Arbaco-December-6-2023-{HMC} Xogta Fatahaada iyo Xaalada Magaalada Baladweyne ee maanta 06-12-2023
10 sano guurada geeridii Mandela oo la xusay
Arbaco-December-6-2023-{HMC} Shacabka iyo madaxda South Africa ayaa Talaadadi shalay xusay 10 sano-guurada kasoo wareegatay marki uu dhintay madaxweynihi hore ee dalkaasi Nelson Mandela.
Mandela oo ahaa halyey u soo halgamay gobonnimada Koofur Africa, muddo 27 sano oo noloshiisa ka mid ahna xabsi ku qaatay, ayaa noqday madaxweynihi ugu horreeyay oo madow ah oo soo mara Koofur Africa, kaddib dhammaadkii gumeysigi ku dhisnaa midab-takoorka ee caddaanka Koofur Africa.
Mandela ayaa sidoo kale ka mid noqday shakhsiyaadka ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda ee loo yaqaanno Nobel Peace Prize, isaga oo loo tixgeliyo inuu ka mid ahaa madaxdi ugu saameynta badneyd ee dunida soo martay taariikhda casriga ah ee dunida. 5-ti bishii December ee sannadki 2013-ki ayuu go’ay isaga oo ay da’diisu aheyd 95 sano.
Munaasabaddihi lagu xusay Mandela ee shalay ka dhacay South Africa ayaa waxaa goob joog ka ahaa, wufuud heer caalami ah oo ay ku jireen saraakiil sare oo ka tirsan ururka Xamaas, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka AP.
Basim Naciim oo horay wasiir uga soo noqday maamulka Xamaas ee Gaza iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeybgalay munaasabad ka dhacday Dhismayaasha Isutagga ee magaalada Pretoria.
Dhinaca qoyska Mandela, waxaa munaasabadda ku matalayay xubno uu ka mid ahaa wiilka uu awoowga u yahay Mandla Mandela.
Mandela ayaa sida dowladda Koofur Africa, aad ugu ololeyn jiray xorriyad ay shacabka Falastin ka helaan Isra’il. Sidoo kale South Africa ayaa safka hore uga jirtay taageerada dadka Gaza ee dunida, tan iyo marki ay milatariga Isra’il billaabeen duqeymaha wali socda ee ay ku dhinteen kumannaanka qof ee rayidka ah.
Duqeyntaan ayaa timid kaddib marki ay Xamaas weerar qorsheysan ku qaadday Isra’il 7-badi October, weerarkaas oo ay ku dishay ilaa 1,200 oo qof oo Israa’iiliyiin ah.
{DAAWO MUUQAALKA} Saameynta sanadkaan Fatahaada ay u geysatay xaafada Buundaweyn ee Baladweyne.
Arbaco-December-6-2023-{HMC} Saameynta sanadkaan Fatahaada ay u geysatay xaafada Buundaweyn ee Baladweyne.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Maxaad kala socota guusha weyn ee dalkeena la filayo in uu gaaro 13-ka bishaan.
Arbaco-December-6-2023-{HMC} Maxaad kala socota guusha weyn ee dalkeena la filayo in uu gaaro 13-ka bishaan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Guddiga difaaca Buuhoodle oo soo saaray go’aamo ka dhan ah Somaliland.
Arbaco-December-6-2023-{HMC} Guddiga difaaca Buuhoodle oo soo saaray go’aamo ka dhan ah Somaliland.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda soomaaliya oo ku dhawaaqday duulaan ka duwan kuwii hore oo AS lagula dagaalamayo.
Arbaco-December-6-2023-{HMC} Dowladda soomaaliya oo ku dhawaaqday duulaan ka duwan kuwii hore oo AS lagula dagaalamayo.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Villa Somalia oo war kaso saartay natiijada safarkii Xasan Sheekh ee Imaaraadka
Arbaco December 6- 2023{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay Shirkii Caalamiga ahaa ee Isbaddelka Cimillada (COP28) ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan ayaa shirkaas iyo kulamo gaar gaar ah oo uu la qaatay madaxda ka qaybgashay qaarkood waxa uu kusoo bandhigay xaaladaha bani aadamnimo ee Soomaaliya & dedaalka Dowladda Federaalka gelisay in ay ka jawaabto.
Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xoogga saaray garab istaagga iyo taageero loo helo qoysaska ay saameysay xaaladda El-nino.
Shirkii looga hadlay Isbaddelka Cimillada ee ka dhacay Dubai ayaa waxyaabaha diiradda lagu saaray waxaa kamid ahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka laga dhaxlo wax weliba oo horseedi kara isbaddel ku yimaada Cimillada.
Soomaaliya ayaa kamid ah Dalalka saameynta taban ka dhaxlay xaaladaha loo tiiriyo in salkoodu yahay Isbaddelka Cimillada maadaama Qaaca Warshadaha ay sababaan dhibaatooyinka inta badan miiska lasoo dhigo sida hadalka loo dhigay.
Guul weyn oo la Filaayo in SOOMAALIYA aay gaarto 13-ka December
Arbaco December 6- 2023{HMC} Markale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiska jooga waxaana loo xisaabinaya waxyaabaha waari doona ee u qabsooma muddo xileedkan cusub.
24-kii bishii lasoo dhaafay ee November, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa nasiib u yeeshay inuu Soomaaliya ku biiriyo Dalladda Bulshada Bariga Afrika. Inkasta oo ay muddo soo jiitameysay isku-deyga Soomaaliya ee ku biirista ururkaan, haddana shaqadii uu ka qabtay madaxweyne Xasan Sheekh 18-kii billood u dambeysay iyo saaxiibtinimada uu siiyay dalalka Uganda, Kenya iyo Tanzania oo saameyn badan ku leh ururkaan ayaa wax badan caawisay.
Maadaama ay ku biiristan weligeed jireyso waa mid kamid ah guullaha waara ee loo diiwaan-geliyay muddo xileedkiisa cusub oo laba sano u dhamaanin.
1-dii bishan December oo Jimcihii lasoo dhaafay ku beegneyd wuxuu markale xaqiijiyay madaxweyne Xasan Sheekh natiijadii labaad ee waxqabadka waara, waana inuu dalka gaarsiiyay in laga qaado cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd 31 sano.
Guushaas oo wax ka tari doonta dhismaha ciidan qaran, in laga adkaado AS iyo in qarannimada dalka ay kaamil noqoto.
Arrinta saddexaad ee la sugayo dhawaan waa deyn cafinta, 13-ka bishan aynu ku jirno ee December shirka hay’adda lacagta adduunka ee IMF waxaa tagi doona madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana si rasmi ah loogu dhawaaqi doona in guud ahaan deyntii laga cafiyay Soomaaliya.
Waa guul kale oo waari doonta, waxay noqon doonta 20 cisho gudahood in dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay xaqiijinayso saddex arrimood oo kabaya dhaqaalaha, amniga iyo cilaaqaadka dalka.
Arrimahan waxaa loo yaqaana guullaha waara, waa in dowladnimada meeshii ugu timid iyo meesha uga tageyso inuu farqi u dhaxeeyo waana inay jiraan waxyaabo la magacaabi karo oo hirgalay intii aad xilka joogtay, kuwaasi oo ah waxyaabaha aan adiga hore ku raaceyn ama nolol maalmeedka la xiriira.
13-ka bishaan madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dhalinaya goolkiisa saddexaad ee guulaha waara, waana mid kamid ah sababaha Xasan Sheekh loogu yaqaano inuu yahay hoggaamiye ku fiican ka gun-gaarida arrimaha waaweyn ee dhabta ah.
Arsenal oo sii dheereysatay hoggaanka horyaalka Premier League-ga
Arbaco December 6- 2023{HMC} Kooxda Arsenal ayaa xalay si dirqi ah uga badisay kooxda yar ee Luton Town ee ku cusub horyaalka Premier League, kadib markii daqiiqaddii ugu dambeysay ee ciyaarta uu gool madax ah u dhaliyay Declan Rice, waxaana ciyaartu kusoo idlaatay 4-3.
Guushan ayaa Arsenal u horseedday inay shan dhibcood oo nadiif ah ku hoggaamiso horyaalka, waana markii saddexaad ee xilli ciyaareedkan ee ay Arsenal gool badis ah ay dhaliso wakhtiga dhimashada.
“Inaad dhaliso gool daqiiqaddii ugu dambeysay ee ciyaarta iyo in aan sii wadno dardarteenna waa mid nagu weyn. Inaad dhaliso goolka guusha waa sharaf weyn.” ayuu yiri Declan Rice ciyaarta kadib.
Arsenal ayaa 36 dhibcood ka heshay 15 kulan oo ay ciyaartay, waxaana kusoo xigta Liverpool oo leh 31 dhibcood, halka kooxda difaacanaysa horyaalka ee Manchester City ay leedahay 30 dhibcood, in kasta oo min hal kulan uu u dhismman yahay Liverpool iyo City.
Dhinaca kale, tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa diiday inuu eedeeyo goolhaye David Raya kadib markii uu galay khaladaad sababay qaar ka mid ah goolashii xalay laga dhaliyay, waxaana uu khaladaadkaas ku tilmaamay ‘eed-wadareed.
David Raya oo booska kala baxay Aaron Ramsdale kadib markii uu Arsenal kaga soo biiray Brentford, ayaa taageereyaashu ku eedeeyeen inuu Luton siiyay labo gool dhaliyay sideed daqiiqo gudahood.
Mowduucyadi ugu raadiska badnaa mareegta Wikipedia ee 2023-ka oo la shaaciyay
Arbaco December 6- 2023{HMC} Malaayiin qof oo ku nool dunida daafaheeda ayaa habeen iyo dharaar kasta gujiya oo wax ka baaro barta xogaha lagu keydiyo ee Wikipedia, si ay u ogaadaan macluumaadka ay markaasi daneynayaan. Haddaba, waxaa maanta lagu dhawaaqay mowduucyadi loogu raadinta badnaa sannadkaan sii dhammaanaya ee 2023.
Kan booska koowaad soo galay marka laga eego waxyaabaha ay dadka dunida ka raadiyaan mareegtan ayaa ah, aaladda “ChatGPT” oo ah qeyb laga sameeyay Garaadka Macmalka ah ee AI, oo adeegsadayaasha Wikipedia u sahleysa in ay helaan jawaabo cod ah ama wada sheekeysi ah. Aaladdaan ayaa iyada oo ku hadleysa luqaddo badan oo dunida ah, dadka uga jawaabta waxa ay soo wediyaan.
Maqaallada Wikipedia ee ku saabsan ChatGPT ayaa keydiyay ama soo qabtay in ka badan 79 milyan oo bog oo lagu daawaday luqado kala duwan, sidaasi waxaa sheegay hey’adda aanan macaash doonka aheyn ee Wikimedia Foundation, taas oo maalgelisa Wikipedia.
Qof walba oo dunida ku nool ayaa xog gelin kara mareegtan xajmiga weyn ee Wikipedia, hase yeeshee waxaa si mutadawacnimo ah u turxaanbixiya, tifaf-tirayaal ku kala nool dunida daafaheeda.
Sida ay muujisay warbixin sannadkeeda Wikipedia, shanta waddan ee ugu adeegsiga badnaa xog raadinta qeybta English-ka ee Wikipedia ayaa kala ah Mareykanka (33 bilyan oo bog ayaa laga daawaday); Ingiriiska (9 bilyan oo bog oo daawasho ah); India (8.48 bilyan oo bog); Canada (3.95 bilyan oo bog); iyo Australia (2.56 bilyan oo bog).
Marka laga eego 25-ka mowduuc ee ugu caansanaa ee ay dadka kasoo raadiyeen Wikipedia sannadkaan 2023-ka ayaa waxaa ka mid ah, dhowr filim oo Hindi ah, iyo filimka sannadkaan caanka ka noqday Mareykanka ee “Barbie.”
Waxaa sidoo kale aad loo raadiyay, mowduucyada ku saabsan maalqabeynka caanka ah Elon Musk iyo Taylor Swift oo ka mid ah fannaaniinta ugu caansan Mareykanka.
Dhanka isboortiga, waxaa safka hore soo galat ciyaaraha Kirkitka.
voa



