isniin, 17, Nov 2025 {HMC} Dawladda Kenya ayaa wajahaysa weerar dhinaca Internetka ah oo lagu qaaday boggaga rasmiga ah ee dhowr wasaaradood oo ay ku jiraan ; Caafimaadka, arrimaha gudaha , waxbarashada , biyaha iyo Shaqada, waxaana hawada laga saaray barahooda internetka oo qaarkood farriimo lagu baahiyay, sida ay werisey warbaahinta Citizen oo weerarkan ku sheegtay mid ka mid ah weerarrada ugu baaxada weyn ee ay wajahaan hay’adaha dawladda Kenya.
DSF Oo Baaris ku Bilaabay kiiska Muwaadin Cabasho ka Gudbiyay Turkish Airlines
Isniin November 17, 2025 {HMC} Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay inuu qaaday tallaabo sharci ah oo ku aaddan cabasho rasmi ah oo uu gudbiyay muwaadin lagu magacaabo Cabdifitaax Axmed Xuseen kaasoo sheegay in lagu sameeyay ku-takri fal awoodeed iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqdiisa dastuuriga ah, intii uu ka dhoofayay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.
Sida ku xusan war-saxaafadeedka, Cabdifitaax ayaa ku eedeeyay Turhan Kenmen, oo ah Maareeyaha Xafiiska Diyaaradda Turkish Airlines (Station Manager) ee Soomaaliya, inuu ku kacay ficillo baal marsan sharciga, isla markaana lagu xadgudbay xuquuqdiisa, taas oo sababtay in laga horjoogsado safarkiisii.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sheegay in markii ay soo gaartay cabashada iyo warbixinta la xiriirta dhacdada, ay isla markiiba u fureen Gal-dacwadeed si loo xaqiijiyo runta eedaha, lana bilaabay baaritaan dhab ah oo ku wajahan cidda ku lug leh arrintaas. Dacwaddan ayaa hadda u gudubtay marxalad sharciyeed oo suurtagelinaysa in la qaado tallaabooyinka ku habboon natiijada baarista kadib.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ballan qaaday in arrinta loo wajahayo si waafaqsan sharciga iyo dastuurka dalka, isla markaana la hubin doono in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan difaac sharci oo buuxa marka ay cabasho gudbiyaan.
Hadalka maanta kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta ayaa kusoo beegmaya kadib markii Cabdifitaax Axmed Xuseen oo baraha Bulshada looga yaqaano Somali Gamer uu muqaal uu baraha bulshada la wadaagay ku sheegay inuu la kulmay tacadi ku saabsan xarig iyo in laga reebay si ula kac ah diyaaradii Turkish Airlane waliba isagoo maray dhammaan nidaamyadii hubinta ee garoonka iyo Hay’adda Socdaalka.
Somali Gamer ayaa eeda ugu kulul u jeediyay Maareeyaha Xafiiska Diyaaradda Turkish Airlines (Station Manager) oo si cad muqaalkiisa ugu sheegay inuu ahaa ruuxi ka dambeeyay in la xiro iyo in laga reebo duulimaadkii uu ku safri lahaa Turkish Airline.
Xildhibaan Saciid ”Waa Ceeb in Qabyaalad uu ku dhaqmo Sanator muuse, Xamar waa Caasimada Soomaaliya
Isniin 17,Nov 2025 {HMC} Xildhibaan Saciid ”Waa Ceeb in Qabyaalad uu ku dhaqmo Sanator muuse, Xamar waa Caasimada Soomaaliya
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Maxaa dhaxmaray Sanetor Muuse Suudi iyo Senator kasoo jeedo Puntland.?
Isniin 17,Nov 2025 {HMC} Maxaa dhaxmaray Sanetor Muuse Suudi iyo Senator kasoo jeedo Puntland.?
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} Senator Cabdi xakiim ”Caasimada Soomaaliya Qof lagu Dulminaa Majirto”
Isniin 17,Nov 2025 {HMC} Senator Cabdi xakiim ”Caasimada Soomaaliya Qof lagu Dulminaa Majirto”
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} Wiil dhalinyaro oo Baladweyne loogu dilay wax ka yar 1$
Isniin 17,Nov 2025 {HMC} Wiil dhalinyaro oo Baladweyne loogu dilay wax ka yar 1$
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} Muuse Suudi Marka hore Maka garaabyay wixii uu ka geystay magaaladaan” Senetor Cabdi Cabdullaahi
Isniin 17,Nov 2025 {HMC} Muuse Suudi Marka hore Maka garaabyay wixii uu ka geystay magaaladaan” Senetor Cabdi Cabdullaahi
{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 16-11-2025
Isniin 17,Nov 2025 {HMC} Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 16-11-2025
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Faah Faahin dheerad ah Duqeymo lagu dilay Xubno ka tirsan Daacish.
Isniin November 17, 2025 {HMC} Ciidamada Puntland oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa maanta duqeymo iyo weerar toos ah ku qaaday deegaanka Ceelka Baarakalaah, oo ah fariisin istaraatiiji ah oo ay togga Baallade kaga sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan ururka Daacish.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in duqaynta uu Maraykanku ka fuliyay halkaasi ay ka mid tahay kuwii ugu xoogga badnaa ee lagu beegsado buuraha Calmiskaad tan iyo bilowgii howlgallada ka dhanka ah Daacish. Tallaabadan ayaa timid kadib markii ciidamada Puntland loo fasaxay in ay qaadaan weerar toos ah oo dhanka dhulka ah.
Xaaladda Ceelka Baarakalaah ayaa weli kacsan, waxaana laga soo sheegaya dagaal culus oo socda, inkastoo aan weli la helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha labada dhinac kala gaaray.
Dhanka kale, ururka Daacish ayaa dhawaan sheegay in ciidamada Puntland ay lix jeer isku dayeen inay soo galaan ceelka Baarakalaah, balse ay iska difaaceen una geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Sidoo kale, habeenno ka hor ayay koox ka tirsan Daacish weerar ku qaadeen mid ka mid ah saldhigyada Puntland, halkaas oo ay ku dileen afar askari, iyaguna looga dilay qaar kamid ah kooxdii weerarka soo qaaday.
Weerarradan ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay qorsheyneyso inay laba todobaad gudahood ku dhowaaqdo in lasoo afjaray dagaalka ka socda buuraha Calmiskaad. Si kastaba ha ahaatee, siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Bari ayaa xalay uga digay maamulka Puntland in aan lagu degdegin sheegista guusha, maaddaama sida ay sheegeen kooxda Daacish aan weli gebi ahaan laga sifeyn Calmiskaad.
Somalia shuts down E-TAS system after major security breach exposes travelers data
Monday November 17, 2025 {HMC} Somalia’s immigration authority has confirmed a security breach in the country’s newly launched E-TAS travel system, exposing the data of some passengers.
The Somali Immigration and Citizenship Agency said Sunday that unauthorized actors infiltrated the E-TAS platform, prompting officials to immediately shut it down and open an urgent investigation aimed at limiting the damage.
In a statement, the agency said the federal government has formed a national investigative committee composed of security agencies, international forensic experts, and data-protection authorities to examine the breach. A full report will be released once the investigation is complete, detailing the findings and steps the government plans to take to prevent future intrusions.
“The agency regrets this incident and reaffirms that protecting the privacy of our citizens and our national services is our top priority,” the statement said.
The U.S. Embassy in Mogadishu warned that personal information belonging to more than 35,000 travelers may have been exposed, after unidentified hackers allegedly compromised Somalia’s electronic visa system. Washington’s warning has deepened scrutiny of the digital platform and raised new questions about the federal government’s ability to secure sensitive data.
Somalia rolled out its mandatory e-visa program on Sept. 1, describing it as a critical step in modernizing immigration controls, strengthening security screening, and improving revenue transparency. All foreign travelers are required to apply online before entering the country.
Somaliland rejected the platform outright, insisting that only visas issued by its own authorities are valid in its territory. Puntland denounced the federal e-visa as “illegal,” arguing that regional administrations not Mogadishu hold authority over airports and border points.
The breach now threatens to deepen those political rifts, casting fresh doubt over a platform the federal government has promoted as a cornerstone of its security and governance reforms.
Source Hiiraan Online



