Home Blog Page 3096

faahfaahinta Ciidmada Dowlada oo sameyay Howlgal lagu dilay Xubin sare oo AS ah

0

Talado-December-5-2023-{HMC}Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyay deegaano ka tirsan gobalka Bay waxaa ay sheegeen inay dileen xubin sare oo ka tisan dagaalamaayasha as, kaasi oo u u qaablisanaa gobalada Baay, Bakool iyo Gedo.

Ururka 47-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa fuliyay Howlgalka, waxaana uu si gaar ah uu howlgalkani uga dhacay nawaaxiga degaanada Mooda-moode, iyo Daynuunaay gobolka Baay.

Taliyaha Ururka 47-aad guutada 8-aad qeybta 60-aad Xds X/le Axmed Maxamed Nuur (Axmed Nuur Dhegeey) ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalka ay ku dileen xubin sare oo lagu magacaaabi jiray Xuseen Caddoow Jilib-gaab oo As b u qaabilsanaa lagacaha dadka laga qaado ee gobolada Baay, Bakool, iyo Gedo.

In ka badan 63 qof oo ku nafwaayay daadad ku soo rogmaday Tanzania

0

Talado-December-5-2023-{HMC} Tirada dadka ku nafwaayay fatahaadaha iyo dhul go’a ee waqooyiga Tanzania ayaa gaartay 63 qof,  sidda laga soo xigtay warbixinta warbaahinta maxaliga ah.

Si wax looga qabto saameynta roobabka mahiigaanka ah, madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa soo gaabineysa ka qeyb galka shirka cimilada COP28 ee ka dhacaya magaalada Dubai.

Guryo, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhul-beereed ayaa sidoo kale waxyeelo soo gaartay. Fatahaadyadda waxay kamid yihiin cawaaqibka ka dhashay isbadalka cimiladda.

Daadad baaxad leh ayaa ku soo rogmanaya waddamo ku yaalla bariga Afrika oo ay kamid tahay Soomaaliya, iyadoo ay qayb ka tahay dhacdada cimilada El Nino.

Dowladda Tanzania ayaa sheegtay in 400 oo shaqaale samatabbixin ah loo diray degmada Hanang ee waqooyiga dalkaasi si ay qeyb uga noqdaan dadaaladda naf-badbaadinta.

Si kastaba ha ahaatee, samatabbixiyeyaashu waxay ku shaqeynayaan xaalado adag, sida isgaarsiinta cilladaysan iyo jidad go’ay, burburay, sidda uu xaqiijiyey afhayeen u hadlay dowladda.

Madaxweyne Erdogan: “Netanyahu waa Dambiile Dagaal oo aan dacwad la tiigsaneyno”.

0

Talado-December-5-2023-{HMC} Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markale eedeyn culus kala dul-dhacay Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu waxaana uu sheegay in uu yahay dambiile dagaal oo daadiyay dhiigga Shacabka Falastiin.

Erdogan ayaa sheegay in haddii ay awood leeyihiin Maxkamadaha caalamiga ah ee marar kala duwan looga yeeray Dad u badan Muslimiin ay la tiigsan doonaan Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda Netanyahu oo markale dib u fasaxay xasuuqa ciidankiisu geysanayaan.

Recep ayaa dhanka kale tilmaamay in Turkiga aanay marnaba ka gamban doonin in uu caddeeyo mowqifkiisa adag ee ka dhanka ah falalka argagaxa leh ee Ciidanka Yuhuuda ay ka geysanayaan Dhulka Falastiin.

Erdogan ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay garab istaag buuxda ay u tahay Walaalaha dulman ee la dhibaateeyay ee Falastiin waxaana uu tilmaamay in meel weliba ay ka sheegayaan xasuuqa ay ka geysanayaan Yuhuudda Dhulka Falastiin.

“Netanyahu waa dambiile dagaal waxaana la tiigsan doonnaa Maxkamadaha qaada kiisaskaan haddii ay awood u leeyihiin si aan ugula xisaabtanno dhibaatooyinka uu u geystay Falastiin” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Waxa uu socdaal ku marayaa Bariga dhexe isaga oo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu la kulmay madaxda Waddamo carbeed oo uu si gaar ah ugu bandhigay in diiradda la saaro xaaladda ka taagan Dhulka Falastiin.

{DAAWO MUQAALKA} Kooxda Xamaas oo gantaalo ku garaacday Caasimadda israil.

0

Talado-December-5-2023-{HMC} Guutada Al-Qassam ayaa sheegtay in ay duqeeyeen dhowr bartilmaameed oo ku yaalla Israa’iil

Garabka militariga Xamaas ayaa fariimo isdaba joog ah oo ay soo dhigeen Telegram ku sheegay inay gubeen Saddex ka mid ah baabuurta iyo taangiyada ciidamada Israa’iil ee bariga Gaza iyagoo isticmaalaya qoriga Yasin 105 oo ah hubka lidka taangiyada

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Waa kee Wadanka dalkeena dariska la’ah ee lagu qalo dameeraha ee xitaa maqaarkiisa la dhoofiyo.

0

Talado-December-5-2023-{HMC} Waa kee Wadanka dalkeena dariska la’ah ee lagu qalo dameeraha ee xitaa maqaarkiisa la dhoofiyo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Siddee hooyadaan ugu dhax ganacsataa fatahaada Wabiga shabelle ee Magaalada Baladweyne maalin walba.

0

Talado-December-5-2023-{HMC} Siddee hooyadaan ugu dhax ganacsataa fatahaada Wabiga shabelle ee Magaalada Baladweyne maalin walba.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 05/12/2023

0

Talado December 5- 2023{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Mustaf Cali Caddow

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys Isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Wararkii Ugu Dambeyay Xamaas oo Werar gantaalo ah ku Qaday Tel aviv

0

Talado-December-5-2023-{HMC}  Guutada Al-Qassam ayaa sheegtay in ay duqeeyeen dhowr bartilmaameed oo ku yaalla Israa’iil

Garabka militariga Xamaas ayaa fariimo isdaba joog ah oo ay soo dhigeen Telegram ku sheegay inay gubeen Saddex ka mid ah baabuurta iyo taangiyada ciidamada Israa’iil ee bariga Gaza iyagoo isticmaalaya qoriga Yasin 105 oo ah hubka lidka taangiyada

Magaalada Ashkelon (Asqalan) Tel Aviv Sderot iyo Netviot ayey sheegeen iney gantaalo roobka uga dhigeen saacadihii la soo dhaafay.

Dhinaca kale, Adeegga isgaarsiinta ee waqooyiga Gaza ayaa hoos u dhacay

Mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ugu weyn Gaza ee Paltel ayaa sheegtay in dhammaan adeegyada isgaarsiinta ee magaalada Gaza iyo aagagga woqooyi ee xeebaha go’doonsan ay hoos u dhaceen sababo la xiriira markii ay israel duqeysay qaar ka mid ah xarumahooda iyo qalabka isgaarsiinta Laliya

Tani waxay saamaysaa khadadka dhulka, iyo sidoo kale adeegyada gacanta iyo internetka.

Patel waxa ay sheegtay in kooxaheedii farsamo ay si hagar la’aan ah u shaqaynayeen si kasta oo la heli karo si loo soo celiyo adeegyada.

{DAAWO MUQAALKA} Ninka soomaaliga ah ee 7 jeer quraanka oo dhan gacantiisa ugu qoray

0

Talado-December-4-2023-{HMC} Ninka soomaaliga ah ee 7 jeer quraanka oo dhan gacantiisa ugu qoray

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Isku soo bax lagu taagerayo ka qadista cunaqabateynta hubka ee Somaliya oo lagu qabtay D-Cabdicasiis

0

Talado-December-4-2023-{HMC} Isku soo bax lagu taagerayo ka qadista cunaqabateynta hubka ee Somaliya oo lagu qabtay D-Cabdicasiis

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA