Home Blog Page 3092

Wararkii ugu dambeeyey ee dhallinyarada Soomaalida ee ku dhibaateysan Ruushka

0

Arbaco December 6- 2023{HMC}  Waxaa xarumo ku yaalla magaalooyin ka tirsan dalka Ruushka lagu hayaa dad Soomaali ah, kuwaas oo laga soo qabtay xadka ay wadaagan dalalka Ruushka iyo Finland, waxaana tiradooda lagu sheegay ilaa 62 qof oo siyaabo kala duwan ku galay dalkaas.

Sidoo kale waxaa jira kuwa kale oo laga qabtay xudduudda dalalka Poland iyo Belarus oo ku jira xabsiyo ku yaal dalalkaasi.

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxa aad u kordhay qulqulka tahriibayaash doonay in ay gaaran dalalka Yurub ayga oo ka talabaayo dalka Ruushka.

Hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan xuduuda ayaa sheegtay in ay u diri doonto Finland saraakiil iyo qalab xoojin ah si ay uga caawiyaan booliska xuduudeeda ee dalkaasi qulqulka muhaajiriinta imanaya dalka oo ay ku eedayeen in uu ka danbeeyso Ruushka .

Ku dhawaad 600 oo muhaajiriin ah oo aan haysan fiisaha saxda ah iyo dukumentiga ayaa bishan oo kaliya gaaray dalka Finland kuwaas oo ka kala yimid dalalka Soomaaliya, Afgaanistaan, Ciraaq, Suuriya, Yemen, Kenya, iyo Marooko.

Dawladda Finland ayaa xirtay afar ka mid ah meel ugu mashquulka badan ee dadka soogalootiga magangalyo doonka ah ay ka gudbayeen ayada oo shaacisay in ay jiraan ilaa 400 oo qof oo kale kuwaas oo ku sugan xaduudka labada dal doonayana in ay soo galaan Finland .

Sii hayaha safaaradda Soomaliya ee dalka Ruushka, Cabdullaahi Xaaji Daa’uud Warsame oo BBC-da wareysi siiyay ayaa sheegay dhibaatada dadka Soomaliyeed ku haysata xadka dalalka Belarus iyo Poland ay ahayd mid in muddo ah jirtay, balse tan hadda ka taagan xadka Ruushka iyo Finland ay tahay mid dhawaan soo bilaabatay.

Wasarradda arrimaha gudaha Ruushka ayuu sheegtay inay kala shaqeynayso sidii dalka dib loogu soo celin lahaa dadka Soomaliyeed ee lagu hayo xarumaha kala duwan ee ku yaal dalkaasi.

“Dadku labo qeyb ayay isugu jiraan, kuwa kusoo galay si sharci ah oo ku yimid fiisaha dalka Ruushka, balse la qabtay ayaga oo ka gudbay xadka Finland, iyo kuwa Belarus ka yimid oo sharci darro Ruushka ku joogay xadka laga qabtay kuwaas oo kale maxkamadda ayaa la saaraa, saddex bilood ilaa lix bilood ayaa lagu xukumaa, nasiib wanaag waxaan wasaarradda arrimaha gudaha Ruushka isku afgaranay in aan dadka danbiga loo ciqaabin” ayuu yir sii hayaha Safaarada Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sheegay in dadka Soomaliyeed ay marka hore visa dalxiis ah ku imaadan dalka Ruushka kadibna ay bilaabaan in ay uga sii gudbaan dalalka kale Yurub .

“Bishii lasoo dhaafay ayaa waxaa la bilaabay waddo cusub oo dadka ay maraan taas oo ah tan finland, dadka waxaa ay ka kala imaadan dalalka Soomalidu ay joogaan oo ay ka mid tahay Itoobiya, Kenya, dalalka Carabta iyo walba Soomaaliya “ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Cabdullaahi Xaaji Daa’uud Warsame, sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee Ruushka waxaa kale oo uu sheegay in ay jiraan qaar ka mid ah dhalinyaro oo ay ka sii daayeen xabsiyada dalkaasi .

“Sanadkaan waxaan kasoo daynaya xabsiyada iyo xarumo ciidan oo ku yaal xadduudaha u dhaxeeya Poland iyo Belarus dhalinayro Soomaliyeed oo gaaraya ilaa 28 kuwaas oo xataa baasboorradii ay wateen ay ka lumeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhalinayarada kale ee ku xiran Belarus

Mid ka mid ah dhalinyarada Soomaliyeed ee wax ka barta dalka Belarus oo magaciisa kusoo koobay Xirsi ayaa shaagay in xadduudka dalalka Ruushka iyo Belarus ay soo gaaran dhalinayaro Soomaliyeed oo isugu jira gabdho iyo wiilal kuwaas oo qaar ka mid ah dib loogu celiyay Soomaaliya halka kuwa kalna ay xabsiga ku jiraan .

“Waxaa jira dhalinayaro Soomaaliyeed oo halkaan ku dhibaateysan oo qaar xabsi ay ku jiraan kuwa kalna isbitallada jiifaan, xataa waxaa jirta gabar halkaan ku dhimatay aan ku aasnay “

Waxaa lagu jiraa xilliga qaboobaha dalalkaas waxaan dadka tarhiibayaash ah ay wajahayaan dhibaatooyin badan oo qaboowgu ka mid yahay .

“Dadka qaar aya gacamaha laga jaray markii qaboowga uu saameeyay ilaa sadex gabdhood ayaa isbitaalka jiifa, 16 wiilna xabsiga ayay ku jiraan” ayuu yir Xirsi.

Ardayda Soomaliyeed ee dalkaasi ayuu sheegay inay ka gacan siinayan ciidanka sidii dadka Soomaliyeed wata baasboorada dalka dib loogu celin lahaa, isaga oo xusay in ilaa 38 qof sanadkan dowladda Belarus ay dib ugu celisay Soomaaliya .

“Qofkii dukuminti wata dowladda waa ay celisaa oo Soomaliya ayaa loo celiyaa, laakiin waxaa jira kuwa u baahan in lasoo caddeeyo in Soomaali yihiin iyo in kale si dalka dib loogu celiyo,” ayuu yir Xirsi oo ah arday wax ka barta dalka Belarus.

Dadaallo ka socda Poland oo la doonayo in lagu sii daayo Soomaalida halkaasi ku xiran

Cilmi Axmed Cabdi oo ah Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Poland ayaa sheegay xeryo ku yaal dalkaas lagu hayo in ka badan 20 qof oo Soomali ah kuwaas oo doonayay in ay gaaran dalalka kale ee Yurub balse ay qabteen ciidanka waddankaas ayna hadda wadaan dadaallo lagu sii daynayo, waxaan uu xusay in dalka Poland uu dhawaan soo gaari doono Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub.

“Waxaa jira dhowr iyo labaatan qof oo Soomaali ah oo ku jira xeryo ku yaal dalka Poland,waxaan rabnaa in aan arrintooda galno Safiirka Soomaaliya ee Belgiumka” ayuu yir Cilmi.

Boqollaal qof oo muhajiriin ah aya sanad kast gala dalalka Yurub kuwaas oo cararay colaadaha ka jira dalalkooda ama baadi goobaya nolal ka wanagsan tii ay ku haysteen wadamadooda ayga oo wajaha dhibaatooyin badan inta ay ku jiraan safarka.

Waa sidee xaalka in ka badan 60 dhallinyaro Soomaali ah oo ku xanniban Ruushka?

0

Arbaco December 6- 2023{HMC}  Dowladda Ingiriiska ayaa wax ka beddelaysa oo adkeyneysa sharciyada muhaajiriinta ajnabiga ah ee imaanaya dalkaasi ee doonaya inay ka shaqeystaan ama ay ku noolaadaan.

Xoghayaha arrimaha gudaha Boqortooyada UK James Cleverly ayaa ku dhawaaqay qorshe shan qodob ka kooban oo lagu xakameynayo soo-galootiga, kaas oo uu sheegay in uu aad u sarreeyo.

Sharcigaan lagu xoojiyaan siyaasadda socdaalka ayaa lasoo saaray kadib markii wasiirku tilmaamay in sare u kac weyn uu ku yimid dadka soo-galootiga ah ee Ingiriiska tagay .

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, Rishi Sonak, oo ka haday tirada rasmiga ah ee muhaajiriinta ajnabiga ah ee u soo guuraya UK, ayaa shegay in ay ahayd ‘tiro aad u sarreysa’.

Waa maxay sharciyada cusub ee socdaalka ee hadda la soo saaray?

Inta badan dadka doonaya inay ka shaqeeyaan Ingiriiska waxay weli u baahan doonaan inay ku codsadaan Nidaamka (PBS) ka hore inta aysan dalkaasi tagin.

Laga bilaabo 2024-ka dadka xifadda leh ee doonaya in ka shaqeeyaan Boqortooyda UK waa in ay yihiin kuwa mushaharkood aad u sarreeyo si ay u helaan fiisaha shaqada.

Sida ku cad xeerarka cusub ee socdaalka, dakhliga ugu yar ee soo-galootiga sharci darrada ah ee Ingiriiska waa inuu noqdaa £38,700 sanadkii, halka uu ka ahaa £26,200 sanadkii hore.

Dadka ka shaqeeya dhinacayda caafimaadka iyo qaybta adeegga bulshada wax saameyn ah kuma yeelan doono sharcigan. Laakiin soo-galootiga ajaanibka ah ee ka shaqeeya waaxahan ayaan mar dambe loo oggolaan doonin inay xubnaha qoyskooda keenaan Ingiriiska.

Siyaasadda cusub ee socdaalka ayaa lagu dhwaaqay ka dib markii xogta dadka soo-galootiga ah ee bishii hore ay muujisay in uu jiro sare u kac ballaaran oo ku saabsan dadka soo galay dalkaasi.

Dadka ajanabiga ah ee doonaya in ay codsadaan visa Ingiriiska ayaa laga rabaa in ay buxiyaan sharuudo ay ka mid yihiin 50% ay yaqaannaan luuqadda Ingiriiska, iyo shaqaale yaraan ay ka jirto dhinacyada uu doonayo in uu ka shaqeeyo.

Qaybaha shaqaale yarida ay ka jirto dalka Ingiriiska

Waxaa jira dhinacyo kala duwan oo shaqaale yari ay ka jirto Ingiriiska kuwaas oo dadka ajinabiga ah ka heli karaan shaqo haddii ay codsadaan.

Liiska hoose ayaa ah dhinacyada ugu badan ee shaqaale yarida waaxaha ay ka jirto guud ahaan dalka Ingiriiska.

1- caafimaadka iyo waxbarashada.

2- daryeelka bulshada.

3- Farshaxanka sawirrada

4- Shaqaalaha dhismaha.

5- Dhakhaatiirta xanaanada xoolaha.

Dadka qaban kara shaqooyin ayaa ah kuwa hadda sida weyn looga baahan yahay guud ahan dalka Ingiriiska.

Dawladdu waxaa ay sheegtay in ay sidoo kale dib u eegis ku samayn doonto liiska waaxaha ay ka jiraan shaqaalo yarida, lana dhimi doono tiradooda.

Shuruudaha dadka ajanbiga ah ee doonaya in qoysaskooda ay Ingiriiska geeyaan.

Dakhliga ugu yar ee qofka doonaya in xubnaha qoyskiisa uu keeno ayaa laga dhigay £38,700 sanadkii halka markii hore uu ka ahaa£18,600.

Qiyaastii 70,000 kun oo qof ayaa Ingiriiska ku tagay fiisaha qoyska sanadka sii dhamaanaya 2023-ka .

Xoghayaha arrimaha gudaha ayaa sheegay in ay qasab tahay in Ingiirska uu hoos u dhigo dadka soogalootiga ah ee dalka imaanaya

Kororka dadka muhaajiriinta ee Ingiriiska ayaa ah culeeysa siyaasadeed uu wajahayso ra’iisulwasaaraha xisbiga muxaafadka ah Ingiriiska Sunak kaas o ballanqaaday inay yareynayo socdaalka tan iyo markii ay ku guuleysteen doorashada dalkaasi.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 06/12/2023

0

Arbaco December 6- 2023{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Yasiin Cali Axmed

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys Isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} MD Xasan Shekh oo wadamo iyo hayado caalami ah kala hadlay gurmadka dadka aay sameyesay Elnino

0

Arbaco-December-6-2023-{HMC}  MD Xasan Shekh oo wadamo iyo hayado caalami ah kala hadlay gurmadka dadka aay sameyesay Elnino

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Muxuu yahay walaaca laga qabo in Soomaaliya laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee 31 sano saarneyd?

0

Arbaco-December-6-2023-{HMC} Muxuu yahay walaaca laga qabo in Soomaaliya laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee 31 sano saarneyd?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Waalidiinta Naadiya Maxamed Oo Fariin Lama Filaan ah u Diray Beelihii Isku haaystay Gabadhooda

0

Arbaco-December-6-2023-{HMC} Waalidiinta Naadiya Maxamed Oo Fariin Lama Filaan ah u Diray Beelihii Isku haaystay Gabadhooda

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Axmed Madoobe oo Xasan Shiikh ku Amaanay Shaqada uu qabtay Mudadii uu joogay Xafiiska Madaxweynaha

0

Arbaco-December-6-2023-{HMC} Axmed Madoobe oo Xasan Shiikh ku Amaanay Shaqada uu qabtay Mudadii uu joogay Xafiiska Madaxweynaha

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Ciidamadda Nigeria oo duqeyn ku dilay 85 qof shacab ah

0

Talado December 4- 2023{HMC}  Madaxweynaha Nigeria, Bola Tinubu, ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee militariga dalkaas oo lagu dilay 85 qof shacab ah.

Weerarkan khasaaraha badan dhaliyay ayaa ka dhacay tuulada Tudun Biri oo ku taal waqooyiga gobolka Kaduna Axadii lasoo dhaafay xili ay socotay dabaaldaga ciida muslimiinta.

Tobaneeyo qof oo reer miyi ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka.
Xafiiska Madaxweyne Tinubu ayaa soo saaray bayaan uu ku muujinayo sida uu uga xun yahay dhacdadaas, taasoo uu ku tilmaamay “mid aad looga xumaado, dhib iyo xanuun badan.” Ciidamada cirka Nigeria ayaa beeniyay inay wax lug ah ku lahaayeen weerarkii Axadii.

Ciidamada Nigeria ayaa u adeegsada diyaaradaha drones-ka dagaalka ay kula jiraan burcada kuwaas oo olole fallaago ah ka waday waqooyi bari iyo waqooyi galbeed ee dalkaasi muddo dhowr iyo toban sano ah.

Tirada dadka ku dhintay foolkaanaha ka qarxay dalkan ay ku noolyihiin Muslimiinta caalamka ugu badan oo sare u kacday.

0

Talado December 4- 2023{HMC}  Tirada dadka ku dhintay folkaanaha ee Indonesia ayaa gaartay 22 qof, kadib markii samatabbixiyeyaashu ay heleen sagaal meyd oo kale.

Baadigoobka 10-ka qof ee la la’yahay ee ku socdaalayay buurta Marapi ayaa dib u bilowday Talaadadii ka dib markii la hakiyay walaac dhanka ammaanka ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in galabta la soo saaray sagaal meyd ah, iyadoo mid ka mid ah meydadka la la’yahay. 12 kale oo dalxiisayaal ah oo dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa isbitaalka.

Folkaanaha soo noqnoqda ee Marapi ayaa caqabad ku noqday dadaallada samata bixinta maalmo.

Ahmad Rifandi, oo ah madaxa kormeerka Marapi, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in shan qarax la diiwaan galiyey Talaadadii oo keliya.

“Foolkaanaha Marapi weli aad buu u firfircoon yahay. Ma arki karno dhererka tiirka sababtoo ah waxaa qariyey dambaaburro,” ayuu yidhi.

Samatabbixiyeyaasha ayaa sheegay inay ka faa’iidaysanayeen daaqadaha xasilloonida si ay u raadiyaan kuwa maqan, dadaallada lagu raadinayo dalxiisaha ugu dambeeya ee maqanna ay dib u billaaban doonaan Arbacada.

Axmed Madoobe oo dalab culus kasoo saaray wax ka beddalka dastuurka

0

Talado December 4- 2023{HMC}  Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta furay kafdhiga 5-aad ee Golaha Wakiilada maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dastuurka, qaadista cunaqabateynta hubka iyo arrimo kale.

Ugu horreyn Axmed Madoobe ayaa tilmaamay muhiimada uu kalfadhigan u leeyahay Jubaland iyo mudanayaasha Golaha Eakiilada oo ay horyaalan sharciyo ahmiyad weyn leh oo ay tahay in laga shaqeeyo Inta uu kalfadhigan socdo.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay fatahaadaha iyo daadadka ka jira Jubbaland isaga oo xusay in dad farabadan ay ku barakaceen fatahaadaha, burbur xooglehna uu soo gaaray kaabayaasha bulshada.

Intaas kadib Axmed Madoobe ayaa soo hadal qaaday doodda ka taagan wax ka beddalka dastuurka KMG ka ah, wuxuuna xusay in ahmiyad weyn ay leedahay in laga gudbo dastuurka qabyada ah, si loo dhammeystiro, Soomaaliya u yeelato shuruuc buuxda,

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in go’aamada ay gaareen madasha wadatashiga ay rajo weyn ka qabaan in labada Aqal ee Baarlamaanka ay meel mariyaan, isaga oo ka dalbaday inay u hiiliyaan isbeddal siyaasadeed oo ka dhaca guud ahaan dalka.

“Waxaan rajeynayaa baarlamaanka in sida ay tahay arintaas u qaadan doonaan, waddankana uu u baahan yahay sida uu ku jiro si ka beddalan inuu u dhaqmo ” ayuu yiri.

Dhanka kale Axmed Madoobe ayaa dowladda dhexe ku bogaadiyay guulaha ay ka gaartay in dalkeenna laga qaado cunaqabataynta hubka iyo ku biirista ururka bulshada bariga Afrika, wuxuuna tilmaamay in guulaha waa weyn ay ku yimaadeen dadaallo la sameeyay.

Hadalkan aya kusoo aadayo, ayada oo haatan dood xoogan ay ka taagan tahay wax ka beddalka dastuurka oo ay ka horyimaadeen xubnaha mucaaradka, waxaase la filayaa inay go’aan kama dambeys ah ka gaaraan xubnaha laabada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya.