Home Blog Page 3045

{DAAWO MUUQAALKA} Garaad Cabdullahi oo ka hadley Qaddiyada iyo Masiirka SSC-Khaatumo.

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Garaad Cabdullahi oo ka hadley Qaddiyada iyo Masiirka SSC-Khaatumo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} “Doorashada Puntland ee soo socota kama qayb galayno ” Hogaamiyaha SCC Qaatumo

Khamiis-December-21-2023-{HMC} “Doorashada Puntland ee soo socota kama qayb galayno ” Hogaamiyaha SCC Qaatumo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Duqeeyn ka dhacday Jubooyinka oo lagu Dilay Saraakiil iyo Xubno ka tirsan AS.

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Duqeeyn ka dhacday Jubooyinka oo lagu Dilay Saraakiil iyo Xubno ka tirsan AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Meeydka Marxuumad Khadiijo Maxamed Deeriye oo maanta laga soo Dajinayo Magaalada Muqdisho.

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Meeydka Marxuumad Khadiijo Maxamed Deeriye oo maanta laga soo Dajinayo Magaalada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Dowlada Somaliya iyo Saaxibada Caalamiga ah oo Duqeeyn ku Dilay Xubno ka Tirsan AS

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Dowlada Somaliya iyo Saaxibada Caalamiga ah oo Duqeeyn ku Dilay Xubno ka Tirsan AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hay’adda Lacagta Aduunka oo Deeyn Cusub siisay Dowlada Soomaliya

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Hay’adda Lacagta Aduunka oo Deeyn Cusub siisay Dowlada Soomaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Xildhibaano Katirsan baarlamaanka Soomaaliya oo wada Mooshin ka dhan ah xukuumada Ra’iisul Wasaare Xamze.

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Xildhibaano dhowr ah oo ku midoobay magaca ‘Kudladda Toosin Qaran’ oo soo saaray bayaan ay eedeyn culus ugu jeedinayaan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Barre.

Xildhibaan Faarax Macalin Bishaar oo ka mid ah kudladaan xildhibaanada ah ee abaabulan ayaa akhriyay war-saxaafadeed kasoo baxay “Kudlada Toosin Qaran” oo aad loogu eedeeyey xukuumadda ‘Danqaran.’

“Xukuumadda way ku fashilantay Shaqadii loo igmaday, heshiisyo Qaranka halis ku ah oo qarsoodi ayey xukuumadaan la gashay dalal kale, Ra’iisul wasaare Xamza waan in uu hor imaadaa Baarlamaanka,” ayaa lagu yiri bayaan.

Kudladaan waxay sheegtay in xukuumaddu ay dayacday dadkii ay saameeyeen fatahaada ka dhashay roobkii deyrta, isla markaana aysan jirin cid gargaar gaarsiisay qoysas badan oo ku tabaaleysan gobollada dalka.

“Waxay xukuumaddu ku mashquushay dastuur bedel aan heshiis lagu aheyn oo halis ku ah qaranka, boob ayaa ku socda xoolaha dadweynaha, wax is maqal ahna kama dhex jiro hey’adaha dowladda,” ayaa lagu yiri bayaanka kudladda.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay inay u yeereen guddoomiyaha hey’adda maareynta musiibooyinka, kaas oo baarlamaanka ka hor sheegay in caalamku uu Soomaaliya soo gaarsiiyey raashin ku filan dadka u baahan, balse aysan heynin kharash ay dadkaas ku gaarsiiyaan raashinka iyo gargaarka ku jira bakhaarada Muqdisho.

“Waxaan is weydiinay maxaa kharash loogu khasaarinayaa xafladaha bilaa micnaha ah, maadaama la weysan yahay kharash gargaarka caalamku na siiyo lagu gaarsiiyo qoysaska u baahan ee fatahaaduhu ku saameeyeen gobollada dalka?”

Xildhibaanada ayaa sheegay in qorshaha wax looga bedelayo dastuurka uu u muuqdo kali-talisnimo iyo awood marooqsi, “waa halis weyn, wixii shalay la diidayna maanta cidna laga yeeli maayo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxay soo jeediyeen dastuurka la dhameystiro, iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo umadda Soomaaliyeed kala geynaya, “waxaa jirta in xukuumadu ay qaar ka mid ah dalalka caalamka la gashay heshiisyo qarsoodi ah oo la diiday in baarlamaanka la hor keeno,” ayaa lagu yiri bayaanka.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 21/12/2023

Khamiis -December-21-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Abdiraxmaan Macalin muse 

Farsamadii :Maxamed Baryare Xaamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Xisbullaah iyo Israa’iil oo gantaallo is weydaarsanaya

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Ururka Xisbullah ayaa xulafo la ah Xamaas, waxaana ay gacanta ku hayaan ciidamada ugu awooda badan dalka Lubnaan.

Ciidamada cirka Israa’iil ayaa sheegay in diyaarado dagaal ay weerareen “xarunta hawlgalka” ee kooxda Islaamiga ah ee Xisbullah ee dalka Lubnaan.

Milatariga Israel ayaa sidoo kale sheegay in ay garaaceen “kaabayaasha argagixisada” oo ay ku jiraan “goobaha weerada laga soo qaado” iyo “bakhaar hubka ah”.

Shalayna kooxda Xisbullah ayaa sheegtay in ay weerar gantaalo ah ku qaaday saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Israel oo ay ku jirto meel u dhow magaalada Metula ee waqooyiga dalkaasi ku taal,waxana ay shaacisay dhimashada lix ka mid ah dagaalyahanadeeda muddo 24 saac ah.

Warbaahinta Lubnaan ayaa ku warrantay in laba qof oo rayid ah la dilay maanta – mid waxaa toogtay askari Israa’iili ah, mid kalena wuxuu dhintay ka dib duqayn cirka ah oo Israa’iil ka geysatay tuulada Markaba, sida uu qoray wargeyska afka Faransiiska ku hadla ee L’Orient-Le Jour.

Ururka Xisbullah ayaa xulafo la ah Xamaas, waxaana ay gacanta ku hayaan ciidamada ugu awooda badan dalka Lubnaan.

Israel oo Dalbatay Xabad joojin Xili Ururka Xamaas ay shuruudo adag ku xireen

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Israa’iil ayaa Xamaas u soo bandhigtay hindise ay ku jirto in muddo toddobaad ah ay ku hakiso dagaalka si ay u sii deyso ilaa 40 la heyste, sida uu sheegay sarkaal oo Israa’iili ah iyo ilo kale oo arrintan wax ka og.

Marka hore waxaa soo wariyay warkan shabakada Axios ee ka soo baxda Israel taaoo sheegtay in soo jeedintu ku egtahay in la sii daayo la haystayaasha oo ay ku jiraan haween, waayeel iyo kuwa u baahan daryeel degdeg ah.

Heshiiska waxaa loo soo bandhigay Xamaas iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaasha Qatar, ayuu yiri Ravid, Israel ayaa horey u sheegtay iney xoog ku soo furaneyso dadka ay Xamaas heysato hase ahaatee waxay ogaatay in taas aysan suuragal aheyn.

Michael Herzog, Safiirka Israa’iil u fadhiya Mareykanka, ayaa xaqiijiyay in Israa’iil ay diyaar u tahay inay hakiso dagaalka haddii ay la macno tahay inay sii deyso la haystayaal badan intii suurtagal ah.

“Waxaan u maleynayaa inay dhici karto in la sheego in aan heshiis kale, ilaa hadda, Xamaas waxay diiday inay sameyso heshiis kale,” Herzog ayaa u sheegay CNN.

Xamaas ayaa si cad u sheegtay in aan la sii deyn doonin dad kale oo la haystayaal ah ilaa inta laga gaarayo xabad joojin waarta iyo in la sii daayo dhamaanba kumanaanka falastiiniyiinta ah ee ku xiran Israel.

Laakiin iyadoo dadaallada diblumaasiyadeed ay sii socdaan, dhibaatada bini’aadantinimo ee go’doominta ayaa ka sii daraysa maalin kasta. Ku dhawaad ​​20,000 oo qof ayaa lagu dilay howlgalada militariga Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar, in ka badan 52,000 waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.