Talado-December-4-2023-{HMC} Sheekh Cali Wajiis “cunaqabteynta Hubka laga qaaday Dalkeena waxay kor u qaadeysaa tayada Ciidamada”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Talado-December-4-2023-{HMC} Sheekh Cali Wajiis “cunaqabteynta Hubka laga qaaday Dalkeena waxay kor u qaadeysaa tayada Ciidamada”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Talado-December-4-2023-{HMC} “Garoowe waa caasimadda Daarood, waxa aan u nimi si aysan nooga dumin” Ugaas Maxamed Ugaas Axmed
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Talado December 4- 2023{HMC} Dawadayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanwayn
Warka waxaa soo jeedinayo ;Yasiin Cali Axmed
Farsamadii :Maxamed Baryare Xaamud
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARARKII UGU DAMBEYAY
Talado-December-4-2023-{HMC} 28-kii bishii November, Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa casumaad u diray Guddoonka Baarlamaanada Dowlad Gobaleedyada dalka, isagoo ugu yeeray madal wadatashi, balse guddoonka Baarlamaanada Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa goor dhaw diiday ka qeybgalka ama aqbalida casumaadan.
Sababta ay u diideen ayey ku sheegeen arrimo ag kamid tahay in looga baxay balamo hore loola galay oo ay kamid tahay is waafajinta dastuurka dowladda dhexe iyo kan dowlad goboleedyada.
Waxey sidoo kale diidmadooda sal uga dhigeen inaan laga tala gelin howlaha wax looga bedelayo Dastuurka oo golaha shacabka iyo Aqalka sare oo kaliya ay isku koobeeb.
Si kastaba, Puntland ayaa horey u maqnayd, iyagoo sabab uga dhigay labo qodob oo ay kusheegeen.
1- In aanan ka qayb-galin shirka nalagu casuumay inta ay ka caddaanayso cidda leh hoggaaminta Golaha Afhayeenada Goleyaasha Xeer-dejinta, Soomaaliya iyo inta wax laga qabanayo hawlihii horey loogu heshiiyay, waxna laga baddelayo sharciga Socdaalka Soomaaliya.
2. Mas’uuliyadda kala duwanaashaha iyo iska hor-imaadka Dastuurka KMG JFS iyo Dastuurada DXDFS iyo shuruucda kale ee ay soo saaran Goleyaasha Xeer-dejintu waxaa Mas’uuliyadeeda qaadaya Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka JFS.

Talado December 4- 2023{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ;Yasiin Cali Axmed
Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys Isaaq
Talado-December-4-2023-{HMC} Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee dalkaasi Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), oo uu aqbalay safiirnimadiisa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee dalka Qatar u magacaabay Maxamed Doodishe oo ahaa wasiirka amniga gudaha Soomaaliya.
Fadhi ay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya 23-kii November 2023-ka ayay sagootin ugu sameeyeen Wasiir Doodishe oo xilligaas qeyb ka noqday shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada.
Doodishe oo muddo ku dhow laba sanno ahaa wasiirka amniga gudaha ayaa hadda si rasmi ah u noqday Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Qatar oo kamid ah dowladaha Carbeed ee haatan xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiska jooga sanad iyo 8 bilood ayaa bilaabay magacaabidda safiiradii bedeli lahaa kuwii uu horay u magacaabay Madaxweyne Farmaajo.
Qatar ayaa ka mid ah dowladaha saaxiibka dhow la ah Soomaaliya, sidoo kale waa mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha badan dunida.
Talado-December-4-2023-{HMC} Ciidamada Booliiska Dalka Kenya ayaa soo xiray haweeney lagu eedeeyay inay shalay cunuggeeda oo siddeed bilood jiray ku tuurtay Badweynta Hindiya.
Dad Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha Dalka kenya u sheegay in haweeneyda ay ilmaha kasoo tuurtay gaari marayay magaalo-xeebeedka Mombasa.
Muuqaalka dad cunugga kasoo badbaadinaya gudaha badda ayaa aad ugu baahya baraha bulshada, iyadoo dad badan oo Kenyaan ah ay caro u qaadeen haweeneyda.
Ilmahan oo gabar ah ayaa loola cararay xarunta Laanqeysrta Cas halkaasoo lagu daweynayay, iyadoo hooyadana la geeyay saldhigga booliiska, sida ay baahiyeen telefishinnada gaarka loo leeyahay ee K24 iyo Citizen TV.
Talado-December-4-2023-{HMC} Bangiga Adduunka ayaa sheegay in hoos u dhac ku yimid kobaca dhaqaalaha Soomaaliya sanadkan 2023, taasoo ah 2.8%, marka loo eego sanadkii hore oo ahayd 3.6%.
Warbixintiisii ugu dambeysay Bankiga ee dhaqaalaha Soomaaliya ku sheegay in dalku wali u nugul yahay ku tiirsanaanta xad dhaafka ah ee deeqaha dhaqaale ee dibadda, maadaama ay ku dhufteen masiibooyinka dabiiciga ah, sida fatahaadda.
Dhaqaalaha ayaa la saadaalinayaa inuu kor u kaco 3.7 boqolkiiba illaa 3.9 boqolkiiba sanadka 2024 iyo 2025, siday u kala horreeyaan. Saddexda arin ee hoos u dhaca keenay ayaa kala ah abaarta, dagaalka Ukraine, iyo masiibada caalamiga ah ee Covid-19.
Sida uu sheegay Baanka, jahawareerka cimilada ee soo noqnoqda, sida meertada abaarta, daadadka, duulaanka ayaxa, qiimaha badeecadaha caalamiga ah oo sare u kacay, iyo sidoo kale kor u kaca amni-darrada iyo colaadaha, ayaa hakiyay kobaca dalka.
Bankigu wuxuu qirayaa inuu jiro horumar joogto ah dalka Soomaaliya ee ku aaddan buuxinta shuruudaha lagu gaarayo deyn-cafinta bishan December ee 2023.
Soomaaliya, ayaa ahayd November 23, waxa loo ogolaaday in ay ka mid noqoto Bulshada Bariga Afrika (EAC) ka dib dhawr iyo sodon sano oo dagaallo ah, xag-jirnimo rabshado wata iyo go’doon, iyada oo noqotay xubintii siddeedaad ee ururka dhaqaalaha gobolka.
Ogolaanshahan ayaa Soomaaliya u horseedaya waa cusub si ay dib ugu dhisto xiriirkii go’ay ee ay la lahayd saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Soomaaliya waxa ay leedahay xeebta ugu dheer Africa, oo gaaraysa 3,333km – taas oo xiriirisa Jasiiradda Carabta, waxana la filayaa inay kor u qaado ganacsiga, ayna dalalka xubnaha ka ah EAC ka faa’idaystaan khayraadka, sida kalluunka (Tuna).
Bankiga Adduunka waxa uu xusay in marka ay Soomaaliya gaareyso Heerka ugu dambeeya deyn cafinta, ay muhiim tahay in dalka uu sii wado dhabbaha dib u habeynta si loo gaaro kobac dhaqaale oo loo dhan yahay iyo barwaaqo si looga.
Dowladda Soomaaliya waxa ay ku sii socotaa dariiqa dib-u-habaynta dhaqaalaha ee xooggan in kasta oo ay jiraan dhibaatooyin kala duwan oo khatar ku ah dhaqaalaha inuu koro.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhawaan dalka laga cafin doono deyntii dibadda looga lahaa oo gaaraysay illaa $5 billion.
Talado-December-4-2023-{HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa guul weyn ugu dambeyn ka gaartay dedaalka ay ku dooneysay in laga qaado xayiraada hubka oo ahayd tan ugu mudada dheer ee dal lagu soo rogay.
Xayiraada hubka ayaa lagu soo rogay Soomaaliya 1992dii si loo dhimo qulqulka hubka ku socda hoggaamiyeyaashii dagaalka ee xukunka ka tuuray dowladdii kacaanka.
Shan iyo tobanka dalka ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ayaa taageeray labo qaraar, oo midna xayiraada hubka looga qaadayay dowladda, halka kan kale na xayiraad hub lagu saarayay Al-Shabaab.
Qaraarkan waxaa golaha u gudbiyay dowladda Ingiriiska. Waxa uu yimid go’aankan toddobaad kadib markii la aqbalay codsiga xubinnimada Soomaaliya ee dalalka ku bahoobay Dalada Barriga Afrika.
Xubinnimada dalalka Barriga Afrika iyo qaadista xayiraada hubka waxay ahayd labo qorshe oo waa weyn oo ugu muhiimsanaa siyaasada dibeda ee dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo qiimaha uu ugu kici karo Soomaaliya

Wax badan ayaa iska bedelay xeeladaha dagaalka iyo agabka la adeegsado mudadii uu saarnaa xayiraada hubka, xilligaas oo ay Soomaaliya ku tiirsaneyd hub fudud iyo kuwa yar yar oo ay ugu deeqaan dowladda kale.
Sanadihii dambe, furimaha dagaalka ee waddamada iyo kuwa lagula jiro kooxaha hubeysan ee aan dowlada ahayn ayaa waxay dunida caan ka noqday adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan, kuwaas oo kaalin mug leh hawlgalada dhanka cirka.
Khuburada ayaa sheegaya in hadda maaddaama Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka ay diyaaradahan aan duuliyaha lahay. Diyaaradaha noocaan ah ee kaalinta ugu weyn ku leh furimaha dafgaalka waxaa ugu caansan kuwa ay sameeyaan Mareykanka, Turkiga iyo Iran.

Diyaaradahan TB2 ayaa la sheegay inay yihiin diyaarado heerkoodu sareeyo ka taya wanaagsan kuwa laga soo saaro dalal badan.
Diyaaraddan waxaa soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan.
Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay hadda ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan.
Waxaa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay furo u ahaayeen guushii ay Azerbaijan ka gaareen dagaalkii ay la galeen kooxaha gooni-u-goosadka iyo ciidamada dowladda Armenia.
Diyaaradaha ayaa waxaa uu sidoo kale Turkiga u adeegsaday dagaallada Suuriya iyo Liibiya.
Diyaaradan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada. Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150kg ayaa ka howlgali karta masaafo dhan ilaa 300 km.
Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay diyaaradan Drones-ka ah waxaa uu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leeyihiin awood ilaa 300 litir oo shidaal ah.
Diyaaradahaan waxay qaadi karaan 4 gantaal oo waaweyn.
Waxay ku safri kartaa xawaare ka badan 220 km. Diyaaradan ayaa siday ilaa 300 oo litir oo shidaal ah qaadi karta.
Qiimaha halka diyaarad ee Bayraktar TB2 ayaa ah ku dhawaad 5 Malyan oo doolar. Marka laga eego qandaraasyada Yukreen ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa sidoo kale waxa uu muujinaya in qiime gaaraya ku dhawaad shan Malyan oo dolar.

Mid ka mid ah baahiyaha haysta ciidamada dowladda dhanka sahanka oo aysan u heysan diyaarado dagaal.
Diyaaradaha masaafada kooban duula ee ay adeegsadaan ciidamada dhulka si ay sahan ugu sameeyaan goobaha kooxaha ay dagaalka kula jiraan, si ay xog uga helaan ula na socdaan dhaqdhaqaaqooda.
Diyaaradaha Helicopter-ka ee dagaalka waa kuwo hubaysan oo leh doorka ugu horreeya marka ay timaaddo weerarka dhanka cirka ah, iyada oo awood u leh weerarrada bartilmaameedyada dhulka sida ciidamada lugta ee cadowga, baabuurta dagaalka iyo dhufaysyada.
Tusaale ahaan nooca loo yaqaan UH-60 Black Hawk helicopter ayaa qiimaheedu yahay inta u dhaxeysa 5.9 malyan ilaa 10 malyan.

Miiga waxaa ugu caansan noocyada kala ah F-16, F-35, F-15 iyo F5. Tusaale ahaan diyaaradda F-15 halkii xabo ayaa waxay gaareysaa 93 malayan oo doolar.

Baabuurta gaashaaman ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada militariga iyo fulinta sharciga iyo ilaalinta shaqaalaha. Qoryaha ku rakiban ayaa ah astaanta ugu muhiimka ee baabuurta gaashaaman.
Baabuurta qafilan ayaa ah kuwa kaalin xoogan ka geysta furimaha, maadaama ay adag tahay in rasaasta qaar ee ay isticmaalaan ururka al Shabaab ee la dagaalama ciidanka dawladda ay ka gudubto.
Gawaarida Gaashaaman ayaa sidoo kale waxay door muhiim ah ka qaataan qaadista ciidamada lugta iyagoo sidoo kalana bixinaya taageero xoog leh oo dhanka dab-damiska ah gaar ahaan goobta dagaalka iyagoo adeegsanaya hubkooda isku dhafan, oo ay ku jiraan gantaalada lidka taangiyada.
Gawaarida gaashaaman, waxay awood u leeyihiin inay iska difaacaan rasaasta, firirka miinooyinka, iyo madfacyada kale.
Gawaawrida gaashaaman ay isticmaalaan dalalka dariska iyo kuwa kale oo caalamkaba ayaa waxaa u badan kuwa Turkiga uu sameeyo.
Qiime ahaan halkii gaari ee gaashaaman ayaa ah ayaa ilaa sided boqol oo kun oo doolar.
Xigasho BBC
Talado-December-4-2023-{HMC} Cabdi Saciid Faarax Juxa, Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, oo guddoomiye u ah guddi uu madaxweyne Deni u magacaabay inay wada xaajood la yeesheen siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa sheegay in aanay waxba ka suurto galin wada hadalada labada dhinac.
Mr Juxa ayaa ku eedeeyay kooxaha mucaaradku inay ka cago jiideen inay la fariistaan guddiga todobada xubnood ah ee uu isagu hoggaamiyo. wuxuu sheegay in aanay u muuqaan inay diyaar u yihiin wada xaajoodka.
“Waan u tagnay, waan la hadalnay, waan xiriirnay, halkaas ayay kusoo ururtay inay ka gaabsadaan inay nala xaajoodaan,” ayuu yiri wasii Juxa oo rajo xumo ka muujiyay inay mucaaradku oggolaadaan in la wada hadlo.
Wuxuuse sheegay inay jirto fursad weli lagu wada hadli karo, wuxuuna ugu baaqay kooxaha mucaaradka inay miiska wada hadalka yimaadaan, oo ay diyaar u noqdaan in laga wada xaajooda arrimaha ay diidan yihiin.
Warkaan wasiir Juxa ayaa yimid, iyadoo mucaaradku ay sheegeen inay fursad siinayaan ama sugayaan, go’aanada kasoo baxa guddiga isimada SSC- Khaatumo oo ku howlan inay soo saaraan, xal ay u arkaan inay looga gudbi karo khilaafka ka taagan arrimaha doorashada.