Home Blog Page 3102

Maxay ka wada hadleen Dalladda Mucaaradka & Safiirka Ingiriiska?

0

Axad December 3- 2023{HMC} Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis ayaa magaalada Garowe kulan kula qaatay dallada mucaaradka Puntland iyaga oo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka iyo xal u helidda xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada dhex dhexaadinta ah ee ay hormuudka ka yihiin Beesha caalamka la iskuna soo dhaweynayo mucaaradka iyo maamulka talada haya uu hogaaminayo Madaxweynaha xilka kasii degaya Siciid Cabdullahi Deni.

Kulanka labada dhinac ayaa qabsoomay ka hor go’aankii Siciid Deni ee xalay inuu ku adkeysto qabsoomida doorashada lagu muransan yahay ee Qof iyo Cod.

Dhanka kale, Mucaaradka ayaa shalay muujiyey sida ay uga go’an tahay wadahadallada, iyaga oo dib u dhigay magacaabista Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Mucaaradka ayaa waxa kale oo ay ku guuleysteen in Caasimadda Garowe laga saaro ciidamada ka soo horjeeda doorashada Deni, si fursad loo siiyo daxdhaxaadinta ay wadaan Isimmada SSC-Khaatumo iyo Beesha Caalamka.

Talaabooyinkaas uma horseedin Madaxweyne Deni inuu wax ka bedelo ajandahiisa siyaasadeed ee halka dhinac ah.

Cumar Cali Axmed oo is qab-qabsi dheer kadib maanta lagu wareejiyay reerkiisa

0

Axad December 3- 2023{HMC} Cumar Cali Axmed oo dhawaan sheekadiisu qabsatay baraha bulshada kadib markii ay isku qabsadeen laba reer ayaa maanta maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ay go’aan ka gaartay kiiskiisa.

Cumar Axmed ayaa kamid ahaa dhalinyaro ku dhaawacantay qarax ka dhacay xerada Nacnaca xilli loo qorayay ku biirista ciidanka qaranka.

Is qab-qabsi kadib baaris ay sameeyeen CID-da iyo maxkamadda ciimada qalabka sida ayaa maanta si rasmi ah loo caddeeyay reerka wiilkaan.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Cumar Cali Axmed ku wareejisay Reer Cali Axmed oo la cadeeyay inay dhaleen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa caddeysay in wiilkaan dhibanaha u ah qarax Al-Shabaab u geysatay isaga iyo saaxiibadiis sannadkii 2022 uu yahay Cumar Cali Axmed sidaas ayaana loogu wareejiyey reerkiisa.

Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kadib in ka badan saddex todobaad oo la sugayay natiijada baaristii dheecaanka hidda raaca (DNA).

Sheekada wiilkan ayaa hadal hayn xooggan ka dhalisay baraha bulshada, ayada oo dadka siyaabo kala duwan uga fal-celiyeen, iyada oo ugu dambeyntiina maanta lagu wareejiyay reerkiisa.

Sidee wadaadkaan Soomaaliga ah uu 7 jeer quraanka oo dhan gacantiisa ugu qoray?

0

Axad December 3- 2023{HMC} Sheekh Maxamed Cabdullahi oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa todobo jeer gacantiisa ku qoray 114 ka suuradood ee quraanka.

Soddon iyo afar sano oo noloshiisa ah ayuu sheegay inay ka qaadatay qorista quraanka isaga oo la hadlay BBC da.Wuxuu xusay inuu sii wadi doono hawshaan.

Markii ugu horeysay ee uu bilaabo waxay ahayd sanadkii 1989 kii isaga oo labaatan jir ah. Xilligaas wuxuu sheegay inay yaraaeen kitaabada la heli aray ee dadku ka aqerisan kareen quraanka.

Kitaabka quraanka ee qiraa’ada loo yaqaano ‘Abi Camrah’ ayuu sheegay in si gooni ah uu xilligaas ugu yaraa dalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayay dhaqanka kamid tahay in caruurta da’yaraan lagu geeyo dugsiyada quraanka, waxaana sidoo kale dhaqan ah in badankood la xifdisiiyo quraanka.

“Kitaabka Xafsaha iyo Camaraha labadaba waa xifidisanahay. Taas ayaana ii fududeeyay in aan qoro quraanka,” ayuu BBC u sheegay Sheekh Maxamed Cabdullahi.

Billowgii hore ayuu sheegay in uu u isticmaali jiray qorista kitaabka Xabaga geedaha laga soo guro iyo warqado madam xilgaas ay yareeda helida qalimada casriga ah hada uu isticmalo qalin caadi.

Xilligii uu bilaabayay qorista quraanka ayuu sheegay in aysan jirin buugaagta iyo qalimada casriga ee hadda meel walba laga helo. Wuxuu sheegay inuu ku bilaabay qoraalka, warqado uu soo uruuriyay iyo qadka uu ka qooshay xabagta geedaha ka baxa miyyiga Soomaaliya.

“Sadexdii kitaab ee ugu horeeysay waxaan ku qoray xabagta geedaha basle afartii ka danbeeysay qalin caadi ah ayaan isticmaalay” ayuu hadalkiisa raaciyay Sheekh Maxamed.
Muddo intee leg ayuu ku qoray kitaab kasta?

 

Maxamed wuxuu sheegay inaysan sahlaneyn qorista guud ahaan suuradaha iyo aayadaha quraanka. Sababtoo ah in aad iska ilaaliso in aad qalad qorto ayaa ka dhigaysa mid aan fududayn. Balse ka go’ naashihiisa ay u suuragalisay inuu dhameystiro qorista quraanka.

 

“Kitaabkii ugu danbeyay ayaa ugu waqti dheeraa. Siddeed bilood ayuu igu qaatay in aan qoro, balse kuwa kale waa ay ka yaraayeen oo sadex bilood afar bilood ayay igu qaateen aniga oo waliba aad uga taxadaray dhamaadka ilaa billowga”. ayuu yiri Sheekh Maxamed.

 

Bulshada ayuu sheegay in ay aad u jecel yihiin kitaabada uu qoray oo ay ka codsadaan mar walba isaga oo dhanka kalana xusay in aysan jirin wax culeeysa ah oo ku qabo oo alle u fududeeyay.

 

“Dadka aad ayay ugu farxaan marka ay arkan Kitaabka 144-ka boqolka oo gacan lagu qoray aad ayay iigu hambaleyeeyaan”.

Xagee ayuu geeyay Kitaabadii uu qoray?

Sheekh Maxamed waxaa uu sheegay in kitaabki ugu horeeyay ee uu qoray uu geeyay dugsigii quraanka lagu soo baray oo arday badan ay ka aflaxeen, halka kii labaadna uu ku gubtay dab ka kacay suuqa Bakaaraha ee magaaladda Muqdisho.

“Kitaabadii aan qoray qaar badan oo ka mid ah aniga ayaan haya oo waa la heli karaa”, ayuu BBC u sheegay Sheekh Maxamed.

Shanta kitaab ee kale ayuu sheegay in qaar ka mid ah uu isagu gacanta ku hayo kuwa kalana uu siiyay bulsho ka dalbaday oo uu u qoray.

Waa kuma Sheekh Maxamed Cabdullahi

Sanadkii 1970 kii ayuu sheegay in uu ku dhashay magalada Muqdisho.

Quraanka ayuu ka bilaabay dugsi Quraan oo ku yaal dagamada Warsheekh ee Gobolka Shabelaha dhexe isaga oo markii danbe ka dhameyay dugsi kale oo ku yaal magalada Muqdisho.

Waa aabe leh todoba caruur ah iyo laba xaas – ilmahiisa ayuu sheegay inuu u horssedayo wadadii uu ku soo barbaaray ee barashada quraanka kariimka ah.

Sheekh Maxamed wuxuu sheegay inuu haatan ka shaqeeyo diyactirista kitaabada quraanka, halkaas oo ka soo saarto nolol meedkiisa.

Laga soo bilaabo caruurnimadiisa iyo hadda ayuu noqday qof u go’ay diinta iyo quraanka, masaajidda iyo dusiyada quraanka.

Mustaqablka ayuu tilmaamay in uu jecel yahay in uu sii wado qorista Quraanka kariimka ah inta uu nool yahay.

“waxa gacanta lagu qoro aduunka kitaabka Quraanka ah ayaa ugu muhiimsan oo aakhiro iyo aduunba waa lagu liibaanaya marka anigu waa sii wadi doona in aan qoro hadii aan awoodo u helo”, ayuu yiri Sheekh Maxamed.

Xigasho BBC

Wararkii Ugu Dambeyay Qarax xoog leh oo ka dhacay gudaha dhisme jaamacadeed

0

Axad December 3- 2023{HMC} Afar ruux ayaa ku dhintay qarax xoogan oo saaka ka dhacay dhisme ku dhex yaalla jaamacad ku taalla Philippines halkaas oo ay ka socotay munaasabad diimeed ay lahaayeen dad kirishtaan ah.

Hool lagu sameeyo jimicsiyada oo ku dhexyaalay jaamacadda Minddanao ee ku taalla magaalada ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan ee waddankaas ayuu qaraxaan ka dhacay.

Afartan iyo laba ruux ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxa, intooda badan ayaa la sheegay inay gaareen dhaawacyo fudud. Masuuliyiinta ayaa sheegay in xaalku uu haatan degan yahay.

Sanadkii 2017 kii magaalada waxaa dagaal socday shan bilood ku dhexmaray ciidamada dawladda Philippines iyo kooxo xiriir laleh ururka IS.

Ururka Daulah Islamiyah-Maute inay ka dambeyn karaan qaraxaan ayuu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan booliska dalkaas.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay khasaaraha ka dhashay howlgalkii Maanta ka dhacay gobolka Hiiraan

0

Axad December 3- 2023{HMC} Warsaxafadeed ka so baxay Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kaga hadshay khasaaraha ka dhashay howlgal ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo garab ka helaya saaxiibada Caalamiga ah ay ka fuliyeen Tuulada Helo Bacaad ee gobolka Hiiraan.

Dowladda ayaa Warsaxafadeedka ku sheegay in lagu dilay in ka badan 60 ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku sugnaa Tuulada Helo Bacaad oo qiyaas ahaan 8 KM dhinaca Koonfur Galbeed kaga beegan degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

“Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku aruursanayey Tuuladaan isla markaana isku diyaarinayay inay u gudbaan qeybo ka mid ah bartamaha Soomaaliya. Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa sidoo kale burburiyay Saanado Ciidan iyo Gaari Dameero ay ku wadeen Hub iyo waxyaabaha Qarxa” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka.

Waxaa sidoo kale lasoo warinayaa in ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay wali baacsi kusii hayaan xubnahii Al-shabaab ee ka badnaaday howlgalka.

HALKAN KA AQRISO WARSAXAAFADEEDKA 

Türkiye hails UN decision to lift Somalia arms embargo

0


Alperen Aktas
Sunday December 3, 2023

Türkiye on Saturday welcomed a decision by the UN Security Council to lift an arms embargo on Somalia.

“We wish this historic decision will usher a new era which will sow the seeds of peace, prosperity and strong hopes for the future of Somalia,” the Foreign Ministry said in a statement.

It added that Ankara “as always, will continue to stand by the people of Somalia and support Somalia in this new era.”

The statement came after the Security Council on Friday unanimously voted to lift the final restrictions on weapons deliveries to Somalia’s government and its security forces.

The Security Council first imposed a general and complete arms embargo on Somalia in 1992 as a reaction to the then-conflict and deteriorating humanitarian situation in the country.

FAAH FAAHIN Qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay dhallinyaro qoranaysay Ciidamada Soomaaliya.

0

Axad December 3- 2023{HMC} Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay, kadib markii qof iskusoo xiray waxyaabo qarxa uu isku qarxiyay afafka hore ee xerada TurkSom.

Qaraxaan ismiidaaminta ahaa ayaa lala beegsaday koox dhallinyaro ah oo safaf dheer ugu jirtay inay qortaan oo ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka ee Gorgor.

Warar horudhaca oo aan helayno waxay sheegayaan, in dadka qaraxa ku dhaamacmay ay u badan yihiin dhalinyaradii qoranaysay inay ku biiraan ciidamada Gorgor.

Weli lama xaqiijin wax dhimasho ah.

Qofka qaraxu ku xirnaa uu doonayay inuu dhex galo dhalinyarada, ayay ciidamada amaanku ka shakiyeen, deetana inta aanu soo gaarin dhalinyarada safka ku jirtay uu is qarxiyay.

Alshabaab oo sheegtay masuuliyadda falkaan, ayaa shaaciyay inay ku dileen 32 askari oo katirsan ciidanka dowladda.

Qaraxaan ayaa yimid, iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay amniga magaalada Muqdisho uu soo hagaagayay, iyadoo ay hoos u dhaceen falalkii qaraxyada ahaa.

Somalia minister kicks up a storm after addressing a conference in Swahili

0


By ABDULKADIR KHALIF
Sunday December 3, 2023.

Somalia may have joined the East African Community (EAC) last week, becoming the eighth member of the expanding bloc, but Somalis are wondering whether the move could kill their national language: Somali.

So far, that possibility seems remote, but a minister’s decision to address the press in Swahili has been condemned in some quarters, with some critics accusing him of breaking the law.

It all began when Somali Minister of Information and Culture Daudi Aweis addressed journalists in Arusha, Tanzania on Saturday last week ahead of the 23rd Summit of Heads of State and Government.

He spoke broadly about the importance of Somalia’s participation, repeating the message he had given in English –in Swahili.

“It has been a long wait for Somalia which first put in a bid to join the EAC in 2012. The quest to join the East African Community has been a top priority for President Hassan Sheikh Mohamud since his re-election in 2022,” he said.
“Somalia has a lot to gain from joining the EAC. It would benefit from regional infrastructure projects that include roads, railways and energy projects.”

Hodan Ali, a Somali political commentator, immediately took Aweis to task for using a language that no one at home understands.

“The official languages of Somali Government does NOT include Kiswahili (sic),” Ms Ali wrote on X (formerly Twitter).

‘Enough with the nonsense’

“It’s Somali and Arabic. The Minister of Information, Culture and Tourism of FGS (federal government of Somalia) can use his additional linguistic abilities when he’s not representing the Somali Government. Enough with the nonsense.”

Not that Somalia is often strict about languages. Government officials routinely use English when communicating with the outside world and rarely resort to Arabic, even though it appears on government letterheads.

But Swahili, the lingua franca in most EAC countries, was not always dead in Somalia. Before the civil war in 1993, coastal towns such as Kismayu had a significant Swahili-speaking population because of historical links with other coastal towns such as Mombasa and Zanzibar.

In Somalia, coastal people in the southern parts of the country are referred to as Banadiri (a corruption of the Swahili word – Bandari or port).

But Ali’s criticism of the minister was riled at by others.

Geeljire (@nololfiican) argued that Swahili was one of the “native languages” in Somalia.

“Go to Barawe or Kismayo. In Kismaayo, half of the people spoke Kiswahili before the civil war. In Barawe, more than 90 per cent of residents spoke Kiswahili,” he argued, without citing a source for his figures.

Ali, another critic, accused Hodan of hypocrisy for treating Swahili as a foreign language while ignoring English, which is not an official language in Somalia but which Hodan hasn’t complained about when officials use it.

“We need to decolonise our language,” said Ahmed Visin (X via @ahmedvision1).

Somalia, AU, and UN set to begin second phase of troops drawdown

0


Sunday December 3, 2023

Somalia, the African Union Transition Mission (ATMIS), and the UN Support Office (UNSOS) on Saturday jointly announced the resumption of the second phase of the troop withdrawal from the country in December.

Mohammed El-Amine Souef, the special representative of the Chairperson of the AU Commission for Somalia and head of ATMIS, said the process to withdraw another 3,000 troops from Somalia was originally intended to conclude by the end of September but was halted following a request by the Somali government for a technical pause.

“After extensive discussions at the tripartite technical level among the three parties and in line with the directives of the African Union Communique and the UN Security Council Resolution 2710 (2023), today we jointly announce that ATMIS will resume and complete the drawdown of 3,000 troops by Dec 31, 2023,” Souef said at a joint news conference in Mogadishu, the capital of Somalia.

According to a joint statement issued after the meeting, Souef noted that since the technical pause in September, ATMIS, the government, and UNSOS had worked collaboratively to put in place measures to resume the process as set forth by the UN Security Council and the AU Peace and Security Council.

Somalia’s National Security Adviser Hussein Sheikh Ali reaffirmed the government’s commitment to adhere to the established timelines. Ali noted that Somali Security Forces (SSF) are prepared to assume control of the eight military bases to be handed over by ATMIS troops.

Ali called on Somalis to support the transition process, saying both the government and the international community are committed to seeing it through.

“Today, we are here to share information with the Somali public, something they have been waiting to hear from us and which the world has also been waiting to hear on the confirmation of the security transition process,” Ali said.

In the first phase of the drawdown, which concluded in June, ATMIS withdrew 2,000 troops and transferred control of seven militaries to Somali Security Forces, as mandated by UN Security Council Resolutions 2687 and 2670.

Aisa Kirabo Kacyira, head of the UNSOS, expressed the world body’s support for the transition and the drawdown process to fulfill the mandate while the UNSOS continues to provide logistical support for ongoing operations.

“We understand that even as we draw down, other operations are ongoing,” Kacyira said, expressing her appreciation to ATMIS and the government for their close cooperation and coordination.

{DAAWO MUQAALKA} Deni oo mar kale sheegay in ay ka go’an tahay qabashada doorasho qof iy cod, xilli 35 maalmood uga harsan tahay xukunkiisa

0

Axad December 3- 2023{HMC} Madaxweyne Deni iyo qaar kamid ah xisbiyada siyaasada ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay hirygaliyaan doorasho qof iyo cod, xilli muddo xileedka Deni uu ka harsan yahay dhowr iyo sodon cishe.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu mucaaradka kala xaajoodo sidii loogu qancin lahaa inay ka qeyb galaan hannaanka doorasho ee qof iyo cod.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA  WARBIXINTA