Talado-December-4-2023-{HMC} Cali Jeyte oo Faah-faahin ka bixiyay dagaal ku dhex maray Ciidamada Dowladda kuwa deegaanka oo isku dhinac ah iyo Al shabaab deegaano hoos taga Dagmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Tirada dadka ku Dhintay Fatahaadaha Soomaaliya oo Gaartay 110 Qof
Talado December 4- 2023{HMC} Hay’adda UN OCHA ee Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in tirada dadka ku dhintay fatahaadaha Soomaaliya ay kor u dhaaftay 110.
Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee UN OCHA ayaa warbixin ay soo saartay waxay sheegtay inay in ka badan hal milyan oo qof ku barokaceen fatahaadada Soomaaliya.
Sidoo kale waxay sheegtay, kiisas looga shakisan yahay cudurka Daacuunka iyo shuban biyoodka in laga soo sheegayo degaanada dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.
Hay’addu waxay ku nuuxnuuxsatay in ilaa hadda, kaliya 30% kamid ah dadka ay dhibaatadu saameysey ay heleen gargaar.
Todobaadyadii u dambeeyay waxaa Soomaaliya ka da’ay roobab mahiigaan ah oo aan horay loo arag. Waxaana roobabkaasi ay ka dhashay khasaarooyin naf iyo maalba leh, barakac baahsan iyo burbur baaxad leh.
Daadadkan ayaa loo aaneynayaa ifafaalaha cimilada El Niño, taasoo ka dhalatay kuleylka ka jira badweynta Baasifigga.
Fal-celin xooggan oo ka dhalatay go’aankii shalay lagu wareejiyey Wiilkii La isku Haaystay Qoyskiisa
Talado December 4- 2023{HMC}Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ayaa shalay go’aan ka gaartay kiiska Cumar Cali Axmed, oo dhawaan sheekadiisu qabsatay baraha bulshada kadib markii ay isku qabsadeen laba reer.
Cumar ayaa kamid ahaa dhalinyaro ku dhaawacantay qarax ka dhacay xerada Nacnaca xilli loo qorayay ku biirista ciidanka qaranka.
Is qab-qabsi kadib baaris ay sameeyeen CID-da iyo maxkamadda ciimada qalabka sida ayaa ugu dambeyn shalay si rasmi ah loo caddeeyay reerka wiilkaan.
Maxkamadda Ciidamada ayaa Cumar Cali Axmed ku wareejisay Reer Cali Axmed oo la cadeeyay inay dhaleen.
Maxkamadda Ciidamada ayaa caddeysay in wiilkaan dhibanaha u ah qarax Al-Shabaab u geysatay isaga iyo saaxiibadiis sannadkii 2022 uu yahay Cumar Cali Axmed sidaas ayaana loogu wareejiyey reerkiisa.
Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?
Maxamuud Cali: “Wiilkaan dowladdiisu in ay u gurmato oo dadaal caafimaad oo dibadda u sameyso ayaan ku boorin lahaa.”“Iimanka Ilaahay idinkama qaadee caafimad geeya wiilka reer beela idin Alle idinma dhahee,” ayey tiri Xafsa.
Haarun Cabdi Xasan: “Maadaama uu ku biiri rabat ciidanka qaranka, dhibaatada soo gaartay dawadiisa iyo xaaladiisa caafimaad dowladda ma kifaalo qaaday. Cumar Cali Axmed Allaha Caafiyo.”
Mowliid Cilmi Xasan ayuu yiri “Asagaba hadda dhibane ah oo la rabey wax loo qabto ma asagii bay isku sii qabsadeen Subxaanallah.” “Wax walba waxaa ka muhiimsan caafimaadkiisa Allah caafiyo walaalkeen,” ayuu sidoo kale yiri Xarbi.
Xuseen ayaa isna yiri “Intaas ka badan baa dowladda laga rabay balse xaqa Allaha tusiyo dowladda ,wiilkaan Qaranka dartii ayuu saan u noqday sow maaha?.” “Markii uu caafimaado asigaa garan doono cida uu yahay marka Allaha caafiyo. Guriga uu joogayna waa guri Soomaaliyeed kan hadda loo wareejinaane waa mid Soomaaliyeed marka Allaha caafiyo,” ayuu yiri Ibraahim Xaaji Cali.
Samsam Mire Cali ayaa sidoo kale waxay tiri “Tan reerka wan garanay ee dowladdu ma damaanad qaaday caafimadka wiilkan, dhibka waxaa uu soo garay si uu dalkiisa, dadkiisa iyo diintisa uu u difaaco madaxda waddanka waxaa laga rabaa in ay damaanad qaadan caafimadka wiilkani wixii ku bixi lahay oo dhan. Anagana aan u duceyno walaalkeen Allow caafimaad tamam ah sii.”“Fadlan reerkii wiilkas gacanta ku haayay sanadka ee ku dadaalay ayaga oo u maleeyay wiilkoodii fadlan haloo abaal-gudo oo wixii dadaala ee wiilkaas ay u sameeyeen ha laga abaalmariyo,” ayuu yiri Mukhtaar Maxamed.
Cali Xaji Macow: “Aduunyo maxkamad haddii ay gaartay waa ila nasiib xumo in dowladdii uu darteed u dhaawacmay xitaa aysan dhaheyn dawo anaga u damaanad qaadnay.”
“Waxaa nasiib xumo ah in askari ku naafoobay jidkii uu qarankiisa ugu shaqayn lahaa in dowladdu ay dhawaaqiisa baraha bulshada ka soo raacdo, iyadoo reero isku haystaan halkii ay mar hore la rabay in ay iyadu daryeelkiisa xil iska saarto,” ayuu yiri Mahad Maxamuud Cabdiraxman.
{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Gobolka Banaadir oo qaadanaaya shirkado Nadaafada ka shaqeeya
isniin December 4- 2023{HMC} Maamulka Gobolka Banaadir oo qaadanaaya shirkado Nadaafada ka shaqeeya
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka dhalan kara Go’aanka Dowladda ee isku dambiga looga dhigay AS iyo dadka shacab ka ah
isniin December 4- 2023{HMC} Maxaa ka dhalan kara Go’aanka Dowladda ee isku dambiga looga dhigay AS iyo dadka shacab ka ah
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Floods kill more than 20 people in northern Tanzania

Monday December 4, 2023
At least 20 people have been killed by floods after heavy rain in the Manyara region of northern Tanzania, the ministry of health said on Sunday.
Severe flooding caused by the El Nino weather phenomenon has killed hundreds of people in Kenya and Somalia in recent weeks. The rains have also left a trail of destruction, ruining infrastructure like roads and submerging towns in East Africa, displacing hundreds of thousands of people.
“We are very shocked by this event,” President Samia Suluhu Hassan said in a video message posted online by the Tanzanian ministry of health.
She directed security agencies, the ministry of health and other relevant bodies to put in all efforts into ongoing search and rescue efforts to prevent more deaths.
The more than 20 people were killed in Katesh village in the Hanang district of Manyara, the president said.
The heavy rain on Saturday night caused landslides in some areas of Mount Hanang, domestic media outlets reported, adding that the waters also swept away livestock.
Climate change is causing more intense and more frequent extreme weather events, scientists say.
In response, African leaders are pushing for new global taxes and changes to international financial institutions to help fund climate change action.
Reporting by Nuzulack Dausen; Writing by Duncan Miriri; Editing by Alison Williams
Police repulse two terror attacks in Garissa

by CYRUS OMBATI
Monday December 4, 2023
Police repulsed two separate attacks on their bases in Fafi, Garissa county.
Al Shabaab militants staged attacks on Alinjugur Administration Police camp and Borehole Five Administration Police camp and Jembele simultaneously.
The offensive happened at about 2am on Saturday, police said no injuries were reported on the side of security officers.
Area MP Salah Yakub commended police for their brave action to stop the planned attacks.
He asked authorities to enhance operations in the region to address the terror-related attacks.
“With most roads being impassable in the area due to rains, we urge for more air patrols and delivery of goods to all including security agencies,” he said.
The attack comes days after a similar one at Alinjugur police post left one officer injured.
The attack happened on Tuesday. The officer who sustained a gunshot wound in the leg, was part of a team that had responded by firing back at the militants following the raid at their camp.
Police say the militants fired one rocket-propelled grenade towards the station followed by several gunshots in the Tuesday morning incident.
“The officers engaged and managed to repulse the militants and in the process, one police officer sustained a gunshot in the right leg around the ankle,” police said.
Garissa is one of the areas prone to attacks by the militants that cross over to Kenya from Somalia to commit terror attacks.
Last month, four police officers were killed after their vehicle ran over an improvised explosive device on Dadaab-Fafi road while on routine security patrol.
IEDs have become the most preferred weapons by the militants due to their portability, easy assembling and devastating impact.
The rise in attacks, particularly in the Northeastern, came after the KDF made an incursion into Somalia in 2011.
When he appeared in the Senate two months ago, Interior Cabinet Secretary Kithure Kindiki revealed that at least 500 lives have been lost due to terror attacks in the country since the bombing of the American Embassy in Nairobi by Al-Qaeda terrorists in 1998.
{DAAWO SAWIRADA} Maktabkii diiwaan-gelinta AS oo howlgal lagu burburiyay
Talado December 4- 2023{HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaas oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed.
Howlglallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyay deegaanada kala ah Adeegoow, Garaar, Warta Doolar iyo Weeley oo ka wada tirsan gobolka Baay.
Ciidamada ayaa howgallada khasaare culus ku gaarsiiyay Al-Shabaab, waxayna sidoo kale ku burburiyeen xarumo ay kooxda ku lahayd halkaasi.
Taliyaha Ururka 46-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka X/le Xasan Aadan Maxamed (Xasan Taar) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi, wuxuuna sheegay inay jab xoogan ku gaarsiiyeen AlShabaab.
Xasan Aadan ayaa shaaca ka qaaday inay cagta mariyeen, ayna ku bur-buriyeen Maktabki diiwaangelinta Al-Shabaab iyo goob ay lacago baad ah uga qaadi jireen dadka shacabka ah.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ay sii wadi doonaan howlgalladooda, ujeedkana uu yahay inay ku qabsadaan deegaanadaas, si looga sifeeyo kooxda Al-Shabaab.
Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Baay.
Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka Shabaab oo lagu xoreyn doono gobollada Sh/Hoose, Baay iyo Bakool.

{DAAWO MUQAALKA} DEG DEG Kulan udhaxeeya Ali jeyte iyo Ciidamada itoobiyo oo ka dhacay Halgan
isniin December 4- 2023{HMC} DEG DEG Kulan udhaxeeya Ali jeyte iyo Ciidamada itoobiyo oo ka dhacay Halgan
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay rag dil argagax lahaa ka geestay Hargeysa.
isniin December 4- 2023{HMC} Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay rag dil argagax lahaa ka geestay Hargeysa.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA



