Home Blog Page 3083

{DAAWO SAWIRADA} Waa kuma Ninka u shaqeeyo Sirdoonka Soomaaliya oo ay Soomaaliland gacanta ku dhigeen’?

jimco December-8-2023-{HMC}  Hay’adda Somaliland (NIA) ayaa sheegtay in ay qabteen labo nin oo ay ku sheegeen in ay yihiin sirdoodnka Soomaaliya gaar ahaan shaqsiyaad la shaqeyn jiray taliyihii hore hay’adda ee nabad sugidda Soomaaliya (NISA) Fahad Yaasiin.

Qoraal ay hay’adda ku soo daabacday boggooda X ee horay loo oron jiray Twitter, ayaa lagu sheegay in ragaasi hore u fuliyeen falal ka dhan ah jiritaanka Somaliland. Labada nin ayay ku sheegtay hay’addu magacyadooda Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye iyo Sahal Axmed Cabdilaahi.

Wax faahfaahin ah oo intaas dhaafsiisan kama aysan bixin hay’addu laba nin ee ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen.

Maxaan ka naqaan Cabdiraxmaan Kulmiye?

Sida ay noo sheegeen qoyskiisa oo ay BBC du xiriir la sameysay, Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye oo haysta shahadaada PhD, ayaa horay u soo noqoday Wasiiru dowlaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Puntland.

Cabdiraxmaan ayaa ah nin ku takhasusuay cilmiga noolaha badda iyo dhammaan kuluumeysiga.

Ciise Maxamud Dhollowaa oo saaxiib la ah isla soo shaqeyeen oo ku sugan magaalada Melbounre ee dalka Australia ayaa BBC u sheegay in uu si wanaagsan u garanayo Cabdiraxmaan.

Wuxuu sheegay in uu aqoon dheer u leeyahay Dr. Cabdiraxmaan warbixino ku saabsan cilmiga noolaha baddana uu qoray.

“Axadii la soo dhaafay ee labada bisha ayaa iigu dambeysay, waxaan ka hadalnay arrimo shaqsiyadeed, wuxuuna ii sheegay in uu hay’ado caalami ah uu la shaqeeyo”. ayuu BBC da u sheegay Ciise.

Sidoo kale wuxuu sheegay aqoonta uu u leeyahay in ay uga filan tahay inuu ku qiimeeyo shaqsiyadiisa.

“Muddo ayaan is naqaan, waxaan wada deggannahay magaalada Melbourne, Puntland waa ka soo wada shaqeynay, shaqsi ahaan ayaan u aqaan, ma ahan nin waxaas aqoon u leh,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Mar aan weydiinay waxa ay kala socaan xaaladiisa markii la xiray wuxuu Ciise noo sheegay.

“Dad aan ehel nahay oo u tagay ayaa noo sheegay in uu fiican yahay oo aysan ka muuqan wax dhibaato ah”.

BBC Somali waxay la xiriirtay hay’ada NISA ee Soomaaliya si aan wax uga waydiino kiiska loo haysto labada nin ee ay Sirdoonka Somaliland ku eedeeyeen inay basaasiin ahaayeen, balse waxay si hor dhac noogu sheegen “in aysan ragaasi ku jirin galka hay’adda NISA, baaritaanna ay ku wadaan kiiska,”

Sidoo kale xiriir aan la sameynay hayadda sirdoonka Somaliland ayaan suuragalin inaan helno.

Dadka ay qabatay hay’adda NIA

Waxaa jira dad badan oo loo haysto eedeymo kala duwan oo bishii u dambeysay ay ha’yadd NIA sheegtayt in ay soo qabatay. Qabashada Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye iyo Sahal Axmed Cabdilaahi ayaa tii ugu dambeysay ee baahisay hay’adu.

Marar kala duwan oo ay BBC isku dayday inay wax ka waydiiso qabashada dad ay ajnabi kamid yihiin oo ay sheegtay hay’addu inay gacanta ku dhigtay ayaa guul darro ku dhamaaday.

Isniitii afarta bishan December ayey sheegtay ha’yadda in ay qabatay saddex nin oo lagu eedeeyay in ay xogaha amniga Somaliland siin jireen khaatumo.

Saddaxda nin ayey magacyadoodu ku sheegtay hay’adda Cabdifitaax Cali Cabdi, Cabdifitaax Xasan Cilmi iyo Cabdirashiid Muxumad Ibraahim.

Hay’adda waxay kaloo hore u sheegtay in ay gacan ku dhigtay labo boqol oo taayar oo u badan noocyada gaadiidka dagaalka kuwaas oo loo waday dhinaca Laasacaanood.

Warar kale ee hay’adda hore u sheegtay waxaa ka mid ahaa in laba gaari oo u rarnaa Khaatumo iyo darawaldooda ay qabatay. Waxyaabaha saarnaa ma aysan faahfaahin hay’ddu.

Sidoo kale waxay hore u sheegtay in saanad militeri oo ay kamid yihiin kabo ciidan ay ku qabteen gobolka Togdheer waxayna ku sheegtay in loo waday Khaatumo.

Waxyaabaha kale ee hay’adda dhawaan ay sheegtay waxaa ka mid ah in 18 gawaari ahoo aan nambarka taarikada laheyn oo waday falal qorsheyn ay qabteen.

Xigasho BBC

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

0

jimco December-8-2023-{HMC}  Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray degmada dekadda leh ee Hobyo Gobolka Mudug.

Wafdiga madaxweyne Qoor Qoor hoggaaminayay ayaa ka kooban xildhibaannada labada aqal ee BFS lagana soo doorto Galmudug, mudanayaal ka tirsan labada gole ee dowladda Galmudug, ganacsato iyo siyaasiyiin iyo qaybaha kale ee bulshada.

Ujeedka safarka madaxweynaha iyo wafidigiisa ayaa ah dhammeystirka dadaallo muddooyinkii dambe uu waday hoggaanka sare ee Galmudug ee ku aaddanaa ballaarinta iyo dib u casriyeynta Dekadda Hobyo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Baarlamanka Dalka Denmark oo Sameeyay Talaabo ay Siweyn ugu farxeen Dadka Muslimiinta

0

jimco December-8-2023-{HMC} Baarlamaanka Dalka Denmark ayaa meel mariyay sharci dambi ka dhigaya in kitaabka Qur’aanka Kariimka ah lagu gubayo goobaha fagaarayaasha ah, si loo dejiyo carada dalalka Muslimiinta ah, kadib markii ay Denmark ka dhaceen dibadbaxyo rabshado wata, kadib markii la gubay kitaabka qur’aanka kariimka ah.

 

Wadamada Denmark iyo Sweden ayaa sanadkan la kulmay mudaaharaadyo is daba joog ah, halkaas oo dadka uu ku jiro Islaam Naceybka ay gubeen ama si kale u dhaawaceen nuqullo ka mid ah Quraanka Kariimka, taasoo dhalisay in dawladaha Waqooyiga Yurub ay mamnuucaan dhaqankaas.

 

wasiirka caddaaladda Peter Hummelgaard, ayaa sheegay in ka badan 500 oo mudaaharaadyo ah oo ay ku jiraan gubista qur’aanka kariimka ah ama calanka ayaa la diiwaan geliyay tan iyo bishii July.

 

“Bannaanbaxyadan oo kale waxay dhaawici karaan xiriirka Danmark la leedahay dalalka kale, danahayaga iyo ugu dambeyntii badbaadadayada,” ayuu yiri Wasiir Hummelgaard.

 

Si loo dheellitiro xoriyatul qawlka ee uu dastuurku ilaalinayo, oo ay ku jirto xaqa dhaleecaynta diinta, iyo amniga qaranka iyada oo laga cabsi qabo in qur’aanka la gubo ay horseedi karto ‘weerarro kaga yimaada Islaamiyiinta.’

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dowladda Kenya oo Shaqaale Udireeysa Israa’iil

jimco December-8-2023-{HMC} – Dowladda Kenya ayaa dhulka Israa’iil xoogga ku heysato u direysa shaqaale badan oo ka shaqeeya beeraha, xilli Israa’iil ay wajaheyso shaqaale yari baaxad leh ,gaar ahaan dhinaca beeraha oo baahi weyn u qabto dad uga shaqeeya.

Wasaaradda shaqaalaha dalka Kenya ayaana xaqiijisay in Israa’iil loo dirayo shaqaale gaareya 1,500 qof, kuwaa oo intooda badan ka shaqeenaya beeraha kuyaalla dhulka sraa’iil maamusho.

Dowladda Malaawi ayaa laba todobaad kahor Israa’iil u dirtay shaqaale gaaraya 221 qof oo dhalinyaro ah, kuwaa oo loogu tala galay in ay ka shaqeeyaan beeraha, waxaana dhallinyaradaasi oo gaaray Israa’iil qaarkood bilaabeen shaqadii loo geeyay halkaasi.

Kenya ayaa sheegtay in shaqaalaha ay u direyso Israa’iil ay saxiixi doonaan qandaraas soconaya saddex sano oo la cusbooneysiin karo, iyagoo bishii mushaar ahaan loo siin doono lacag dhan 1500 oo doolar.

Israa’iil ayaa wajahday shaqaale yari aad u baaxad weyn, kaddib markii dalkaasi isaga baxeen shaqaale badan oo ajaaniib ah oo Israa’iil ka shaqeenayay, kuwaa oo ka cabsaday duqeymihii Xamaas ku garaacayeen dhulka Israa’iil maamusho.

Six Somali families warn of ‘legal recourse’ if St. Louis Park schools won’t let children opt out of LGBTQ picture books

0


by Becky Z. Dernbach
Friday December 8, 2023

The St. Louis Park dispute is the latest escalation in the growing pushback from some Muslim parents against inclusion efforts in Minnesota schools. Parents in Ham Lake and Burnsville have criticized LGBTQ efforts there.

A law firm representing six Somali Muslim families has sent a letter to the St. Louis Park School Board and interim superintendent, saying they will “pursue legal recourse” if the district does not allow them to opt their children out of reading picture books with LGBTQ characters.

The First Liberty Institute, a conservative Texas–based law firm focused on religious freedom, sent the letter on November 2, laying out an explanation of Islamic teachings about gender and sexuality, a timeline of parents’ complaints to teachers and principals about the books, and allegations of violations of the U.S. Constitution, Minnesota law, and St. Louis Park district policy.

advertisements

The letter demands that the district provide advance notice to parents and an opportunity to opt students out of books or class discussion about sexuality or LGBTQ themes. It also requests that the district include at least one Somali Muslim parent on any committee that reviews curriculum. Sahan Journal obtained a copy of the letter from the school district through a public records request.

“Teachers and administrators have a responsibility to work with parents to make sure their instruction respects the values, religious liberty, and rights of conscience of all their students,” Kayla Toney, an attorney for the First Liberty Institute, said in a November 28 statement to Sahan Journal. “This is the very reason Minnesota has a state law requiring opt-outs, and the reason why St. Louis Park has a district policy of involving parents in the discussion of controversial materials.

“Our clients believe that they have a sacred obligation to teach the principles of their faith to their children without being undermined by their children’s school.”

The St. Louis Park letter is the latest escalation in the growing pushback from some Muslim parents against inclusion efforts in Minnesota schools. Dozens of Muslim parents in Ham Lake and Burnsville have criticized efforts to protect transgender children or expand LGBTQ books in schools.

Yet so far, none of those protests have resulted in legal action. It’s unclear what legal precedent could be set if the St. Louis Park case winds up in court.

The First Liberty Institute, which represents the St. Louis Park parents, has argued several religious freedom cases before the U.S. Supreme Court. In one recent high-profile case, the firm represented a high school football coach who wanted to lead his students in prayer during a football game; the Supreme Court ultimately sided with the coach.

The school district sent a newsletter to families on December 1 about inclusive learning materials, which included information about how parents can join the curriculum review committee. The newsletter also included links to forms that allows parents to request alternative instructional materials in English, Spanish, and Somali.

District Communications Director Rachel Hicks said that the district would follow its board-approved policies and procedures, which allow families to seek alternative curriculum and classroom materials.

She added that the district was proud of its new K–5 literacy program, which includes books with racially and culturally diverse characters as well as LGBTQ families and characters.

“These materials are in alignment with the values that we hold in St. Louis Park Public Schools around inclusive beliefs and identities, which is why we’ve intentionally shared these points of pride with our community this school year,” she said.

Toney said Wednesday that her clients were “encouraged” by the district’s newsletter.

“We think this is a step in the right direction toward accommodating our clients,” she said.

However, she said, her clients still have some concerns. Toney declined to specify what those concerns were, saying the First Liberty Institute would make them public later in the week. The Somali mother who initially contacted Sahan Journal about this issue declined to speak on the record, deferring instead to Toney, who is representing the parents.

The St. Louis Park controversy marks at least the third time in the past twelve months that Muslim families have protested LGBTQ curriculum in Minnesota schools. In September, Muslim families at DaVinci Academy, a Ham Lake charter school serving grades K through 8, staged an attendance strike in protest of the school’s use of picture books with LGBTQ characters. The parents said they would withdraw their children if the school continued to use the books.

In Burnsville last December, hundreds of Somali parents packed school meetings out of concern about a new policy across all grade levels aimed at preventing district staff from revealing a child’s transgender identity to anyone else. Parents worried the policy would result in schools withholding critical information about their own children from them.

 

Qudbi Dayib, the president of Dar-Us-Salam Center Mosque, helped to facilitate the Somali Parent Committee meeting at Burnsville schools in December 2022. Qudbi attempted to quell parents’ fears after a mother shared a worksheet with a rainbow on it. Three hundred parents gathered to share their fears about LGBTQ issues in Burnsville schools. Credit: Abdi Mohamed | Sahan Journal

A decades-old Minnesota law requires that school districts create a “parental curriculum review” process. Districts must allow parents to review instructional materials and, if they object, “make reasonable arrangements with school personnel for alternative instruction.”

But LGBTQ advocates caution that school districts should approach these issues carefully, and that the parental curriculum review statute may not be as sweeping as some parents’ rights groups claim.

Christy Hall, a senior staff attorney with Gender Justice, a St. Paul–based law firm focused on gender equity, said the statute has never been tested in court. However, she added, if school districts make it too easy for parents to opt their children out of LGBTQ material, they could risk being sued for anti-LGBTQ discrimination.

“It is a minefield,” she said. “The potential for being sued by the other side if you do the wrong thing is very real.”

‘All we ask is just to be respected in our religion’

St. Louis Park School Board members first learned about Somali parents’ objections to LGBTQ picture books, which are part of a new literacy curriculum, during the October 24 board meeting. When school board chair Anne Casey opened the floor for public comment, a woman named Ilhan addressed the board, saying she spoke as a representative of the Somali community. Casey only identified the woman and other speakers by their first names.

Ilhan said she had a “pressing concern” about some books used in third-grade classrooms in St. Louis Park elementary schools. Some children had reported reading the books Our Subway Baby, about two dads who adopt a baby, and Ho’onani: Hula Warrior, about a young genderqueer Hawaiian child who wants to lead a boys’ hula troupe.

“We wholeheartedly respect the importance of affirming LGBTQ identities, but we are troubled by the way these books have been presented to our children,” Ilhan said. “The manner in which they have been taught appears to exceed the boundaries of affirmation, urging every child to delve into their own understanding of gender and sexuality. This approach, we believe, directly conflicts with our deeply held religious beliefs.”

Ilhan said that the U.S. Constitution protected her parental and religious rights. She emphasized that her concerns were not rooted in animosity, and that the parents were not advocating for changes to the school or curriculum.

“It is disheartening that these books were introduced to our children without our knowledge or consent, leaving us with no recourse to opt out,” she said. “Our request is simply to be informed in advance when materials related to sexuality and LGBTQ identity are included in the curriculum, along with the option to exempt our children from those specific lessons.”

A mother named Saharla spoke next, requesting a form to exempt her children from “LGBT-related activities.”

The final speaker, Shugri, echoed the previous two commenters.

“All we ask is that if these topics are being discussed in the class, to give us the chance to take our kids out of the class for that moment,” Shugri said. “We don’t hate anyone. We don’t teach any of that to our kids. All we ask is just to be respected in our religion. This is something very, very important to us.”

As is common practice at school board meetings, board members did not immediately address the remarks raised during the public comment period, where people can speak about any issue of their choosing. But board member Sarah Davis, who is married to a woman and has two children, spoke up at the end of the meeting, noting that she has been open about her queer identity.

“Queer people exist,” she said. “We’re here. We’re going to continue to be here.”

Her voice choked up.

“I’m thinking about my child,” she said, appearing to blink back tears. “I’m thinking about what it would feel like for him if I said that having a book about a concept of two dads—he has two moms—is troubling. The idea that my wife and I exist, that our family exists, is not controversial.”

Davis said that while she appreciated the respect the speakers had tried to show, she wanted them to know how their remarks affected a queer parent. Davis wondered aloud how her son would feel if other children told him they could not be exposed to his family.

“He talks about it at circle time at school, or he should feel like he can,” Davis said. “He presents a picture of our family at school. He has two moms. He gets made fun of for having two moms. We don’t need to talk about excluding books from our schools that reflect that identity.”

Shugri spoke up from the audience.

“We respect everyone,” Shugri said. “Like we said, we’re just trying to protect our kids. We believe in our religion, and we’re going to stick to that.”

‘We should all learn about each other’

Some students of color at St. Louis Park High School told Sahan Journal that picture books can help young students learn about their community.

A., a 16-year-old high school junior who is Somali and Muslim, asked to be identified by her first initial only because she fears backlash from her community, and said she has witnessed Representative Ilhan Omar face backlash for supporting LGBTQ rights.

A. explained that her values on LGBTQ issues differ greatly from her family and “much of the Somali community.” A. said she was taught that acting on same-sex attraction is considered a sin in Islam. She said her parents and many other Somali community members think that being LGBTQ is a choice, which she disagrees with.

“I think love is love, and people should do as they please with that,” she said.

A. described picture books as “a way of learning about your surroundings, learning about who’s around you, and be accepting.” She said she would have loved to have read books like those as a child to understand that queer couples exist and to challenge gender stereotypes.

“I feel like we should all learn about each other, no matter how uncomfortable it makes us feel, because it is reality,” A. said. “It is something we’re all going to face in the real world. You can’t shield your child forever.”

Jaiden Leary, a 16-year-old junior at St. Louis Park High School, said it was “disappointing” to learn about parents’ objections to the books.

“When you send your kids to public education, if you get to restrict what they see and what they experience, you restrict them of knowledge,” said Jaiden, a biracial Black and white student. “And when they go into this world, they need this knowledge whether you agree with it or not.”

If kids don’t have the opportunity to read about gay couples, he said, they might be surprised or have a negative reaction the first time they encounter such a couple.

Jaiden worried that the parents’ objections would fuel stereotypes that communities of color, and specifically the Somali community, are homophobic. He said that it is often white Christian moms, who may have more institutional power, who object to LGBTQ material in schools. But, he said, many people are more likely to see those moms as individuals and not as representatives of an entire religion—a privilege he worries is not afforded to Somali parents.

State law open to interpretation

Kayla Toney, the lawyer with the First Liberty Institute, describes Minnesota’s parental curriculum review law as “requiring opt-outs.” But Christy Hall, staff attorney at Gender Justice in St. Paul, said it isn’t so simple. Hall said that Minnesota courts have never had to interpret the law in the context of other statutes, like the Minnesota Human Rights Act. That law prohibits discrimination on the basis of protected statuses, including sex, sexual orientation, and gender identity.

“The parental curriculum review statute says a school district needs to have a procedure for parents to review the content of instructional materials,” Hall said. “It does not say that procedure needs to be, ‘You tell me if there’s any LGBTQ+ content, and then I will opt my child out of it.’”

In Hall’s view, providing parents with a list of LGBTQ content so they can opt their children out would violate the Minnesota Human Rights Act.

“I don’t think many schools have really thought through how it applies to this,” Hall said, “and losing a lawsuit under the Minnesota Human Rights Act is expensive.”

Hall described St. Louis Park Public Schools’ statements to Sahan Journal and in its December 1 newsletter as “carefully crafted,” allowing parents to make requests for alternative materials, but still letting the district decide whether to grant them on a case-by-case basis.

Hall noted that Montgomery County Public Schools, in Maryland, ultimately determined in March 2023 that allowing families to opt out of books with LGBTQ characters was overly burdensome. When Muslim and Christian families sued Montgomery County Public Schools for not allowing them to opt out, a federal judge sided with the school district.

“Every court that has addressed the question has concluded that the mere exposure in public school to ideas that contradict religious beliefs does not burden the religious exercise of students or parents,” U.S. District Judge Deborah Boardman wrote in her August 2023 order denying a preliminary injunction in the Maryland case.

The Maryland families who want to opt their children out of the books appealed the decision to the Fourth Circuit Court of Appeals, which heard the case this past Tuesday.

Hall stressed that these cases are complicated, and that school districts facing such controversies should obtain expert legal advice. But, she added, the Maryland case shows how a federal court might interpret the law.

“Sometimes people make risk assessments based on a sense that the federal courts are hostile to LGBTQ rights,” Hall said. “I don’t think that’s true, and I don’t think people should rely on that.”

Life and times of soldier fighting Somali shiftas

0


by Sarah Kanyara
Friday December 8, 2023

‘The Ground Commander’ is a book based on the true story of Timothy Kiande, who gave more than 20 years of his life to serving and protecting the country.

The story, written by author Godfrey Karuru and published in 2023, takes the reader through Kiande’s career as a military officer, whose early years were spent in Northern Kenya, fighting Somali bandits known as shiftas.

The book opens with a setting in a small village called Maragima in Kiganjo, Nyeri, where Kiande was born in 1943. He is the sixth-born in a family of 11 children.

Kiande had initially wanted to be a teacher but this dream was altered after he was severely punished by a teacher for sneaking into the staffroom and stealing a cake. He then trained his eyes on being a police officer.

His dream came true years later. After sitting his CPE exam in 1960, a year hardly passed before he got recruited as an Administration Police officer.

It is during one of his assignments as an AP that he got recruited into the military in 1964, where he served for 21 years.

The book takes the reader through the intense training and discipline required to be in the military. It also takes the reader through the exploits of the war with Somali bandits in Northeastern, who are said to have believed that the Kenya-Somali border was about 500km inside Kenya.

In the army, Kiande rises from the rank of a private to senior sergeant, decorated with presidential awards for his bold contributions to vanquishing Somali bandits.

The author brings out the trials and triumphs of the soldier, from his highs in vanquishing the enemy and foiling planned attacks, to his lows in losing colleagues to the bullet.

At some point, Kiande spends four months in hospital after being paralysed by bullet wounds inflicted by the bandits.

The book also gives the reader light moments away from the war, and brings in his love life right from meeting the girl of his dreams, to marriage, separation over his bad alcohol drinking habits, to finding himself and planning better for his family’s future.

The book gives an insight of the lives of soldiers, what it takes to protect the country and what they have to give up in order to ensure the country’s safety.

What do I think of the book? The storyline is good as it gives snippets of the daily lives of soldiers in war, how they interact with each other and unwind, and their family life, a story that is rarely told. Very little is known about how the army operates, and this book brings out the planning and how the soldiers would counter their enemies during war or foil attacks.

On the flip side, there are a lot of loose ends. A more meticulous editing would have made the book a better read. Some sentences were left hanging and there were grammatical errors, including incorrectly spelled names of some areas. In some instances the flow of the story was not clear, especially on Kiande’s personal life. All this are a turn-off for the reader, especially those easily irked by typos.

Maxeey yihiin Afarta cashar ee ku jirta go’aankii Saciid Deni?

jimco December-8-2023-{HMC} – Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa habeen hore ku dhowaaqay inuu ka laabtay go’aankiisii ahaa inay Puntland ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Waxa uu aqbalay in la aado doorashadii hore oo aheyd inay 66 xubnood ee Golaha Wakiilada Puntland soo doortaan odayaasha qabaa’ilka.

Deni ayaa muddo dhowr billood ah lagu qancin waayay inuu dhexda soo dhigo doorashada, balse wuxuu markii dambe lumiyay kalsoonidii dhaqanka, waxaa kala qeybsamay baarlamaanka, gaar ahaan xubnihii u xil-saarna arrimaha doorashooyinka, halka beesha caalamka ay uga digtay inuu gacan ka hadal kale u horseedo deegaanada Puntland.

 

Go’aanka Deni ayaa kusoo aaday saacado kadib markii odayaal waan-waan ku jiray ay soo jeediyeen in baarlamaanka hadda jooga loogu daro hal sano, iyaguna ay doortaan hoggaamiyaha maamulka iyo ku-xigeenkiisa.

Laakiin Saciid Deni ayaa aaday jiho taas 100% ka duwan, dhowr cashir ayaa ku jira go’aanka uu xalay qaatay Saciid Cabdullaahi Deni.

1- In aan damac shaqsi ah loo afduubi karin danta guud

Deni waxaa la xasuusta sidii uu u diiday damacii halka dhinac ahaa ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si taas lamid ah ayaa isna tiisi loo diiday.

Waa cadeynta in aan heer walba oo dowladeed oo ay Soomaalida joogto maanta in aan hal mid lagu guuleysan karin waana in damac shaqsi ah danta guud loo afduubi.

 

2- Natiijada go’aankiisa cidna kula macaashin

Saciid Deni wuxuu iska diiday inay dad kale sheegtan ama shirko kula noqdaan go’aankiisa. Wuxuu durba bogaadin ka helay dad badan oo reer Puntland ah oo ku aamanay inuu maamulka badbaadiyay, oo laga baaqsaday gacan ka hadal kale.

Sidan hore u sheegnay madaxda uu muddo xileedka ka dhamaanayo uma fiicna inay galaan doorasho lagu qasbay, waxaa u haboon inay garashadooda weelka dhexda kusoo dhigaan si ay ugu yaraan wax uun ugu dhasho.

3- Xilliga doorashooyinka isfahm siyaasadeedka ayaa ka muhiimsan dastuurka

Saciid Cabdullaahi Deni iyo madax kale oo Soomaaliyeed oo ka horeysay ayaa dhamaan tijaabiyay inay beddelaan qodobo dastuuri ah, inay qortaan sharciyo u gaara ah oo ay baarlamaanada lacag badan ku bixiyaan, si ay damac shaqsi ah sharciyad ugu raadiyaan.

Laakiin marwalba waxay kusoo dhamaata oo la isla qaata hab mucaaradka iyo muxaafadkuba wada aqbali karaan. Haddii wax laga baranayo arrintaan waa in laga qaata in heshiis siyaasadeedka ama is ogol siyaasadeedka ka xoog badan yahay qodobada dastuurka marka la joogo xilliga doorashooyinka.

4- Farriin ku socota maamullada kale ee ay doorashooyinkooda soo dhow yihiin

In Saciid Deni dib loo dooran doono iyo inkale waa jawaab lala sugayo maalinteeda. Laakiin haddii uu Saciid Deni xoogi lahaa hanaanka doorashada Puntland waxay sahli laheyd in la boobo dhamaan doorashooyinka kale ee dalka.

Reer Puntland waxay cashir siiyeen maamullada kale ee dalka, waxaa hadda bilaaban karta in maamullada kale qaarkood iyagana laga diido muddo kororsi iyo in hanaanka doorashada la xoogo.

Boqollaal Falastiiniyiin ah oo lagu dilay Gaza

Jimco-December-8-2023-{HMC} — In ka badan 350 oo qof ayaa ku dhintay kumannaan kalana waxay ku qasabtay in ay guryahooda ka barakacaan, kaddib marki ay ciidanka Israa’iil Khamiisti shalay weerareen magaalooyinka ugu waaweyn Marinka Gaza.

 

Qaar badan oo ka mid ah dadka barakacay ayaa isugu tagay aagga Rafax oo dhaca xuduudka koofureed ee ay Gaza la wadaagto Masar, kaddib marki ay aqristeen farriimo ku qornaa warqado ay diyaaradaha Isra’il kor uga soo daadiyeen Gaza, kuwaas oo dadka ku boorriyay in ay tagaan Rafax si loo nabadgeliyo.

 

Hase yeeshee, wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ayaa sheegtay, in duqeymo halkaasi ka dhacay xalay ay ku dhinteen ilaa 37 qof. Millatariga Israa’iil ayaa Khamiistii ku eedeeyay Xamaas in ay madaafiic kasoo tuureen agagaarka Rafax.

 

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inaysan jirin goob nabaddoon oo Gaza ku taalla. Sida ay sheegeen saraakiisha, in ka badan 85 boqolkiiba dhulki ay deganaayeen in ilaa 2 milyan oo qof ayay dadku ka barakaceen Marinka Gaza.

 

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa isticmaalay awood naadir ah oo uu uga digay Golaha Ammaanka “masiibo bini’aadantinimo” oo ku soo fool leh Gaza, isaga oo ku boorriay xubnaha golaha in ay dalbadaan xabbad-joojin.

 

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee maamulka Xamaas, tan iyo marki ay billowdeen duqeymaha Israa’iil ee Gaza, in ka badan 17,000 oo qof oo u badan dumar iyo carruur ayaa lagu dilay Marinka Gaza.

 

Israel ayaa weerartay Gaza, kaddib marki ay Xamaas 7-badi bishi October weerareen Isra’il halkaas oo ay ku dileen ilaa 1,200 oo qof, soona afduubteen ilaa 250 kale.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn

Jinco-December-8-2023-{HMC} — Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 08/12/2023

Baarlamanka Denmark oo ansixiyay sharci lagu mamnuucayo gubista qur’aanka

Jimco-December-8-2023-{HMC} — Baarlamaanka Denmark ayaa Khamiistii meel mariyay sharci dambi ka dhigaya in kitaabka Qur’aanka Kariimka ah lagu gubayo goobaha fagaarayaasha ah, si loo dejiyo carada dalalka Muslimiinta ah, kadib markii ay Denmark ka dhaceen dibadbaxyo rabshado wata, kadib markii la gubay kitaabka qur’aanka kariimka ah.

 

Denmark iyo Sweden ayaa sanadkan la kulmay mudaaharaadyo is daba joog ah, halkaas oo dadka uu ku jiro Islaam Naceybka ay gubeen ama si kale u dhaawaceen nuqullo ka mid ah Quraanka Kariimka, taasoo dhalisay in dawladaha Waqooyiga Yurub ay mamnuucaan dhaqankaas.

 

Sida uu sheegay wasiirka caddaaladda Peter Hummelgaard, in ka badan 500 oo mudaaharaadyo ah oo ay ku jiraan gubista qur’aanka kariimka ah ama calanka ayaa la diiwaan geliyay tan iyo bishii July.

 

“Bannaanbaxyadan oo kale waxay dhaawici karaan xiriirka Danmark la leedahay dalalka kale, danahayaga iyo ugu dambeyntii badbaadadayada,” ayuu yiri Hummelgaard.

 

su dheellitirto xoriyatul qawlka ee uu dastuurku ilaalinayo, oo ay ku jirto xaqa dhaleecaynta diinta, iyo amniga qaranka iyada oo laga cabsi qabo in qur’aanka la gubo ay horseedi karto ‘weerarro kaga yimaada Islaamiyiinta.’