, kaas oo dilay hal askari oo ka tirsan kooxdooda isla markaana dhaawacay laba kale.

Safa waxay jirtay 13 xilligaas. “Wax nalooma reeban waxba. Xitaa hub kamaanu haynin guriga,” ayay u sheegtay BBC World Service.

Safa waxay jiifatay iyadoo iska dhigaysa inay dhimatay, iyadoo dhex taal meydadka walaasheed iyo walaalkeed. Walaasheed ugu yareyd waxay jirtay saddex sano.

“Aniga ayaan ahaa ilmaha kaliya ee ka badbaaday qoyskeygii oo dhan,” ayay tiri.

Afarta askari ayaa markii hore lagu soo oogay dacwad dil ah, balse waxay bixiyeen warbixino iska hor imanaya, waqti ka dibna, garsoorayaasha militariga Mareykanka waxay iska daayeen dacwadihii saddex ka mid ah, iyaga oo siiyay difaac ka dhan ah tallaabo sharciyeed oo dambe.

Intaas kadib, hoggaamiyaha kooxda Staff Sergeant Frank Wutrich ayaa noqday qofka keliya ee la hor geeyay maxkamadda sanadkii 2012.

Diiwaangelin muuqaal ah oo la sameeyay ka hor maxkamadeynta, oo aan hore loo baahin, ayaa lagu wareystay xubin ka tirsan kooxda, Lance Corporal Humberto Mendoza, waxaana dib loo eegay dhacdooyinkii ka dhacay guriga Safa.

Mendoza, oo aan waligiis lagu soo oogin eedeymo la xiriira dilalkaas, ayaa qirtay inuu dilay Safa aabbaheed markuu u furay albaabka ciidamada.

Muuqaalka, qareen ayaa weydiinaya, “Ma aragtay gacmahooda?”

Mendoza wuxuu ku jawaabay, “Haa, mudane,” wuxuuna xaqiijiyay in aabbaha Safa uusan hubaysnayn.

Qareenku wuxuu mar kale weydiiyay, “Laakiin waad toogateen?”

Mendoza ayaa ku jawaabay: “Haa, mudane.”

Bayaanadiisii rasmiga ahaa, Mendoza markii hore wuxuu sheegay in markii uu guriga galay uu furay albaabka qolka jiifka ee ay ku jireen Safa iyo qoyskeeda, laakiin markuu arkay in haween iyo carruur keliya ay ku jiraan, uusan gelin qolka ee uu dib u xirtay albaabka.

Si kastaba ha ahaatee, cod cusub oo laga helay dhageysiga maxkamadda Woutrich ayaa lagu maqlayaa Mendoza oo bixinaya bayaan ka duwan kii hore.

Waxay yiraahdeen waxay galeen qiyaastii siddeed tallaabo oo gudaha qolka jiifka ah.

Sida uu sheegay khabiirka baaritaanka danbiyada Michael Maloney, tani waa arrin aad muhiim u ah.

Hay’adda NCIS (Naval Criminal Investigation Service) ayaa u dirtay Haditha si uu u baaro dilalkii ka dhacay 2006, halkaas oo uu ka baaray qolka jiifka ee qoyskii Safa lagu laayay.

Isagoo adeegsanaya sawirradii goobta dambiga ee ay xilligaas qaaday Ciidanka Badda (Marine Corps), Maloney wuxuu ku soo gabagabeeyay in laba askari ay galeen qolka oo ay toogteen haweenkii iyo carruurtii.

Markaan u cayaarnay duubista Mendoza oo ka hadlaya gelitaanka qolka, Maloney wuxuu yiri: “Waxaan maqalnay wax naxdin leh, weligayna ma maqal ilaa maanta.”

Waxay sheegeen in hadalkani muujinayo meesha uu Mendoza ka taagnaa qolka, taas oo Maloney ka caawisay inuu go’aamiyo in ninkii koowaad ee rasaasta furay uu taagnaa agagaarka sariirta.

“Haddii aad i weydiiso in tani ay u egtahay qirasho? Waxaan odhan lahaa haa, Mendoza wuxuu qirtay wax walba marka laga reebo inuu isagu si toos ah u riday rasaasta.”

Safa waxey bixisay bayaan muuqaal ah oo loo gudbiyay dacwad-oogayaasha militariga 2006, balse waligiis maxkamadda laguma soo bandhigin.

Isaga oo hadlaya ayuu ku sharaxay sida askarigii furay albaabka qolka jiifka uu gudaha u soo tuuray bambaano aan qarxin, dabadeed isla ninkaas uu qolka u soo galay oo uu qoyskiisii toogtay.Mendoza waa askarigii kaliya ee sheegay inuu furay albaabka qolka jiifka.

Askari kale, Lance Corporal Stephen Tatum, sidoo kale ma uusan diidin inuu ka qayb qaatay rasaasta, balse wuxuu sheegay inuu galay qolka jiifka isaga oo ka dambeeya Hogaamiyaha Kooxda Woutrich. Markii hore wuxuu ku andacooday inuusan ogeyn in ay haween iyo carruur ku jireen halkaas.

Laakiin saddex qoraal oo dambe oo BBC-du heshay, Tatum ayaa sheegay sheeko ka duwan.

“Waxaan arkay carruur jilba joogta gudaha qolka, tiradooda si sax ah uma xasuusto, laakiin aad bay u badnaayeen. Waxaa la iigu tababaray in aan labo xabbadood laabta kaga dhufto labo kalena madax kaga dhufto, anigana tababarkaygii ayaan raacay,” ayuu Tatum u sheegay Adeegga Baarista Dembiyada Badda ee Mareykanka bishii Abriil 2006.

Bil ka dib wuxuu sheegay inuu “awood u yeeshay inuu aqoonsado dadka ku jiray qolka inay ahaayeen haween iyo carruur ka hor inta aan la ridin rasaasta.”

Isagoo usbuuc ka dib hadlaya wuxuu yiri, “Halkan ayaa ahayd meesha aan ku arkay cunuggii aan toogtay. In kasta oo aan ogaa inuu cunug yahay, haddana waan toogtay.”

Waxa uu sheegay, “Ilmaha waxa uu xirnaa funaanad cad, wuxuu istaagayay sariirta, timihiisuna way gaabnaayeen.”

Qareenka Tatum ayaa sheegay in bayaannada dambe lagu helay iyadoo cadaadis la saaray.

Dacwadihii loo hayay Tatum waxaa la laalay bishii Maarso 2008, waxaana markaas lagu tiray wax aan muhiim ahayn maxkamaddii ka dhanka ahayd Woutrich.

Khabiirka baadhista forensiga, Michael Maloney, ayaa sheegay in bayaanada Mendoza iyo Tatum ay muujinayaan inay ahaayeen labada askari ee isku midka ah ee toogtay qoyska Safa.

Waxay rumaysan yihiin in Mendoza uu qolka jiifka u galay marka hore, Tatum-na uu “dhanka madaxa sariirta u riday rasaas.”

Waxaan eedeymahan hordhignay Mendoza iyo Tatum.

Mendoza kama jawaabin. Wuxuu hore u qirtay inuu toogtay aabbaha Safa balse sidoo kale wuxuu sheegay inuu amarka ka qaatay. Marnaba laguma soo oogin dacwad ciqaabeed.

Iyada oo loo marayo qareenkiisa, Tatum wuxuu sheegay inuu doonayo inuu Haditha ka leexdo oo uu ka tago arrintan, isla markaana uusan waligiis ka noqon markhaatigii uu bixiyay, kaas oo uu ku sheegay inuu ka mid ahaa askartii rasaasta ku furtay guriga Safa.

Maloney ayaa u sheegay BBC-da in dacwad oogistu “doonaysay inay caddayso in Wouter uu ahaa ninka rasaasta qaaday.”

Laakiin ka hor intii uusan Maloney markhaati furin, kiiska Woutrich ayaa ku dhammaaday heshiis qirasho.

Woutrich wuxuu sheegay inuusan xasuusan waxa ka dhacay guriga Safa, wuxuuna qirtay hal dacwad.

Tani waxay ahayd eed aan waxba ku lahayn ku lug yeelashada tooska ah ee dilka.

Qareenka militariga ee Woutrich, Haitham Faraj, oo isaguba hore u ahaan jiray nin ka tirsan ciidamada badda, ayaa sheegay in xukunka uu ahaa “ciqaab yar, oo la mid ah helidda ganaax f.”

Qareenka Woutrich, Neil Pickett, wuxuu sheegay in dhammaan baaritaanka iyo maxkamadeynta ka dhanka ah macmiilkiisa ay ahayd hawl gebi ahaanba guul-darraystay.

“Markay dawladdu dhammaan markhaatiyaasheeda siisay difaac sharci oo ka dhan ah dacwadaha, ayna ka qaaday eedihii oo dhan… dacwad oogistu waxay isu isu badashay inaanay caddaalad gaarin kiiskan,” ayuu yiri.

Haitham Faraj sidoo kale wuu ku raacay in nidaamkani aad u qalalaase badnaa.

“Dowladdu waxay dadka ku siisay abaal-marin been-sheegid, abaal-marintaasna waxay ahayd cafis; sidaas ayay habraaca sharci u dhaawaceen,” ayuu u sheegay BBC-da.

Wuxuu intaas ku daray in “kiiska Haditha aan marnaba loogu talagelin inuu noqdo codka dhibbanayaasha.”

Wuxuu sheegay in “aragtiyada dadka ka badbaaday ay gebi ahaanba sax yihiin — in maxkamaddani ahayd kaliya muujin, inaysan jirin wax natiijo ah. Qofna lama ciqaabin.”

Maraykanka Ciidankiisa Badda (US Marine Corps) ayaa noo sheegay in ay ka go’an tahay in ay xaqiijiyaan hannaan cadaalad ah oo ku saleysan Uniform Code of Military Justice, kaas oo dammaanad qaadaya hab-raac sharciyeed oo buuxa.

Waxa uu ku daray inuusan dib u furi doonin baaritaanka haddii aan la helin caddeyn cusub oo aan hore loo tijaabin oo sharci ahaan la aqbali karo.

Dacwad-oogaha hogaaminayay kiiskan kuma uusan soo jawaabin codsigii BBC-da ee arrintaan la xiriirta.

Safa oo hadda 33 jir ah, welina ku nool Haditha, ayaa leh saddex carruur ah.

Waxay sheegtay inaysan fahmi karin sida aan saraakiil militari loogu xukumin arrinta la xirirta dilka qoyskeeda.

Markii aan u muujinnay muuqaalka Mendoza, waxay yiraahdeen: ” Isla markiiba waa la xirey kadib dhacdadan, mar dambe iftiinka ma arki doono.”

“Waxay iila muuqataa in ay sanadkii hore dhacday. Weli waan ka fekerayaa,” ayey tiri, iyadoo xasuusanaysa dhimashadii qoyskeeda.

“Waxaan rabaa in kuwii sameeyay arrintan lala xisaabtamo oo sharciga lagu ciqaabo. Ku dhowaad 20 sano ayaa ka soo wareegtay welina maxkamad lama horkeenin; taasi waa dambiga dhabta ah,” ayay tiri.

Xigasho BBC SOMALIA

Wararkii ugu dambeeyay Duqeeyn Culus oo laga Fuliyay Gobolka Bari.

0

Arbaco Nov 19, 2025 {HMC}  Diyaaradaha Maraykanka ee Duulliye la’aanta ah (Drones) ayaa duqaymo ka fuliyay deegaanno katirsan Gobolka Bari Dowlad-Goboleedka Puntland oo saldhigyo u ah Daacish sida wararka la helayo ay sheegayaan.

Duqaymaha ayaa dhowr jeer lagu dhuftay goobo difaacyo ay ku leeyihiin Daacish isla markaana ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Difaaca Dowlad-Goboleedka Puntland sida ay ku warrameen saraakiil katirsan ciidamadaas.

Maraykanka gaar ahaan Taliska u qaabilsan howlgallada duqaymaha aha ee AFRICOM weli ma jiro war uu kasoo saaray, sidoo kale Dowlad-Goboleedka Puntland ma sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaas iyo xubnaha sida gaar ah loo beegsaday.

Soomaaliya oo ka qayla dhaamisay khayraadkii dalka oo la dal-dalanayo

0

Arbaco Nov 19, 2025 {HMC} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkado ajaanib ah iyo kuwo maxalli ah ay ku howllanyihiin dal-dalashada qaybo ka mid ah khayraadka dalka Soomaaliya si gaar ah Macdanta dalka.

Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta, Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegtay in siyaabo sharci darro ah loo qaadanayo khayraadka taasoo ay hadda uga digayaan ajaanibta iyo muwaadiniintaba.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamad, ayaa muujiyay in muddooyinkii la soo dhaafay ay soo badanayeen shirkadaha iyo shaqsiyaadka ku howllan arrintaan.

“Wax aan indhaha laga qarsan karin ayaa dalka qaybo ka mid ah ka socda oo khayraadkii dadka iyo dalku lahaa ayaa la dal-dalnayaa iyadoo loo marayo dad wax magarata ah,” ayuu yiri wasiir Daahir.

Wuxuu sheegay in dowladda federaalku ay dalka mas’uul uga tahay arrimaha ku saabsan khayraadka dalka, isla markaana ay iyada oo kaliya fasixi karto maaama sidaa sharcigu oronayo.

Puntland iyo Galmudug oo ku guuleystay Aasida Barkat xiisad ka dhax Abuurtay lamabada maamul.

0

Arbaco Nov 19, 2025 {HMC} Kormeer ay si wadajir ah u sameeyeen maamulada heer gobol iyo heer degmo ee Puntland iyo Galmudug, ciidamada isku dhafka ah, iyo odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ayaa maanta lagu gaarey is-afgarad ku saabsan xal u helidda muran ka taagnaa baraag laga qoday duleedka degmada Gaalkacyo.

Inta lagu guda jiray kormeerka, wafdigu waxay booqdeen goobta ay khilaafku ka jireen, iyagoo si qoto dheer u dhageystay cabashooyinka iyo tabashooyinka ay soo bandhigeen bulshada deegaanka.

Waxaa sidoo kale la falanqeeyay sida ugu habboon ee loo dejin karo xal waara oo ka turjumaaya nabadda iyo wada-noolaanshaha shacabka labada dhinac.

Ugu dambayn, waxaa la isku raacay in baraagta muranku ka taagnaa la aaso, si looga hortago isku dhacyo iyo in la dhowro amniga guud ee gobolka. Sidoo kale, guddiga isku dhafka ah ee amniga labada dhinac ayaa la wareegay tabashooyinka la soo gudbiyay, waxayna isla garteen inay ka fariisan doonaan sidii xal rasmi ah looga gaari lahaa.

Madaxweyne Trump oo Si adag u difaacay dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga.

0

Talaado Nov 18, 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Trump ayaa difaacay dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan , kaddib markii wariyeyaasha ku sugnaa Aqalka Cad ay iskudayeen inay beddelaan jawiga kulanka, iyagoo ku boobay su’aallo la xiriira dilkii Jamal Khashoggiz.

Trump , wuxuu yiri ; “Dadka badankoodu ma aysan jeclayn ninka aad ka hadlayso. Haddii aad jeclayd ama aadan jeclayn, waxyaabo way dhacaan. Laakiin isaga Maxamed Bin Salmaan waxba kama uusan ogayn.”