Home Blog Page 3044

Amiirka cusub ee Boqortooyada Dalka Kuwait oo xilka loo dhaariyay

Khamiis-December-21-2023-{HMC}  Sheekh Meshal Al-Axmad Al-Sabaax ayaa loo dhaariyay inuu noqdo amiirka cusub ee boqortooyada Kuwait, kadib kalfadhi gaar ah oo golaha qaranka ee dalkaasi ay yeesheen, Amiirka cusub ayaa waxa uu ballan qaaday inuu yahay “muwaadin daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisa.”

 

Amiirka cusub ayaa khudbaddii ugu horreysay ee uu ka hor jeediyo Golaha Shacbiga waxa uu ku dhaliilay Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, waxaana uu ku eedeeyay in ay danta shacabka wax u dhimayaan

 

Waxaanu yiri “Waxaan khudbadeheenii hore ku adkaynay in ay jiraan xuquuqo qaran oo ay waajib tahay in ay fulaan, kuwaas oo hay’adaha sharci dejinta iyo fulinta qaranka iyo shacabkaba dan u ah, sidaa darteed ma aynaan arag wax isbedel ah ama sixid ah oo arrintaas lagu sameeyay, balse arrintu waxay gaartay markii awoodaha fulinta iyo sharci dejintu ay is kaashadeen oo ay isla garteen in la dhaawaco danaha dalka iyo dadkaba.

 

Dowladda Sheekh Axmed Nawaf Al-Axmad Al-Sabaax oo uu dhalay Amiirka geeriyooday ayaa istiqaaladeeda u gudbisay Sheekh Mishaal

 

Sheekh Mishaal waxa uu la wareegay xilka Amiirka cusub ee Kuwait kadib geeridii Amiir Nawaf Al-Ahmad Al-Sabaax ee December 16-keedii, 2023-ka, isaga oo 86 jir ah, kadib markii uu xukumay Kuwait saddex sano.

{DAAWO MUQAALKA} Iskaashatada dan-kulmis ee xeebaha Soomaaliya oo codsi u diray madaxda dowlada

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Iskaashatada dan-kulmis ee xeebaha Soomaaliya oo codsi u diray madaxda dowlada

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Dhallinyaro soomali ah oo laga soo tarxiilayo Ruushka

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Muddooyinkii lasoo dhaafay dalka Ruushka waxaa kusii qul qulayay dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ,kuwaa oo dalkaasi uga sii gudbayay waddamada reer Galbeedka qaarkood gaar ahaan dalka Finland

 

Soomaali badan oo tagtay Ruushka ayeyna u suurto gashay in ay uga sii gudbaan dalal kale oo Yurub kuyaalla, halka kuwa kalana ay ku xayirmeen oo ilaa hadda gobolo dalkaasi katirsan ku sugan yihiin

 

Ciidamada ammaanka dalka Ruushka ayaana xir xiray dhallinyaro Soomaaliyeed oo la qabtay qaarkood iyaga oo tahriibaya iyo kuwa kale oo sharciga ka dhacay, waxa ayna dadkaasi qaarkood dib ugu soo celiyeen Soomaaliya

 

Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Ruushka ayaa sheegtay in ay jiraan dhallinyaro Soomaali ah oo u xiran ciidamada ammaanka Ruushka, kuwaa oo lagu eedeeyay in sharci darro ku galeen dalkaasi iyo kuwa kale oo sharciga ka dhacay

 

Dadka xiran ayeyna sheegtay safaaradda Soomaaliya ee Ruushka in la qorsheenayo in maalmaha soo socda loo musaafuriyo Soomaaliya oo markii hore ka tageen, waxa ayna safaaradda u digtay dadka Soomaaliyeed ee wali Ruushka u imaanaya tahriibka.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 21 12 2023}

Khamiis-December-21-2023-{HMC}  Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Abdi majid aweys  iyo Mustaf ali adoow

Farsamadii :Abdi maajid abdirxmaan aadan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

 

Wax garadka SSC oo go’aan culus ka qaadatay doorashada PUNTLAND

Khamiis-December-21-2023-{HMC}  Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamd ah Isimada Dhaqanka SSC-Khaatuma oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaas iyo arrimo ku saabsan doorashooyinka maamulka Puntland

 

Garaadka ayaa ugu horreyn meesha ka saaray walaaca ay dadka SSC ka qabaan doorashada Puntland, maadaama ay haatan yeesheen maamul madax bannaan

 

Waxa uu tilmaamay in qadddiyadda SSC-Khaatuma aysan marnaba gorgortan ka gali doonin, isla markaana aysan aqbali doonin in meel kale looga taliyo dadkeeda

 

Sidoo lale waxa uu intaasi ku daray in halganka loo galay SSC ee ka billowday magaalada Laascaanood ay ku dhinteen dad gaaray illaa 700 oo qof, sida uu hadalka u dhigay

 

“Dadkani maamul buu leeyahay go’aan buu gaaray. Maamulkaasi meel cad buu yaallaa. Meel lagasoo cesho ma ay jirto. 700 qof oo rag iyo dumar leh ayaa u shahiiday in aan dadkaan cid dambe u talinin,’ sidaasi waxaa yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

 

Garaadka oo hadalkiisa sii wata ayaa beeniyay inay jiraan dad doonay in xildhibaano kasoo jeeda SSC ay ku metalaan maamul goboleedka Puntland, maadaama doorasho la galayo

 

Arrintan ayaa meesha ka saareysa warar muddooyinkii u dambeeyay soo baxayay oo sheegayay in Garaadada SSC ay doonayaan inay saxiixaan 17-ka xildhibaan ee beesha Dhulbahante ku lahayd Puntland

 

Sidoo kale go’aankan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Puntland ay ka socota xulista xildhibaanada cusub oo diiwaangelintooda uu bilaabay guddiga xallinta khilaafaadka

 

Si kastaba, arrimahan ayaa uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, taas oo uu uga sii daray khilaafka ka dhashay muranka hareeyay doorashada maamulkaasi.

 

Garaad Jaamac: Qaddiyadda SSC khaatumo ha u baqina maamul baynu leennahay 700 qof ah ayaa u naf waayey

0

Khamiis-December-21-2023-{HMC}Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah golaha dhaqanka SSC- Khaatumo ayaa hoosta ka xarriiqay in qadddiyadda SSC aysan marnaba gorgortan ka gali doonin, isagoo sheegay in 700 qof ay u geeriyoodeen in ay masiirkooda iyagu u taliyaan.

Garaadka oo ka hadlayay magaalada Laascaanood ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in dad doonaya xildhibaano oo kasoo jeeda SSC ay ku matalayaan maamul goboleedyada Puntland.

“Dadkani maamul buu leeyahay. Go’aan buu gaaray. Maamulkaasi meel cad buu yaallaa. Meel lagasoo cesho ma ay jirto. 700 qof oo rag iyo dumar leh ayaa u shahiiday in aan dadkaan cid dambe u talinin,’ sidaasi waxaa yiri garaad Jaamac Garaad Cali.”

Hadalka Garaad Jaamac ayaa kusoo beegmay, iyadoo ay soo baxayeen warar sheegayay in garaadada SSC- Khaatumo ay doonayaan inay saxiixaan 17-ka xildhibaan ee beesha Dhulbahante ku lahayd Punland.

Dhinaca kale guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka ayaa la sheegay inay qabteen araajida musharraxiin xildhibaan oo kasoo jeeda degaaanda SSC- Khaatumo.

Qaar kamid ah ayaa katirsan xubnaha golaha wasiiradda madaxweyne Deni, kuwaas oo doonaya inay kamid noqdaan baarlamaanka Puntland.

Dab ka kacay suuq laga dukaameysto oo ku yaalla xaafadda Isli ee magaalada Nairobi

0

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Wararka ka imanaya xaafadda Isli oo ay Soomaalida ku badan tahay ayaa tibaaxaya in dab uu ka kacay dhisme laga dukaameysto oo la yirahdo Sharjah kaas oo kaabiga ku haya suuqa Hongkong.

Khasaaraha ilaa hadda la xaqiijiyay ayaa waxaa lagu sheegay in hal dukaan ku bas-beelay welina uu qiiq laga arkayo dhismaha. Ma jiranaa wax khasaare dhimasho ama dhaawac ah oo la soo weriyay

Ilaa hadda lama oga sababta dhalisay dabka inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in cilad koronto uu ka dhashay dabka. Waxaa socda howlo lagu daadgureynayo agabka dhismaha, iyadoo kooxaha dab-damiska ay isku dayayaan inay xakameeyaan dabka.

Wixii war ka soo kordha halkan kala soco.

ATMIS hands over Qorilow military base to Somali Security Forces

0

Hirshabelle, 20 December 2023 – The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) on Wednesday handed over the Qorilow Forward Operating Base (FOB) to the Somali National Army (SNA), marking the transfer of the fifth military facility as part of the second phase of the ATMIS troop drawdown.

Situated in the Hiran region of Hirshabelle State, the FOB had been under the command of ATMIS Burundi National Defence Forces (BNDF) since 2014, playing a crucial role in the ongoing military operations against Al Shabaab ensuring regional security.

“I urge my SNA colleagues taking over the base to continue working closely with other security forces based in this region in collaboration with the civilian population. I thank the local community for the support given to our troops,” said Lt. Col. Jean Baptiste Nahishakiye, the ATMIS FOB Commander, terming the handover as a significant milestone in the peacebuilding process.

During the ceremony, Lt. Harun Hassan, the incoming SNA commander for Qorilow FOB, signed the handover documents to symbolise the transfer of security responsibilities. Col Nahishakiye and Santosh Koka, from the Transition Planning Cell, signed on behalf of ATMIS and UNSOS, respectively.

The event was presided over by ATMIS Force Headquarters Chief of Plans, Col. George Nkansah, and witnessed by the ATMIS Chief of the Joint Support Operations Centre (JSOC) Sekou Trawally; Senior Adviser to the Head of UNSOS Yvette Langenhuizen, and the SNA Representative Capt. Sakariye Mohamed Omar. Lt. Harun expressed his commitment to continue the work done by the Burundi forces and thanked them for their dedication in safeguarding the base and the local community.

“I want to assure you that we will continue from where you have left. I would like to thank the Burundi forces for your selfless service in securing this base and the local community for many years and wish you a safe journey back home,” said Lt. Harun.

The second phase of the drawdown resumed on Monday with the handover of State House and Parliament FOBs. The process is in line with the United Nations Security Council Resolution (UNSCR) 2710 (2023), mandating the withdrawal of 3,000 ATMIS troops by 31 December 2023.

The drawdown had previously been halted following a request from the Federal Government for a three-month technical pause. Before the pause two Forward Operating Bases (FOBs); Bio Cadale and Raga Ceel, had already been handed over in September and October respectively.

During the first phase of the drawdown, which concluded in June, ATMIS withdrew 2,000 troops and handed over six Forward Operating Bases.

Meydka Wasiir Khadiija Diiriye oo la keenay Muqdisho

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo masuulin kale oo ka kooban Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti oo wada meydka Wasiiradii Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka XJFS Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye oo ka soo kicitamay Dalka Jabuuti, ayaa goordhawayd soo gaaray Garoonka Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdishu, Halkaasi oo goor dhaw lagu tukan doono Salaadda Janaasada.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo shalay joojiyay dhammaan howlihii shaqo ee uu u joogay dalka Jabuuti kadib geerida naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Wasiir Khadiija, ayaa magacaabay guddi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac oo maanta u sameynaya aas Qaran Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriy

 

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Xamsa ee waday meydka Wasiiradii hore, Waxaa garoonka Jabuuti ka soo sagootiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

 

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Khadiijo Al-maqsuumi” Wasiir Khadiijo waxaa ay ahayd qof ku sifoobay karti”.

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Wasiir Khadiijo Al-maqsuumi” Wasiir Khadiijo waxaa ay ahayd qof ku sifoobay karti”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA