Home Blog Page 3043

Muxuu yahay Xiriirka ka dhaxeeya Fallaagada ADF ee ka dagaallanta Koongo iyo Uganda iyo kooxda Daacish?

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Miliishiyo lala xiriirinayo kooxda Daacish ayaa nolosha ku gubay ugu yaraan 10 qof oo rayid ah, ka dib markii ay weerar ku qaadeen magaalo ku taalla koofurta galbeed ee Uganda, sida uu booliska dalkaas sheegay.

Dableyda oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda ADF, oo ah koox laayaan ah oo ka jirta Koongada dimoqaraadiga, ayaa ka soo gudbay xuduudda, ayagoo weerar ku qaaday xarun ganacsi oo ku taalla magaalada kamwenge.

“Arrimaha hordhaca ah ee aan baaritaanka ku ogaannay waxay muujinayaan in 10 dagaallame oo qoryaha fudud ku hubaysan ay weerareen oo nolosha ku gubeen 10 qof” ayuu yiri afhayeenka booliska ee gobolkaas Vincent Twesige.

Waxay kaloo dab qabadsiiyeen mootooyin, ayagoo dukaamana bililiqaystay.

Weerarka oo dhacay 2dii aroornimo ee Talaadadii ayaa yimid maalmo ka dib markii madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu sheegay in ilaa 200 oo dagaallame oo ka tirsan fallaagada ADF lagu dilay weerar cirka ah oo Uganda ay hogaaminaysay, kaasoo ka dhacay gudaha Koongada Dimoqaraadiga.

Kooxda Daacish waxay sheegtaa in ADF ay tahay farac ayaga ka mid ah.

Maxay tahay Kooxda ADF

Kooxda oo magaceeda oo buuxa uu yahay Allied Democratic Foces (ADF), waxaa la sheegaa inay abuureen oo dhaqaale ku bixiyeen hogaamiyihii hore ee Koongada Dimoqraadiga (ee la oran jiray Zaire) Mobuto Sese Seko iyo madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan Al Bashiir, si ay weerarro uga gaystaan gudaha Uganda oo ahayd cadawga kaliya ee labada dal lahaayeen sannadihii sagaashameeyadii.

Xilligii la sameeyey oo ahayd 1995 ADF waxay ka koobnayd laba koox. Kooxda hore waa National Army for the liberation of Uganda oo saldhigoodu ahaa hareeraha gobolka Rwenzori ee ay degaan dadka masiixiyiinta u badan ee Bakonjo Baamba ee galbeedka Uaganda, una dhow xuduudda Koongo DR.

Kooxda Labaad waa urur ka kooban dagaallamayaal ka soo jeeda kooxda Uganda Islamic Salafi Foundation. Kooxdaas waxay ka cabanayeen isku day, sida la sheegay, ay Uganda doonaysay inay ku koontaroosho isu imaatinnada muslimiinta dalkaas horraantii sannadihii sagaashameeyadii.

Sida uu sheegayo Stig Jarle Hansen oo ah professor ka tirsan Jaamacadda Norwegian University of Life Sciences, “kooxda cusub waxay askarta Uganda ku riixeen Gobollada bariga Koongo, halkaasoo uu taageero ku siin jiray Mobuto ilaa xukunka laga tuuray 1997”.

Laakin halkaas kuma dhamaan jiritaanka ururkaas, waxayna kooxda dib ugu sii gurteen gudaha kaymaha ku yaalla xudduudda Koongo iyo Uganda.


Sidee isugu xirmeen ADF iyo Daacish
Xilliba xilliga ka dambeeyey kooxda ADF waxay noqonaysay mid islaam ahaan balaarata, qayb ahaanna sababtu waxay ahayd cafisyo ay Uganda u fidisay dhowr ka mid ah hogaamiyeyaashii qunyar socodka ahaa ee ADF si ay u goostaan.

Ifafaale muujinaya in urur mayal adag uu soo bixi doono ayaa durba soo muuqday, gaar ahaan wixi ka dambeeyey 2011.

Kooxda Daacish waxay ururka u aqoonsatay gobol ahaan 2019. Markii hogaamiyaha ADF uu ku dhawaaqay inuu xulafo la noqonayo Daacish, waxaa soo goostay taliyeyaal ciidanka ka tirsanaa.

Sidaas ayey istaraatijiyada Daacishta bartamaha Afrika ugu hirgashay, waxayna weerarradii ugu horreeyey ku qaadeen Uganda.

Wixii ka dambeeyey 2022, waxay kooxdu qaadday duullaanno waaweyn oo ay ku beegsatay Uganda, waxaana ku jiray weerar lagu qaaday iskuul bishii Juun ee sannadkan, kaasoo ku yaalla magaalo u dhow xudduudda Uganda iyo Koongo.

Warbixin ay shaaciyeen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay bishii Juun ee sannadkan waxay sheegaysaa in in kooxda Daacish ay taageero dhaqaale siinaysay ADF tan iyo 2019.

Maraykanka ayaa sannadkii hore ADF ku daray “Liiska ururrada argagixisada” ee xiriirka la leh Daacish

XIGASHO BBS SOMALI

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

0

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanwayn 21/12/2023.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY SOMALIA IYO CAALAMKA

 

Heshiis dhaxmaray madaxda Hungary iyo Turkey oo Hadal haayn Xoogan ka dhaliyay Aduunka

0

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Ma jiro heshiis ka dhaxeeya Hungary iyo Turkey oo ku aadan ansixinta codsiga Sweden ee xubinnimada NATO, waxaa sidaas maanta sheegay ra’iisul wasaaraha Hungary Viktor Orbán.

Orbán ayaa sheegay inay u taallo baarlamanka Hungary inay go’aansadaan xilliga ay doonayaan inay arrintan u codeeyaan.

Waxa uu sheegay inaysan jirin rabitaan weyn oo xildhibaanada xisbiga talada haya ee Budapest ay u qabaan inay ansixiyaan dalabka Sweden.

Ku-biirista Sweden ee NATO ayaa waxaa muddo hortaagan diidmada Turkey iyo Hungary ee ah inay ansixiyaan.

Orbán wuxuu sheegay bishii September in Hungary aysan ku degdegi doonin ansixinta ka mid noqoshada Sweden ee NATO, taasi oo horseeday dib u dhaca kale oo ku yimid hanaanka oo tan iyo sanadkii hore ku xayirnaa baarlamanka dalkiisa.

“Ma jiro heshiis ka dhaxeeya Hungary iyo Turkey,” oo ku saabsan dalabka Sweden ee NATO, ayuu yiri ra’iisul wasaare Viktor Orban, isagoo intaas raaciyay “ansixinta waxaa go’aan ka gaari doona oo kaliya baarlamaanka Hungary… marka sharci-dajiyayaashu ay go’aansadaan in wakhtiga la gaaray. Weli rabitaan badan uma qabaan go’aankan.”

Budapest ayaa sheegtay, in wax ay ugu yeertay eedeymaha aan loo qiil dayin ee siyaasiyiinta Sweden ay ku sheegeen inay tirtay xuquuqdii dimoqraadiyadda, ay sabab u tahay dib u dhigista ansixinta dalabka Sweden.

Baarlamaanka Hungary, oo hadda ku jira fasaxa xilliga qaboobaha, ayaa shaqadiisa dib u billaabi doona bartamaha Febraayo.

{DAAWO SAWIRADA} Qaabkii ay ula wareegeen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Deegaanka Degmada Ceeldheer 

0

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab iyo gaashaan ka helaya ciidamada deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo bilooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaayeen Al Shabaab.

 

Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud waxaa shalay oo Arbaco aheyd si buuxda ula wareegay Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka , waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan howlgalo ay ku xaqiijinayaan ammaanka degmada Ceeldheer oo saldhig muhiim ah u aheyd Al Shabaab.

 

Saraakiisha ciidamada hoggaamineysa ayaa sheegay in si buuxda gacantooda ugu jirto degmada Ceeldheer, waxa ayna xuseen in ay howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab sii wadayaan inta ay kooxdaasi ka saarayaan goobaha ay ka joogaan bariga Galgaduud.

 

Qabsashada Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud waxaa ay imaaneysaa xlili dhowr bil kahor ay ka so baxeen ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, waxaana degmadaasi dib gacantooda ugu gashay kooxda Al Shabaab oo horey sannado badan u heesatay.

{DAAWO SAWIRADA} Meydka Marxuumad Khadiijo Diiriye oo si heer Qaran ah loogu aasay Magaalada Muqdisho.

Khamiis-December-21-2023-{HMC}  Mgaalada Muqdisho waxaa manta si heer qaran ah loogu aasay Allah ha u naxariistee Khadiija Maxad Diiriye, oo aheyd wasiirkii haweenka iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, oo shalay ku geeriyootay dalka Jabuuti.

AUN Aaska ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxda sare ee dowladda, sida madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoonka baarlamanka, madax hore, iyo xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda, iyo dadweyne kale.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, Madaxda Qaranka, Wasiirro ka socday Jamhuuriyadda Jabuuti, siyaasiyiin, culamaa’uddiin iyo qaybo kala duwan oo ka mid ah bulshada ayaa dalka Jabuuti ka soo raacay meydka Allaha u naxariistee Marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo geerideeda naxdin iyo lama filaan ku noqotay dadka Soomaaliyeed.

Masuuliyintan ayaa salaada Janaasada kula tukadaya Marxuumada teendhada Afisiyooni ee garoonka Aadan Cabdulle, waxaana ugu dambeyn lagu aasay qabuuraha agagaarka Isbitaalka Xoogga dalka oo ku yaalla degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Marxuumadda oo ka mid ahayd wafdigii Ra’iisul Wasaaraha ee ka qeybgalayey Madasha Aragti Wadaagga ee Heritage ayaa ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Djibouti oo loo dhigay xannuun degdeg ah oo asiibay.

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaanad Caasho Koos” Khadiijo Maxamed Diire Waxa Ay eheed hooyo qaaliya qaran keedana sidaac…

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Xildhibaanad Caasho Koos” Khadiijo Maxamed Diire Waxa Ay eheed hooyo qaaliya qaran keedana sidaac…

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kaqeybgalayb salaadda Janaasada Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye.

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kaqeybgalayb salaadda Janaasada Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Kulan dhiiragelin ah oo Muqdisho loogu sameeyay Ciyaartoyda Hirshabeelle ku metelayo tartanka Maamul

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Kulan dhiiragelin ah oo Muqdisho loogu sameeyay Ciyaartoyda Hirshabeelle ku metelayo tartanka Maamul

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn 21/12/2023

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn 21/12/2023

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Türkiye delivers 2nd batch of aid to flood-hit Somalia

0


Thursday December 21, 2023

Türkiye sustains its aid to Somalia amid a catastrophe in the country. Somalia Wednesday received the second batch of humanitarian aid shipments from Türkiye, which will be distributed to those affected by the country’s recent heavy floods caused by El Nino phenomena.

Somalia’s National Disaster Management Agency (SoDMA) received the humanitarian aid shipments sent by the Turkish Red Crescent.

The shipment was handed over to the head of the Red Crescent Somalia office in Mogadishu by Turkish Deputy Ambassador to Somalia Ismail Emre at a ceremony held in the capital Mogadishu.

The humanitarian food package will help Somalis affected by the country’s recent flooding. “This aid is aimed to be distributed to the needy facing difficulties across the country,” said SoDMA Commissioner Mahamuud Moallim, who received the shipment, expressing gratitude to Türkiye for its support in the challenging time.

The aid is the second shipment from the Turkish Red Crescent to arrive in the Horn of Africa nation since flood relief began in mid-October of this year.

Extreme floods caused by El Nino phenomena have wreaked havoc in Somalia, displacing over 750,000 people and overall affecting over 2 million inhabitants of the country. The floods have also killed more than 100 people in the worst affected areas, including Baidoa, the administrative capital of Somalia’s south-western state, one of the flood’s epicenters. Last month, the Somali government declared the floods a “national state of emergency.”

Over two million people across the Horn of Africa have been forced from their homes by torrential rains and floods, according to Agence France-Presse (AFP) tally compiled from government and U.N. figures.

Almost 300 people have also lost their lives in Somalia, Kenya and Ethiopia as the region grapples with its latest devastating climate disaster. The heavy rainfall, linked to the El Nino weather pattern, has struck just as the region is emerging from the worst drought in 40 years that drove millions into hunger.

“It’s a dire situation,” the charity Action Against Hunger said in a statement on the eve of the start of the COP28 climate summit in Dubai last month. “Regions that were struggling to recover from the economic and environmental impacts of prolonged drought are now doubly burdened with flooding,” it said. The Horn of Africa is one of the regions most vulnerable to climate change, even though the continent’s contribution to global carbon emissions is a fraction of the total.

Extreme weather events are occurring with increased frequency and intensity. The latest disaster has exacerbated a deep humanitarian crisis in Somalia, one of the poorest countries on the planet that has also been battling a bloody insurgency for the past decade and a half.

Flooding has cost the lives of more than 100 people, and displaced more than one million, according to a joint statement issued by the United Nations and Somali officials.

Authorities in Mogadishu declared a state of emergency earlier in November over what the United Nations has described as “once in a century” flooding, and have warned against the proliferation of disease. The deluge has engulfed homes and farmland and left many communities marooned, with roads and bridges damaged and hospitals and schools closed.

An estimated 1.5 million children under the age of five are facing acute malnutrition over the period between August this year and July 2024, the joint U.N.-Somali statement warned.

“Recurrent climate shocks, widespread insecurity and rampant poverty have pushed the people of Somalia to breaking point,” U.N. envoy George Conway said. The statement said that floodwaters could swamp over 1.5 million hectares (3.7 million acres) of farmland in December. In a move that could help alleviate the situation for some, the Somalia government said it had received 25,000 tonnes of grain from Russia that would be distributed urgently to flood-affected people, with another 25,000 tonnes expected later in December.

While the country narrowly avoided famine thanks to humanitarian aid, the U.N.’s World Food Programme warned earlier this month that a quarter of its population, 4.3 million people, is forecast to face crisis-level hunger by the end of the year.

Somalia is enjoying a close economic, diplomatic and military friendship with Türkiye that has been growing since President Recep Tayyip Erdoğan visited Somalia in 2011. Since then, Türkiye has built an 80,000-square-meter (861,112-square-foot) embassy in Mogadishu, which is its biggest embassy in Africa.

Turkish humanitarian organizations are also operating in the country and helped avert a famine in 2022. Somalia has witnessed one of the worst droughts in four decades for the last two years. Last month, the Turkish embassy in Mogadishu hosted a signing ceremony for a joint venture agreement between a Turkish and Somali company to build a biogas power plant in Mogadishu.

The plant will have a production capacity of 5.6 MW/hour, providing energy to around 40,000 homes by the end of 2024, according to the embassy. Somalia also anticipates the opening of a Ziraat Bank branch in Mogadishu, which will be the first Turkish bank in the country.