Home Blog Page 3101

{DAAWO MUQAALKA} weerarro ka dhacay Dalka Itoobiya oo lagu laayay Oromo badan.

0

Talado December 4- 2023{HMC}  weerarro ka dhacay Dalka Itoobiya oo lagu laayay Oromo badan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Odayaal iyo Nabadoono ka tirsanaa AS oo lagu qabtay Gobalka Hiiraan iyo howlgalo xoogan oo socda.

0

Talado December 4- 2023{HMC}   Odayaal iyo Nabadoono ka tirsanaa AS oo lagu qabtay Gobalka Hiiraan iyo howlgalo xoogan oo socda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Ciidamada Israa’iil oo ku dhawaaqay tirada weerarada ay Qasa ku qaadeen tan iyo toddobadii Oktoobar

0

Talado December 4- 2023{HMC} Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay qaadeen ku dhawaad “10,000 oo duqeymo cirka ah” oo ay ka gaysteen Marinka Qasa tan iyo bilowgii dagaalka 7-dii October.

Ciidanka Israa’iil ayaa ku macneeyay arrintaan in ciidamadooda dhulka iyo cirku ay “si wada jir ah u wada shaqaynayaan” si ay “hawlgalkii dhulka ah ee ciidanka Israa’iil ee Marinka Qasa” u guulaysto.

Mar sii horreysay, afhayeenka xukuumadda Israa’iil Elon Levy ayaa ku dhawaaqay in ciidammada Israa’iil ay awood u yeesheen inay aqoonsadaan 800 oo godad dhulka hoostiisa mara oo ku yaalla Qasa, kuwaas oo 500 oo ka mid ah la burburiyay.

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaan wax war ah kasoo saarin warkaan ku saabsan beegsiga godadkooda ee Isr’aail ay sheegatay.

Nooca hubka ay soo iibsan doonto DF Soomaaliya iyo dalalka ay ka heli doonto

0

Talado December 4- 2023{HMC}  Kowdii December, 2023 waxay Soomaaliya u ahayd maalin taariikhi ah ka dib markii laga qaaday cunaqabatayntii saarnayd 31 sano.

Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa ka yeeshay kulan ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in meesha laga saaro xayiraaddii hubka ee saarnayd Soomaaliya tan iyo sanadkii 1992-dii.

Go’aanka cunaqabateynta ee sanadkii 199-kii ayaa Goluhu ku saleeyay xilligaas si looga hortago qulqulka hubka ee dalka oo waqtigaas dagaallo sokeeye ka jireen, kuwaas oo ka dhashay markii meesha laga saaray dowladii uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

Dadaallo is daba joog ah oo ka soo billowday sanadkii 2012-kii ayey Soomaaliya ku gaysay masraxyda caalamka sidii dalka looga qaadi lahaa cunaqabtayntan iyagoo ku andacoonayay inuu dalku u bahan yahay inuu helo hub uu ku qalabeeyo ciidamadiisa si ay uga adkaadaan kooxda As oo muddo 15 sano ka badan dagaal kala horjeedda dowladda iyo ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cisman ‘Baalle’ ayaa sheegay in qaadista cunaqabateynta hubka ay awood u siinayso Soomaaliya ka hortagga khataraha dhanka ammaanka sidoo kalana u oggolaanayso xoojinta tayada ciidamada amniga Soomaaliya.

Soomaaliya hub noocee ayey u baahan tahay hadda?
Cuna qabataynta hubku waxay caqabad ku ahayd horumarka milatari ee dawladda Soomaaliya gaar ahaanna inay ka adkaato kooxda As oo ay dagaal kula jirto, sida ay qabaan dad badan oo ka faalooda amniga Soomaaliya.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa gacmaha ka xirnaa,” waxaa sidaas yiri Xuseen Macallin oo ah la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu sheegay in Soomaaliya ay qabto baahi milatari oo guud iyo mid gaar ah. Tan guud waa inay awood ahaan dhisanto kuna fiilnaato amniga dalkeeda, balse baahi degdeg ah ayaa jirta sida ay dawladda Soomaaliya qabto.

Janaraal Cabdullaahi Cali Caanood oo darajada sarreeye guuto ka gaaray ciidamada Soomaaliya sidoo kalena soo maray abaanduulaha ciidamada dhulka, ayaa isaga oo khibradiisa kaa shaanaya ka hadlay nuuca hubka casriga ah ee Soomaaliya u baahan tahay iyo sidoo kale kuwa ay horay u haysan jirtay laakiin ka baxay gacanta dawladda.

Dhanka cirka

Dunida waxaa waayahaan dambe caan ka noqday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo kaalin aan la dafiri karin ka qaata furimaha dagaalka. Soomaaliya hadda waxaa ka caawiya isticmaalkooda wadamo uu kamid yahay Maraykanka, balse waxa uu sheegay Janaraalku in ay u baahan tahay Soomaaliya.

Dawladda dariska ah ee Itoobiya ayaa la soo wariyay inay isticmaashay diyaaradahaas intii uu socday dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray.

Inkasta oo ay meesha ka saareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, weli waxaa loo baahan yahay diyaaradaha guuxooda ka dheereeya ee loo yaqaano miigga, kuwaas oo ay kamid ah hubkii cirka ee Soomaaliya. Dabcan haatan waa la sii casriyeeyay sanadahaan dambe.

Dhulka

Sida uu qabo Janaraal Caanood, Soomaaliya hadda uma baahno hubka culus ee dhulka si ay uga adkaato As taas baddalkeedana kaliya waxay u baahan yihiin ciidanku hubka “fudud oo xoogaa ka casrisan kan ay As ku dagaalamayaan” iyo gawarida gaashaaman ee daabula ciidanka.

Baabuurta qafilan ayaa ah kuwa kaalin xoogan ka agystay furimaha, maadaama ay adag tahay in rasaasta qaar ee ay isticmaalaan ururka al AS ee laga dagalaama ciidanka dawladda ay ka gudubtay, sida uu sheegay Janaraalku.

Sidoo kale wuxuu sheegay in baahi gooni ah ay ka jirto dhanka sahanka. Diyaaradaha masaafada kooban duula ee ay adeegsadaan ciidamada dhulka si ay sahan ugu sameeyaan goobaha cadowga ayuu sheegay in loo baahan yahay.

Balse waxaa dad kale qabaan in taangiyada oo ah hub wali muhiim ka dhex ah furimaha ay u baahan tahay Soomaaliya.

Inta badan ciidamada wadamada Afrika ka socda ee caawiya Soomaaliya ayaa ah kuw kaliya ee Soomaaliya gudaheeda lagu arkay. Balse dowladdii Soomaaliya ayaa haysatay tiro badan oo taangiyadaas ah.

“Waxaan heli doonnaa taangiyo, diyaarado dagaal iyo maraakiibta dagaalka,” ayuu yiri Janaraal Caanood mar uu ka hadlayey yoolka durugsan ee horumarinta ciidanka Soomaaliya.

Inta badan hubka ay u baahan tahay Soomaaliya ayuu sheegay in lagu miisaamo, waxyaalaha aysan heli karin cadowga ay la dagalaayaan.

Xagay ka heli kartaa hubkan Soomaaliya

“Dawladda Soomaaliya waxay leedahay saaxiibo kala duwan oo hub ku caawin lahaa, haddii aysan saarnayn cuna qabataynta hubka, ama daynbaa lagu siin doonaa ama mucaamalaa lagusiin doonaa,” ayuu yiri Jenaraal Caanood mar uu ka hadlayey halka ay dawladda Soomaaliya ka heli karto hubka.

Soomaaliya ayaa horay waxa ay hubka uga heli jirtay wadamo uu kamid yaay Ruushka. Hubkaas oo caanka ahaa gudaha milatariga Soomaaliya ayuu qabaa Caanood in dunida haatan uu yaalo hubka kale oo casri ah loona baahan doono in lagu tababaro ciidanka.

Soomaaliya ayaa haatan taakulada hub ee ugu badan ka hesha wadamo ay kamid yihiin Turkiga, Imaaraatka iyo Maraykanka, balse haatan waxay awoodaa inay soo iibsato hub iyada u gooni ah.

Sidee loo kaydinayaa hubka?

Janaral Caanood wuxuu sheegay in qalabka ciidanku uusan u baahnayn meel lagu xareeyo marka hawl galka lagu jiro, “xilliyada tababarka oo kaliya ayuu hubku xeryaha yallaa,” ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa lahaan jirtay xeryo caan ahaa oo lagu kaydin jiray hubka ciidanka, laakiin janaraalka ayaa sheegay in waqtiyada dagaalka sida kan ay haatan ku jirto Soomaaliya.

Janaraalka ayaa sheegay in muddo hal sano ah oo uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee toddobatan iyo toddobadii aanu hubku u baahan meelo lagu kaydiyo maadaama si joogto ah loo isticmaalayey.

“Taankiyada iyo wixii roobku dhibayo jiingado ayaa loo samaynayaa ciidankuna teendhooyin ayuu u baahan yahay ee dabaqyo uma baahna,” ayuu yiri Caanood.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay labada dhinac ee kaliya ee hub lasoo degi kara Dalka oo dhan

0

Axad December 3- 2023{HMC} Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay cidda hub lasoo degi karto, kadib markii Soomaaliya laga qaaday cunaqabatayntii hubka ay saarneyd 32-ka sano.

Xuseen Macallin Maxamuud, oo ah la-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo ciidamadeeda ay soo gadan karaan hub kala duwan.

‘’Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka waa dalban karaa hub oo awoodda ay leeyihiin ku xiran maaddama ay leeyihiin booliis iyo asluub kaliya, loona oggolyahay inay maamulaan hub iyagana ku siman inay si nidaami ah dalka ula imaan karaan,” ayuu yiri Xuseen Macallin.

Isagoo ka jawaabayey sababta ay maamulladu hub usoo dajisan karaan ayuu yiri “Dabcan dowladeey ku hoos noolyihiin, kaligood wax ma sameeyaan, dowladda Soomaaliya ayey ka mid yihiin, dowladda iyo xafiiska amniga qaranka laga dhexdhisay ayaa nidaamka ay u keensan karaan xaddidaya, iyada oo heshiiskii amniga qaranku uu dhigayo in ciidamo u gaar ah oo booliska ah iyo ciidamada u gaar ah oo asluub ah ay yeelan karaan, marka hub intaas ku xaddidan ayey keensan karaan” ayuu yiri Xuseen Macallin.

Wuxuu intaas ku daray in maamul goboleedyada ay oggolaansho ka qaaadanayaan dowladda dhexe ka hor inta aysan hubka dalban.

Dhinaca kale, Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in laga bilaabo 2-dii December, Soomaaliya hub nooc kasta oo hub ah oo dunida lagu kala iibsho ay xaq u leedahay inay soo gadato.

 

Wuxuu sheegay inaysan jirin wax shuruudo ah oo Soomaaliya u dhiman ama laga sugayo inay buuxiso Ciidamada Soomaaliya ayuu sheegay inay muhiim tahay inay helaan hub ay kaga adkaanayaan ururka Al-Shabaab oo ay dagaal kula jirto.

 

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa gacmaha ka xirnaa, hubka la wada haysto hub ka waa weyn oo uu dalka ku ilaalin karo, cidda hubka ay haysato si khaldan u istcimaalaysana shaqa ka qaban karo ayey muhiimaddu tahay hadda,” ayuu intaas ku daray Xuseen Macallin.

 

Waa kee gobolka lagu qalo dameeraha ee xitaa maqaarkiisa la dhoofiyo?

0

Axad December 3- 2023{HMC} Hilibka dameeruhu wuxuu ka mid yahay waxyabaha ay culimada islaamku sheegaan inuu xaaraanta yahay, sidoo kalena aan laga cunin meelo badan xitaa haddi aysan jirin diin u diideysa.

Way jiraan bulshooyin qasha dameeraha cunana hilibkooda balse ka mid ma aha bulshooyinka ku dhaqan Soomaaliya iyo Itoobiya, waana taas sababta keentay in lala yaabo sababta dhalin yaradani u bilaabeen inay qashaan dameeraha.

Haddaba maadaama aysan bulshooyinkani cunin hilibka dameeraha maxay u bilaabeen inay qashaan hadda?

Shirkad ka hawl gasha dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Oromada ayaa BBc u xaqiijisay inay aruuriso hilibka, maqaarka iyo lafaha dameeraha si loogu dhoofiyo dal aad looga rabo.

Beeralayda ayaa sheegay in saddexdii sano ee la soo dhaafay ay suuqa Shiinaha ka heli jireen lacag ka badan hal milyan oo dollar oo ay ka sameeyeen hilibka dameeraha.

Kooxda u dooda xuquuqda xayawaanka ee Brook Ethiopia, ayaa ku baaqaysa in la xidho kawaankan dameeraha.

Shirkadu ma waxay keentaa hilibka dameeraha suuqa gudaha? Faa’iidada ama kharashka dameerka lagu qalayo ma ka weyn yahay?

BBC-da ayaa la hadashay xiriiriyaha ururka dhalinyarada iyo machadka Brook ee Itoobiya.

Chichi Aman, waa Isuduwaha Shirkadda Dameeraha ee Rogchang. Shirkadan ayaa hargaha dameeraha iyo hilibka kasoo dhoofisa dalka Itoobiya una dhoofisa dalka Shiinaha.

Shirkadda ALI waxay shaqadeeda ka bilowday 2013 magaalada Asalla.

Warshadu waxay gowracdaa 50 ilaa 100 dameer maalintii, ayuu yidhi Chichi.

Waxa uu qorshaynayaa in uu maalin walba boqolaal dameer qalo mustaqbalka.

Saddexdii sano ee la soo dhaafay waxa uu gowracay 6,000 ilaa 8,000 oo dameer oo uu dibadda u dhoofiyay, isaga oo ka helay lacag ka badan 3 milyan oo dollar.

“Miyiga, waxaan abaabulnaa dadka oo aan soo ururinnaa dameeraha dhabarka dhaawacan, dhabar jaban ama indha beelay, waxaana ku raranaa baabuur,” ayuu yidhi.

Hay’adaha u dooda xuquuqda xoolaha ayaa aaminsan in dameeraha lagu gowraco Itoobiya ay dabar go’ u keeno karto dameeraha.

Mr Chichi, waxa uu sheegay in aanu weli ka walaacsanayn dhimista tirada dameeraha Itoobiya.

‘’Dameer baqti ah umbaa nasoo gaara, dameer yar nalooma keeno’’ ayuu yidhi.

Waxaan ka iibsanaa dameerka beeralayda celcelis ahaan 2,000 bir (lacagta Itoobiya ) ilaa 3,000 oo bir,” Chichi ayaa yidhi.

Chiichi ayaa sheegay in wax soo saarka kawaanka dameeraha uu yahay mid la dhoofiyo ee aan dalka lagu cunin.

“Xitaa lafaha waa la shiidaa oo dibadda loo diraa, halkan waxba kuma baaqdaan” ayuu yidhi.

Waxa uu beeniyay eedeymaha ah in hilibka dameeraha lagu iibiyo suuqyada dalka, waxa uuna sheegay in ay tahay “dacaayad been ah” oo lagu faafiyay baraha bulshada. Shaqada shirkadda waxa la socon doonta Wasaaradda Beeraha.

‘’Wasaaradda Beeraha Itoobiya ayaa dhakhaatiir u dirtay, waxaana loo maamulaa sida shirkadaha kale’’ ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in dameeraha la qalayo uu ka soo iibsan doono Galbeedka Arsi,Shawaa bari iyo Bariga Bale iyo degmooyinka Bale.

23 Oktoobar 2023
Sida Sheekhan caanka ah uu weli jaceyl ugu dhaqo gurigiisa rubac qarni ka badan dhisan
21 Nofembar 2023
Habeenkii yaabka lahaa ee Osama Bin Laden cashada soo doontay isaga oo aan la filayn
25 Nofembar 2023
Chiichin waxa uu sheegay in dhalinyaro ururo ah oo iskaashanaysa ay keenaan oo ay ka iibsadaan dameeraha ay qalaan.

Muddo laba sano ah ayaan ku wareegaynay bulshada deegaanka, ayuu yidhi.

Hadda waxay u abuurtay fursado shaqo 250 qof, waxayna siisay 80 qoys oo koronto bilaash ah, ayuu yidhi.

Laakiin Chichi wuxuu leeyahay ” bulshada maxalliga ah waxay aqbaleen shirkaddu inay aniga tahay ”.

Kooxda u dooda xuquuqda xayawaanka ee Brooke Ethiopia ayaa sheegtay in lagu xiray magaalada Bishoftu sababo la xiriira dibadbaxyo xooggan oo ay sameeyeen bulshadu.

Maxaa looga baahan yahay raqda dameeraha?
Hilibka dameeraha iyo hargaha ayaa laga rabaa suuqyada Shiinaha.

Dalka Shiinaha, hargaha dameeraha ayaa laga raadsadaa sababtoo ah waxay ka sameeyaan uumi walaxda loo yaqaan ‘Ejiao’ ah ee haragga dameeraha.

Qalabkan laga soosaaray haragga dameeraha ayaa ah maaddooyinka ugu muhiimsan ee looga baahan yahay soo saarista dawo-dhaqameedka Shiinaha.

Dameero badan ayaa sababtaas loo qalaa.

Dameeraha loo qalo maqaarkooda ayaa khatar ku ah nolosha malaayiin qof, sida ay sheegtay kooxda u dooda xuquuqda xayawaanka ee Brooke.

ISHA BBC

{DAAWO MUQAALKA} Yuusuf Diiriye “32-sano kadib Maanta ayaan noqonay Dowlad rasmi ah”

0

Axad December 3- 2023{HMC} Yuusuf Diiriye “32-sano kadib Maanta ayaan noqonay Dowlad rasmi ah”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

0

Axad December 3- 2023{HMC} Dawadayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa  Wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 3,12,2023

Warka waxaa soo jeedinayo ;Yasiin Cali Axmed

Farsamadii :Muuse Cali Xeroow

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARARKII UGU DAMBEYAY 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 03/12/2023

0

Axad December 3- 2023{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Cabdimaajid Cabdiraxmaan Aadan

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys Isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Maraykanka oo markii ugu horreysay soo hadal qaaday guuldarrada Israa’iil

0

Axad December 3- 2023{HMC} Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in Israa’iil ay guul-darro
istiraatijiyadeed kala kulmi karto Marinka Qasa, isagoo khudbad ka jeedinayay Madasha Difaaca Qaranka ee “Reagan”.

Wasiirka ayaa intaa ku daray: “Dagaalka noocaan ah, dadka rayidka ah ayaa ka ah culeyska, haddii aad ku riixdo gacmaha cadowga, waxaad muteysan doonta guul darro Isrtaatijiyadeed”.

Sida uu sheegay ciidamada Israa’iil waxa ay ku guulaysan karaan dagaalka ay kula jiraan Xamaas waa haddii ay ka  hortagaan dilka dadka rayidka ah kana shaqayaan ilaalinta marinka Qasa.

Afhayeenka ciidamada Israa’iil ee warbaahinta Carabta, Avichai Adraee, ayaa ku andacoodey in Xamas ay jebisay heshiiskii Xabadjoojinta oo ay gantaallo ku ridday dhulka Israa’iil.

Ciidanka Israa’iil ayaa si rasmi ah Jimcihii la soo dhaafay ku dhawaaqay wajiga 2aad ee dagaalka ka dhan ah Xamaas.