Home Blog Page 3042

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 22/12/2023

Jimco-December-22-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Abdiraxmaan Macalin muse

Farsamadii :Maxamed Baryare Xaamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Qaar ka mid ah xubnaha xukuumadda Saciid Deni oo u Ololeeynaya musharaxiin kale.

Jimco-December-22-2023-{HMC} – Qaar kamid ah mas’uuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si hoose ugu ololaynaya musharrixiin kale, sida ay sheegayaan xogo lagu kalsoon yahay.

Mas’uuliyiinta oo ay ku jiraan wasiiro iyo wasiiro ku xigeenno ayaa si qarsoodi ah ugu biiray ololaha doorashada musharrixiinta kursiga kula loollamaya Siciid Deni.

Tallaabadan ayaa sida la saadaalin karo hoos u dhac ku keeni karta ololaha dib-u-doorashada musharrax Siciid Deni, maadaama xubno ka tirsan dowladdiisa ay u ololaynayaan musharrixiin kale.

Doorashadii Puntland ee 2019 ayaa lagu xasuustaa in mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumaddii Gaas ay si hoose ugu ololayn jireen musharrixiin uu ku jiro Siciid Deni taasi oo wiiqday dib-u-doorashadii Cabdiweli Gaas.

Saciid Deni ayaa hadda u muuqda inuu marayo isla dhabbahaas, waxaana tani ay meesha ka saari kartaa hamigiisa ah in mar kale dib loogu doorto madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale, guddoomiyihii golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa mar kale xaqiijiyay kursigiisa xildhibaanimo ee Baarlamanka cusub sida ay tilmaamayaan warar hordhac ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in guddoomiye Cabdirashiid uu mar kale ka soo muuqaan doono liiska sagaalka xildhibaan ee laga soo doorto Sanaag iyo Haylaan.

Liiska sagaalka xubnood ee ka imaanaya Sanaag iyo Haylaan ayaa lagu wadaa in dhawaan loo gudbiyo guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada iyo ansixinta Baarlamanka Puntland.

Dhinaca kale weli ma cadda in Abwaan Cabdirashiid uu mar kale u tartamayo kursigiisi guddoomiyaha Baarlamanka dowladda Puntland iyo in kale inkastoo hadal-hayntaasi jirto.

 

Markab weyn oo koox Soomaali ah ay Ka afduubteen Biyaha Bada Cas.

Jimco-December-22-2023-{HMC} – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa markabka weyn ee Ruen ee biyaha Soomaaliya ay ku afduubatay burcad-badeeda Soomaaliya, kaasi oo ay saaran yihiin 18 qof oo shaqaale ah, sida uu sheegay Midowa Yurub.

Sidda laga soo xigtey ciidamadda ilaalada xeebaha Midowga Yurub, mid kamid ah shaqaalihii saarnaa markabka ayaa la sheegay in laga saaray sababo caafimaad oo aan la ogeyn.

Ciidamada EUNAVFOR ayaa tibaaxay in ay kala shaqeynayaan mas’uuliyiinta Soomaalida sidii loosoo furan lahaa markabka la afduubay Khamiistii lasoo dhaafay, isagoo intaa ku daray in haybta iyo dalabaadka afduubayaasha ay weli tahay qarsoodi.

Haddii la xaqiijiyo in falkan ay geysteen burcad badeed Soomaali ah, waxa ay noqon doontaa afduubkii ugu horreeyay ee lagu guuleysto tan iyo sanadkii 2017-kii.

Markabka waxaa maamula shirkadda maraakiibta ee Bulgaria ee Navibulgar. Mas’uuliyiinta Bulgaria ayaa caddeeyay in shaqaalaha markabka ay u kala dhasheen Angola, Bulgaria iyo Myanmar.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyada oo xaalad ammaan ee badda ay ka jirto Badda Cas markii Xuutiyiinta Yemen ay begesadeen maraakiibta ganacsiga iyaga oo taageeraya Xamaas ee Gaza.

Dhanka kale, shan qof oo Soomaali ah ayaa la qabtay kadib markii ay isku dayeen in ay afduubtaan markab ganacsi oo marayey gacanka Cadmeed kuwaas oo aan la ogayn halka ay ku dambeeyaan.

 

Xamaas oo shuruud adag ku xirtay sii deynta la haystayaasha Israa’iil

Jimco-December-22-2023-{HMC} Xamaas oo ah kooxda gacanta ku haysa marinka Qasa, ayaa meesha ka saartay in la sii daayo la haystayaal kale ilaa ay Israa’iil oggolaato “in ay si buuxda u joojiso waxa ay ugu yeereen gardarrada”.

Israa’iil ayaa sheegtay in in ka badan 2,000 oo dagaallamaayaasha Xamaas ah ay ku dishay Qasa tan iyo xabbad joojin horraantii bishan dhacday, taas oo in ka badan 100 qof oo la haystay lagu sii daayay.

Ku dhawaad 120 qof oo laga afduubtay Israa’iil 7-dii Oktoobar ayaa la rumeysan yahay in weli lagu haysto Qasa.

Waxaa weli socda dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in lagu meel mariyo gaarsiinta gargaar badan Qasa.

Mareykanka ayaa sheegay in uu weli walaac xooggan ka qabo qaraarka qabyada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo hadda codeynta dib loo dhigay.

Xabbad-joojintii toddobaadlaha ahayd ee bishan ayaa sidoo kale keentay qulqulka gargaarka ee Qasa oo ay Qaramada Midoobay ka digtay in dadku ay halis ugu jiraan macaluul haddii dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas uu sii socdo.

Wada xaajoodyo ku saabsan xabbad joojin cusub ayaa ka socday magaalada Qaahira ee dalka Masar, inkastoo wadahadalladii u horreeyay ee Arbacadii aan la isku afgaran.

Bayaan ay soo saartay Xamaas ayay ku tiri: “Waxaa jira go’aan qaran oo dhinaca Falastiiniyiinta ka imaanaya, kaas oo ah in aan laga hadlin maxaabiista marka ay noqoto heshiisyada la’is dhaafsado ilaa inta si buuxda loo joojinayo gardarrada”.

Ma cadda kooxaha kale ee falastiiniyiinta ah isla markaana ay bayaanku ula jeedaan ama ay si guud ugu hal qabsadeen. Islamic Jihad, oo ah koox yar oo ku sugan Marinka Qasa, ayaa ka mid ah kuwa la og yahay in sidoo kale dad la qafaashay oo Israa’iiliyiin ah heystaan.

Hadalkan kasoo baxay Xamaas ayaa Israa’iil galiyay xaalad aad u adag.

Waxa ay sheegtay in ay u malaynayso in habka ugu wanaagsan ee lagu sii dayn karo la haystayaasha ay tahay cadaadis millatari oo la saaro Xamaas iyo in la sameeyo hawlgallo samatabixin ah.

Hase yeeshee, habkaas ayaa ah mid aan ilaa iyo haatan shaqeynin. Hal qof oo kamid ahaa la haystayaasha laguna magacaabayay Ori Megidish ayaa ilaa iyo haatan lasoo badbaadiyay.

Dowladda ayaa sidoo kale cadaadis weyn kala kulmeysa ehelada la heystayaasha wali gacanta lagu hayo, iyadoo qaarkood ay u sheegeen in xeelada xoog lagu muquuninayo aysan shaqeyn.

Xamaas waxa ay cadaadis ku saaraysaa Israa’iil in ay gebi ahaanba joojiso dagaalka, balse waa iyada oo aan wax dammaanad ah laga hayn in kooxdaasi ay joojinayso falalka hubaysan ee ay qaaddo.

Israa’iil aad ayay uga caga jiidaysaa in ay dagaalka joojiso ilaa ay ka dareemayso in ay gebi ahaanba hoos u dhigtay awoodii Xamaas oo aysan weli taasi dhicin.

Tani waxay niyad jab weyn ku noqon doontaa dadka reer Qasa, kuwaas oo quus ka taagan joojinta dagaalkan.

Warbixinta Israa’iil ee ay ku sheegtay in 2,000 oo xubnaha Xamaas ah ay ku dishay Qasa bishan gudeheeda, ayaa timid maalin kadib markii wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ay tirada guud ee dhimashada Qasa ku sheegtay tan iyo 7-dii October in kabadan 20,000 oo ay ku jiraan 8,000 oo carruur ah iyo 6,200 oo haween ah.

Markii Xamaas iyo xulafadooda ay jabiyeen xayndaabka sida weyn loo ilaaliyo ee Israa’iil 7-Oktoobar waxay dileen ilaa 1,200 oo qof.

AS oo dhexda Ugalay ciidan safar u ahaa Degmada Marka ee Shabeellada Hoose

Jimco-December-22-2023-{HMC}  Kooxda AS ayaa dishay, qaarna nolosha ku qabatay askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya, kadib markii ay wadada u galeen.

Seddax askari ayaa saqdii dhexe ee xalay ka baxday deegaanka Lambar-komton ee gobolka Shabeellada Hoose, waxayna u socdeen degmada Marka ee isla gobolkaas.

Kooxda Shabaab ayaa jidka u gashay askartaas, waxaana dhex maray dagaal culus, iyadoo markii dambe laga awood batay askartii dowladda.

Dagaal culus oo socday ugu yaraan 30 daqiiqo ayaa ka dhacay halkaas, askartii dowladda oo Al-Shabaab ka dishay shan dagaalame ayey ka dhamaatay rasaastii.

Hal askari ayaa ka dhimatay askartii jidka loo galay ee dowladda, halka labadii kale ay Shabaab gacanta u galeen iyagoo nool.

Askarta u gacan gashay Al-Shabaab waxaa lagu kala magacaabaa Muuse Xasan Cabdi iyo Aweys Xasan Abshir oo ka tirsanaa guutada 14-ka October ee militeriga Soomaaliya iyo Maxamed Axmed Maxamuud oo ka tirsanaa Nabad sugidda gobolka Sh/Hoose.

Kooxda Al-Shabaab ayaa askartaas u gashay inta u dhaxeysa deegaanada Buulonagey iyo Jilib-marka, wuxuuna dagaalkaasi dhacay 10-saac oo habeenimo.

Aweys iyo Maxamed waxay gacanta u galeen Al-Shabaab, iyagoo nool, balse dhaawac ah, deegaanka Mubaarak ee gobolka Sh/Hoose ayaa naloo sheegay inay Shabaab geeyeen askartaas.

{DAAWO MUQAALKA} Qaabkii uu maanta u dhacay Aaskii AUN Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.

0

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Mgaalada Muqdisho waxaa manta si heer qaran ah loogu aasay Allah ha u naxariistee Khadiija Maxad Diiriye, oo aheyd wasiirkii haweenka iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, oo shalay ku geeriyootay dalka Jabuuti.

AUN Aaska ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxda sare ee dowladda, sida madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoonka baarlamanka, madax hore, iyo xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda, iyo dadweyne kale.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

 

{DAAWO MUQAALKA} Shirka Ansixinta qorshaha istiraatiijiyadda shanta sano ee soo socta ee hay’adda SoDMA

0

Khamiis-December-21-2023-{HMC}  Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxa uu ka daahfuray Shirka Ansixinta qorshaha istiraatiijiyadda shanta sano ee soo socta ee hay’adda SoDMA 2024 ilaa 2029.

Shirkaan waxaa ka soo qaybgalay oo aaladda fogaan arag ah ee Zoomka uga qaybgalay Qaar kamid ah Wasiirada Gargaarka dowlad Goboleedyada sida Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Wakiilo ka socday Maamulka Jubbaland, hay’addaha deeq Bixiyaasha ah ee xiriirka dhaw la leh SoDMA, waxaana shirkaan si gaar ah looga tashanayey waxqabadka hay’adda shanta sano ee soo socta.

Shirkaan ayaa waxaa lagu ansixiyay waxqabadka istiraatiijiyadda hay’adda u qorshaysan, taas oo lixdii bilood u danbaysay ay waday latishayadeeda ay la qadanayso qaybaha kala duwan ee bulshada Rayidka, beesha caalamka, iyo wasiirada gargaarka dowlad goboledyada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 21/12/2023

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Abdi maajid Abdiraxmaan Addan

Farsamadii :Abdiraxmaan macalin muuse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO SAWIRADA} Kulan Looga Hadlaayo Amaanka oo dhaxmaray Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe iyo Saraakiisha ATMIS

0

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa Kulan looga hadlayo xaaladaha Amniga Magaalada Jowhar iyo guud ahaan Gobolka la qaatay Taliyaha Guud ee Ciidamada ATMIS.

Ujeedadad kulanka ayaa ahaa sidii looga wada shaqeyn lahaa amaanka Gobolka  Shabellaha Dhexe waxaana uu haa kulankii ugu horeeyay ee uu Axmed Meyre Makaraan  la qaato Taliyaha Guud ee Ciidamada ATMIS ee howgalka u jooga Soomaaliya

Kulanka u dhaxeeyay maamulka shabellaha dhaxe iyo Admis ayaa waxaa Diirada lagu saarayey xaaladaha Amniga Gobolka iyo sidii leysaga kaashan lahaa ciribtirka Khawaariijta

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ka mahadceliyey garab istaaga Ciidamada ATMIS iyo Taakuleynta Dadka shacabka u sameeyaan.

Falastiiniyiin ay Israa’iil sii deysay “waxay mar walba na weydiinayeen halka Xamaas ay joogto, lug ayey iga jareen”

Khamiis-December-21-2023-{HMC}  Lix Falastiiniyiin ah oo kasoo jeeda Qasa ayaa sheegay in si ba’an loo jirdilay, la garaacay oo ay garaaceen ciidamada Israa’iil muddo ku dhow bil oo ay xirnaayeen.

Mid ka mid ah raggan ayaa sheegay in askarta Israa’iil ay ka toogteen lugta midig, taasoo markii dambe ay noqotay in laga gooyo, balse isaga iyo qaar kale ay weli xiran yihiin.

Laakin eedeymahaas Israa’iil waa ay diiday sida uu  sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil, isagoo intaa ku daray in aanay haynin xog ku filan oo ay ku baaraan sheegashada ninkan si ay u go’aamiyaan goorta iyo sida ay wax u dhaceen.

Afhayeenka militariga Israa’iil ee (IDF) ayaa intaa ku daray inay ixtiraamayaan sharciga caalamiga ah.

Raggan hadlay ayey Israa’iil sii daysay Khamiistii 14-kii December, waxaana lagu sii daayey marinka Karim Shalom oo Israa’iil ka soo gala Qasa.

Dhaawacyada raggan Falastiiniyiinta ah ayaa lagu daweeyay cisbitaalka Muxammad Yuusuf al-Najjar ee Rafax oo ku yaal koonfurta Qasa.

Sidee baaritaan dhiig loogu ogaan karaa isdilka dunida ku badan

Tobaneeyo maxaabiis ah oo laga soo daayay xabsiyada Israa’iil ayaa ku sugnaa halkaas, kuwaas oo toddoba qof oo keliya ay diyaar u ahaayeen inay hadlaan.

Afar qof oo isku xiga ayaa hal sariir wada fadhiyey, sababo la xiriira isbitaalka oo aysan meelna ka banaanayn, halka midka shanaadna uu garab istaagay si ay u taageeraan.

Waxay xirnaayeen dhar cowlan oo fudfudud iyagoo gacmahooda ay ka muuqdaan nabarro qoto dheer, aadna u murugaysan.

Qaar ka mida maxaabiista laga sii daayey xabsiyada Israa’iil waxaa ku jiray kuwo gacmaha ay ugu xiran yihiin caaga cad ee dadka gacmaha looga xiro iyo katiinad ay ku xireen ciidamada markii la xirayey


Maxamed Daa’uud waxay dhibaato ka haysatay inuu toos u istaago

Guur Wadareed Mar kaliya 50 qof Loogu Sameeyey Mandheera

Maxamed Daa,uud oo ka mida kuwa la sii daayey ayaa sheegay in xitaa la xiray markii uu raacay amarrada Israa’iil ee ah in loo guuro koonfurta.

“Waxaan ka nimid Beit Lahia oo ku taal waqooyiga, waxaanan u soconay koonfurta marinka nabdoon markii la i xiray,” ayuu igu yiri cod murugo leh.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Halkaas ayay naga qabteen, way na wareysteen, waxay isku dayeen inay ogaadaan ama weydiiyaan ‘ma Xamaas baadtihiin? Ma waxaad samaynaysaa Jihaad Islaami ah?'”

Maxamed wuxuu sheegay in uu u xirnaa Israa’iil labtan iyo lix maalmood uuna qabo in sababta loo sii daayey ah ahayd in laga waayey wixii laga rabay sida uu xusay.

“Way na garaaceen, way na caayeen waxaa kaloo ay nagu tufeen candhuuf, si daran ayay noola dhameen” ayuu yiri Maxamed.

Bayaan ay soo saartay IDF ayaa lagu yiri: “Waxaan caddeyneynaa, dhaawaca ka dhashay katiinadda maxaabiista, in arrintan loo sameeyay iyadoo la eegayo khatarta maxaabiista, laakiin xaaladooda caafimaad way wanaagsan tahay si wanaagsanna waa loola dhaqmay”.

Laakin Maxamed oo ka mid ahaa ragga hadlaya yaa sheegay wax ka duwan sheegashada ciidamada Israa’iil.

“Hal buste oo keliya ayaa nala siiyay xitaa iyadoo cimiladu aad u daran tahay, waxaana nalagu hayn jiray bannaanka ayadoo roob uu da’ayo, iyo iyadoo cuntada iyo biyaha ay gabaabsi ahaayeen,” ayuu yiri Maxamad.

Mar kale, IDF ayaa beenisay dhammaan eedeymahaas, waxayna sheegtay in maxaabiista la siiyay tiro ku filan oo isugu jirta cunto, biyo iyo goobo caafimaad saddex jeer maalintii.


Maxamuud Abuu Xuseyn oo ay ka maqan tahay lugtiisa midig iyo dhaawac ka muuqda

Maxamuud abu xusayn, oo ahaa qofkii lixaad ee laga sii daayay xabsiga Israa’iil ayaa ku fadhiyay kursi ku yaala waddada cisbitaalka isagoo niyad jabsan.

Abuu xusayn waxaa ka maqnayd lugtiisa midig, qaybta hoose ee surweelkisa waxaa ka muuqday dhiig xinjiro ah.

Wuxuu sheegay in uu u sheegay ciidamada inuu xanuusan yahay ka hor inta aysan ka soo qaadin gurigiisa oo ku yaalay waqooyiga Qasa, da’diisana uu ugu sheegay in 62 sano uu jiro sida uu sheegay.

“Maya ayay igu yiraahdeen, waa inaad noo sheegtaa halka ay ku dhuumanayaan Xamaas iyo halka ay ku sugan yihiin la haystayaasha Israa’iil.” Ayuu intaas ku daray Maxamuud.

Isagoo sii hadlyey illinna ay ka socoto ayuu Abuu Xuseyn yiri “waxaan ku iri ma garanayo waxa aad i waydiinayso oo dhan, way rumaysan waayeen hadalkii an u sheegay , waxayna iga toogteen lugta ka dibna naxariis darradu halkan kuma joogsan, waxay iga gooyeen lugta”.

Muxamed Yuusuf cali Abuu Shimla ayaa isna ka mid kuwa xabsiga laga sii daayey ee maxaabiista Falastiin, wuxuu ka yimid xaafadda Saytuun ee bariga magaalada Qasa.

Shimla, waa qofka toddobaad , waxa uu xidhnaa surwaal cawlan oo fudud sida kuwa kale, laakiin waxa ay u muuqataa in ciidammada Israa’iil ay xidheen wakhti kale.

“ Cagaf cagaf ayaa bilowday inay gurigayaga burburiso aniga iyo afartan qof oo gudaha ku jiray, dumarku way qaylinayeen, gacmaha ayaan taagnay oo gurigii ka baxnay, waxay xireen aniga iyo lix kale oo ay ku jiraan saddex wiil oo aan dhalay iyo labo aan adeer u ahay iyo wiil kale ” ayuu sheegay Shimla.

Wuxuu intaa ku daray inay ku amreen ciidamadu inay dharka siibaan laakin wuxuu sheegay in isagu uu shaarkiisa iska bixiyey, markii danbana xitaa kastuumaha ay bixiyeen.

Mar kasta ciidamada Israa’iil waxay sheegayaan inaysan haynin caddaymo muujinaya waxa ragga la waraystay ay sheegeen.

Gunaanadkii Shimla ayaa sheegay inuu raadiyey qoyskiisa intii kale, maadaama kaligiis la sii dayey balse wuxuu xusay inuusan garanayn waxay muteen kuwa aan wali la sii dayn, isagoo codkiisu uu aad nuxuus u ahaa .

XIGASHO BBC SOMALI