Home Blog Page 3109

{DAAWO MUUQAALKA} Xarunta Faya-dhowrka ee Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir oo dib loo Howlgaliyay.

Khamiis November 30 2023 {HMC} Xarunta Faya-dhowrka ee Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir oo dib loo Howlgaliyay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQALKA} Maxaad ka taqaanaa Shanta dal ee ugu awoodda ciidan iyo hubka badan dalalka Muslimiinta.

Khamiis November 30 2023 {HMC} Maxaad ka taqaanaa Shanta dal ee ugu awoodda ciidan iyo hubka badan dalalka Muslimiinta.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xukuumadda Dan-qaran iyo dooda dadweynaha Magaalada Kismaayo.

Khamiis November 30 2023 {HMC} Xukuumadda Dan-qaran iyo dooda dadweynaha Magaalada Kismaayo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 30 11 2023}

Khamiis November 30 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Yaasin ali ahmed

Farsamadii :Cabdimaajiid abdirhamaan aadan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

 

Diyarada Kenya Airways oo ka laabatay arrintii muranka dhalisay ee duulimaadyada Muqdisho To nairobi

Khamiis November 30 2023 {HMC}  Shirkadda diyaaradaha Kenya ee Kenya Airways ayaa ka laabatay qoraal muran badan dhaliyey oo ku saabsan dib u bilaabidda duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi

Qoraal kaas ayey Kenya ku sheegtay inay duulimaadyada Muqdisho-Nairobi dib u billaabeyso 14-ka Febraayo 2024, balse qiimaha ticket-ka uu yahay $1050, taasi oo hadal hayn badan ka abuurtay baraha bulshada

Qoraalkaas ayey hadda ka laabatay shirkadda, waxaana qoraal cusub oo ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ay ku sheegtay in qiimaha duulimaadka uu ka billaabanayo $420
Waanu idin dhegaysanay, waanu idin daryeeleynaa. Laga billaabo 14-ka Febraayo 2024, uga duula Nairobi-Muqdisho, saddex mar todobaadkii si aan kala joogsi lahayn Kenya Airways, Isniin, Arbaco iyo Sabti kasta. Ku raaxayso qiimaha gaarka ah ee ticket-ka ka billaabanayo oo ah $420. Hadda gooso,” ayey shirkadda ku tiri qoraal ay soo dhigtay twitter-ka

Dib u billaabidda ayaa imaneysa kadib markii duulimaadyada la hakiyey bishii August ee 2020, sababo la xiriira cudurka Coronavirus

Madaxa dhanka ganacsiga iyo macaamiisha ee Kenya Airways Julius Thairu ayaa sheegay in tallabadani ay daba socoto ganacsiga sii kordhaya iyo tirada sii kordheysa ee isu socodka hawada ee Kenya iyo Soomaaliya
“Waxaan aad ugu hanweynahay in aan dib u yagleeli karno isku xirka Muqdisho iyo Nairobi iyada oo ay sahleyso KQ. Diyaaradda Kenya Airways waxaa ka go’an inay macaamiisheena siiso adeeg tayo sare leh, si aan uga wada shaqayno sidii aan u kobcin lahayn ganacsiga iyo maalgashiga si loo helo kobac joogto ah.

Dib-u-soo-celinta duullimaadyada Muqdisho waa qayb ka mid ah istaraatiijiyadda ballaarinta shabakadda Kenya Airways iyo ballan-qaadka looga gol leeyahay horumarinta isku xirka qaaradda Afrika si ay shirkadda gacan uga geysato horumarka dhaqaale ee mustaqbalka fog

Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay saddex bil kadib markii Kenya iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiis laba geesood ah oo dhinaca duulimaadka ah, taasi oo xoojin u ah shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways oo dadaal ugu jirtay in ay duullimaadyo ka bilowdo Soomaaliya.

Milateriga Israel oo Daanta galbeed ku dilay caruur badan Falastiiniyiin ah

Khamiis November 30 2023 {HMC} Milateriga Israa’iil ayaa dilay labo carruur ah oo Falastiini ah, kaddib markii ay Arbacadii rasaas ku fureen xerada qaxootiga Jenin oo ka tirsan Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin
Wasaarada ayaa magacyadooda ku sheegtay Adam Samer Al-Ghoul oo 8 jir ah iyo Basel Sliman Abu Al-Wafa oo 15 jir ah
Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegay in ay canug ka soo qaaday degaanka Basateen ee Jenin oo ay geeyeen isbitaal maxalli ah ka dib markii ay toogteen ciidamada Israel, sida lagu sheegay bayaan la daabacday
Ciidamada Israiil ayaa war ay soo saareen waxay kaga hadleen dhacdadan
“Maanta intii ciidamadu ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen xerada Jenin, ayaa tiro tuhmaneyaal ah waxay ku tuureen walxaha qarxa gaadiid ay la socdeen askarta, ciidamadu waxay rasaas nool ugu jawaabeen tuhmanayaasha, waana la aqoonsaday.” ayaa lagu yiri warka ciidamada Israel
Muqaal CCTV ah oo la helay ayaa duubtay canug isku dayay inuu ku dhuunto baabuur ka hor inta aan la toogan oo la arkay isagoo dhulka jiifa. Dabadeed, ilmo kale ayaa u soo dhowaaday, isaga oo isku dayaya inuu dhulka ku jiido
Muuqaalo badan oo CCTV ah oo ku wareegaya baraha bulshada ee Falastiin ayaa muujinaya wiil labaad oo dhalinyaro ah oo ku sugan Jenin oo shidaya shay aan la aqoonsan ka hor inta aan la toogan

DAAWO SAWIRADA} Xamse Abdi bare oo kulan dadweyne kaga jawaabay Su’aalo Muhiim

Khamiis November 30 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay dood furan oo uu soo qaban qaabiyey Machadka Dooxada Jubba, ayaa uga jawaabay bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo su’aallo la xiriira waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda DanQaran iyo halka la hiigsanayo
Ra’iisul Wasaaraha ayaa si qoto dheer uga hadlay Xaaladda Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amniga Dalka, ciribtirka A-shabaab gurmadka daadadka iyo arrimo kale oo la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in guul laga joogo barnaamijka deyn-cafinta oo Xukuumaddu ay dadaal ku bixisay, sidoo kale xasilinta amniga caasimadda iyo ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika oo fursad u noqonaysa ganacsatada Soomaaliyeed
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay in dastuurka la dhammeystiro, Khawaarijta la ciribtiro iyo in la hormariyo dhaqaalaha dalka si dadka Soomaaliyeed u gaaraan barwaaqo iyo nabad

 

 

Taliska Booliska Puntland oo shaaciyay waxa uu ka dhashay qaraxii maanta ka dhacay Garowe

Arbaco November 29 2023 {HMC}Booliska ayaa sheegay in ay ku dhaawacmeen saddex dhalinyaro ah, wuxuuna shaaciyay in qaraxa uu ka dhashay xabad nooca loo yaqaan {37}, oo ay dhalinyarada ku qar-qaraaceen agagaarka wadada ka tagta Saldhiga Galbeed ee aada Bixin ee magaalada Garowe
Saddexda dhalinyaro ee ku dhaawacmay qaraxa ayaa sida uu shaaciyay Booliska
Ana’s Ahmed Jaamac
Ahmed Jaamac Cabdi
Ayuub Cawil Cali
Booliska ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay socoto baaris ay wadaan waaxda miina baarista ee Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Gobolka Nugaal ay wadaan baaritaano dheeri ah oo la xiriirta dhacdadaas iyo waxa sabababay
Saddexda dhalinyaro ee dhaawaca ayaa waxaa la dhigay isbitaalka, iyaga oo qaba dhaawacyo fudud, sida ay warbaahinta u sheegeen qoysaskood

Israa’iil iyo Xamaas oo maxaabiis is dhaafsanaayo

0

Arbaco November 29 2023 {HMC} Israa’iil ayaa heshay liiska maxaabiista maanta laga soo dayn doono Qasa sida uu sheegya xafiiska RW Israa’iil Benjamin Netanyahu. Xamaas ayaa maalintii shanaad ee xabbad joojinta ku meel gaarka ah soo dadysay 10 maxbuus, oo ka kooban ilmo yar & 9 dumar ah.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa xabsiga ka sii daysay 30 maxaabiis falastiiniyiin ah oo u kala qeybsan 15 Dumar ah iyo 15 Carruur ah. Labada dhinac ayaa go’aan ku gaaray in la kordhiyo xabad joojinta si loo sii daayo maxaabiis kale.

Israa’iil waxay sheegtay in xabbad joojintu ay socon doonto muddo aan la cayimin inta Xamaas ay sii daynayso ugu yaraan 10 qof maalin kasta. Tirada guud ee maxaabiista ee Xamaas sii daysay tan iyo bilowgii xabbad joojinta ayaa ah 81, oo ay ku jiraan 60 haween iyo carruur Israa’iiliyiin ah iyo 21 ajaanib ah, halka Israa’iil ay ilaa maanta sii daysay 150 qof.

{DAAWO MUUQAALKA} “Hiiraan iyo Sh/dhexe yaan lagu haleyn magaca beenta ah ee meesha kajira” Xildhibaan Ciid

Arbaco November 29 2023 {HMC} “Hiiraan iyo Sh/dhexe yaan lagu haleyn magaca beenta ah ee meesha kajira” Xildhibaan Ciid

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA