Home Blog Page 3081

Golaha Dhaqanka SSC oo shir deg-deg ah La isugu yeeray

Sabti-December-9-2023-{HMC}  – Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid waxgaradka SSC-Khaatuma ayaa iclaamiyay shir wadatashi ah oo ay Laascaanood ku teelanayaan golaha dhaqanka ee SSC.

Garaadka ayaa ugu baaqay dhammaan odayaasha dhaqanka in ay muddo 5 cisho ah kusoo gaaraan magaalada Laascaanood, si ay uga soo qaybgalaan shirkaasi deg-degga ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirkan xasaasiga ah ayaa waxaa looga arrinsan doonaa xaaladda cakiran ee Puntland, gaar ahaan khilaafka ka taaagan doorashada.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale innoo xaqiijiyay in odayaashu ay go’aan kasoo saari doonaan, sida laga yeelayo arrinta ka soo korortay doorashada Puntland, gaar xulista xildhibaannada laga soo doorto SSC.

Dood adag ayaa haatan waxa a ka taagan tahay soo xulista xildhibaanada laga soo doorto deegaanada SSC, maadaama dadka deegaankaasi ay hadda yeesheen maamul gaar ah oo ka madax banaan Somaliland iyo Puntland.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi ah, isla markaana ay waji cusub yeelatay xiisadda ka taagan Puntland, kadib markii golaha wakiilada Puntland oo ka duulaya xalka ay soo saareen Isimada SSC ay sameysteen hal sano oo muddo kordhin ah, taas oo dhalisay muran xoogan oo horleh.

Go’aannadaan hoose ayay horay usoo saareen Isimada SSC-Khaatuma kadib kulamo ay la yeesheen Saciid Deni iyo mucaaradka, kuwaas oo kala ahaa:-

  1. In la ilaaliyo nabadgalyada iyo xalisoonida Puntland, cidwalibana ka qaadato kaalinta kaga aaddan.
  2. In doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka lagu qabto waqtigeedii sida caadada u ahayd Puntland 08-01-2024
  3. In Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ay doortaan baarlamaanka 5-aad ee Puntland ee hadda jira.
  4. In Baarlamaanka Puntland ee hadda jira ee muddo xileedkoodu ku eeg yahay 31-12-2023 dib loo dhigo doorashadooda muddo 12 bilood ah.
  5. Xukuummadda Puntland ee la doorto, guddiga doorashooyinka Puntland iyo Xisbiyadda siyaasadeed waa in diyaariyaan doorashada Baarlamaanka ee qof iyo cod muddo 12 bilood gudahood ah.
  6. Guddiga doorashooyinka Puntland waa inay dhammaystiraan doorashooyinkii golayaasha deegaannada ee degmooyinkii hadhsanaaa.

Somali families in St. Louis Park push to let children opt out of reading LGBTQ+ books

0


BY JASON RANTALA
Saturday December 9, 2023

ST. LOUIS PARK, Minn. — A letter sent on behalf of Muslim families in St. Louis Park threatens legal action unless parents are notified and allow their children to opt out of classroom discussions about sexuality and LGBTQ+ topics.

The letter, which was first reported by the Sahan Journal, was sent to the superintendent and school board by First Liberty Institute, a conservative Christian law firm based in Texas that fights First Amendment cases on religious freedom.

The families are described as devout Muslims who emigrated from Somalia over the past two decades. Their children, enrolled at Aquila Elementary School and Susan Lindgren Elementary School, were introduced to LGBTQ+ characters in picture books, which caused “significant confusion and distress,” the letter states.

One book, “Our Subway Baby” tells the story of how a man and his husband adopted a baby together. Another picture book, “Ho’onani: Hula Warrior” describes a genderqueer child who wants to join a boys-only hula troupe. The books are a part of a new literacy curriculum that launched in the fall, which was designed to include more LGBTQ+ stories, as well as more diversity in race, culture, and language.

The letter goes on to say that several parents spoke out about their concerns in early October, and submitted an exemption request citing school board policy, which allows students to be excused from participating in controversial issues upon a parent’s request. However the parents were told that the materials were part of the curriculum and opting out would not be possible.

Then on Oct. 24, three Somali Muslim women testified at a St. Louis Park school board meeting. They argued that they “respect the importance of affirming LGBTQ identities,” but were “troubled” that the books urge “every child to delve into their own understanding of sexuality and gender identity.” They asked to be informed in advance when materials related to LGBTQ+ identities would be included in the curriculum.

Though board members are typically barred from commenting during meetings, Sarah Davis responded by saying that “queer people exist, we’re here, we’re going to continue to be here.”

“As a queer person in a marginalized community, I would hope and expect solidarity,” she added.

First Liberty Institute argues the district is violating multiple laws, including the First and 14th Amendments, the U.S. Constitution, Minnesota law, and district policies.

One such policy requires the school board to establish an advisory community — which includes parents — to help implement inclusive policies. However, the letter states that Somali Muslim parents were not given the opportunity to serve on the committee.

A separate sex education policy requires that parents can review all materials on the topic upon request, and that students may be excused from participating in discussion if a parent or guardian asks.

The law firm asks that the district informs parents prior to discussion of LGBTQ+ themes and allows children to opt out. It also asks that at least one Somali Muslim parent is included on committees that review curriculum within the district. Unless the district submits to the request, the firm said they will “pursue legal recourse.”

“We understand that families may have diverse perspectives and preferences when it comes to the curriculum, reading materials and literature topics covered in the classroom,” St. Louis Park School District said in a statement. “We encourage parents and caregivers to engage in conversations directly with their teachers and principals if they have questions. We appreciate the partnership of families in creating an educational environment that respects the needs and humanity of each student.”

In a newsletter published on Dec. 1, the district encouraged all parents and caregivers to participate in the District Instructional Programs Advisory Council, which reviews school curricula.

{DAAWO MUUQAALKA}Bulshadda B/weyne waxay bilaabeen in ay dhistaan wadooyinka fatahaada ku bur-buray”Ismaaciil Ciyoow

0

Sabti-December-9-2023-{HMC}Bulshadda B/weyne waxay bilaabeen in ay dhistaan wadooyinka fatahaada ku bur-buray”Ismaaciil Ciyoow

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}Wasiirka Maaliyadda oo ka mahadceliyay Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2024-ka.

0

Sabti-December-9-2023-{HMC} Wasiirka Maaliyadda oo ka mahadceliyay Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2024-ka.

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Mooshin lagu dalbanayo Aqrin 2-aad iyo mid 3-aad ee qoondo Miisaaniyadeedka 2024 oo la gudbiyay.

0

Sabti-December-9-2023-{HMC}Mooshin lagu dalbanayo Aqrin 2-aad iyo mid 3-aad ee qoondo Miisaaniyadeedka 2024 oo la gudbiyay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Baladweyne oo wax gaadiid ah uusan ka shaqeyneyn iyo dhamaan dadka oo wada lugeynaya.

0

Sabti-December-9-2023-{HMC} Baladweyne oo wax gaadiid ah uusan ka shaqeyneyn iyo dhamaan dadka oo wada lugeynaya.

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

 

Waa Kee Masuulka lagu eedeeyay Ku Buurista AS ee Maanta Maxkamadda Ciidamada oo lasoo taagay?

Sabti-December-9-2023-{HMC}  Waxaa maanta maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya lasoo taagay guddoomiye kuxigeenkii hore ee arrimaha bulshada degmooyinka Hodan iyo Xamar Weyne Abuukar Saalax Maxamuud oo lagu eedeeyay in AS ku biiray.

Masuulkan hore ayaa lagu xiray magaalada Muqdisho kaddib markii AS baahiyeen wareysi ay ka qaadeen uu ku sheegayay in uu ku qancay nidaamka AS wax u wadaan uguna muujinayay kooxdaasi garab istaag iyo wada shaqeyn.

Xeer Ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa kusoo eedeeyay guddoomiye kuxigeenkii hore ee degmada Hodan Abuukar in uu ku qancay fikirka AS uuna ku biiray, waxa ayna ku eedeeyeen in wada dhaqeyn toos ah la lahaa kooxdaasi.

Maxkamadda horteeda ayeyna xeer ilaalinta kusoo bandhigeen wareysiyo uu bixiyay Abuukar kuna sheegayo dowladdii uu horey uga tirsanaa uu ka baxay, isagoona ku tilmaamay dowlad riddo ah.

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee arrimaha bulshada degmada Hodan Abuukar Salaad oo maxkamadda kahor hadlay ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in uu ku biiray AS, waxa uuna xusay in sababo ammaan iyo mid ganacsi darteed u tagay goob ay joogaan AS, isagoona wareysiga ku sheegay in si qasab ah looga qaaay.

Qarreenada u doodayay Abuukar Salaad ayaa sidoo kale sheegay in ninkan ay difaacayaan uusan gelin dambiyada lagu soo eedeyay, waxa ayna sheegeen in xeer ilaalinta maxkamadda aysan la imaan caddeymo lagu qanci karo.

Guddoomiyaha Maxkamadda derajada koobaad ee ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray dhageysiga kiiska loo heesto Abuukar Salaad, waxa uuna sheegay in xukunka eedeysanaha maxkamadda go’aan kasoo saari doonto.

{DAAWO SAWIRADDA} Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha gobalka Hiiraan oo gaaray Degmada Jalalaqsi

Sabti-December-9-2023-{HMC} Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cabdulaahi Axmed Maalin sufuroow oo aay wehliyaan masuuliyiin ka’tirsan maamulka Gobalka Hiiraan Ayaa gaaray Degmadda Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan oo kamid ah meelaha aay sida daran u saameysay fatahaadaha ku dhuftay Gobalka Hiiraan.

Xildhibaano & wasiiro ka tirsan Dowlad Gobaleedka Hirshabeele ayaa sidoo kale safarka qeeyb ka ahaa iyo madaxda hay’addaha samafalka ee caalamiga si loogu Kuurgalo xaalada ka taagan Magaalada Jalalaqsi .

Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in ay wadaan Dadaaladii ugu Dambeeyey ee loogu guurgalayo laguna samatabixinayo guud ahaan xaaladaha ka taagan Degmooyinka Gobalka Hiiraan oo meelo badan oo kamid ah uu ku fatahay wabiga shabeelle.

FAO inks 44 mln USD deal to reduce flood risk and mitigate drought in Somalia

0


Saturday December 9, 2023

The Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) said Friday it has signed a 43.8-million-U.S.-dollar deal to implement a project that seeks to reduce flood risk and mitigate drought in Somalia.

FAO said the Restoring the Riverine Eco-Systems for Climate Adaptations (RESTORE) project seeks to rehabilitate a large irrigation scheme in two regions in Hirshabelle State targeting 1.5 million people.

The project funded by Britain, which will be implemented by FAO, United Nations Environment Program (UNEP), International Organization for Migration (IOM), and World Vision International-Somalia in partnership with the Somali government, will also boost food security in the country.

“This will substantially reduce flood risk, mitigate drought, support local production, and boost food security for millions of populations vulnerable to recurring shocks and crises,” said FAO Representative in Somalia Etienne Peterschmitt in a statement issued in Mogadishu, the capital of Somalia.

The project aims to reduce poverty, ensure household food security, reduce tensions over natural resources and increase the resilience of communities at risk of the impacts of climate change.

RESTORE is part of the Jowhar Offstream Storage Program (JOSP), a 140-million-dollar program that will support the restoration of productive and protective infrastructure, promoting nature-based solutions and climate-resilient approaches fostering effective and accountable governance for sustainable natural resource management in the JOSP command area.

According to FAO, increasingly frequent climate-induced shocks such as flooding, and drought threaten lives and livelihoods in Somalia.

It said transformative solutions must be identified and implemented to address these needs.

“JOSP and RESTORE represent the first such initiatives in Somalia, seeking to sustainably address the underlying drivers of vulnerability promoting a shift towards sustainable production and self-sufficiency while supporting peace, stability, and social cohesion in areas impacted by conflict,” FAO said.

Wararkii Ugu Dambeyay Ciidamada DF iyo AS oo ku dagaalamay BAKOOL

0

Sabti-December-9-2023-{HMC}  Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo maanta ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Huujaley oo hoostaga degmadaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya, gaar ahaan guutada 9-aad, qaybta 60-aad oo ka hadlay dagaalkan ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena ay khasaare gaarsiiyeen.

Waxaa kale oo ay tilmaameen in haatan ay gacanta ku hayaan deegaanka lagu dagaalamay, xaaladdana ay dagan tahay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay AS oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay ee ay ka fuliyeen agagaarka magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, ayada oo la filayo in dhawaan Koonfur Galbeed uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro kooxda As .

Si kastaba, AS ayaa weli gacanta ku haysa deegaaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool, waxayna kasoo abaabushaa weeraro arbushaad ah.