Home Blog Page 3084

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 08 12 2023}

Jinco-December-8-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Yasiin Ali Ahmed

Farsamadii :Abdi Rahman muuse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

Gantaallo lagu weeraray safaaradda Mareykanka ee magaalada Baghdaad oo aad loo ilaaliyo

jimco December-8-2023-{HMC}  Saddex gantaal ayaa jimcaha maanta lagu weerraray safaaradda Mareykanku ku leeyahay magaalada Baghdaad ee dalka Ciraaq oo ku taala aag aad loo ilaaliyo.

Gantaallada ayaa sidoo kale ku soo dhacay xarumo ku yaala aagga safaaradaas, oo ay ku jiraan safaarado ay leeyihiin dalal shisheeye iyo xafiisyo ay leedahay dowladda Ciraaq.

Weerarkan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka oo sheegay in sidoo kale la weeraray xarun ay ku sugnaayeen ciidamo la dagaalama ISIS.

Weli lama oga faahfaahin intaas dheer oo la xirriira weerarkan iyo khasaaraha ka dhashayba.

{DAAWO MUUQAALKA} Xogta Fatahaada iyo xaalada Baladweyne ee maanta 08-12-2023

jimco December-8-2023-{HMC} Xogta Fatahaada iyo xaalada Baladweyne ee maanta 08-12-2023

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaad kala socotaa muhiimadda uu lee yahay Heshiiska ay wada gaareen itoobiya & Soomaaliya.

jimco December-8-2023-{HMC} Maxaad kala socotaa muhiimadda uu lee yahay Heshiiska ay wada gaareen itoobiya & Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Ajnabiga Soomaaliya ka helay nolol uu ka waayay dalkiisa ee Baydhabo wacdaraha ka dhigay.

jimco December-8-2023-{HMC} Ajnabiga Soomaaliya ka helay nolol uu ka waayay dalkiisa ee Baydhabo wacdaraha ka dhigay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wax ka Ogoow Tobanka dal ee ay shacabkooda heystaan hubka ugu badan caalamka.

jimco December-8-2023-{HMC}  Wax ka Ogoow Tobanka dal ee ay shacabkooda heystaan hubka ugu badan caalamka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Duqa Muqdisho oo Xariga ka jaray Xarunta Dagmada Kaaraan.

jimco December-8-2023-{HMC} Duqa Muqdisho oo Xariga ka jaray Xarunta Dagmada Kaaraan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 08 12 2023}

jimco December-8-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Yasiin Cali Axmed

Farsamadii :Cabdi MAAJID ABDIRXMAN AADAN

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

 

{DAAWO SAWIRADA} Wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya oo kala saxiixday soo nooleynta heshiiso

jimco December-8-2023-{HMC} Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya mudane Abraham Belay ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad oo milateri

 

Heshiiskan ayaa la sheegay inuu la xiriiro dardargel gelinta iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal

 

“Waxay kala saxiixdeen cusbooneysiinta is-afgaradka difaaca {MoU}, kaasi oo hore labada dowladood u kala saxiixdeen bishii February, 2014” ayaa lagu yiri war ka baxay warbaahinta DF

 

Heshiiskan ayaa sii xoojin doona iskaashiga dhinacyada danaha labada dal waxaana uu sidoo kale sahlayaa in si dhow la isaga kaashado xoojinta nabadda iyo ammaanka

 

Sidoo kale waxaa la sheegay inuu uu abuurayo dhismaha guddiyo Difaac oo wadajir ah, si ay u horumariyaan, una fududeeyaan hirgelinta heshiiska is-afgaradka ah

 

 

Madxaweynaha Dalka turki Erdogan oo war culus kaga dhowaaqay dalka Deriska ah Greece

jimco December-8-2023-{HMC}  Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan, ayaa Khamiistii ballan qaaday inuu “waa cusub” u furayo xiriirka taariikhiga ah ee dalka ay xifaaltamaan ee Greece, isagoo booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah ku tagay Athens tan iyo 2017-kii

 

Kulamo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Greece Kyriakos Mitsotakis iyo madaxweyne Katerina Sakellaropoulou intii lagu guda jiray booqasho shan saac qaadatay, hoggaamiyaha Turkiga ayaa kala hadlay arrimaha ganacsiga, arrimaha gobolka iyo arrinta muhaajiriinta ee xasaasiga ah

 

“Waxaan aaminsanahay in kulanka iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Greece uu waa cusub u hoggaamin doono xiriirada,” ayuu Erdogan u sheegay Sakellaropoulou, isaga oo intaas ku daray “Waxaan u baahannahay niyad wanaag, niyad wanaagganna wuxuu mustaqbalka noqon doonaa mid miro-dhala

 

Bayaan ay si wada-jir ah usoo saareen Sakellaropoulou, ayuu Erdogan ku sheegay in hadafka uu yahay in xiriirka ganacsi ee labada dal uu gaaro 10 bilyan oo Euro, halka hadda uu ka yahay 5.5 bilyan

 

Ankara ayaa aheyd dhufays muhaajiriin tan iyo heshiis-kii ay 2016 la gashay Midowga Yurub, kaas oo Mitsotakis iyo hogaamiyayaasha Midowga Yurub ay rajaynayaan in la cusbooneysiiyo

 

Diblomaasiyiinta la socda Erdogan ayaa sidoo kale kala hadlaya dhiggooda Greece arrinta soo jireenka ah ee ku saabsan muranka dhuleed ee Greece iyo Turkey ee Badda Aegean

 

Erdogan ayaa su’aal galiyay heshiisyadii qarniga soo jiray ee qeexaya madaxbanaanida Aegean, waxaana diyaaradaha dagaalka Turkey iyo Greece ay si joogta ah u galaan daan-daansi dagaal oo ka dhaca hawada lagu muransan yahay

 

Helitaanka kheyraadka hydrocarbon ee bariga Mediterranean-ka ayaa sii adkeynaya xiriirka, iyadoo Ankara ay ka careysiisay Athens 2019 kadib markii ay heshiis muran badan dhaliey la saxiixatay Libya

Sannadkii hore, Erdogan ayaa Greece ku eedeeyay inay “qabsatay” jasiiradaha Aegean, wuxuuna ku hanjabay: “Sida aan dhahno, waxaa laga yaabaa inaan si lama filaan ah u nimaadno hal habeen.”

 

Hase yeeshee, xiriirka ayaa soo hagaagayey tan iyo bishii Febraayo, markii Greece uu samata-bixiyeyaal iyo gargaar u diray Turkiga kadib dhulgariir weyn oo dilay ugu yaraan 50,000 oo qof oo ku dhuftay dalkaas

 

Mitsotakis, oo xilka ra’iisul wasaare markii labaad afar sano ku guuleystay bishii June, ayaa sidoo kale muujiyay inuu diyaar u yahay inuu yareeyo xiisadda Ankara

 

Labada hogaamiye ayaa horey ugu kulmay bishii September magaalada New York oo uu ka socday shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay.