Home Blog Page 3107

{DAAWO MUUQAALKA} Xayawaanada ku go’doonsan xaafadaha Baladweyne oo gaajo ugu dhimanaya.

0

Sabti December 2- 2023{HMC} Xayawaanada ku go’doonsan xaafadaha Baladweyne oo gaajo ugu dhimanaya.

           HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

Nin damacsanaa in uu gubo Calanka Falastiin oo gubtay.

0

Sabti December 2- 2023{HMC}  Gobolka Georgia ee Dalka Mareykanka waxaa laga diiwaangeliyay sheeko inta badan qabsatay baraha bulshada kaddib markii nin ka qaybgalayay dibadbax ka dhan ah Falastiin isla markaana lagu taageerayay Israaiil oo damacsanaa in uu gubo calanka Falastiin uu is gubay.

Ninkaan oo magaciisa la qariyay ayaa kamid ahaa dibadbaxayaal isku dayay in ay gubaan Calanka Falastiin balse shidaalkii ay damacsanaayeen in ay ku shubaan Calankaan uu jirkooda gaaray markii ay dabka ku gubteena ay gubteen.

Booliiska Georgia ayaa sheegay in xaaladda qofkaas gubtay aad u liidato waxaana la dhigay mid kamid ah goobaha caafimaad ee ku yaalla Gobolkaas si looga daweeyo waxyeellada kasoo gaartay dabkaas qabsaday.

Meelaha sida gaarka ah uu uga gubtay ayaa kala ah Gacan iyo Lug waxaana la sheegay in waxyeellada jireed ee soo gaartay aanay sahlanayn maadaama xaalad gaar ah uu galay lagana daweynayo waxyeelladaas gaaray.

Mareykanka & Dalal badan oo Caalamka waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay dibadbaxyo lagu kala taageerayo Falastiin iyo Israaiil inkasta oo mudaharaadyadu ay u badan yihiin kuwo taageera buuxda u ah Falastiiniyiinta.

 

{DAAO MUUQAALKA} Mudo badan ayaa madasho lagu oran jiray balse iyadda oo 70 jir ayay carruur mataano ah dhashay.

0

Sabti December 2- 2023{HMC} Mudo badan ayaa madasho lagu oran jiray balse iyadda oo 70 jir ayay carruur mataano ah dhashay.

         HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xogta Fatahaada iyo Xaalada Magaalada Baladweyne ee maanta 02-12-2023.

0

Sabti December 2- 2023{HMC} Xogta Fatahaada iyo Xaalada Magaalada Baladweyne ee maanta 02-12-2023.

             HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Tiro Caruur ah oo gaajo ugu geeriyooday Magaaladda Baladweyne.

0

Sabti December 2- 2023{HMC} Tiro Caruur ah oo gaajo ugu geeriyooday Magaaladda Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

Wax ka ogow Muhiimada Soomaaliya u leeyahay Cunaqabateynta hubka ee laga qaaday

0

Sabti December 2- 2023{HMC}  Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobey ayaa xalay ka qaaday Dowladda Soomaaliya cuna-qabateyntii hubka ee saarreyd. Tallaabadan taariikhiga ah ayaa uga dhigan Soomaaliya, in marki ugu horreysay muddo 31 sano ah kaddib ay soo iibsan karto hub.

Golaha Amniga waxuu cunaqabateynta saarey Soomaaliya sanadkii 1992-dii xiligaasoo looga gol-lahaa, sidii loo joojin lahaa qulqulka hubka ee dagaal oogayaashii isku hayey dalka, kuwaas oo ka dhex abuurmay jabhadihii xakunka ka tuuray dowladdii millatariga aheyd ee uu soo hoggaamiyay madaxweynihii hore, Maxamed Siyaad Barre.

Go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu codeeyay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya ayaa waxaa uu muhimad weyn u leeyahay barnaamijyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sugidda amniga, xasilinta iyo xoojinta dowladnimada curdanka ah. Haddaba faa’iidooyinka uu go’aankan la iman karo ayaa waxaa ka mid ah :

1- La-dagaalanka Argagaxisada iyo Sugidda Ammaanka: Soomaaliya waxa ay la daalaa dhacaysay caqabado badan oo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid yihiin joogitaanka kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab ee ku xiran shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al Qaacidah. Dowladda Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in ay hesho hub iyo qalab casri ah si ay si hufan ula dagaalanto khatarahaas oo ay u sugto ammaanka xudduudaheeda.

2- Difaaca Qaranka: Qaadista cunaqabateynta hubka waxay dowladda Soomaaliya u sahlaysa inay dhisto oo casriyeyso ciidamadeeda qalabka sida, taas oo sare u qaadaysa awoodda ay u leedahay inay difaacdo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

3- Dadaalka nabad ilaalinta iyo xasilinta: Soomaaliya waxa ay diiradda saartay, hormuudna ka ahayd dadaallo badan oo nabad ilaalin iyo xasilineed oo ay wadajir uga shaqeynayeen Midowga Afrika iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah. Helitaanka hubka iyo qalabka ayaa muhiim u ah dowladda Soomaaliya si ay si hufan u gudato waajibaadkeeda sugidda amniga, isla markaana ay Ciidamada ATMIS ugala wareegto amniga guud ee dalka.

4- Dhaqangelinta sharciga iyo xakameynta xuduudaha: Dowladda Soomaaliya waxay u baahan tahay qaabkii ay ku qalabeyn lahayd hay’addeeda sharci fulinta iyo si ay xudduudaheeda uga ilaaliso ka ganacsiga hubka sharci darrada ah, argagixisada, iyo khataraha kale ee caalamiga ah.

5. Dawlad-dhisidda iyo dawladnimada: Xoojinta awoodda dawladda Soomaaliya ee ku aaddan sugidda amniga waxay lagama maarmaan u tahay dadaalka ay ugu jirto hirgelinta maamul xasilloon, bixinta adeegyada bulshada, iyo horumarinta dhaqaalaha.

RW Xamsa Cabdi Barre oo sheegay in Soomaaliya fursad weyn ay u heleyso qalabaynta ciidanka.

0

Sabti December 2- 2023{HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ka falceliyay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku qaaday cunaqabatayntii hubka ee saarnaad tan & 1992dii ayaa sheegay in arrintaan ay tahay guul taariikhi ah oo Dalka usoo hoyatay.

Xamsa ayaa sheegay in sidoo kale fursad weyn ay u tahay dib u qalabaynta Ciidanka Qaranka oo ku howlan howlgallo adag oo lagu sugayo amniga guud ee Dalka isla markaana u xusul-duubaya sidii ‘AS’ ay uga qabsan lahaayeen deegaannada ay joogaan iyaga oo ku howlgalaya hubka fudfud oo ay heystaan.

Fursadda kale ee muuqata ayuu ku sheegay in ay jiraan waddamo badan oo Soomaaliya garab taagan haddii ay ahaan lahayd dib u dhiska ciidanka, agabka ay u baahan yihiin iyo u fududeynta waxyaabaha ay ku howlgalayaan, sidaas awgeed ayuu tilmaamay in hadda kaddib si toos ah Dowladda ay u heli doonto fursadahaas.

“Waa cunaqabatayntii ugu dhirirka badnayn ee abid Golaha Ammaanka uu dulsaaray waaye, dedaal badan ayaan u galnay in nalaga qaado, Waxa aan ka faaiideynaa in aan si casri ah u qalabayno ciidankeena iyada oo aanay naloo kala xuleyn hubka & qalabka, waxa aan ku qalabayn doonnaa ciidankeenna hub casri ah si durba Khawaariijta Dalka looga xorreeyo” ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre.

Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegtay in si dhow ay ula socon doonto hubka Dalka soo galaya maadaama 32-sano kaddib Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu qaaday cunaqabatayntii la saaray Janaayo sanadkii 1992-dii waa sanad kaddib burburkii Dowladdii Militariga ahayd.

MW Xasan Sheekh Maxamuud: “Maanta waxa aan xor u nahay in aan soo iibsano hubka aan rabno inta aan awoodno”.

0

Sabti December 2- 2023{HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Dalka looga qaaday Xayiraadda Hubka ee saarnayd tan iyo sanadkii 1992dii.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in go’aankaan Golaha Ammaanka uu soo afjaray in xayiraaddii abid ugu waqtiga dheereed ee la saaray Dal xubin ka ah Qaramada Midoobay isla markaana muujinaya fursad muhiim ah.

Maanta kaddib ayuu sheegay in Soomaaliya ay xor u tahay soo iibsashada Hubka maadaama meesha ay ka baxday xayiraaddii ka saarneed loona baahan yahay in laga faaiideysto Dalalka xiriirka wanaagsan la leh in ay garab ka doono.

“Waxaa maanta fursad u heysanaa Dalalka nakaalmeynayo aan saaxiibada nahay ee walaalaha ah hub kasta oo aan weydiisano nasiin karaan oo aan naga xadidneen, nidaamkii naga maqnaa ayaan soo dhisnay oo maalinba meel ayaan soo gaarnay waxaana la xaqiijiyay in Dowladda Soomaaliya ay maareyn karto” Madaxweynaha JFS.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xakamaeynta hubka uu yahay mid cad, waxa uu hoosta ka xariiqay in ay ka shaqeynayaan nabadgalyada & ilaalinta hubka dalka soo galaya.

Waa sidee xaaladda saakay ee Gaza kaddib markii xabbad-joojintu dhammaatay?

0

Sabti December 2- 2023{HMC}  Dib usoo cusboonaanshaha dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa laga muujiyay cabsi iyo caro gudaha Gaza.

Xabbad-joojin ku meel gaar ahayd ayaa dhammaaday abbaaro 07:00 (05:00 GMT) iyadoo labada dhinac ee dagaalku u dhaxeeyo ay isku eedeynayaan cidda ka dambeysa.

Tan wixii intaa ka dambeeyay, wasaaradda caafimaadka ee ay Xamaas maamusho ayaa sheegtay in 178 qof ay ku dhinteen duqeymaha Israa’iil.

Sarkaal u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in gargaarkii aadka loogu baahnaa uu istaagay kaasoo ka imaanayay marinka Rafax.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 02/12/2023

0

Sabti December 1- 2023{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Cabdimaajid Cabdiraxmaan Aadan

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys Isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO