Axad-December-10-2023-{HMC} Xaalada Magaaladda Baladweyne ee Maanta halkaan waa buunda koowaad.
{DAAWO MUUQAALKA} Cabdirahmaan Cabdishakuur oo Ganacsada Soomaliyed Ku dhiiro geliyay dhismaha Dakadda Hobyo.
Axad-December-10-2023-{HMC} Cabdirahmaan Cabdishakuur oo Ganacsada Soomaliyed Ku dhiiro geliyay dhismaha Dakadda Hobyo.
HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Wasaarada waxbarashada oo shaaciyey in 3,000 oo macaliin cusub ah ay DF qaadaneyso
Axad-December-10-2023-{HMC} Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo war-saxaafadeed ka soo saartay ansixintii miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2024-ka ayaa shaacisay qorshe muhiim ah oo sanadkaan ay damacsan tahay.
Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa shaaciyey in bilowga sanadka soo socda ee 2024 ay wasaaraddu qaada doonto 3,000 oo macalin.
HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Nin dalbanaya in xabsi la dhigo isaga oon Dambi gelin iyo Sabab xanuun leh oo ku kaliftay.
Axad-December-10-2023-{HMC} Nin dalbanaya in xabsi la dhigo isaga oon Dambi gelin iyo Sabab xanuun leh oo ku kaliftay.
HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa: “Hal Bil oo Mushaarkeyga ah ayaan ku bixinaa dhismaha Dekedda Hobyo”.
Axad-December-10-2023-{HMC} Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in si degdeg ah loogu dhaqaaqo dhismaha Dekedda Hobyo ee Gobolka Mudug.
Cabdiraxmaan Odowaa ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo Shirkad maamul leh ama Xafiis la garanayo leh oo qof weliba uu ku aamino lacagta uu doonayo in uu uga qayb qaato dhismaha lagu sameynayo Dekeddaas.
HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Kulan looga hadlayay sara uqaadista waxbashadda oo lagu qabtay Magaalada Moqokori ee gobalka Hiiraan
Axad-December-10-2023-{HMC} Kulan looga hadlayay sara uqaadista waxbashadda oo lagu qabtay Magaalada Moqokori ee gobalka Hiiraan
HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda Turkiga oo soo saartay amar caalami ah oo ka dhan ah wiilka madaxweynaha Soomaaliya.
Axad-December-10-2023-{HMC} Dowladda Turkiga oo soo saartay amar caalami ah oo ka dhan ah wiilka madaxweynaha Soomaaliya.
HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA
Qaramada Midoobay oo sheegtay in kala-bar Dadka Gaza ay qarka u saaran yihiin Macluul.
Axad-December-10-2023-{HMC} Saraakiil katirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in kala bar dadka ku sugan Magaalada Gaza ay wajahayaan xaalad cunno la’aan ah taas oo ka dhalatay go’doonka xooggan ay geliyeen ciidanka ku duulay ee Israaiil.
Hay’adda cunnada adduunka ee Qaramada Midoobay WFP ayaa sheegtay in xaaladaha laga soo weriyay Magaalada Gaza ay muujinayaan muuqaallo aanay wanaagsaneen maadaama cunno la’aanta ay halis gelineyso nolosha Dad badan.
Agaasime ku xigeenka Barnaamijka Cunnada Adduunka Qaramada Midoobay ee WFP Carl Skau ayaa sheegay in 10kii qof 9 kamid ah aanay heli Karin cunno ay cunaan taasina ay muujineyso xaddiga gaajada halkaas ka jirta.
Qaramada Midoobay ayaa hoosta ka xariiqday in loo baahan yahay xal degdeg ah si loo daba-qabto Dadka ku dhibaateysan Magaalada Gaza ee sidii Roobka oo kale ku dul hoobanayaan duqeynta xooggan ay Israaiil geysaneyso.
Afhayeenka Ciidanka Yuhuudda Col Richard Hecht ayaa sheegay in dhimashada Dadka rayidka ah ee Magaalada Gaza aanay u hayn xal kale maadaama uu ku dooday in uusan jirin baddel kale waa sida uu hadalka u dhigay.
Faahfaahinta Khasaaraha ka dhashay Xaafad ku taalla Muqdisho oo gubatay
Axad-December-10-2023-{HMC} Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay xaafadda Seybiyaano oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaasoo gaystay khasaare hantiyeedn oo baaxad leh.
Dabka oo ka billowday koronto ayaa ku fidyay guro iyo goobo ganacsi oo ku yaalla xaafado u dhow Siliga Ameerikaanka, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Xaafadda uu dabka ka kacay ayaa ahay isku raran, waxaana daganaa qoysas danyar ah iyo kuwa barakacayaal ah oo uu dhibaato xoogan ay kasoo gaartay dadkaasi.
Qaar kamid ah dadka ku hanti beelay dabkaasi ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen khasaaraha soo gaaray intaba,
“Wax nool maba leh guryayaasha dhan way gubteen, ilmaha waa ka baxsanay” ayay tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka.
Sidoo kale hooyo kale ayaa tiri oo kamid ah qoysaska ay dhibaatada soo gaartay ayaa tiri “Hal xabo kama bixin alaabteyda waa gubatay, dharkii waa gubtay,”
Illaa dhowr boqol oo qoys ayaa sidoo kale ku guryo beelay dabkan, maadaama uu baab’iyyay dhul ballaaran, sida uu sheegayo mid kamid ah dadka deegaanka.
“Dhowr boqol oo qoys ayaa meesha ku barakacday oo bannaanka dhooban, guryana aan haysan oo alaabtoodii meesha ku gubatay” ayuu isna yiri oday kamid ah dadka deegaanka.
Muddooyinkiii u dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.
Madaxweynaha Galmudug oo Hobyo ka daahfuray Mashruuca dhismaha Dekedda Hobyo
Axad-December-10-2023-{HMC} Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Ganacsato ayaa daahfuray Mashruuca dhismaha Dekedda Hobyo ee Galmudug.
Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa u mahadceliyay Ganacsatada Galmudug, kuwaasoo u istaagay in ay dhistaan Dekedda loogu adeego Bulshada qeybna ka noqoto Kaabayaasha dhaqaale ee Dalku yeelanayo.
Mashruuca Dekedda Hobyo, ayaa soo maray heerar kala duwan taasoo maalin uun lagu taamayay inay hirgasho
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor oo ka hadlay munaasabadda ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay dhismaha Dekadda Hobyo iyo in ay ka faa’ideysan doonaan shacabka Galmudug iyo guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed.



