Home Blog Page 3082

In ka badan 100 Dal oo Fadhiga Golaha Ammaanka ku dalbaday Xabbad-joojin degdeg ah oo Gaza ka dhan-gasha.

0

Sabti-December-9-2023-{HMC}  Fadhi gaar ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay yeeshay ayaa looga dooday xaaladda ka taagan Magaalada Gaza oo maalintii 64aad dagaal iyo duqeymo xooggan ay ku socdaan Magaaladaas si xal loo helo.

Dagaalkaas marka laga reebo 7 cisho oo xabbad-joojin bani aadamnimo oo maxaabiis madani ah la isku dhaafsaday inta kale si toos ah ayuu u socdaa iyada oo Israaiil ay dhegaha ka fureysatay baaqyo kala duwan oo loo jeediyay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Antonio Guterres ayaa fadhiga kahor waxa uu sheegay in halis dagaal ay dunida galeyso haddii aanay xal degdeg ah ama xabbad-joojin aan xadideen loo helo xaaladda ka taagan Magaalada Gaza.

Sida ay xaqiijiyeen Danjireyaal fadhiya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay baaqyada ay soo jeediyeen in ka badan 100ka Dal waxa uu dhaqaajin karaa go’aan lagu cadaadinayo Israaiil oo duulaanka ku jirta & Dalalka ku garab siinaya.

Ciidanka Israaiil ayaa jab xooggan ku gaaray dagaalka dib u billowday kaddib markii ay soo idlaatay xabbad-joojintii bani aadamnimo waxaana ay ku waysay Saraakiil muhiim u ah oo qaarkood ay dhaleen xubno xilal ka haya Maamulka Netanyahu.

Ingiriiska oo Rwanda siiyay $125 milyan oo doolar oo hor leh si magangalyo doonka loo geeyo halkaas

0

Sabti-December-9-2023-{HMC}  Dawladda Ingiriiska ayaa siisay dalka Rwanda in k abdan $100 milyan oo doolar si ay halaas u gayso dadka mgangalyo doona ah ee dalkeeda jooga.

Lacagtaan ayaa la siiyay Rwanda bishii April, sida ay sheegay waaaradda arimaha dibadda.Horay ayaa loo siiyay $175 milyan dalka Rwanda.

Sidoo kale waxaa la rajeynayaa in $60 milyan oo kale la siiyo sanadka soo socda.

Arrintaan ayaa imaaneysa saacado kadib markii ra’iisl wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak uu wacad ku maray “inuu hawshaan dhameys tiri doono” isaga qorshahaas soo noolaynaya kadib is casilaadii wasiikiisii soo galootiga ee todobaadkaan.

Faahfaahinta Ujeedka Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Ee wadanka Jabuuti

0

Sabti-December-9-2023-{HMC}  Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray dalka Jabuuti.

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimada Jabuuti kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira ka qayb-galka kulanka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD, sida ay shaaca ka qaaday Villa

Shirkan ayaa looga hadli doono xaaladda guud ee gobolka, ayada oo la filayo in madaxweynuhu uu khudbad xasaasi ah ka jeediyo shirweynaha Jabuuti.

Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa diiradda ku saari doono arrimo ay ka mid yihiin dagaalka AS  iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan madaxda dalka Jabuuti iyo kuwa kale ee kasoo qayb-galayo kulanka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD.

Jabuuti oo xiriir wanaagsan iyo walaaltinimo ay kala dhexeyso Soomaaliya ayaa waxaa marar badan booqashooyin ku tegay madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadallo la soo yeeshay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle.

Si kastaba, madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa maalmo kahor kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga soo qayb-galay shirka COP28 oo looga hadlayay isbeddalka cimilada adduunka.

Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 09/12/2023

0

Sabti-December-9-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdimaajid Abdiraxmaan Aadan

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} haween badan oo mareykan ah oo diinta islamka qaatay

0

Sabti-December-9-2023-{HMC}  haween badan oo mareykan ah oo diinta islamka qaatay

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Reer Gaalkacyo oo si Adag uga Hadlay Go aankii uu qaatay Madaxweyne Dani

0

Sabti-December-9-2023-{HMC}  Reer Gaalkacyo oo si Adag uga Hadlay Go aankii uu qaatay Madaxweyne Dani

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 08/12/2023

0

Jimco-December-8-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Abdi Rahman muuse

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO SAWIRADA} 100 qoys oo Danyar ah kuna nool Degmada Buulo Burte Ayaa Maanta Gargaar loo qeybiyay.

Jimco 08 December-2023-HMC- Wasaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabelle ayaa maanta 100 qoys oo Danyar ah gaarsiiyay raashin oo ku nool degmada Buulo Burte.

Wasaaraddu iyada oo garwaaqsan duruufaha adag ee soo wajaha qoysaskan, waxa ay qaadday tallaabo degdeg ah oo lagu gurmanaayo si loo daboolo baahidooda.

 

Bixinta cuntadu waxay gacan ka geysan doontaa yareynta dhibka ay ku jiraan xilligan adag dadka ay sameysay Fatahaada.

 

100kan Qoys ayaa aad iyo aad ugu mahadceliyay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle iyo Madaxda Dowladda Hirshabelle oo xil iska saaray sidii ay bulshada ugu adeegi lahayd.

 

Maamulka degmada Buuloburte ayaa kaalin mug leh ka qaatay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka iyo qoysaska ay dhibaatadu ka soo gaartay.

 

Waxaa intaas Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka oo kaashanaysa Hay’adda SoDMA ay isku dubbariday in ka badan 30 baabuur oo xamuul oo maalmaha soo socda gaari doono degmada Buuloburte.

 

Baabuurtan ayaa soo qaadi doona sahayda aadka loogu baahan yahay si loo sii taageero bulshooyinka ay dhibaatadu saamaysay gaar ahaa degmada Buulo Burte.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn soomali iyo caalamka ee Hiiraanweyn 08/12/2023

0

Jimco-December-8-2023-{HMC} Dawadayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wararka ugu waa weyn soomali iyo caalamka ee Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdi Rahman muuse

Farsamadii :Muuse Cali Xerow

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARARKII UGU DAMBEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Hay’adda IMF iyo World bank oo kulan ka yeelanaya tallaabooyinka ugu dambeya ee dayn cafinta dalkena

0

jimco December-8-2023-{HMC}  Hay’adda IMF iyo World bank oo kulan ka yeelanaya tallaabooyinka ugu dambeya ee dayn cafinta dalkena

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA