Home Blog Page 3061

Qoysas Maraykan ah oo ka soo jeeda Falastiin oo dacwad ku soo oogay dawladda Maraykanka

0

Sabti, December, 16, 2023 {HMC} Laba qoys oo u dhashay dalka Maraykanka kana soo jeeda Falastiin ayaa waxay dacweeyeen xukuumadda Maraykanka ee uu hoggaamiye madaxweyne Biden, iyaga oo sheegay inaanay u fidinin qoysaskooda ku go’doomay Gaza, gargaar samatabixin ah oo la mida kan ay dawladda Maraykanku u fidisay muwaadiniinta Maraykanka ee asal ahaan ka soo jeeda Israa’iil.

Ka dib markii uu dhacay weerarkii 7-da October, waxaa dawladda Maraykanku ay duulimaadyo kaga daadguraysay muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugnaa Telaviv, ka dib markii la joojiyey duulimaadyadii aadiyey dalkaas.

Wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa sheegtay inay caawisay illaa 1,300 oo muwaadiniin Maraykan ah oo ka soo jeeda Falastiin, si ay uga baxaan Gaza isla markaana ay u gudbaan Masar, iyada oo Maraykanku wada shaqayn kala yeeshay masuuliyiinta Israa’iil iyo Masar.

Qoysaska dacwadda soo oogay ayaa sheegay inaanay dawladdu qaabaynin duulimaadyo si ammaan ah oo lagu daadgureeyo dadka halkaas ku go’doomay. Waxay ku qiyaaseen illaa 900 oo muwaadin, ama dad haysta deganaanshaha dawladda Maraykanka ama qoysaska muwaadiniinta Maraykanku inay ku go’doonsan yihiin Gaza.

Waxay sheegeen in tallaabadani ay tahay xadgudub ka dhan ah xuquuqda dastuurka.

Wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanku waxay ka gaabsatay inay faallo ka bixiso dacwad socota, hase ahaatee afhayeen u hadlay ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay u soo samatabixin lahaayeen muwaadiniin badan oo Maraykan ah iyo qoysaskooda.

Aqalka Cad ayaa su’aal arrintaas la xidhiidha wuxuu isu dhaafiyey Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka, hase ahaatee Waaxda Cadaaladda ee Maraykanku, iyana si degdeg ah arrintan ugama falcelinin.

Reuters

{DAAWO MUUQAALKA} Guulo waaweyn oo la gaaray oo Deyn Cafintu qeyb tahay Hormuud ayaa kaalin ku lahayd”W/ Isgaarsiinta

0

jimco, December, 15, 2023 {HMC} Guulo waaweyn oo la gaaray oo Deyn Cafintu qeyb tahay Hormuud ayaa kaalin ku lahayd”W/ Isgaarsiinta

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} “Hormuud waa tiir u taagan dadka iyo dalka Soomaaliyeed”RW hore Cumar Cabdirashiid

0

jimco, December, 15, 2023 {HMC} “Hormuud waa tiir u taagan dadka iyo dalka Soomaaliyeed”RW hore Cumar Cabdirashiid

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} RW hore Xasan Cali Kheyrre”Hormuud waa Shirkad,Dhaqaale iyo Amaano lagu yaqaano”

0

jimco, December, 15, 2023 {HMC} RW hore Xasan Cali Kheyrre”Hormuud waa Shirkad,Dhaqaale iyo Amaano lagu yaqaano”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Deynta Nala ka cafiyey waxaa ka fiicneyd inaan iska gudno”Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur”

0

jimco, December, 15, 2023 {HMC} Deynta Nala ka cafiyey waxaa ka fiicneyd inaan iska gudno”Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xogta dadkeena waxay ku jirtaa Amaano hormarsan waliba”Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimoow”

0

jimco, December, 15, 2023 {HMC} Xogta dadkeena waxay ku jirtaa Amaano hormarsan waliba”Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimoow”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Shirkaduhu kusoo shaqeeyay duruufaha adag waa inaan difaacno”Sen.Dhagdheer”

0

jimco, December, 15, 2023 {HMC} Shirkaduhu kusoo shaqeeyay duruufaha adag waa inaan difaacno”Sen.Dhagdheer”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hormuud waxay xoreysay oo ay waxbarashada kusoo dartay dad Jug weyn Soomaalidu gaarsiisay.

0

jimco, December, 15, 2023 {HMC} Hormuud waxay xoreysay oo ay waxbarashada kusoo dartay dad Jug weyn Soomaalidu gaarsiisay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Isgaarsiintu qeyb weyn ayey ka qaadatay hormarka dalka oo soo kabasho ku jira”Gud.Bankiga Dhexe”I

0

jimco, December, 15, 2023 {HMC} Isgaarsiintu qeyb weyn ayey ka qaadatay hormarka dalka oo soo kabasho ku jira”Gud.Bankiga Dhexe”I

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday mashruuc cusub oo ku kacaayo in ka badan 17 Milyan oo dollar.

0

Jimco, December, 15, 2023 {HMC} Waxaa iska kaashanaya mashruucan cusub dowladaha Soomaliya oo ay ku matalayso Hay’adda Gargaara iyo Jarmalka oo ka wakiil ah banigga horumarinta (KWF).

Hadafka mashruucan ayaa lagu sheegay inay tahay sidii loo kobcin lahaa awooda bankiyadda Soomaaliyeed, in qeyb weyn ka qaataan horumairnta bulshada qeybaheeda kala duwan, wuxuuna mashruuca kor u qaadayaa qeybo kala duwan sida; beeraha, xoolaha, kaluumaysiga, waxbarashada, caafimaadka iyo dalxiiska.

Madasha saxiixa heshiiskan ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxda dowaldda Federaalka Soomaaliya, Bankiyada dalka iyo masuu’liyiin kale. Heshiiskan ay wada gaareen gargaara iyo iyo KWF waxa uu ahniyadd u leeyahay bulshada nugul sidii kor loogu qaado dhaqaalahooda.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaara Suleymaan Cabdil Ducaale oo warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahiyay muhiimada ay mashaariicda maal-galinta dalkeennu u leedadahay.

“Ujeedada laga leeyahay barnaamijkan waa in awoodiinna kartidiinna iyo aqoontiinna xaga lacag bixinta ay kor u kacdo si aad ugu dhiirataan, tiina aad heysataan ee dheeraadka ah ee tan ka badan inaad bixisaan iyada naftirkeda aad maalgalin ku sameysaan,” ayuu yiri Dr. Suleymaan.

“Waxaan idin sheegayaa dalka waa dal faqri ah shaqo la’aan baa jirta dhibaatooyinka ugu waaweyn ee xitaa nabadgalyada maanta dhaawacaya waxaa kamid ah dhaqaale xumida iyo shaqo la’aanta dhalinyarada.”

Agaasimha Guud ee Hay’adda Istaatiskada Qaranka Sharmaake Maxamed ayaa isna sheegay in waddanka fursado badan tan ka ballaaran ay wadada kusoo jiraan taasi oo mudnaan siinayso horumarka bulshada iyo shaqa Abuurka.

“Sharaf gaar ayey ii tahay inaan goobjoog ahaado oo aan ka soo qeybgalo xafladan lagu saxiixayo heshiiska (KWF)lala galay tani waxay mudnaan siineysaa horumarka bulshada iyo kobaca shaqo abuurka, ka Hey’add ahaan wadshaqeynta ayaan la yeelan doonaa Gargaara,” ayuu yiri agaasime Sharmaake.

Guddoomiyaha Midowga Bangiyada Soomaaliya (SBA) Mudane Shirwac ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay dadaalka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda gargaara iyo dowladda KWF ee Jarmalka, wuxuuna tilmaamay in howlaha socda ay ka turmayso soo noolaynta hay’addaha dhaqaalaha dalka sida bangiyada.

“Waxaan ballan-qaadeynaa wada-shaqeynta dhankeenna laga filaayo, waxaan rajeyneynaa in aan ka soo bixi doono, gargaarana naguma cusbo waan la shaqeynaa ee kaliya waxaa cusub qeybtaan kale (KWF) wuxuuna heshiiskan ku soo aaday waqti munaasib ah oo deyn cafinta loo dabaaldagayo. Insha Allah gacanta waan furi doonnaa dad badan ayaa ka faa’iideysan doono oo shaqo abuur heli doono,” ayuu yiri.


Hay’adda Gargaara Lt, oo isku xirta hay’addaha maal-galinta, dowladda iyo adduunka ayaa wadda daddaalo lagu horumarinayo bulshada, gaar ahaan qeybaha muhiimka u ah adeegyada buslahda.