isniin December 4- 2023{HMC} Ciidamada degaanka oo ka hadlay howlgal ay ka sameeyen duleedka Halgan
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
isniin December 4- 2023{HMC} Ciidamada degaanka oo ka hadlay howlgal ay ka sameeyen duleedka Halgan
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
isniin December 4- 2023{HMC} Dilaaliinta Sayladda Geella Laascaanood Oo sheegay ineey Diyaar u yihiin ineey bixiyaan Cashuurta
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Isniin December 4- 2023{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ; Mustaf ali adoow iyo Yaasin ali ahmed
Farsamadii :abdi maajid abdirxmaan aadan
Talado December 4- 2023{HMC} Wasaaradda Difaaca Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay in diyaaradaha wax-basaasa ee duulliye la’aanta ah Drones-ka loo yaqaan ay u dirtay Magaalada Gaza ee Dalka Falastiin si ay usoo gudbiyaan xogo gaar ah oo Xukuumadda London ay dooneyso.
War kasoo baxay Wasaaradda Difaaca UK ayaa lagu sheegay in macluumaadka ay raadinayaan diyaaradahaan ay u badan yihiin in ay soo ogaadaan halka ay Xamaas ku heyso Maxaabiista ay kasoo qabsatay Israaiil 7dii Oktoobar 2023.
Diyaaradahaan Drones-ka wax hub ah ma saarno waxaana ku xiran kaamirooyin iyo agab casri ah oo soo gudbinaya xogaha ay ka doonayaan in ay ku ogaadaan halka lagu hayo Maxaabiista Yuhuudda ay ka heyso dhaqdhaqaaqa Xamaas.
Xoghayaha Caafimaadka Ingiriiska Victoria Atkins ayaa sheegtay in diyaaradahaan lagu kalsoon yahay macluumaadka ay soo gudbiyaan oo laga duulaan tagi karo si ugu dambeyn loo dhabeeyo rejada Israaiil & Reer Galbeedku ka leeyihiin soo furashada Maxaabiista.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in 5 ruux oo u dhashay Dalka Ingiriiska lagu waayay weerarkii Xamaas ay ku qaaday saldhigyada Israaiil waxaana loo badinayaa in ay kamid yihiin Dadka la afduubtay.
Talado December 4- 2023{HMC} Ciidamada Booliska Somaliland oo howlgallo ka sameeyay gudaha magaalada Hargeysa ayaa ugu dambeyntii gacanta kusoo dhigay koox rag ah oo maalmihii dambe dilal qorsheysan ka gaysanayay caasimada maamulkaasi.
Ciidanka amniga ayaa howlgal kusoo qabtay laba eedeysaney oo loo haysto inay ka dambeeyay dilal si abaabulan loogu gaysanayay darawallada ka shaqeeya Takaasida.
Labada eedeysane ayaa waxaa kala magacaabaa Xamse Cabdi Saleebaan oo 23 sano jir ah iyo Ayaanle Muxumed Xaashi oo isna 22 sano jir ah, waxaana loo haystaa inay dil iyo dhacba u gaysteen Marxuum Maxamuud Xasan Dacar oo ahaa wadaad 46 sano jir ahaa.
“Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanayaasha kala ah 1- Xamse Cabdi Saleebaan ina Sahra Cabdi 23jir 2- Ayaanle Muxumed Xaashi ina Faadumo Maxamed 22jir oo ku eedaysan inay 14-11-2023ka Ku dileen marxuum Maxamuud Xasan Dacar ina Qamar Ducaale 46jir Isha Cobosha Masallaha Galbeed kuna dhuftay 9-Mindiyood , kadibna baadhay qaatayna mobile-kiisii , waxaana loo hayaa markhaatiyaal cadcad inay Marxuumka dileen , marxuumka ayaa ahaa darawal ku shaqaysta Gaaddiidka dadweynaha ee loo yaqaan (Probox-ta) , waxaanay yidhaahdeen naga kiree , iyagoo markii dambana halkaasi ku dilay Marxuumka alle ha u naxariistee” ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday taliska Booliska Somaliland.
Sidoo kale waxaa qoraalka la raaciyay “Dedaal dheer , hawlgallo iyo baadhid badan oo ay sameeyeen Ciidanka Boolisku ayay kusoo qabteen Eedaysanayashaa , waxaanna hadda ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska”.
Eedeysanayaashan ayaa sidoo kale loo haystaa fal kale oo lagu dhaawacay muwaadin kale oo lagu magacaabo Mustafe Cali Cabdilaahi oo isna darawal, waxayna u gaysteen dhac.
“Dhanka kale eedaysanayaasha ayaa 3-11-2023kii Sacaadadiin horteeda ka kiraystay gaadhi Vitz ah oo uu watay dhibane Mustafe Cali Cabdilaahi kaasi oo ay la tageen Qudbiga Sheekh Cumar agtiisa kadibna ay dhaawacyo u gaystay , sidoo kalana ka qaaday mobile uu sitay , kana tuuray gaadhigii. Waxaanay gaadhigii kaga tageen meel cidla ah inta ay waxii ku jiray kala baxeen. Ciidanka Boolisku waxuu degdeg u horgaynayaa Sharciga eedaysanayaashaasi” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska.
Ugu dambeyn Somaliland ayaa farrii n u diray wadayaasha gaadiidka, waxayna ugu baaqday inay feejignaan sameeyaan, iskana fiiriyaan dadka ka kireysanaya baabuurta.
“Taliska Ciidanka Booliska JSL waxuu darawallada ku shaqaysta Gaaddiidka yaryar ee kala duwan u soo jeedinayaa inay taxadar badan ka muujiyaan dadka ay qaadayaan , waxii ay ka shakiyaana degdeg ula soo wadagaan Ciidanka Booliska . Ciidanka Boolisku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku dayda khalkhal galinta nabadgalyada iyo waxyeellada shacabka ina uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono” ayaa lagu soo gabagabeeyay.
Talado December 4- 2023{HMC} Allaha unaxariistee waxaa saaka lagu dilay magaalada Boosaaso ee Puntland nin lagu magacaabi jray malaaq Ibraahim Cabdiraxmaan oo aad looga qaannay magaaladaasi isla markaana ahaa ganacsade
Wararka ayaa sheegaya in dilku uu dhacay xilli Malaaq Ibraahim uu ka soo baxay masaajid u uku tukaday salaaddii subax.
Malaaq Ibraahim ayaa ka mid ahaa sida la sheegay hormuudka bulshada ka soo jeedda deegaannada Koonfur galbeed ee ku dhaqan magaalada Boosaaso, ilaa iyo haddana wax faahfaahin ah lagama bixin dilkiisa cidda ka dambeysay iyo sida uu u dhacay.
BBC-da oo la xiriirtay laamaha ammaanka ee Boosaaso si ay wax uga waydiiso arrintaan ayaan helin wax jawaab ah.
Talado December 4- 2023{HMC} Maxkamadda ciidamada, oo wacyigalin u sameysay ciidamada ku sugan Dugsiga tababarka Hiil-wayne
Talado December 4- 2023{HMC} Xogta Fatahaada iyo Xaalada Magaalada Baladweyne ee maanta 04-12-2023
Talado December 4- 2023{HMC} Awooda As wey sii dhamaaneysaa waana soo afjareynaa dhawaan ”Taliye Ganey”
Talado December 4- 2023{HMC} “Xamaas dagaal loogama adkaan karo, Madaxweyne Macron