Home Blog Page 3108

Mareykanka oo shuruudo dagaal hordhigay Israa’iil

0

Sabti December 2- 2023{HMC} Xabbad-joojintii muddada kooban waxay ahayd guul diblomaasiyadeed. Haatanse, kaddib toddoba casho oo ay hakad ku jirtay, Israa’iil iyo Xamaas ayaa wajahaya caqabaddii ugu weyneyd ee militari iyo siyaasadeed.

Xamaas, iyadu waa u dagaal si ay u badbaaddo. Intiiba dagaalyahan ka tirsan Xamaas uu gantaal ku tuuri karo gudaha Israa’iil waxay u tahay inaan laga adkaan karin.

Mareykanka ayaa kaddib markay dhammaatay xabbad-joojinta Israa’iil u diray shuruudo ku aaddan dagaalka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa ku celiyay sida Mareykanku uga go’an tahay taageerada Israa’iil, mar kalena wuxuu cambaareyn u jeediyay Xamaas.

Mr Blinken ayaa ku celiyay sida uu ugu adkeysanayo “in Israa’iil ay tahay inbay raacdo shuruucda bani’aadannimo ee caalamiga ah iyo qawaaniinta dagaalka, xitaa marka ay la dagaallameyso urur argagixiso oo aan intaba xeerineyn”.

Kaddib wuxuu Mr Blinken carrabaabay sida ay tahay inay Israa’iil u dagaallanto.

Wuxuu sheegay inay tahay in Israa’iil ay qaaddo tallaabooyin wxa ku ool ah oo lagu dhowrayo nolosha rayidka, iyadoo u qoondeyneysa deegaanno ku yaalla koofurta iyo bartamaha Gaza oo ay nabad ku heli karaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan sheekh oo si dareen leh uga haday cunaqabateynta hubka ee laga qaaday dalkeenna.

0

Sabti December 2- 2023{HMC} Madaxweyne Xasan sheekh oo si dareen leh uga haday cunaqabateynta hubka ee laga qaaday dalkeenna.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA Warbixinta

 

{DAAWO MUUQAALKA} Golaha Ammaanka ee QM oo cunaqabateyntii hubka ka qaaday Soomaaliya Maxay uga dhigan tahay DF.

0

Sabti December 2- 2023{HMC} Golaha Ammaanka ee QM oo cunaqabateyntii hubka ka qaaday Soomaaliya Maxay uga dhigan tahay DF.

    HOOS KA DAAWO MUUQAALKA Warbixinta

WAR DEG-DEG AH: Dowladda soomaaliya oo laga qaaday cunaqabateynta hubka.

0

Jimco December 1- 2023{HMC} Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, codeyn loo qaaday ayaa 14 xubnood oo ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa u codeeyay. Cunaqabataynta ayaa dalkeena la saaray kadib dagaalkii sokeeyey uu bilowday bishii Janaayo 1992.

Madaxda dalka soo maray ayaa olole badan ugu jiray in dalk laga qaado cunaqabataynta hubka.

Maxaabiis ka sheekeeyay eeyo iyo tacadi kale oo ay xabsiyada Israel kula kulmeen.

0

Jimco December 1- 2023{HMC}  Maxaabiis u dhashay Falastiin oo laga sii daayya xabsiyada Israai’iil ayaa sheegay in waardiyaasha xabsiyadu ay si xun ugu tacadiyeen sidoo kale ay ciqaabeen markii ay Xamaas weerartay Israa’iil 7 dii October.

Waxay sheegeen in ulo lala dhacay sidoo kale eeyo dusha laga saaray, sidoo kalana dharkii, cuntadii iyo bustayaashii lagala tagay.

Mid kamid ah maxaabiisa oo dumar ahayd ayaa sheegtay in loogu hanjabay kufsi sidoo kalana laba jeer ay gaaska dadka ka ilmeysiiya ay ku buufiyeen maxaabiis ay qol ku wada jireen.

BBC da ayaa la hadashay ilaa iyo lix maxbuus, dhamaantood waxay sheegeen in la garaacay ka hor inta aan xabsiga laga sii dayn.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 01/12/2023

0

Jimco December 1- 2023{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Mustaf ali adoow

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys Isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Dooman Sida Gar gaar Kala duwan oo Maanta ka Ambabaxay Xeebta Deegaanka Jasiira ee Duleedka Muqdisho

0

Jimco December 1- 2023{HMC} Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta Xeebta deegaanka Jasiira ee Duleedka Magaalada Muqdisho waxa ay ka dirtay Doonyo nuuca dheereya ah oo wada shixnado gargaar ah taas oo si gaar ah ugu wajahan deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeeladda Hoose iyo tuuloyinka hoostaga.

Doonyahaan ayaa gaaraya ilaa afar Doonyood, waxana ay wadaan gargaar gaaraya 52-Tan oo iskugu jira Daawo iyo Raashin.

Deeqdaan ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaankaas iyo deeganada ku dhaw kuwaas oo sameen ay ka soo gaartay daadadka El-Niño iyo fatahaada Wabbiga Shabeelle.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

RW Xamza oo War Cusub kaso saaray hanaanka ay ku imaanayaan labada xisbi ee buuqu hareeyay

0

Jimco December 1- 2023{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay hanaanka ay ku imaanayaan labada xisbi qaran ee lagu gaaray heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

Heshiiskii 27-kii May ee Golaha Wadatashiga ayaa dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in labada xisbi qaran ee ku xusan heshiiskaasi ay ku imaanayaan tartan furan oo ay kasoo dhex bixi doonaan labadaasi xisbi.

“Hanaanka loo maro asxaabta marka la sameynayo shuruudo ayaa la dejiya oo boqolaal xisbi ayaa gasha oo la sameysta, dabadeedna waa la kala reeba, sida imtixaanka loo qaado unba imtixaan la qaada oo labada xisbi ee u sareysa ayaa noqonayo xisbiyo qaran,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaruhu xusay in tirada xisbiyada qaran, haddii la kordhinayo iyo haddii tiradii uu kusoo baxay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran lagu deynayo, uun heshiis laga gaarayo.

“Labada xisbi ee ugu sareysa imtixaanka ama saddexdii ugu sareysa ayaa noqonaya xisbiyo qaran hadba sidii lagu heshiiyo, dalkaasi nidaamka uu qaato unbey ku xiran tahay. Marka xisbiyada qaran waxay ku yimaadan sida arday un imtixaan gashay oo kuwii ugu horreeyay laga qaatay sidaas oo kale unbey ku imaanaya hadey 2, 3 iyo ka badan noqonayaan sidaas unbey ku imaan doonaan haddii Ilaahay yiraahdo.

Si kastaba, Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka, waxaana taas si weyn uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Xasan Sheekh oo hal arrina ku canaantay dunida Xili khudbad xasaasi ah oo Jeediyay

0

Jimco December 1- 2023{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada (COP28) oo lagu qabtay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku soo bandhigay saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee ku socda cimilada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in daadadka ka dhashay duufaanta Elnino ay ku dhinteen in ka badan 120 qof oo Soomaaliyeed, halka ay ku barakeen in ka badan hal malyan.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay dowladdu la tacaalayso dhibaatada soo gaartay dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay dadaal xoog leh ku bixiyeen yareynta khasaaraha la filayey.

“Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay sida tooska ah u saameysa arrinta isbeddelka cimilada, waxaana tusaale u ah dadkeenna haatan la tacaalaya daadadka ka dhashay duufaanta El-nino waa kuwii kal hore ka soo gudbay abaartii ku habsatay dalka,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed oo ku howllan xoreynta dalka iyo in ay iska dulqaadaan argagixisada, haddana ay u nugul yihiin abaaraha, fatahaada iyo roobabka duufaanta wata.

Iyadoo ay Soomaaliya heystaan intaas oo caqabadood wuxuu sheegay in hadana ay ka go’an tahay in ay ka qeyb qaataan dadaal kasta oo xal loogu raadinayo dhibaatada isbeddelka cimilada.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisa ku dhaliilay hannaanka caalamiga ah ee ka hortagga saameynta isbedelka cimilada sii xumaaneysa ee dunida.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dooday in dalalka Afrika aan si mug leh looga qeyb gelin qorshaha xallinta dhibaatadan, wuxuuna ugu baaqay dalalka warshad-leyda ah in ay guutaan masuuliyadda ka saaran arrinkaas, si loo xaqiijiyo duni ku habboon nolasha.

WAR DEG DEG AH:Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku metela Puntland Oo War ka so Saaray Wax ka badalka Dastuurka

0

Jimco December 1- 2023{HMC}, waxaa kulan wadatashi ku yeeshay magaalada Moqdishu, xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ku metela Dawladda Puntland. Kulanka waxaa lagu lafa guray; hannaanka loo marayo dib-u-eegista dastuurka, heshiisyadii golaha wadatashiga qaran, iyo duruufaha siyaasadeed ee ka jira Puntland.

Shirku waxa uu aad ugu dheeraaday falanqaynta wax ka bedelka dastuurka iyo saamaynta taban ee uu yeelan karo, haddii uu hirgalo hannaanka deg dega ah ee lagu wado. Shirku waxaa uu isla qiray in shacabka jamhuuriyaddu mudan yahay in uu helo damaanad qaad xorriyadeed ee dhanka siyaasadda iyo noloshaba, si taas loo gaarona ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo heshiisyadii siyaasadeed ee horay loo galay.

Shirku waxaa uu sidoo kale isla qiray in nidaamka dowladeed ay aynu hadda haysano yahay midka ugu haboon ee lagu dhaqi karo dal kasoo kabanaya colaado iyo dagaalo sokeeye.

Shirku waxa kale oo isla gartay in aysan suurta gal ahayn in la lumiyo awoodaha dastuuriga ah ee BJFS labadiisa Aqal oo udub dhexaad iyo dheelitir u ah hanaanka Dowoladnimo ee dalkeenna.

Haddaba, falanqayn dheer kaddib, waxaa ka soo baxay shirka qodobada hoos ku xusan;
Arimaha Dastuurka iyo Heshiisyada Madasha WTQ

a) Waxaan si cad uga soo horjeednaa hannaanka loo marayo wax ka beddelka iyo qabyo-tirka dastuurka KMG ah, iyada oo hay’adaha fulintu ka shaqaynayaan, una ololaynayaan heshiisyo siyaasadeed oo aan loo dhammayn iyo dastuur aysan qayb ka ahayn dhamaystirkiisa Dawladda Puntland, si baalmarsan Dastuurka KMG ah Qodobkiisa 54aad ee waajibinaya wada xaajood kasta ee siyaasadeed iyo dhaqaale in ay si siman uga wada xaajoonayaan Xukuumadda FDS iyo Maamullada Xubnaha ka ah Dowladda dhexe.

 

Sidoo kale, Qodobka 137aad faqradiisa (1) oo waajibanaysa in lala tashado dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka, isla markaana ay maqantahay xubintii korjoogtada Puntland ee guddiga dib-u-eegista iyo hirgalinta dastuurka sida uu qabo
Qodobka 134aad faqradiisa (2) ee dastuurka KMG ah.

b) Waxaan ka digaynaa isbeddel kasta oo taabanaya mabaadi’da asaasiga ah ee ku xusan Cutubka 1aad ee Dastuurka KMG ah, sida hannaanka awood qaybsiga nidaamka federaalka, metelaadda dadweynaha ee loo dhanyahay iyo hannaanka ku salaysan nidaamka axsaabta badan iyo guud ahaan ilaalinta midnimada dhuleed iyo midda bulsho ee dalka, oo ah mid aan la kala qaybin karin, isla markaana dastuurku reebaayo in la soo jeediyo wax ka beddel la xiriira, sida ku cad Qodobka 132aad faqradiisa (1).

 

c) Waxaan ka welwelsannahay deg-degga ay ku wadaan hay’adaha fulintu wax ka beddelka dastuurka, tix galin la’aanta talooyinka siyaasiyiinta dalka iyo go’aanka ay ku xireen fursadaha wada hadalka, ururinta talada bulshada, iyo wada xaajood kasta oo ballaarin karay sharciyadda heshiisyada Madasha Wadatashiga Qaran, fududayn karayna hannaanka dib u eegista dastuurka.

d) Waxaan qiraynaa isbedel kasta oo lagu sameeyo dastuurka KMG ah si baalmarsan cutubka15aad ee dastuuka, in ay ka dhalan doonto kalsooni darro siyaasadeed, qaybsanaan bulsho, iyo dhaawac weyn oo soo gaara geedi socodkii dib u dhiska dawladnimada Soomaaliya.

Arrimaha Doorashooyinka Puntland.

e) Waxaan ugu baaqaynaa maamulka iyo siyaasiyiinta Puntland in ay wada hadal ku dhammeeyaan khilaafka siyaasadeed, doorashadana lagu qabto waqtigeeda dastuuriga, isla bilaha u horreeya sanadka 2024 na ay ku soo laabtaan miiska wada xaajoodka, si heshiis dhamaytiran looga gaaro, geedi socodka dib-u-eegista dastuurka KMG ee Soomaaliya.

 

Shirku waxa uu ku baaqayaa a. Ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed ee JFS, iyo in aan la dhaawicin geedi-socodka dawlad dhiska dalkeenna, oo ku dhisanaa heshiisyadii siyaasadeed ee ka soo baxay shirarkii dib-u-heshiisinta kala duwanaa ee dalka.
b. In aan lagu salayn go’aanada masiiriga ah ee taabanaya siyaasadda iyo dhaqan-dhaqaalaha bulshada JFS, danaha shakhsiga ama kooxda markaa talada haysa.

c. Xubnaha labada aqal ee BJFS ay masuuliyad weyn iska saaraan, ALLE na uga cabsadaan go’aamada dhaawici kara dawladanimadeena, iyo wada jirka bulshada JFS.
d. Shirku waxa uu dawladda FS, DXDF iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan ugu baaqayaa in si mug leh loo garab istaago dadka dhibaatadu ka soo gaartay roobabka mahiigaanka ah, daadadka iyo fatahaadaha wax yeelada ballaaran ka gaystay qaybo badan oo gobolada dalka ah.

e. Shirku waxa uu si gaar ah ugu baaqayaa madaxda dawladda Puntland, dalladda mucaaradka, Isimadda dhaqanka, bulshada rayadka ah, culaamaa’u diinka, haweenka, dhalinyarada iyo guud dadka reer Puntland in si wada jir ah loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida dawladda Puntland, mudnaan gaar ahna la siiyo wada hadalada si loo gaaro doorasho la isla ogolyahay oo ku dhacda mudada dastuurga ah.

Wabillahi Tawfiiq,