Home Blog Page 3088

Macalin shaqada laga joojiyay oo Toogasho ka geestay dhismaha Jaamacadda Nevada ee dalka Mareykanka

Khamiiis -December-7-2023-{HMC} Barafasoor bare horey uga ahaa Jaamacadda Nevada ee dalka Mareykanka ayaa la sheegay in toogasho dhalisay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka geestay dhismaha Jaamacadda

 

Ninkan toogashada geestay ayaa gudaha jaamacadda la galay qoray uu watay, waxa uuna halkaasi ku dilay saddex qof oo kamid ahaa dadkii jaamacadda ku sugnaa , halka sidoo kale jiraan dad kale oo toogashadaku dhaawacmay

 

Ciidamada booliiska oo dhismaha jaamacadda kula dagaallamay macalinka toogashada geestay ayaa ugu dambeyn ku guuleestay in ay dilaan, waxa ayna booliiska hadda wadaan baaritaano ku aadan toogashadan

 

Ardaydii iyo macalimiintii ku sugnaa jaamacadda ayaa si deg deg ah loogala cararay dhismaha marka uu weerarku bilowday, waxaana jaamacadda ka dhacay xaalad argagax leh iyo kala carar

 

Warbaahinta caalamka qaarkood ayaa tabinaya in ninka toogashada geestay oo ahaa Profosor 67 sanno jir ah oo jaamacadda horey macalin uga ahaa, kaa oo la sheegay in shaqada laga fadhiisiyay ,sidaasna carro uu u qaaday ugu geestay toogashada.

{DAAWO MUUQAALKA} farriin quus ah oo kasoo yeertay saxafiyiinta ku sugan Qasa?

Khamiiis -December-7-2023-{HMC} farriin quus ah oo kasoo yeertay saxafiyiinta ku sugan Qasa?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Wafdi uu Hogaamianyo Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo gaaray Itoobiya

Khamiiis -December-7-2023-{HMC} Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa xalay booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Ethiopia

 

Wasiirka oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kala duwan ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Dalka Ethiopia, isagoo casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Ethiopia

 

Wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxda katirsan Dowlada Ethopia iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas

 

{DAAWO MUQAALKA} Shacabka Fatahaada uga barakacay Baladweyne oo loogu baaqay in aysan kusoo laaban Magaaladda.

Khamiiis -December-7-2023-{HMC} Shacabka Fatahaada uga barakacay Baladweyne oo loogu baaqay in aysan kusoo laaban Magaaladda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Dowlada Kenya oo soomaliya ka raali gelisay arrin ku saabsaned Somaliland

Khamiiis -December-7-2023-{HMC} Dowladda Kenya ayaa raali gelin siisay dowladda federaalka Soomaaliya, kadib qoraal xasaasiyad abuuray oo baraha bulshada, gaar ahaan Twitterka uu ku baahiyey Senator ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya

 

Senatorka ayaa qoraalkaas uga hadlay kulan uu Nairobi kula yeeshay saraakiil ka socotay Somaliland, isagoo sheegay inay ka wada hadleen sidii loo bilaabi lahaa duulimaadyo toos ah oo Hargeysa to Nairobi ah

 

Xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa arrintaan ka soo saaray qoraal raali gelin ah, isagoo cadeeyey in Kenya aqoonsan tahay midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

Xoghayaha ayaa cadeeyey in dowladda Kenya ay Somaliland u aqoonsan tahay gobol ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

Sidoo kale wuxuu qoraalkiisa ku raali geliyey dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya ay la jaanqaadeyso Midowga Afrika oo aqoonsan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya

 

Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Kenya wuxuu sharaxaad ka bixiyey xafiiska ay Somaliland ku leedahay Nairobi, kaas oo sida uu sheegay ka shaqeeya arrimo ganacsi oo Kenya aysan u aqoonsaneyn safaarad

 

Qoraalka Xoghayaha ayaa xubnaha baarlamaanka Kenya lagu xusuusiyey in aysan awood u laheyn inay faro-geliyaan siyaasadda arrimaha dibadda Kenya, waxaana twitterka Senatorka laga saaray qoraalkii ay dhibsatay dowladda Soomaaliya

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan Jabriil Ibraahim Cabdulle u magacowday safiirka cusub ee Kenya, ninkaan oo horay u soo noqday musharax madaxweyne ayaa ku xeel-dheer diblomaasiyadda, waxaana la rajeynayaa inuu wax badan ka bedeli doono siyaasadda ay Kenya kula dhaqanto Soomaaliya.

{DAAWO MUQAALKA} Ciidanka NISA oo dilay qaarna Gacanta Ku dhigay koox ka tirsan AS.

Khamiiis -December-7-2023-{HMC} Ciidanka NISA oo dilay qaarna Gacanta Ku dhigay koox ka tirsan AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Turkiga oo Israa’iil uga digay fulinta talaabo ay damacsan tahay

Khamiiis -December-7-2023-{HMC} Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa uga digay Israa’iil iney cawaaqib xumo ka dhalan doonto haddii ay ku adkeysaro hanjabaada ay ku weerareyso mas’uuliyiinta Xamaas ee ku sugan Turkiga

 

Waxaa uu sheegay in haddii ay Israaiil ku dhaqaaqdo fal noocaas ah ay ugu kici doonto qiimo weyn oo sababi doona cawaaqib xumo ba’an

 

Madaxa hay’adda amniga gudaha ee Israa’iil ee ShinBet ayaa dhowaan sheegay iney madaxda Xamaas ku ugaarsan doonaan “meel kasta” oo ay ku jiraan Lubnaan, Turkiga iyo Qatar

 

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisa uu maxkamadda caalamiga ah ee Dambiyada {ICC} u gudbiyay dacwad ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza

 

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in kumanaan qareeno ah oo ka kala socda dalal kala duwan ay u shaqeynayeen si ay u dacwoodaan maxkamada ICC

 

“Waxaan keennay dambiyada dagaal ee Gaza ka dhacay maxkamadda, waana la socon doonaa arrintan. Netanyahu ma awoodi doono inuu ka baxsado ciqaabta falkiisa. Mar dhow ama ha dheeraato, waa la maxkamadayn doonaa, wuxuuna bixin doonaa qiimaha dambiyada dagaal ee uu galay.” ayuu yiri Edogan.

{DAAWO MUUQAALKA} Biyaha Fatahaada ayaa ka baxday Xaafadaha qaar ee Magaalada Baladweyne.

Khamiiis -December-7-2023-{HMC} Biyaha Fatahaada ayaa ka baxday Xaafadaha qaar ee Magaalada Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 07/12/2023

Khamiiis -December-7-2023-{HMC}  Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Yasiin Cali Axmed

Farsamadii :Muuse ali xerow

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

 

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in uu ka laabtay Goa’aankii Ahaa Doorasho Qof Iyo Cod ah

0

Arbaco-December-6-2023-{HMC} Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Puntland ay dib ugu laabanayso doorashadii baarlamaaniga ahayd ee horey loogusoo dooran jiray madaxdii hore ee Puntland.

Madaxweyne Deni oo shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada, ayaa wuxuu sheegay inuu ka xun yahay inuu qaato go’aan uu ku joojinayo dimuqraadiyaddii Puntland, balse wuxuu sheegay, isagoo eegaya daruufaha ka jira, inuu u tanaasulay in lagu laabto doorashadii 66-da xildhibaan ee beeluhu soo xulan jireen.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA M/DANI