Home Blog Page 3104

Wararkii Ugu Dambeyay Howlgal lagu Dilay 60 AS ah oo ka dhacay Gobalka Hiiraan

0

Axad December 3- 2023{HMC} Wararka naga soo gaaraya tuulada Hilow Bacaad oo hoostagta deegaanka Halgan ee gobolka HiiraanĀ  ayaa sheegaya in haatan howlgal culus oo ka dhan ah kooxda AS uu ka socdo aagga deegaanka Halgan , kaas oo qaatay saacado badan oo xiriir ah.

Howlgalkan oo ah mid qorsheysan ayaa waxaa iska kaashanaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamig ah, wuxuuna si gaar ah uga scodaa tuulada Hilow Bacaad oo hoostagta deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalkan khasaare culus oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur lagu gaarsiiyay xubnaha kooxda Al-Shabaab oo ku sugan halkaasi.

Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda waxaa howlgalkan culus lagu dilay in ka badan 60 AS ah, kuwaas oo isku uruursanayay tuulada uu weerarka ka dhacay.

ā€œIn ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad oo 8 KM dhinaca Koofur galbeed ka xigta deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraanā€ ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale warbaahinta dowladda ayaa intaasi kusii dartay in ciidamadu ay burburiyeen, isla markaana ay cagta maryeen saldhiyo ay kooxda ku laheyd halkaasi.

ā€œHowlgalkaan oo qaatay Saacado badan walina socda ayaa sidoo kale waxaa lagu bur buriyay fariisimo ay khawaarijtu halkaasi ku lahaayeen iyo saanado ciidanā€ ayaa lagu yiri.

Xaaladda ayaa haaatan kascsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli howlgalka socdo, kaas oo lagu baacsanayo xubnaha kooxda AS ee ku sugan aagga Halgan.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda As isla markaana khasaare culus lagu gaarsiiyay wejigii koowaad ee dagaallada haatan ka socda dalka.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 03/12/2023

0

Axad December 3- 2023{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Cabdimajiid Aweeys Isaaq

Farsamadii :Cabdimaajid Cabdiraxmaan Aadan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Xaaladda Fatahaadda Baladweyne ee Saakay.

0

Sabti December 3- 2023{HMC} Xaaladda Fatahaadda Baladweyne ee Saakay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maraykanka oo sheegay in anu ogolaanayn in xoog lagu raro Falastiiniyiinta.

0

Axad December 3- 2023{HMC}Ā  Maraykanka oo sheegay in anu ogolaanayn in xoog lagu raro Falastiiniyiinta.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Nin Moos ku dhex beeray bartanka waddo laami ah oo ganaax adag garka loo geliyay.

0

Axad December 3- 2023{HMC} Nin u dhashay Japan ayaa geedaha Mooska ku abuuray bartamaha laami weyn oo ay baabuurtu adeegsadaan. Dadka ku nool Kurume City ayaa ku baraarugay natiijada geedo waaweyn oo labadii sannadood ee lasoo dhaafay uu waraabinayay ninkan kuwaas oo u baxaya si aan kaliya qurux ahayn balse mira-dhal ah.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

Maxay Somaliland ka tiri xayiraadda hubka ee laga qaaday Soomaaliya?

0

Sabti December 2- 2023{HMC} Somaliland ayaa ka soo horjeesatay tallabada Golaha Amniga ee QM uu cunaqabataynta hubka uga qaaday Soomaaliya.

Qoraal ka so baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay “walaac xooggan ka muujineyso kana soo horjeeddo cunaqabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.”

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Somaliland ay aaminsan tahay in ā€œqaadista cunaqabataynta hubku ay halis ku tahay mandaqadda Geesta Afrika iyo guud ahaan caalamka.”

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay qaaday xayiraadaha haray ee saarnaa in dowladda Soomaaliya iyo ciidamadeeda ammaanka ay helaan hub.

Golaha ayaa cunaqabateynta saaray Soomaaliya 1992-kii, si loo gooyo qulqulka hubkii ay halayeen dagaal-oogayaashii xuklunka isku hayay, ee xukunka ka tuuray keligii taliye Maxamed Siyaad Barre, kadibna dagaalka sokeeyey geliyey dalka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 02/12/2023

0

Sabti December 2- 2023{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Ā  Yaasin ali ahmed

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys Isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

 

Maxaad ka ogtahay dagaalada kale ee hadda caalamka ka socda ee aan ahayn Ukraine iyo Qaza?

0

Sabti December 2- 2023{HMC} Wixii ka dambeeyay 7-dii octoobar ee sannadkan sii dhamaanaya, waxaa ciwaanada wararka ee caalamka haystay dagaalka Israa’iil iyo Xamaas u dhaxeeya, tan oo isha caalamka kasoo leexisay dagaalkii u dhexeeyay Ukraine iyo Ruushka oo qudhiisu weli socda.

Waxaa jira dagaallo kale isla waqtigan ka socda meelo kala duwan oo caalamka ka mid ah.

Somalia

Inanga oo ku bilaabayna Soomaaliya waxaa ka socda dagaal ka socda furinno kala duwan oo u dhexeeya dawladda Soomaaliya iyo Al Shabaab.

Dagaalkan wuxuu socday ka hor inta uusan bilaaban kan Qaza, wuxuuna sii xoogaystay sannadkii tagay ee 2022 xilligaas oo uu dagaalkani sababay dhimashadii ug8u badnayd tan iyo 1990, sida uu qabo mac’hadka macluumaadka dagaalada ee UCDP.

Sudan

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa ku tilmaantay dhibaatada bini’aadantinimo ee ka jirta Suudaan inay tahay “wax aan la qiyaasi karin”.

Ku dhawaad lix milyan oo qof ayaa laga saaray guryahoodii tan iyo markii uu dagaalka billowday bishii April ee sanadkan.

Lix bilood gudahood, iskahorimaadka u dhexeeya ciidamada militariga Suudaan iyo koox dabley ah oo isku dayayay inay la wareegaan dowladda ayaa dilay ilaa 9,000 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, taasoo abuurtay “mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu xumaa taariikhda dhow”.

Myanmar

Inqilaab militari oo dhacay 2021 iyo caburinta dibad baxayaasha ka soo horjeeda nidaamka cusub ayaa ahaa bartii ay ka bilowdeen sare u kaca rabshadaha ka socda dalka Koonfur-bari Aasiya.

Sida laga soo xigtay cilmi-baarayaal madax-bannaan oo ay soo xigatay Qaramada Midoobay, in ka badan 13,000 oo carruur ah ayaa ku dhintay dalka iyo 1.3 milyan oo qof oo ka barakacay guryahooda.

Kooxo kala duwan oo fallaago ah ayaa Myanmar ka howlgalayay ilaa 1950-meeyadii. Qaar badan oo iyaga ka mid ah waxay xagjireeyeen falalkooda waxayna kordhiyeen heerka qalalaasaha isku dayga ay ku doonayaan inay xukunka ku qabsadaan oo ay afgembiyaan maamulka cusub ee milatariga.

Nigeria iyo Suuriya

Iskahorimaadyada gudaha ee labadan waddan ayaa ku socda wadadii ay ku gaari lahaayeen 1,000 dhimasho oo dagaal ah, siday u kala horreeyaan, iyaga oo u kala saaraya dagaallo, sida lagu sheegay xogta hordhaca ah ee barnaamijka Uppsala.

Dalka Nigeria ayaa waxaa ka dhacayay rabshado ay geysanayaan kooxo abaabulan tan iyo markii ay xornimada qaadatay 1960-kii. Waxa ugu weyn ee hadda diiradda la saarayo ayaa ah dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxaha islaamiyiinta ah ee xagjirka ah ee ka socda gobollo kala duwan oo doonaya inay maamulaan deegaanno.

Geesta kale, dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Suuriya, kaasoo ka dhashay mudaaharaadyo lagaga soo horjeeday xukuumadda Bashaar Al-asad bishii March ee sannadkii 2011-kii, ayaa waxa ku lug leh kooxaha fallaagada ah iyo quwadaha waaweyn ee shisheeye sida Ruushka, Turkiga, Qatar, Sucuudiga iyo Maraykanka.

Yemen

8-dii Nofembar, dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in mid ka mid ah diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn ay ku soo rideen xeebaha Yemen fallaagada Xuutiyiinta.

Xuuthiyiinta waxaa taageera Iran waxayna raacaan diinta Islaamka Shiicada ee loo yaqaan Zaydiyada.

Soo ridida diyaarada aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa waxa ay xasuusin u aheyd colaada halakeysay Yemen tan iyo sanadkii 2014-kii, waxaana iska hor imaadka u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen uu taageero ka helayaa Sacuudiga, oo ah quwad ay isku hayaan Iran, Mareykanka iyo Israa’iil.

Xuutiyiinta ayaa bishii Sebtembar qabsaday magaalada caasimadda ah ee Sanca, iyaga oo ku qasbay dowladda in ay isaga baxdo. Isbahaysi uu hogaaminayo Sacuudiga oo taageero ka helaya Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa ka falceliyay, balse sideed sano iyo kumanaan duqeymo cirka ah kadib, mucaaradka ayaa wali gacanta ku haya caasimadda.

ISHA BBC

Dhisme ku dumay Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo dad ku laayey

0

Sabti December 2- 2023{HMC} Ugu yaraan afar shaqaale ah ayaa ku dhintay ka dib markii guri la dhisayo uu ku dumay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Dhacdadan ayaa ka dhacday wadada Muratina galabnimadii sabtida iyadoo shaqaaluhu ay ku mashquulsanaayeen goobta, booliska iyo goob joogayaal ayaa sidaas xaqiijiyey.

Taliyaha booliska Nairobi Adamson Bungei ayaa sheegay in isla goobta ay ku dhinteen afar shaqaale ah.

Wuxuu intaas ku daray in lix kale ay ku dhaawacmeen oo loola cararay isbitaalka.

Taliyaha ayaa sheegay in aan la fileyn dhimasho kale maadaama la tira koobay dhamaan shaqaalihii goobta ka shaqaynayey ayna idilyihiin marka lagu daro afarta dhimatay.

{DAAWO SAWIRADA} Booliska Dowladda Deedaanka Soomaalida oo Howlgalo isdabajoog ah Ka wado Magaalada Jigjiga

0

Sabti December 2- 2023{HMC} Baadhistan iyo hawl galadan uu wado boolisku ayaa looga golleeyahay sidii loogu adkayn lahaa nabad galyada madaama caasimada deegaanku Marti galinyaso xuska Maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya oo markii 18aad dalka Laga xusayo, deegaankana lagu qabanaayo markii labaad.

Waxaana guud ahaan hadda magaalada goobaha ugu muhiimsan ka socda hawl galo isku dhafka oo ay fulinayaan saraakiisha booliska iyo ururada dhalinyarada iyada oo magaalada jawigeedu aad u qabwyahay ayay ciidanka iyo dhalinyaraduba muujinayaan dhabar adayg iyo firfircooni aad u saraysa.

Hawl galadan lagu adkaynayo nabad galayada,waxaa kormeeray hanaaka loo gudanayo shaqada komishineer ku xigeenka komishinka booliska Dowladda Deedaanka Soomaalida Radhaat komishineer.Cali C/jabaar,Taliyaha Booliska MMJigjiga iyo hogaanka nabadgalyada MMJigjiga mudane.Cabdi Maxamad iyo saraakiil kaleĀ  Qorshayaashan lagu Xaqiijinayo nabad galyada waxaa sidoo kale qayb kaqaadanaya warbaahinta booliska DDS iyo ta deegaankaba.