Home Blog Page 3078

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa: “Hal Bil oo Mushaarkeyga ah oo ah $5,000 ayaan ku bixinaa dhismaha Dekedda Hobyo”.

0

Axad-December-10-2023-{HMC} Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in si degdeg ah loogu dhaqaaqo dhismaha Dekedda Hobyo ee Gobolka Mudug.

Cabdiraxmaan Odowaa ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo Shirkad maamul leh ama Xafiis la garanayo leh oo qof weliba uu ku aamino lacagta uu doonayo in uu uga qayb qaato dhismaha lagu sameynayo Dekeddaas.

Waxa uu ballanqaaday in mushaharka bil kamid ah lacagaha uu qaato oo dhan $5,000 oo doollar uu ku darayo Dekedda Hobyo si dhismaheeda loo dardargeliyo una billowdo shaqada laga rajeynayo in ay qabato.

“Reer Galmudug waala dhisi karaa Deked oo waxaa tusaale inoo ah Dekedda Garacad oo ay dhisteen Dadka, Haddii aan hagar jirin Dekedda Hobyo waala dhisi karaa ee Dekedda hala dhiso, Qofka waxa uu ku aamino lacagtiisa waa in la helaa Shirkad maamul leh oo maamuus leh, Sheerka ugu yar waa $1,000 soo lama dhihin, hal bil mushaarkeeda oo ah $5,000 ayaan bixinayaa” Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa.

Galmudug ayaa diiradda saareysa dib u dhiska Dekedda Hobyo, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor waxa uu ku baaqay in cid weliba oo wax ku darsan karta aanay gacmaha dib u ceshan si dekeddaas howlaha laga rajeynayo ay u billowdo.

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka ku dhibaateysan Baladweyne ee fatahaada ay saameysay gar-gaar ma gaarin”Xildhibaan buraale

0

Axad-December-10-2023-{HMC} Dadka ku dhibaateysan Baladweyne ee fatahaada ay saameysay gar-gaar ma gaarin”Xildhibaan buraale

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 10/12/2023

0

Axad-December-10-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Cabdimajiid Aweeys Isaaq

Farsamadii :Cabdimaajid Cabdiraxmaan Aadan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Aston Villa Oo Guul-darro Xanuun Badan U Xambaarisay Arsenal Iyo Liverpool Oo Faraxsan

0

Axad-December-10-2023-{HMC} Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa loo xambaariyey guul-darradii labaad ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee xilli-ciyaareedkan, waxaana 1-0 ku garaacday Aston Villa oo kaalinta labaad u ridday Gunners.

Gool madi ah oo uu dhaliyey John McGinn ayaa go’aamiyey ciyaar si adag loogu dagaallamaya oo ay Arsenal ku lumisay hoggaanka horyaalka Premier League oo si buuxda Liverpool ay ugala wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League.

Aston Villa oo toddobaadkii hore guul ay u qalmaysay kasoo gaadhay Manchester City ayaa waxa ay isla dariiqaas oo kale marisay Arsenal oo ay ka qaadatay saddex dhibcood oo muhiim ah.

Daqiiqaddii toddobaad ee bilowga ciyaarta ayaa uu xiddiga reer Scotland ee John McGinn dhaliyey goolka kala saaray labada kooxood, kaas oo sidoo kale sabab u noqday in Aston Villa ay hal dhibic kaliya ka dambayso Aston oo kaalinta labaad ku jirta.

Ciyaartan oo uu ganaax kaga maqnaa tababare Mikel Arteta oo dusha sare ee garoonka fadhiyey, ayaa waxay Arsenal waqtigii dheeraadka ahaa dhalisay gool uu u saxeexay Kai Havertz, kaas oo markii laga soo hubiyey VAR ay xaqiijisay in ay kubaddu gacanta kaga dhacday xiddiga reer Germany ka hor intii aanu goolka dhalinin.

 

{DAAWO SAWIRADA} Ruushka oo Soomaalida tahriibka ah kala dooransiinaya labo Arin oo Kala daran

Sabti-December-9-2023-{HMC} Dowladda Ruushka ayaa isku dayaya in uu dagaalka uu kula jiro Ukraine u shaqaaleysiiyo muhaajiriin ajaanib ah, kuwaas oo lagu soo xiray hawgal dhawaan ka dhacay xadka uu la wadaago Finland.

BBC-da ayaa aragtay kiisas dhowr ah oo ajaanib loola cararay xero milatari oo ku taal xadka Ukraine, maalmo kadib markii lagu soo eedeeyay inay jabiyeen sharciga socdaalka.

Saraakiisha Ruushka ee xeryaha lagu hayo dadka tahriibeyaasha ah ayaa ku qalqaalinaya dadkaas inay saxiixaan qandaraasyo ay qeyb uga noqonayaan ciidamada Ruushka ee ka dagaalamayo Ukraine, si ay uga badbaadaan masaafurin.

Arrinka ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordheyso tirada dadka ajaanibta ah ee tahriibaya ee ku sugan xadka uu Ruushka la wadaago Ukraine.

Finland ayaa si ku meel gaar ah u xirtay dhammaan siddeedii ka mid ahaa xuduudaha Ruushka, iyadoo ku eedeysay Moscow inay soo marsiisay muhaajiriinta iyo magangelyo-doonka halkaas taasoo qayb ka ah ololaha xasillooni darrada kadib markii xukuumadda Helsinki ay ku biirtay Nato horaantii sanadkan.

Falanqaynta dhageysiyada maxkamadaha ee Karelia, oo ka mid ah saddexda gobol ee Ruushka ee xuduudka la leh Finland, ayaa muujisay in saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, ay 236 qof lagu xiray Ruushka iyaga oo aan haysan dal ku gal ah sax ah. Dadkaas ayaa la doonayay in la tarxiilo.

Dadka la horkeenay maxkamada Karelia waxaa ka mid ah nin Soomaali ah oo 40-jir ah, kaas oo la xiray bartamihii bishii November, waxaana lagu xukumay ganaax dhan 2,000 oo ah lacagta Rubles oo u dhiganta 20 doolar iyo in la sii hayo inta musaafurinta la sugayo oo ah nidaamka caadiga ah ee uu maro qof kasta oo si sax ahaynd waddanka ku soo gala.

Cawad iyo ugu yaraan toban maxbuus oo kale oo lagu hayo xaruntii hore ee masaafurinta ee Petrozavodsk, ee caasimadda Karelia, ayaa waxaa lala soo xiriiray wakiilo ka socda militariga wax yar ka dib markii la xiray waxaana loo soo bandhigay “shaqo “. Waxaa loo ballan qaaday mushaar wanaagsan, daryeel caafimaad iyo ogolaansho ay ku joogaan Ruushka marka ay dhameystaan qandaraas ciidan oo hal sano ah.

Cawad ma ahan magaciisa saxda ah, balse BBC ayaa xaqiijisay in uu ka mid yahay dadka halkaas lagu xiray.

Waxa uu soo gaaray dalka Ruushka bartamihii bishii July waxaanu aaday dalka ay jaarka yihiin ee Belarus, isaga oo isku dayay in uu galo Poland.

Soo galooti aan hore loo arag ayaa ka bilaabmay in ay soo gaaraan xadka Finland oo ay codsadaan sharci qaxootinimo.

Maamulka Finland ayaa ku eedeeyay Ruushka inuu dhiirigelinayo qulqulka muhaajiriinta ku socda dalkooda.

Cawad ayaa BBC u sheegay in 14-kii November uu kireystay Taksi, isaga iyo Muhaajir kale oo Soomaali ah, markaas oo laga soo kaxeeyay St Petersburg, kuna sii jeeday Lakhdenpokhya, oo ah magaalo ku taal Karelia oo 30km u jirta xuduudka Finland.

Dal-ku-galkiisii bisha ahaa waxa uu dhammaaday bishii Agoosto waxaana la xiray ka dib markii taksigii uu saarnaa ay booliisku joojiyeen si ay u hubiyaan. Cawad iyo dhowr iyo toban qof oo kale ayaa maalintii xigtay la xukumay, waxaana loo wareejiyay xabsiga.

Kooxaha u dooda xuquuqda bini’aadanka ayaa sheegay in dadka ajaanibka ah ee Ruushka u isticmaala marinka safarka ay ku tagayaan wadamada reer galbeedka ay si joogta ah u dhaafaan muuddada fiisahooda mudada gaaban iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan xuduudaha wadamada Midowga Yurub.

Haddaba markii booliisku ay billaabeen inay qabtaan kuwa aan haysan fiisaha Ruushka ee saxda ah bartamihii bishii Nofeembar, waxaa loo arkay inay tahay isbeddel ku yimid habkii Ruushka ee soogalootiga ee soohdinta Finland.

Dukumeentiyada shaqo ee ay mas’uuliyiinta u soo bandhigeen ninka Soomaaliga iyo kuwa kale waxayna u malaynayeen in la siin doono shaqo la xiriirta ciidanka gudaha Ruushka, ayuu yiri.

“Nalama siin dukumeentiyadii qandaraaska, xitaa si sax ah noo lama tusin, waxaan weydiinay [shaqooyinka maxay noqon doonaan] laakiin waxay noo sheegeen inay tahay shaqo fudud oo ay wanaagsan tahay,” ayuu u sheegay BBC.

Isagoo ka baqaya in loo masaafuriyo Soomaaliya oo uu sheegay in dhowr jeer ay naftiisu halis gelisay Xarakada Al-shabaab, ayuu saxiixay dalabkaas, isagoo la socda shan qof oo kale oo Soomaali ah, shan nin oo u dhashay dalalka Carabta iyo nin u dhashay Cuba. Waxaa la saaray bas, waxaana loo kaxeeyay dhanka koonfureed.

BBC-da ayaa wasaaradda arrimaha gudaha ee Ruushka ee Karelia waydiisay xog ku saabsan tirada maxaabiista kale ee laga sii daayay xarumihii lagu hayay, balse ilaa hadda wax jawaab ah lagama hayo.

Waxaan sidoo kale xaqiijinay aqoonsiga nin kale oo kooxda ka tirsan, kaasoo magaciisa uu ku jiro diiwaanka maxkamadda ee Karelia.

Dhanka kale, nin Ciraaqi ah oo sidoo kale laga soo qabtay meel u dhow xuduudka Finland ayaa u sheegay dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha in isagana lagu cadaadinayo inuu saxiixo qandaraas ciidan si uu u buriyo amarka masaafurinta.

Waxa uu sheegay in noloshiisu ay halis weyn ku jirto haddii uu Ciraaq ku laabto. Lama oga inuu ogolaaday inuu saxiixo qandaraaska.

Sii hayaha safaaradda Soomaliya ee dalka Ruushka, Cabdullaahi Xaaji Daa’uud Warsame oo BBC-da wareysi siiyay ayaa sheegay dhibaatada dadka Soomaliyeed ku haysata xadka dalalka Belarus iyo Poland ay ahayd mid in muddo ah jirtay, balse tan hadda ka taagan xadka Ruushka iyo Finland ay tahay mid dhawaan soo bilaabatay.

Waxaa kale oo uu sheegay in dadka Soomaliyeed ay marka hore fisa dalxiis ah ku imaadan dalka Ruushka kadibna ay bilaabaan in ay uga sii gudbaan dalalka kale Yurub.

“Bishii lasoo dhaafay ayaa waxaa la bilaabay waddo cusub oo dadka ay maraan taas oo ah tan Finland, dadka waxaa ay ka kala imaadan dalalka Soomalidu ay joogaan oo ay ka mid tahay Itoobiya, Kenya, dalalka Carabta iyo walba Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Cabdullaahi Xaaji Daa’uud Warsame, sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee Ruushka waxaa kale oo uu BBC-da u sheegay in ay jiraan qaar ka mid ah dhalinyaro oo ay ka sii daayeen xabsiyada dalkaasi.

“Sanadkaan waxaan kasoo daynaya xabsiyada iyo xarumo ciidan oo ku yaal xadduudaha u dhaxeeya Poland iyo Belarus dhalinayaro Soomaliyeed oo gaaraya ilaa 28 kuwaas oo xataa baasboorradii ay wateen ay ka lumeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xigasho BBC

Dowladda Mareykanka oo si cad u diiday xabad-joojin ka hirgasha Magaalada Gaza

0

Sabti-December-9-2023-{HMC} Dowladda Mareykanka ayaa diidmada qayaxan saaray qaraar la hor-geeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo dalbanayay in Gaza laga hirgeliyo xabbad-joojin bani’aadannimo oo deg deg ah.

Qaraarkaas waxaa taageeray 13 ka mid ah 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaranada Midoobey.

Dowladda Mareykanka ayaa si cad u diiday inay u codeyso xabad-joojin ka dhaqan gasha dhulka reer Falastiin, halka dowladda Britian ay ka aamustay u codeyntii qaraarkaas.

Qaraarka ayaa fashilmay kadib markii Mareykanku uu adeegsaday codkiisa qayaxan, safiir ku xigeenka Mareykanka u jooga golaha ammaanka ee QM ayaa golaha ku eedeeyey in aysan cambaareyn weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israa’iil, halkaas oo Xamaas ay ku dishay dad ka badanaa 1,200 oo qof oo u badnaa rayid.

Sidoo kale Mareykanku wuxuu golaha ammaanka ka hor sheegay in qaraarka aan lagu cadeyn xaqa ay Israa’iil u leedahay inay is difaacdo.

“Xamaas dooni meyso inay aragto laba dowladood oo nabad ku wada nool, sidaas darteed Mareykanka oo aad u doonaya in Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay nabad ku wada noolaa karaan, ma taageereyno baaqyada xabad joojinta deg degga ah,” ayuu yiri danjiraha Mareykanka ee QM.

Cod u qaadista qararkaan ayaa timid kadib markii xoghayaha golaha ammaanka uu si lama filaan ah u dalbaday fadhi aan caadi aheyn, si loo faro geliyo xaaladda ka taagan Gaza, iyadoo la dalbanayo xabad joojin bini’aadanimo.

Safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u jooga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa markiiba ku dhaqaaqay inay golaha geeyaan qaraarkaan, iyagoo intii aysan codeyntu bilaaban sheegay inay taageero uga heleen in ka badan 100 wadan.

Ku xigeenka Danjiraha Qaramada Midoobey ee Imaaraadka Maxamed Shahaab ayaa xalay sheegay inay heleen taageerada 100 dal oo dooneysa in xabad joojin ka dhaqan gasha Gaza, taasi oo muujisay caalamku u daneynayo in wax laga bedelo xaaladda bini’aadanimo ee ka taagan Falastiin.

{DAAWO SAWIRADA} Xuska 18aad ee maalinta Qowmiyadaha Itoobiya oo maanta Lagu qabtay Magaalada Jigjiga

Sabti-December-9-2023-{HMC} Xuska maalinta Qowmiyadaha Itoobiya ayaa maanta si weyn loogu xusay magaalada Jigjiga ee Dowlad degaanka Soomaalida, waxaana xuskan kasoo qaybgaley masuuliyiin isugu jira kuwa heer Fedaral iyo madaxda dowlad degaannada dalka Itoobiya marka laga reebo kan Tigray, Safiirrada dalalka Soomaaliya Jabuuti iyo marti sharaf kale.

 

Munaasabaddan oo lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Jigjiga ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiinta u sarreysa dowladda Itoobiya oo ay u horreyso Madaxweynaha Itoobiya Zahlewarqi Zowde, Madaxda Dowlad goboleedyada Itoobiya iyo kooxaha hidaha iyo dhaqanka ee degaannada dalka Itoobiya oo iyagu halkaa kusoo bandhigayay dhaqanadooda kala duwan iyo waxa uu degaan kasta uu gaar uleeyahay.

 

Intii ay Munaasabadda xusku socotay waxaa halkaa hadallo kala duwan kasoo jeediyay masuuliyiintii kala duwanayd ee kasoo qaybgashay munaasabaddan oo u horreeyay Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, isagoo sheegay in 10 sano kahor markii xuskan lagu qabtay isla magaalada Jigjiga in wakhtigaa uu degaanka ka talin jiray waxa uu ku tilmaamay Nidaam kaligii talisnimo, kaas oo uu sheegay in shacabka uu wakhtigaa ka dheereeyay Nabadda, isla markaana hormarkii ka hor istaagay, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar.

 

Sidoo kale waxaa isla goobta munaasabaddu ka socotay hadallo kooban kasoo kala jeediyay Madaxweynaha Itoobiya Zahlewarqi Zowde, iyo Afhayeenka golaha faderashinka Itoobiya Ageyahu Teshager, waxayna si guud uga hadleen xaaladda Itooboya iyo muhiimada ay maalintan u leedahay dhammaan Qowmiyadaha Wadanka Itoobiya.

 

Gabagabadii, waxaa lasoo gunaanaday munaasabadda xuska Qowmiyadaha Itoobiya, iyadoo lagu wareejiyay degaanka Koonfurta Itoobiya inuu martgaliyo xuska kan xiga ee 19aad, waxaa xusid mudan in Xuska Qowmiyadaha Itoobiya oo sannad walba bishan oo kale lagu xuso mid kamid ah degaannada dalka Itoobiya, in doorkan markii labaad lagu xusay Dowlad degaanka Soomaalida.

 

Dadka ku nool magaalada Jigjiga ee Caasimada Maamulka Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa markii munaasabado noocan oo kale ah lagu qabanayo magaalada waxay dareemaan culaysyo ay kamid yihiin isku socodka magaalada oo layareeyo iyo baadhista guryaha xilliga habeenkii ah, taas oo dadku intooda badan ay dhibaatooyin kala kulmaan, inkastoo hay’adaha amniga degaanku ay howlahaas ku tilmaameen kuwo amniga lagu sugayo, haddana magaalada Jigjiga waa mid lagu dhib qabo xilliyada magaalada lagu qabanayo munaasabado waawayn iyo xilliga ay magaalada ku sugan yihiin masuuliyiin sarsare.

 

{AKHRISO} Dowladda Soomaaliya oo qoraneysa shaqaale cusub oo kumanaan gaaraya

Sabti-December-9-2023-{HMC} Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa uga mahadceliyay Xukuumadda iyo labada Golle ee Barlamaanka Soomaaliya kordhinta Qoondada miisaaniyadda Wasaaradda Waxbarashada oo qorshaheedu yahay baahinta, horumarinta iyo tayeynta Waxbarashada dalka.

Wasiirka Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa sheegay in qorshaha Wasaaradda ee billawga sanadka 2024-ka uu yahay in la qaato saddex kun (3,000) oo macallimiin cusub ah , si loo baahiyo Waxbarashada dalka ee sida weyn ubadkeennu baahida weyn ugu qabaan.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA DOWLADDA

{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay haweeney dadka ka yaabiyey la joogsatay jidadka Muqdisho

Muqdisho, 09 December 2023: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Muwaadin Farxiya Cabdi Muudeey oo muddo raadineysay sidii ay ula kulmi laheyd madaxda sare ee dalka.

 

“Waxaan ahay Muwaadinad iyo Hooyo Qaran, Xaq ma u leeyahay in aan la kulmo Madaxdeyda, Waxaan rajeyna in ay iisoo jawaabaan” ayuu ahaa boor weyn oo ay ku xardhan yihiin sawirada Madaxda dalka oo ay Muwaadin Farxiya Cabdi Muudey la istaagtay qaar ka mid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo codsigaasi ka jawaabaya ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Farxiya Cabdi Muudey, asigoona u sheegay in ay ka muwaadin ahaan xaq u leedahay la kulanka Madaxdeyda, waxa uuna ku dhiirageliyay in dhalinyarada sideeda oo kale ay ku wacyigeliso garab istaaga Dowladnimada iyo ka shaqeynta Nabadda.

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗—

{DAAWO SAWIRADA} Kaalin Noocee ah ayeey ka qaateen Madaxda dalalka IGAD qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya?

0

Jabuuti, Diseembar 09, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 41-aad ee Madaxda dalalka IGAD ayaa uga mahadceliyey doorka ay ka qaateen in Soomaaliya ay ku biirto Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo qaadista cunaqabateynta hubka ee saarnayd dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa khudbadda uu ka jeediyey fadhiga Hoggaamiyeyaasha IGAD waxa uu ku tilmaamay caqabadaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dalalka gobolku, kuwaas oo ay ka mid yihiin argagixisada, saameynta isbeddelka cimilada iyo colaadaha.

“Xubnaha Urur Goboleedka IGAD waxaan uga mahadcelinayaa taageerada ay siiyeen qaadista cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya iyo codsigeenni ku aaddanaa ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika, tallaabooyinka oo ka markhaati kacaya dadaalka aan ugu jirno xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo horumarsan”.

Shirka inta uu socday, waxa ay Madaxda IGAD ay warbixin ka dhageysteen Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalkaas Mudane Cabdulfataax Alburhaan oo dul istaagay waanwaanta IGAD ee ku aaddan dagaalka dalka Suudaan, taas oo dowladda Soomaaliya ay ka mid tahay xubnaha ku howllan xal u helista dagaalkan ee heer IGAD.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay mowqifka joogtada ah ee Soomaaliya ay ka taagan tahay dagaalka dalkaas, kaas oo ku saleysan casharkii shacabka Soomaaliyeed ay ka barteen burburkii dowladnimada, waxa uuna tilmaamay in Suudaan shacab iyo dowladba ay abaal weyn ku leeyihiin dadkeenna Soomaaliyeed.

DHAMMAAD