Home Blog Page 306

Puntland oo Amar ku Bixisay in deegaano ka tirsan Bari 7 Maalin looga guuro.

0

Talaado November 18, 2025 {HMC} Puntland ayaa dadka ku nool tuulooyinka ku dhow togga Baallade u qabatay toddobo maalmood inay kaga guuraan deegaanka, si ay u goyso sahayda lagu eedeeyo inay gaarto ururka Daacish, oo la sheegay inuu mararka qaar dadka deegaanka ka helo raashin iyo xoolo nool.

Hay’adaha amniga ayaa ku eedeeyay dadka ku nool deegaanka Tasjiic inay la macaamilaan Daacish, iyagoo sheegay in dowladdu ku qasban tahay inay qaaddo tallaabo looga hortagayo in ururkan uu helo sahay uu ku sii shaqeeyo.

Ciidamada amaanka ayaa dhawaan xiray rag iyo dumar lagu eedeeyay inay raashin iyo badeecooyin kale u geeyeen Daacish, kuwaas oo la qabtay xilli ay kasoo laabanayeen togga Baallade. Sidoo kale, qaar ka mid ah shacabka ayaa lagu eedeeyay inay la shaqeeyaan miino-dhigayaasha kooxda Daacish.

Go’aankan ayaa cabsi iyo walaac xooggan ka dhaliyay odayaasha iyo nabadoonnada ka soo jeeda tuulooyinka lagu amray inay ka guuraan dhulkooda, kuwaas oo sheegay in dadka deegaanka ay ku jiraan xaalad abaareed oo culus isla markaana aysan haysan awood ay kaga guuraan dhulkooda.

Nabadoon Cabdiqaadir Axmed Xarago, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Deni inuu doonayo in dadka degaanadooda laga barakiciyo si dhulka loogu wareejiyo Imaaraadka, oo uu sheegay inay doonayaan inay halkaas ka qotaan macdan. Wuxuu sheegay in bulshada deegaanka aysan awood u lahayn barakac cusub, isla markaana aysan wax xiriir ah la lahayn Daacish.

Nabadoonku wuxuu ugu baaqay dowladda inay ciidamo geyso tuulooyinka si loo soo qabto cid kasta oo Daacish u shaqaysa, halkii shacabka laga barakicin lahaa dhulkooda.

Golaha Wasaaada Tanzania oo Laga Saaray wasiirkii Soomaaliga ahaa.

0

Talaado November 18, 2025 {HMC}  Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa ku dhawaaqday gole wasiirro cusub oo ka kooban 27 wasiir, taasoo ah isku shaandheyn ballaaran oo lagu sameeyay hoggaanka dowladda, tallaabadan ayaa qeyb ka ah dib u habeynta waxqabadka iyo kordhinta waxqabadka dowladda ee xilliga lixaad.

Madaxweyne Samia oo ka hadlaysay aqalka madaxtooyada Chamwino ee magaalada Dodoma ayaa sheegtay in isbedellada ay ku jiraan dhismaha wasaarado cusub, beddelaadda qaar ka mid ah wasaaradihii hore iyo in dowladda la soo dhexgaliyo wajiyo cusub.

Xubnaha la magacaabay markii ugu horeysay waxaa ka mid ah Wanu Ameir oo ah gabadha madaxweynaha oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, sayniska iyo tignoolajiyada iyo Paul Makonda oo laga soo doortay magaalada Arusha oo loo doortay inuu ka mid noqdo wasiir ku xigeennada wasaaradda warfaafinta, fanka, dhaqanka iyo ciyaaraha.

Madaxweyna Samia ayaa sidoo kale wasiirka caafimaadka u magacowday wiilka ay soddogga u tahay Mohammed Mchengerwa.

Waxay sidoo kale dib u soo celisay dhowr wasiir oo hore oo ay ku jiraan barafasoor Adolph Mkenda, Jumaa Aweso, barafasoor Makame Mbarawa iyo barafasoor Paramagamba Kabudi.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah wasiirradii caanka ahaa ee uu ka mid ahaa Xuseen Baashe oo ahaa wasiirka beeraha, ayaan ku soo noqon golaha wasiirada cusub.

Wasiirka beeraha ayaa haatan loo magacaabay Daniel Chongolo.

Aqalka looga arrimiyo dalkaasi Tanzania ayaa xaqiijiyay in dhammaanba wasiirrada iyo ku xigeennadooda la filayo in la dhaariyo maanta, iyadoo xafladda dhaarintooda ay ka dhacayso magaalada Dodoma.

 

Qaramada Midoobay oo taageertay Qorshaha Trump ee Gaza.

0

Talaado November 18, 2025 {HMC}  Qorshaha nabadda ee Trump ee Gaza ayaa hadda galay wajigii labaad ka dib markii uu ansixiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyadoo uusan jirin waddan ka horyimid.

Waxay ujeedadeedu tahay in la dhiso laba hay’adood oo muhiim ah oo — Guddiga Nabadda oo isku dubbaridi doona holwaha gargaarka, iyo Ciidanka Xasilinta oo amniga Qza suga.

Ka dib cadaadis uga yimid dalalka Carabta, qaraarka Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in falastiiniyiinta ay mustaqbalka yeelan doonaan dowlad, waxaana arrintasi taageeray dalal Muslimiin u badan oo ay ku jiraan Sacuudiga iyo Turkiga.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo maanta Ku Wajahan Maraykanka

0

Talaado November 18, 2025 {HMC}  Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa maanta ku wajahan Dalka Maraykanka si uu ula kulmo Madaxweynaha Dalkaas Donald Trump sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka kala tirsan Xukuumadaha Riyadh & Washington.

Maxamed Bin Salmaan ayaa Madaxweyne Donald Trump kala hadlaya xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada Dal, fulinta heshiisyo hore oo ay wadagaleen, qorshaha Sacuudiga uu ku doonayo in uu ku helo hub casri ah iyo qodobo kale.

Safarkii Madaxweynaha maraykanka Donald Trump uu ku tagay Sacuudiga Bishii May sanadkaan 2025 waxa uu Sacuudi Carabiya u faray albaabka helista hub casri ah oo ku kacaya $142 Bilyan oo doollar.

Trump qudhiisa waxa uu doonayaa in uu Sacuudiga dib ugu celiyo dhabbaha heshiiskii Dalalka Carbeed ay la galeen Israa’iil oo gaabis ku yimid muddo xileedkii Madaxweynihii ka horreeyay ee Joe Biden sida wararku sheegayaan.

AUSSOM Launches VIP Protection Training for Jubbaland Security Forces.

0

Monday 17, Nov 2025 {HMC} Today in Kismayo, AUSSOM launched a six-week VIP Protection Course for the Jubaland Security Forces, led by Sector 2 Commander Brig. Edward Banda.

Joined by the State Minister for Internal Security, Yusuf Hussein Osman, Brig. Banda congratulated the 50 participating officers, noting that the training will enhance their capacity to safeguard senior state officials and bolster overall security in Jubaland.

He reaffirmed the strong partnership between AUSSOM and Somali Security Forces, urging participants to fully commit to the programme.

Minister Osman highlighted the importance of the training, stressing that Al-Shabaab’s continued targeting of government and military leaders makes advanced protection skills vital.

Also in attendance were AUSSOM Sector 2 Deputy Commander Col. Samson Kenga and other senior officials.

O {DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 17-11 2025

0

Isniin  17,Nov 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY 

{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka.

0

isniin, 17, Nov 2025 {HMC}  Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan mudane: maxamed xuseen maxamed ayaa shir-gudoomiyey, shir heerkiisu sareeyo kasoo looga hadlayey xaaladaha amniga Gobolka, Gaar ahaan Degmada Beledweeyne, taaso aay lagama maarmaan noqotay in wax laga bedelo.

Gudoomiyaha aya shirkaan la yeeshay saraakiisha ciidamada qalabka sida qeeybahooda kala duwan, sida Boliiska, militiry-ga iyo nabad sugida.

Shirkaani oo ahaa shir miisaankiisu culus yahay islamarkanaa lagu saleeynaayo xaaladaha amni ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa uu ka qabsoomay Gudaha Xaruunta saldhiga Boliska- Gobolka Hiiraan.

Kulakaani amni oo saacada badan qaatay, ayaa waxaa la isla Gartay in howalaha amniga ee ay hayaan ciidamada qalabka sida lasii laba-jibaaro, islamarkaana fiira-gaara loo-la haado meelaha ay ka imaanayaan, dul-duleeda amniga wax yeeleeynaaya.

Gaba-gabadii waxaa aay maamulka Gobolka uu horkacayo Gudoomiye: maxamed carab iyo saraakiishaba leeysla qaatay in la joogteeyo, shirarka noocaan,oo kale ah, si loo kala qaato,Awaamiir, iyo Talooyin, taasoo lagu saleeynaayo Guulaha la gaaray iyo waxa dhiman, Guud-ahaan.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha ayaa u mahad-celiyey saraakiisha amniga qeeybahooda kala duwan, shaqada adag ee aay u hayaa-bulshada weeynta Gobolka Hiiraan, waxaa uuna Gudoomiyuhu kula dardaarmay inaay Howlahooda shaqo ee amni xaqiijinta ah sii laba-jibaaraan.

Waxaa uuna Gudoomiyuhu sidoo kale ku booriyey ciidamada amniga, inaan cidna looga heeybeeysan wax-kasta/ cid-kasta ee amniga Gobolkan wax-yeeleeynaysa.

Maxaa ka taqanaa 10-ka waddan ee Afrika miisaaniyadda ugu badan ku bixiya ciidamada.?

0

isniin, 17, Nov 2025 {HMC}  Masar ayaa halka sare ugu jirto sanadkan 2025-ka warbixinta bogga Global Firepower oo ka faalooda arrimaha militeriga. Masar waxay ka mid noqotay 10-ka dalka ee Afrika ugu sareeya.

Arrimaha la eegay waxaa ka mid ah in aad leedahay tiro badan oo ciidamada dhulka ah, hubka casriga, cidamo bad oo xoog badan iyo kuwa cirka.

Masar ayaa ku hoggaamineysa liiskan in ay tahay dal haysta ciidamo xoog badan, taagniyo, gawaarida dagaalka iyo helikobtaro badan sida lagu sheegay warbixinta.

Warbixinta waxay ku qiyaastay misaaniyada militeriga Masar in ay gaareyso $5.88 bilyan oo doolar sanadkii.

2. Algeria

Ciidamada Algeria ayaa ka kooban kuwa caadi ah iyo kuwa ku hubeysan hubka casriga. Ciidamadooda cirka waa ku xoog leh. Waxaa la sheegaa in ciidamada Algeria ay markasta diyaar ku yihiin ilaalinta xuduudaha.

Militeriga Algeria waxay ku baahsan yihiin badda Mediterranean-ka sida lagu sheegay warbixinta. Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamada ay xoog leeyihiin marka ay helayaan taageerada kuwa cirka iyo badda.

Sida warbixinta Global Firepower lagu sheegay, miisaaniyada militeriga Algeria waxay sanadkii gaareysaa ilaa iyo $25 bilyan oo doolar. Miisaaniyadooda waxay shan laab ka badan tahay tan Masaarida.

3. Nigeria

Awoodda militeriga Nigeria waxaa lagu cabiraa tirada ciidan ay leeyihiin. Waa dalka saddexaad ee leh ciidamada cirka ee ugu badan qaarada sida lagu sheegay warbixinta.

Tirada ciidan ay leedahay Nigeria waxaa lagu qiyaasaa 230,000, sidoo kale waxay leedahay ciidamo gaar ah oo xagjiriinta la dagaallama.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in miisaaniyada militeriga Nigeria ay gaareysaa $3.16 bilyan.

4. Koonfur Afrika

Waxaa la sheegay in dalka Koonfur Afrika lagu yaqaan howlkarnimo. Waxay leeyihiin ciidamo difaac oo xoog leh. Ciidankooda waa kuwa isku dheelitiran hadii ay noqon laheyd kuwa dhulka, cirka iyo kuwa badda.

Dalka sidoo kale wuxuu leeyahay diyaarado dagaal oo casri ah kuwaas oo awooda in ay fuliyaan howgallo guuleysta.

Ciidanka Koonfur Afrika waxay kaloo leeyihiin ciidamo loo tababaray daryeelka iyo nabad ilaalinta.

Tirada askarta dalka way ka yar yihiin dalalka dhigooda ah balse way ka sareeyaan marka ay timaado waxtarka, qalabka iyo hubka casriga ah ay haystaan.

Lama oga inta ay la egtahay miisaaniyada sanadkii ku baxda ciidanka Koonfur Afrika balse waxaa la filayaa in sanadkan ay gaarto 3.1 bilyan oo doolar.

5 Itoobiya

Ciidanka ugu badan ay Itoobiya leedahay waa kuwa dhulka sida warbixinta lagu sheegay. Askarta ay leedahay Itoobiya waa kuwa xoog badan. Dalka waxa uu caan ku yahay in uu diyaariyo askar badan oo kuwa lugta ah iyo ciidamo cirka oo xoog leh.

Ciidamada cirka Itoobiya waa kuwa awood fiican leh. Waxay ciidankooda diirada saaran ilaalinta xuduudaha iyo xaqiijinta ammaanka gudaha.

Bogga Global Firepower waxa uu warbixinta sanadkan ku sheegay in miisaaniyada militeriga Itoobiya ay tahay 2.10 bilyan oo doolar.

6 Angola

Dalka Angola waxa uu maalgelin xooggan ku sameeyay ciidamada dhulka. Sidoo kale ciidamadooda cirka iyo kuwa badda waa kuwo xoog leh.

Inta badan ciidamadooda waxaa loogu talogalay in ay wax ka qabtaan ammaanka gudaha iyo ilaalinta xuduudaha. Miisaaniyada sanadkan ee ciidamada Angola waa 1.1 bilyan oo doolar.

7 Morocco

Ciidamada Moroco waxay ka kooban yihiin militeri badan, taangiyo casri ah, gawaarida dagaalka, diyaarado iyo kuwa badda. Ciidankooda waxay ka howlgali karaan ilaa iyo biyaha Mediterranean-ka iyo badda Atlantik.

Global Firepower waxay sheegen in miisaaniyad sanadeedka ciidamada Morocco ay ka badan tahay 13 bilyan oo doolar.

8 DR Congo

DRC waa dalka sideed ee qaarada ugu militeriga xooggan. Tani waxay ka dhigan tahay in ay leeyihin askar rasmi ah oo badan balse ma haystaan qalabka casriga iyo tababar sida warbixinta lagu sheegay. Sanadkan waxay miisaaniyadooda aheyd 800 oo milyan oo doolar

9 Sudan

Sudan oo ah dalk ku jira dagaal sokeeye waxay markii hore lahaayeen ciidamo gaar ah oo loo tababaray in ay wax ka qabtaan amniga gudahga balse dhexdooda ayaa hadda dagaallamaya. Waxaa lagu yaqaan in ay leeyihiin ciidamo fiican oo dhulka, cirka iyo badda ah.

Miisaaniyada ciidanka suudaan waxaa lagu qiyaasay in ay tahay sanadkii 342 milyan oo doolar.

10 Libya

Libya waxay ku jirtaa kaalinta tobannaad ee qaaradda. Inkastoo qaab dhismeedka militeriga dalka uu burburay hadana markii hore waxay sameysteen ciidamo xoog badan oo isugu jira kuwa dhulka, badda iyo cirka.

Libya sida Sudan oo kale waxa haysta dhibaato weyn oo gudahooda ah. Miisaaniyada sanadkii ku baxda ciidamada Libiya waxay ka badan tahay 3 bilyan oo doolar sida lagu sheegay warbixinta.

XIGASHO BBC

Saddex qof Oo udhintay Cudurka Marburg Itoobiya.

Isniin  November 17, 2025 {HMC}  Wasaaradda caafimaadka ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in baaritaanno shaybaarka ay xaqiijiyeen saddex dhimasho oo ka dhacay koonfurta Itoobiya uu ka dhashay cudurka Marburg, taasoo noqonaysa tii ugu horreysay ee si rasmi ah loo sheego dhimashada dalkaas tan iyo markii lagu dhawaaqay faafitaanka usbuucii hore.

Wasiirka caafimaadka Dr. Mekdes Daba ayaa saxafiyiinta u sheegtay in saddex qof oo kale oo astaamo isku mid ah ay sidoo kale dhinteen, inkastoo xaaladooda aan weli lagu xaqiijin baaritaanka shaybaarka. Jimcihii, Itoobiya waxay ku dhawaaqday in qandhada dhiigbaxa ee laga helay koonfurta ay tahay cudurka Fayraska Marburg.

Wasaaraddu waxay sheegtay in 17 muunadood la qaaday si loo baaro, halka 123 qof oo xiriir toos ah la yeeshay bukaannada cudurka qaba ay ilaalo iyo go’doon ku hayaan.

Maamulka ayaa sheegay in la xoojiyey guud ahaan dalka iyo goobaha xuduudaha, iyadoo xarumaha ugu horreeya ee gurmadka la sameeyay si loo xakameeyo cudurka dillaacay.

Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Fayraska Marburg-oo ka mid ah qoyska fayraska la midka ah ee Ebola-wuxuu keenaa jirro daran oo leh heer dhimasho sare ah wuxuuna awood u leeyahay inuu kiciyo cudurro waaweyn.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Bangladesh oo dil lagu xukumay

Isniin  November 17, 2025 {HMC}  Ra’iisul Wasaarihii hore Sheekh Xasina ayaa la xukumay iyada iyo wasiirkeedii hore ee arrimaha gudaha iyo taliyihii booliiska.Waxaa lagu helay dambi ah inay ogolaadeen in awood dil ah loo adeegsaday dibadbaxayaal iyo inay ku guuldareysteen inay ka hortagaan xadgudubyada ka dhanka ah.

Maxkamadu waxay akhriday dhammaan dacwadaha loo haysto eedaysanayaasha, iyadoo faahfaahin ka bixinaysa baaxadda rabshadaha ka dhacay tallaabada booliiska.

Hogaamiyaha xilka laga qaaday ayaa beenisay dhammaan dacwadaha ku saabsan rabshadihii ay Qaramada Midoobay sheegtay in boqolaal qof lagu dilay.

Dibadbaxyadu waxay ku dhammaadeen iyadoo Xasina u carartay Hindiya, halkaas oo ay tan iyo markaas ku noolayd. Maxkamad gaar ah ayaa xukunkeeda iyadoo maqan.Waxaa goobta ku sugnaa oo keliya taliyihii hore ee booliiska Abdullah al-Mamun.