Home Blog Page 3080

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn { 09 12 2023}

0

Sabti-December-9-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Yasiin Cali Axmed

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys Isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

 

Maxeey tahay sababta lix qoys oo Soomaali ah ay dacwad ugu so Oogayaan iskuulka ay Caruurtooda dhigtaan?

Sabti-December-9-2023-{HMC} Waalidiinta lix qoys oo Soomaali ah ayaa u wakiishay shirkad sharci oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka, dacwad ka dhan ah iskuulada St. Louis Park, iyaga oo dalbanaya in caruurtoodu aysan qayb ka noqon fasalada lagu baranayo dhaqan liddi ku ah diintooda.

Qareenadaan ayaa qoraal u diray guddiga dugsiyada St.Louis Park iyo kormeeraha kumeel gaarka ah ee dugsiga, iyagoo ku wargaliyey inay qaadi doonaan dariiq sharci ah, hadii aan loo ogolaan waalidiinta iyo caruurtoodaba xaqa ay u leeyihiin in aysan xaadirin fasaladaas.

Machadka First Liberty Institute, oo u dooda xoriyadda diinta ayaa sheegay in ay warqad u direen iskuulka 2-dii November, taas oo lagu sharaxay mowqifka islaamka ee arimaha ku saabsan dadka isku jinsiga ah ee wax iska doona.

Waxaa kale oo warqadaas ay sheegeen inay ku cadeeyen eedaymo ku saabsan ku xadgudubka dastuurka Maraykanka, Sharciga Minnesota iyo siyaasada degmada St. Louis Park – iyaga oo isticmaalaya qodobo u danaaniya xuquuqaha aasaasiga ah ayay sheegeen inay warqadaas u direen iskuulka.

Warqaddu waxay sheegeen in ay dalbanayso in degmadu siiso ogaysiis hore waalidiinta iyo fursad ay ardayda uga reebaan buugaagta ama wada sheekeysiyada fasalka ee ku saabsan arrimaha ay cawdeen.

Waxay kaloo ka codsanaysaa degmada in lagu daro ugu yaraan hal waalid oo Soomaaliyeed oo Muslim ah guddi kasta oo dib u eegis ku sameeya manhajka waxbarashada.

“Macallimiinta iyo maamulayaashu waxay mas’uul ka yihiin inay la shaqeeyaan waalidiinta si ay u hubiyaan waxbaridoodu iyo ixtiraamka qiyamkooda, xorriyadda diinta, iyo xuquuqda damiirka ee dhammaan ardaydooda” ayey tiri Kayla Toney, oo ah qareenka ka tirsan Machadka First Liberty Institute.

Horaan waalidiinta ayaa ka banaanbaxay arintaas, lakiin Ilaa hadda mudaaharaadyadaas ma dhalin tallaabo sharci ah. Ma cadda waxa horudhac sharci ah oo la sii ogyahay inta kiiska St. Louis Park uu ka soo baxayo maxkamadda.

Machadka oo wakiil uga ah waalidiinta St. Louis Park kiiskaan, ayaa ku dooday dhowr qodob oo xorriyadda diinta ah oo la horgeeyay Maxkamadda Sare ee Mareykanka.

Kiis heer sare ahaa oo dhowaan maxkamadda ka soo dhamaaday, shirkaddu waxay matashay tababare kubbadda cagta dugsiyada sare oo rabay inuu ardaydiisa u sameeyo duco inta lagu jiro ciyaarta kubbadda cagta; Maxkamada sare ayaa ugu danbeyn la safatay macalinka.

Agaasimaha Isgaadhsiinta ee degmada Rachel Hicks ayaa sheegtay in degmadu ay raaci doonto siyaasadaheeda iyo habraaceeda sharciga ah, taasoo u oggolaanaysa qoysaska inay raadsadaan manhaj kale iyo fasalo kale.

Doodaan haatan ka taagan iskoolka St. Louis Park ayaa noqonaysa ugu yaraan markii saddexaad ee laba iyo tobankii bilood ee la soo dhaafay dhexmarta qoysas muslimiin ah oo ka dhiidhiya manhajkooda waxbarahsada iyo iskuulkaan.

Xubin kamid ah guddiga masuulka ka ah isuulkaan, ayaan kulan rasmi ah oo ka dhacay iskuulka ku eedeysay qaar kamid ah waalidiinta in aysan ‘samir u lahayn’ waxyaalaha qaar.

Ardayda ma lagu qasbi kaara qorshahaan?
Qoraal uu machadka First Liberty Institute soo saaray ayaa muujinaya in dowladu aysan ku qasbi Karin ardayda Masiixiyiinta, Yuhuuda, Muslimka, ama Hinduuga inay isticmaalaan magac-u-yaalo ka horimanaya diintooda, ama aan ahayn kuwa jir ahaan dadka loo siiyo.

Sidaas oo ay tahay qoysaska ka soo jeeda caqiidooyinka kala duwan ayaa si qoto dheer uga walaacsan in lagu xad-gudbo xaquuqahooda diineed ee caruurtooda iyo xuquuqda hadalka xorta ah.

First Liberty waxay xaraysay warbixin kooban oo ay uga wakiil tahay qoysaska diidan arimahaas kuwaas oo maxkamada ay u gudbiyeen.

Isbahaysiga Yuhuudda, Hinduuga iyo Islaamka ayaa kiisas arintaan ku saabsan u gudbiyey Maxkamadaha, hase yeeshee kiisan wax ka badalkiisa kowaad ee waxaa eegaysa maxkamada racfaanka Maraykanka, iyada oo go’aamin doonta haddii siyaasadda dugsiyada dadwaynaha ee ku khasabta carruurta inay ku hadlaan magacyo iyo magac-u-yaal khilaafsan damiirkooda ay tahay mid jebinaysa xoriyadaha aasaasiga ah.

Maxkamadda Sare waxa laga yaabaa inay u baahato inay wax ka qabato arrimahan si loo hubiyo in degmooyinka dugsiyadu raacaan Dastuurka, iyo inay hubiso in arday kasta iyo waalidka xorriyaddooda diineed iyo xorriyadda hadalka la ilaaliyo, iyada oo aan loo eegin halka uu asal ahaan ka yimid.

Xigasho BBC

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka

0

Sabti-December-9-2023-{HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 09/12/2023.

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN SOMALIYA IYO CAALAMKA

{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada ATMIS iyo Shacabka Magaalada Diinsoor oo si wada jir ah u fuliyay olole geedo guris ah

0

Sabti-December-9-2023-{HMC} Howlgalka ciidamada ATMIS ee ku sugan Saldhiga Diinsoor gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed iyo shacabka deegaankaas oo si wada jir ah u fuliyay olole geedo guris ah oo ay ka sameeyeen garoobka diyaaradaha Dagmadaas.

 

Ololahaan waxaa hor kacayay Taliyaha Ciidamada ATMIS ee Dagmada Diinsoor Gaashanle Sare Birhanu kaas oo sheegay in ay uga gol lahaayeen hagaajinta garoonka Diyaaradaha Magaaladaas oo ay ka so baxeen geedo farabadan ku waas oo wax yeeleyn karo diyaaradaha marka ay isticmaalayaan.

 

Wadashaqeyntan ay sameeyeen shacabka Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay iyo Ciidamada ATMIS waxaa ay sahleeysaa in diyaaradaha ay si nabad galyo ah ku isticmaalaan garoonka diyaaradaha Magaaladaas.

 

Masuuliyiinta Maamulka iyo shacabka Magaalada Diinsoor ayaa hoosta ka xariiqay in ay sii wadi doonaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Ciidamada ATMIS ee ku sugan Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay.

{DAAWO MUUQAALKA} Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay duuleedka degmada Xudur ee gobolka BakoolFaahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay duuleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool

Sabti-December-9-2023-{HMC} Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay duuleedka degmada Xudur ee gobolka BakoolFaahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay duuleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool

 

{DAAWO MUUQAALKA} Guddoomiye Madaale oo damaanad qaaday xaalada caafimaad Cumar Cali Axmed oo ahaa Askari katirsan CXD

Sabti-December-9-2023-{HMC} Guddoomiye Madaale oo damaanad qaaday xaalada caafimaad Cumar Cali Axmed oo ahaa Askari katirsan CXD

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 09 12 2023}

Sabti-December-9-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Mustaf Ali Addow iyo Abdulmajid Aweys 

Farsamadii :Abdi Rahman muuse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

 

Maxkamad kutaal Dalka Turkiga oo soo saartay amar lagusoo xirayo wiilka madaxweynaha Soomaaliya.

0

Sabti-December-9-2023-{HMC} Dowladda Turkiga ayaa ogaaday in wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka baxsaday dalka Turkiga ka hor inta aysan maxkamad Turki ah soo saarin xayiraad caalami ah oo dhan ah socdaalkiisa.

Xafiiska dacwad oogaha magaalada Istanbul ayaa baxsashada eedeynsaha kadib, wuxuu soo saaray waaran maxkamadeed oo lagusoo xirayo eedeysanaha, iyadoo loo marayo booliiska adduunka ee loo yaqaano Interpol.

 

Wiilka madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa loo haystaa geerida muwaadin u dhashay dalka Turkiga, oo ku dhintay shil gaari oo uu ku galay magaalada Istanbul, 30kii bishii hore ee November.

 

Maxkamadda soo saartay xayiraadda lagu soo rogay Maxamed Xasan Sheikh Maxamuud Dec. 7, ayaa ogaatay inuu eedeysanaha ka baxsaday Turkiga Dec. 2, kahor intaan lagusoo rogin xayiraada safarka.

 

Duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu ayaa dhaleeceeyay baxsashada uu Turkiga ka baxsaday eedeysanaha, wuxuuna sheegay inay tahay mid nasiib darro ah oo xad gudub ku ah ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta dalkiisa.