Home Blog Page 3046

Somali Minister for Women and Human Rights Development dies after a brief illness

0

Djibouti (HMC) – Somali Minister for Women and Human Rights Development, Khadijo Mohamed Diriye, passed away in Djibouti on Wednesday after a brief illness.

Deputy Minister of the Ministry of Information, Abdirahman Yusuf Al-Adala, stated that Minister Khadija was admitted to a hospital in Djibouti City after an urgent medical condition, where she underwent surgery. Unfortunately, she did not wake up from the coma.

Minister Khadija had been among the government officials attending the ongoing annual Heritage meeting in Djibouti. Prime Minister Hamza Barre and other government dignitaries were also at the event.

The Somali government has announced it will issue an official statement on her death.

Source Hiiraan Online

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 20/12/2023

Arbaco-December-20-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Abdiraxmaan macalin muuse

Farsamadii :Maxamed Baryare Xaamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Maxkamad ka mamnuucday Trump doorashada gobolka Colorado

Arbaco-December-20-2023-{HMC} — Maxkamadda Sare ee gobolka Colorado ee dalka Mareykanka ayaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ka mamnuucday cod-bixinta doorashooyinka horudhaca ah ee xisbiyada ee gobolka.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Trump uusan u qalmin inuu madaxweyne noqdo kadib doorkii uu ku lahaa dhacdadii bishii January 6-deedii ee sanadkii 2021 ay taageerayaashiisa ku galeen kuna qabsadeen xarunta baarlamaanka Maraykanka ee Capitol Hill.

Bangiga Horumarinta Afrika oo dhaman shaqqalihiisa shisheeye kala baxaya Itoobiya

Arbaco-December-20-2023-{HMC} Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in uu dhammaan shaqaalihiisa caalamiga ah kala baxayo dalka Itoobiya, kaddib markii ciidamada ammaanka dowladda ay weerar ku qaadeen shaqaalahooda.

Bangiga ayaa cabasho rasmi ah ka gudbiyay maamulka Addis Ababa bishii hore. Waxa uu ku tilmaamay weerarka iyo xadhigga laba ka mid ah shaqaalihiisa oo dhacday bishii Oktoobar dhacdo dublamaasiyadeed oo halis ah.

Madaxweynaha bangiga, Akinwumi Adesina ayaa sheegay in aanu ku qanacsanayn sida aysan shaqaalihiisu u dareemayn ammaan ku ay ku shaqeeyaan kuna dhex socdaalaan dalka gudihiisa.

Bangiga oo magaciisa loosoo gaabiyo AfDB waxa uu in ka badan hal bilyan oo doollar ku maalgeliyay ku dhawaad labaatan mashruuc oo laga fulinayo Itoobiya. Ma jiro wax jawaab ah oo wali ka soo baxay dowladda Itoobiya.

Xamaas oo sheegtay in tirada guud ee dhimashada Qasa ay gaartay 20,000 oo qof

Arbaco-December-20-2023-{HMC} Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Xamaas ayaa bayaan uu soo dhigay bartiisa Telegram-ka ku sheegay in tirada dadka ku dhintay duqaymaha Israa’iil ee Qasa ay hadda kor u dhaaftay 20,000 oo qof.

Isaa”iil ayaa Wali Sii wada Duqeymaha aan loo mel Dayin ee shacabka Falastiin ay ku hayaan waxana Wali sii Soconaya Dagaalka dhanka dhulka ah ee ay Isaa”iil ku Gashay Gudaha Marinka Qaza.

Masar iyo Itoobiya oo midba kan kale ku eedeeyay fashilka wadahadalkii biya-xireenka ee u socday

Arbaco-December-20-2023-{HMC} Wareeg kale oo wadahadal ah oo ku saabsan biyo-xidheenka muranka badan dhaliyay ee Itoobiya ka dhisayso webiga Niilka Buluuga ah ayaa ku dhammaaday guuldarro.

Shirkan oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ayaa waxaa isugu yimid wakiillo ka socday Itoobiya iyo labada dal ee Masar iyo Suudaan.

Masar iyo Suudaan ayaa muddo dheer walaac ka muujinayay in biyo-xireenku uu halis gelin karo sahaydooda muhiimka ah ee biyaha.

Masar oo ka hadlaysa fashilka ku yimid wadahadaladii ugu dambeeyay, waxay ku eedaysay Itoobiya ” diidmo joogto ah” oo ah inay aqbasho tanaasulaad dhinaca farsamada iyo sharciga ah.

Qaahira waxay sidoo kale ku adkaysatay inay ilaalinayso xuquuqda “si ay u difaacdo biyaheeda iyo ammaankeeda qaranka” si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Masar ay “ku adkaysatay maskaxdii gumeysiga waxayna dhigtay jidgooyo ka dhan ah dadaallada ku wajahan isu-imaanshaha”.

Biyaxireenka GERD oo ku kacaya 4.6 bilyan oo doolar waxa uu noqon karaa mid ka mid ah warshadaha korontadda ee ugu weyn Afrika haddii la dhammeeyo, isaga oo awood u leh in uu dhaliyo 5000 megawatts oo koronto ah. Addis Ababa ayaa rajaynaysa in biyo-xidheenku uu ka caawin doono dadaala ku aaddan gaadhsiinta malaayiin qoys koronto ku filan.

Dhismaha GERD wuxuu bilaabmay 2011-kii, wada-xaajoodyo badan oo tan iyo xilligaasi socdayna waa lagu guul-darreystay in ay soo saaraan heshiis dhab ah.

Bishii Luulyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa ballan qaaday inay dhameystirayaan heshiiska.

Ka dib afar wareeg oo wadahadal ah ayaa lagu qabtay Qaahira iyo Addis Ababa – midkoodna ma keenin heshiis.

Biyo-xireenka ayaa gabagabo ku dhow, Itoobiya ayaa billowday inay koronto dhaliso sannadkii hore balse si buuxda uma shaqeyn.

Halkee Ayaa Lagu Aasayaa Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo ku geeriyootay Dalka Jabuuti?

Arbaco-December-20-2023-{HMC} – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in meydka Allaha u naxariistee wasiir Khadiija Diiriye berri loo qaadi doono magaalada Muqdisho, si halkaas loogu sameeyo aas qaran.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa xaqiijiyey in meydka marxuum Khadiija Diiriye berri laga deji ayo Muqdisho, iyadoo la abaabulay qorshe aas qaran loogu sameynayo.

Guddi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa loo xil-saaray qaban qaabada aaska qaran ee loo sameynayo wasiir Khadiija.

“Khadiijo door firfircoon ayey ka soo qaadatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, dowladda oo qirsan in waqtigeedii ugu badnaa ay u soo hurtay qarankaan waxay go’aansatay in dib loogu celiyo Muqdisho, si aas qaran loogu sameeyo marxuum Khadiija Diiriye,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomalaiya.

Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in Marxuum Khadiija ay ku jirtay madaxdii Soomaaliyeed ee lagu casuumay shirka Heritage ee Jabuuti ka socda, balse ay xanuunsatay, kadibna la dhigay isbitaal.

“Markii aan ka soo degnay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti ayey xanuunsatay, isbitaal ayaa la dhigay, dadaal badan ayaa la sameeyey, qaliin yar ayey martay, balse amarkii Alle ayaa maanta dhacay oo ugu dambeyn waa ay geeriyootay,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Allaha u naxariistee Wasiir Khadiijo ayaa dowladnimada Soomaaliya ku soo dhexjirtay 23-kii sano ee lasoo dhaafay, waxay ka mid aheyd baarlamaankii lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, ilaa ay hadda ka geeriyootana waxay aheyd xildhibaan heer federaal ah.

Waxaa la sheegay inay ifka uga tagtay lix qof oo ay dhashay, 12 jeer ayey soo noqotay wasiir, waxayna aheyd qof laga jecelyahay siyaasadda Soomaaliya.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shekh oo ka hadlay qorshaha dib u dhiska ciidanka booliska

Arbaco-December-20-2023-{HMC} Madaxweynaha JFS, ahna Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabadda sanad guurada 80-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Waxaa uu ku bogaadiyay kaalinta muuqata ee ciidanka Booliska soomaaliyeed uu ka qaatay sugidda amniga iyo sarreynta sharciga dalka.

Xassan Shiikh ayaa xusay in dowlada Somalia ay dedaal xoogan ugu jirto xoojinta iyo tayeynta ciidanka Booliska, gaar ahaan dhinacyada tababarada, qalabka iyo gaadiidka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha DFS ay ka xaqiijisay dhinacyada, ammaanka, xoreynta dalka, qaadista Cuba-qabataynta hubka, deyn cafinta iyo ku biirista Dalladda bulshada bariga Afrika.

Waxaa uu gu baaqay ciidanka Booliska iney sii xoojiyaan dedaalka ay ugu jiraan xaqiijinta amniga nafta iyo maamulka muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna iska ilaaliyaan wax kasta oo sumcada Booliska wax u dhimaya.

Dowlada Somalia oo guddiga usartay aaska Qaran ee Marxuumad Khadiijo Diiriye

Arbaco-December-20-2023-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Guddi Aas Qaran Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha, Marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo maanta geeriyootay.

Marxuumadda oo ku geeriyootay isbitaal ku yaala magaalada Djibouti ayaa waxay ka mid ahayd gabdhihii fara ku tiriska ahaa ee waqtiga badan geliyay dib u dhisidda Jamhuuriyadda seddexaad ee Soomaaliya, iyadoona ka mid ahayd ka qeyb galayaashii shirkii taariikhiga ahaa ee lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, oo socday intii u dhaxeysay 20-ka April ilaa 5-ta May ee sanadii 2000, kaas oo ay Soomaaliya ku soo ceshatay dowladnimadeeda.

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa akhriyey wareegtada RW ka soo baxday waxaana guddiga oo ka kooban xubno kala duwan gudoomiye looga dhigay Ku-xigeenka RW Somalia Saalax Axmed Jaamac

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaanada Haweenka ah ee BJFS ayaa tacsi u direy qoyska AUN Marxuumad Khadiijo Maxamed Diiriye

0

Arbaco-December-20-2023-{HMC} Xildhibaanada Haweenka ah ee BJFS ayaa tacsi u direy qoyska AUN Marxuumad Khadiijo Maxamed Diiriye

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA