Home Blog Page 3060

Cadaadiska saaran Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda oo sii kordhay.

0

Waxaa sii kordhaya cadaadiska xooggan ee Ehelka Maxaabiista u xiran Xamaas ay saarayaan Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu kaddib markii Xukuumaddu ay ku dhawaaqday in saddex Maxbuus gacantooda ku baxeen.

Ehelka Maxaabiistaan oo kaashanaya Dad kale oo qudhooda laga haysto Maxaabiis kale ayaa isku darsaday kacdoonka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu maadaama uu diiday heshiiskii lagu dhaafsanayay Dadka la kala haysto.

Dibadbaxayaasha waxa ay wateen boorar ay ku hardhan yihiin ‘Is casil Netanyahu’ (Waan kula xisaabtami doonnaa Dadka yaga aad dishay), hala joojiyo dagaalka oo wadahadalka hala aado iyo ereyo kale oo dhammaantood sidii dabkii oo kale u gubaya Xukuumadda Netanyahu.

Walaaca ehelka Dadkoodu maqan yahay waxa uu sii kordhay kaddib markii ay isku mid noqdeen digniintii Xamaas ay ku sheegtay in Ciidanka Yuhuudda ay duqeyntooda ku beegsanayaan Maxaabiista xiran iyo hadalka Xukuumadda Netanyahu kasoo baxay.

Cadaadiska iyo Culayska la saarayo Benjamin Netanyahu waxaa dhinaca kale uga sii daran qaar kamid ah Wasiirradiisa oo kasoo jeeda Yuhuudda Xagjirka ah ee ku doodeysa in dagaal mooyee aanay xal kale lagu wajihin Maxaabiista laga haysto.

Ciidanka dowladda oo Howlgalo qorsheysan ka wada duuleedka magaalada Muqdisho

0

Sabti, December, 16, 2023 (HMC) – Ciidamada Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa saakay howlgalo qorsheysan ka wada xaafadaha deegaanka Ceelasha Biyaha ee dhaca duuleedka magaalada Muqdisho.
Dadka deegaanka ayaa kusoo toosay saakay ciidamada oo isku fidiyay dhamaan xaafadaha deegaanka Ceelasha Biyaha, kuwaas oo sameynaya baaritaano qof iyo guri ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen shaqsiyaad ay ku tuhmayaan iney la shaqeeyaan kooxda Al-shabaab.

Howlgalkaan ayaa imaanaya, iyadoo mudooynkii lasoo dhaafay amaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho uu ahaa mid aad u wanaagsan.

Laamaha amaanka dowladda Soomaalya ayaa Muqdisho iyo agagaarkeeda inta badan ka sameeya howlgallo ay ku xaqijinayaan amniga guud ee Caasimadda.

Xildhibaan Walaxaha Qarxo ku Tuuraay Goob ka Socday shir oo qeyb ka ahaa

0

Sabti, December, 16, 2023 {HMC}  Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee galbeedka Ukraine ayaa bam gacmeed ku tuuray sagxada fadhiga golaha, waxaana ku dhaawacmay 26 qof, sida ay booliisku sheegeen.

Weerarka ayaa subaxnimadii Jimcaha ka dhacay xarunta golaha deegaanka ee Keretsky ee galbeedka gobolka Transcarpathian.

Booliska ayaan weli ka hadlin sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarkaas, waxaana ku dhaawacmay lix qof oo dhaawacoodu culus yahay.

Kulanka ayaa si toos ah looga daawanayay Facebook-ga markii uu falka dhacay.

Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeeshay miisaaniyada sanadka 2024-ka iyo sidoo kale natiijada maaliyadeed ee sanadkan iyagoo cod u qaadaya in gudoomiyaha golahaasi la siiyo guno.

Ku dhawaad ​​90 daqiiqo markii uu shirku socday, ayaa muuqaalku muujinayaa mid ka mid ah xildhibaanada tuulada oo qaylinaya, kana soo horjeeda miisaaniyada.

Ninkii, oo xidhan jaakad madow, dabadeed qolka ayuu ka baxay, oo nin kale ayuu watay. Dhowr daqiiqo ka dib wuu soo noqday oo wuxuu soo istaagay albaabka hortiisa. Wax yar ka bacdi waxa uu dhowr bam gacmeed kala soo baxay jeebkiisa jaakada.

Waxa uu si kooban isku dayay in uu soo jiito indhaha dadka, isagoo leh “Ma laga yaabaa, ma laga yaabaa?”, ka hor inta uusan bam-gacmeedyada ku tuurin qolka dhexdiisa. ka dibna way qarxeen.

Ku dhawaad 70 Suxufi oo Noloshooda Ku wayay Dagaalka 70ka Cisho ka socda Gaza

0

Sabti, December, 16, 2023 {HMC}  Dagaalka Magaalada Gaza ka billowday 7dii Oktoobar 2023 oo maanta laga joogo 70 cisho waxaa ka dhashay dhimasho, dhaawac, burbur hanti & Barakac xooggan iyada oo ilaa haatan aanay jirin dedaal lagu muujinayo in dagaalkaas lagu soo afjaro.

Khasaaraha ugu badan ee Dadka rayidka ah iyo Suxufiyiinta waxaa u gaystay Ciidanka Israaiil oo duqeyn aan loo meel dayin ku beegsaday xitaa goobo ay Qaramada Midoobay si gaar ah gacanta ugu hayso sida Iskuullo, Xeryo ay degen yihiin dadka ay sida xoogga ah dhulkooda uga soo salkiciyeen ciidanka Yuhuudda & Goobaha Caafimaadka.

Marka aan si dhab ah dhexda ugu galno ujeedka warbixintaan, waxa aan si gaar ah diiradda ku saaraynaa dhibaatooyinka loo gaystay Suxufiyiinta kasoo xog-warramaysa furimaha dagaalka si ay bulshada ku sugan meelaha ka fog ay u helaan sida ay wax u dhacayaan.

Dagaalka galay maalintii 70aad waxa uu galaaftay nolosha Suxufiyiin badan oo maalmo badan ku qaatay kasoo xog-warranka goobo qaarkood ay adag tahay in laga soo tebiyo dhacdooyinka ka taagan balse naftooda ayay u hibeeyeen.

Qaarkood ayaa dhowr jeer dhaawacmay laakiin shaqadii ay hayeen uma baajin (uma joojin) oo waxa ay ka heleen dhiirragelin halka qaar kale ay ku waayeen xubnaha ehelkooda ugu dhow sida waalidkii dhalay, carruurtooda iyo xaasaskooda.

Muuqaal-duubihii Aljazeera ee Magaalada Gaza Samiir abuu Diqa ayaa sii kordhiyay suxufiyiinta ku dhintay dagaalka ka socda Magaaladaas waxaana uu kamid ah Dad ay Ciidanka Israaiil ku beegsadeen Iskuul ay si gaar ah u maamusho Qaramada Midoobay.

59 Suxufi oo u dhashay Falastiin ayaa la diiwaangeliyay in ay ku dhinteen duqeynta & dagaalka tooska ah ee ka socda Magaalada Gaza, Lubnaan waxa ay ku waysay 3 Wariye halka Yuhuudda qudhooda ay ku naf waayeen 4 Suxufi, wadartooda waxa ay ka dhigan tahay 66 Suxufi.

Wararkii Ugu Dambeyay Howlgal culus oo ka dhacay duleedka Magalada Muqdisho

0

Sabti, December, 16, 2023 {HMC}  Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay saaka ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Haramcad ay ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa ciidamada ay ka fuliyeen xaafadaha deegaankaas oo dhaca waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in ujeedka howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga caasimada iyo deegaanada ku xeeraan.

Inta uu howlgalka socday ayaa waxaa lagu soo qabtay shaqsiyaad lagu tuhumayo inay xiriir la leeyihiin ama la shaqeeyaan AS, kuwaas oo haatan lagu haayo baaritaano.

Sidoo kale saraakiisha amniga ayaa xusay inay sii wadi doonaan howlgallada, ayna ka hortagi doonaan weerarada suurtagalka ah ee ay soo abaabuli karto kooxda AS.

Ceelasha Biyaha ayaa waxaa haatan ka howlgallo ciidamo kala duwan sida Booliska iyo kuwa Xasilinta caasimada, kuwaas oo loo geeyay inay sugaan amniga deegaankaasi.

Howlgalladan joogtada ah ee ka socda Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa keenay isbeddal ballaaran oo dhanka amniga, kaas oo si weyn looga dareemay gudaha caasimada.

Waxaa sidoo kale meesha ka baxay kooxihii ciyaal weerarada iyo kuwii kale ee dhaca u gaysan jiray shacabka, kuwaas oo iyana dhibaato ku hayay reer Muqdisho.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo haatan dagala adag kula jirta kooxda AS ayaa la timid qorshe lagu sugayo amniga Muqdisho, waxaana yaraaday qaraxyadii dhici jiray.

Israa’iil oo war layaab leh kasoo Saartay Kiiska Dilka Saddex nin oo Xamaas Afduub u heesteen

0

Sabti, December, 16, 2023 {HMC}  Ciidamada milatariga Israa’iil ayaa duullaan xooggan ku qaaday magaalada Gaza, waxa ayna ujeedka duullaankooda ku sheegeen sidii ay usoo furan lahaayeen laheestayaal Israa’iil u dhashay iyo ajaaniib kale oo gacanta Xamaas ku jira.

War kasoo baxay milatariga Israa’iil ayey ku qirteen in gacantooda si khalad ah ugu dileen saddex nin oo Israa’iil u dhashay, kuwaa oo kamid ahaa dadka kooxda Xamaas afduub ahaanta u heesteen.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in si khalad ah uu u dhacay dilka saddexda nin oo lagu kala magacaabi jiray Yotam Haim, 28, Samer Tallalka, 22, iyo Alon Shamriz, 26, waxa ayna sheegeen in raggan si khalad ah loogu aqoonsaday in ay halis yihiin.

Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in dhacdadii Jimcihii ay baaritaan ku hayaan, waxayna sheegeen in ay si qoto dheer uga xun yihiin dhacdadaas naxdinta leh, waxayna u direen qoysaska ragga ay dileen tacsi tiiraanyo leh.

Dad ka carreysan dilka milatariga Israa’iil u geesteen saddex laheeste oo Israa’iil kasoo jeeday ayaa dibad-bax ka dhigay bartamaha Tel Aviv , waxa ayna dadkan dalbanayeen in wadahadal lagu soo daayo dadka ay Xamaas heestaan.

Koox Soomaali ah oo weerar guuleystay ku qaaday markab aad u weyn oo laga leeyahay Spain

0

Sabti, December, 16, 2023 {HMC} Markab ay leeyihiin ciidamada badda Spain ayaa ku baxay markab ganacsi oo ka diiwaan-gashan dalka Malta, kaasi oo la rumeysan yahay inay afduubteen burcad badeedda Soomaaliya, waxaa sidaas sheegay ciidamada Midowga Yurub ee la-dagaalanka burcad badeedda.

Haddii la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa afduubkii ugu horreeyay ee lagu guuleysto oo ay ku lug yeeshaan burcad-badeedda Soomaalida tan iyo sannadkii 2017-kii, markaasi oo howlgallo ay sameeyeen ciidamada badda ee caalamiga ah ay joojiyeen weeraradii gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Xarunta hawlgallada wadajirka ah ee EUNAVFOR ee Spain ayaa sheegtay inay heshay digniin ku saabsan “markab la sheegay inay burcad-badeeda afduubteen,” kaasi oo lagu magacaabo Ruen, xilli uu marayey meel qiyaastii 500 mayl-badeed bari ka xiga Jasiiradda Socotra ee u dhow Soomaaliya.

Xubin ka mid ah kooxihii hore ee gacan ka gaysan jiray abaabulka weerarada lagu qaado maraakiibta, oo ku sugan Puntland, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu maqlay in burcad-badeedda ay u suurta-gashay in ay qabsadaan markab.

“Lix ka mid ah saaxiibadeyda burcad-badeedda ah waxaa u suurtagashay in ay qabsadaan markab, waxayna keeni doonaan xeebaha gobolka bari ee Puntland,” ayuu Mukhtaar Maxamuud yiri isagoo ku sugan magaalada xeebta ah ee Qandala.

Ma uusan shaacin magaca doonta, islamarkaana mas’uuliyiinta Puntland ayaan weli ka hadal dhacdadan.

Howlgalka EUNAVFOR ayaa sheegay in markabka dagaal ee Victoria ee Spain loo diray goobta weerarka, “si uu usoo ururiyo macluumaad dheeri ah, una qiimeeyo tallaabooyinka la qaadi karo.”

Shirkadda ammaanka badda ee Britain ee Ambrey ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in markabka Ruen ay afduubteen burcad-badeedda.

Horaantii Jimcihii, hay’adda badaha Britain ee UKMTO ayaa sheegtay in ay warbixin ka heshay sarkaal ka tirsan ilaalada markabka oo sheegay in shaqaaluhu aysan gacanta ku hayn markabka, oo hadda ku sii jeeda Soomaaliya.

Markabka Ruen waxaa maamula shirkadda Bulgare ee dalka Bulgaria, sida ku cad xogta shirkadda Equasis ee kaydisa xogta maraakiibta.

Markabka ayaa markii ugu dambeysay la arkay isaga oo shareecanaya dhanka Soomaaliya abaare 2:26 pm Jimcihii, sida ku cad xogta shirkadda LSEG ee la socota dhaqaaqa markaaiibta.

{DAAWO MUUQAALKA} SSC-Khaatumo oo loo gudbiyay Cabasho kasoo yeertay gaadiidleydda xoolaha ee canshuuta lagu bilaabay.

0

Sabri, December, 16, 2023 {HMC} SSC-Khaatumo oo loo gudbiyay Cabasho kasoo yeertay gaadiidleydda xoolaha ee canshuuta lagu bilaabay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dal ay Soomaali badan iska dhiibto oo qaadashada baasaboorkisa ku xiray aqoonsiga Israa’iil.

0

Sabri, December, 16, 2023 {HMC} Dal ay Soomaali badan iska dhiibto oo qaadashada baasaboorkisa ku xiray aqoonsiga Israa’iil.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 16/12/2023

0

Jimco-December-15-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Yasiin Cali Axmed

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO