Talaado Nofembar 27, 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshada Deegaannada Dowlad-Goboleedka Jubbaland ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.
{DAAWO MUQAALKA} Aabe saddexdiisa gabdhood ku dilay dalka Faransiiska.
Talaado Nofembar 27, 2023 {HMC} Aabe ku nool dalka Faransiiska ayaa Axaddii qirtay inuu dilay saddex gabdhood oo uu dhalay, wuxuuna isku dhiibay booliska, waxaa sidaas sheegay ilo-wareedyo ka tirsan dacwad oogayaasha iyo booliska.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Xaalada Fatahaada Magaalada Baladweyne ee Saakay.
Talaado Nofembar 27, 2023 {HMC} Xaalada Fatahaada Magaalada Baladweyne ee Saakay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} DOODA DASTUURKA”“Dastuurkeena Labna ma’ahan Dhidigna ma’ahan”Raisul wasaare Cali Maxamed Geedi
Talaado Nofembar 27, 2023 {HMC} DOODA DASTUURKA”“Dastuurkeena Labna ma’ahan Dhidigna ma’ahan”Raisul wasaare Cali Maxamed Geedi
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Ra’isul Wasaare Xamse oo Bulshada Kismaayo kala hadlay Dagaalka AS
Talado Nofembar 28 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshada Deegaannada Dowlad-Goboleedka Jubbaland ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.
Qaybaha kala duwan ee Bulshada ayuu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya usoo jeediyay in ay doorkooda ka qaataan abaabulka iyo isku daba-ridka dhaqdhaqaaqyada lagu doonayo in lagu qabto deegaannada ay joogaan ‘AS’ sida uu yiri.
“Reer Jubbaland waxaa laga rabaa in ay u diyaargaroobaan in dalkaan la xorreeyo, in hubka la qaato oo la iska dhiciyo raggaas oo naf iyo maal loo huro, waxa aan rabnaa in aad isku diyaarisaan oo hubka la qaato iskana dhicisaan” RW Xamsa Cabdi Barre.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda ay ciidamo military ah geyneyso Deegaannada Dowlad-Goboleedka Jubbaland si ay u xoojiyaan askarta haatan ku sugan Magaalooyinka gacanta Maamulkaas ku jira.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Waxa uu Shacabka ugu baaqay in ay garab istaag u muujiyaan ciidamada howlgallada galaya si ‘AS’ looga qabsado deegaannada ay ka joogaan Dowlad-Goboleedka Jubbaland sida uu hadalka u dhigay.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay keeni doontaa ciidan Militari ah oo xoojiya kuwii horay usii joogay oo dagaalka dhinacooda ka gala, Jubbaland waxaa looga baahan yahay in Ciidamada Booliiska qaybta weyn ay ka qaataan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay RW Xamsa Cabdi Barre.
Tallaabada ugu muhiimsan ee dhaqaalaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland kordhinaya ayuu Ra’iisul Wasaare Xamsa ku sifeeyay in ay ku xiran tahay in la isku furo waddooyinka kala xirxiran ee Gobollada Jubada Hoose, Jubada Dhexe & Gedo.
Isra’il iyo Xamaas oo dheereeyay muddada xabbad-joojinta
Talado Nofembar 28 2023 {HMC} Isra’il iyo Xamaas ayaa Isniinti shalay isla ogolaaday in muddo laba maalin oo dheeraad ah ah lagu kordhiyo heshiiski xabid-joojinta afarta maalin ahaa oo ku ekaa xalay.
Muddo kordhinta heshiiskan xabbad-joojinta oo ay ku dhawaaqday dowladda Qatar, ayaa sare u qaaday rajada laga qabo in la helo xabad joojin dheeraad ah, waxaa kale oo la filayaa in arrintani ay suuragiliso sii deynta dadka ay labada dhinac kala hayaan.
33 maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo ay xalay sii deysay Israel ayaa aroornimadi hore ee saaka oo Talaada ah gaaray bariga Qudus iyo magaalada Ramallah ee ku taalla Daanta Galbeed.
Baski waday Falastiiniyiinta laga soo daayay xabsiyada Israel ayaa marki uu soo galay waddooyinka Ramallah la kulmay sacab iyo qeylo farxadeed oo ay kusoo dhaweeyeen Falastiiniyiinta Ramallah.
Dhanka Israel, ilaa 11 Israa’iiliyiin ah oo isugu jiray dumar iyo carruur oo ay sii daayeen Xamaas ayaa xalay gaaray Israel. Tiradaasi ayaa ka dhigtay Israiliyiinta ay sii deysay Xamaas ilaa iyo hadda in ay gaarayaan 51 iyo 19 kale oo isugu jiray muwaadiniin kasoo jeeda dalal kale. Halka Falastiiniyiinta la sii daayay ay yihiin 150.
Labada maalin ee lagu kordhiyay heshiiska xabbad joojinta oo kala ah Talaadada maanta ah iyo Arbacada berrito ah ayaa laga raja qabaa, in labada dhinac ay is weydaartaan tiro kale oo dad ah. Sidoo kale gargaar bani’aadannimo oo dheeraad ah ayaa la filayaa in la geeyo Marinka Gaza.
57 ruux oo isugu jira Suxufiyiin & Shaqaale kale oo la howlgallayay oo Gaza lagu dilay.
Talado Nofembar 28 2023 {HMC} Guddiga difaaca Suxufiyiinta ee CPJ ayaa war uusoo saaray waxa uu ku sheegay in dagaalladii ka dhacay Magaalada Gaza laga soo billaabo 7dii Oktoobar 2023 ilaa 23kii Nofeembar 2023 lagu dilay 57 ruux oo isugu jira Suxufiyiin iyo shaqaale la shaqeynayay.
Bayaanka CPJ ayaa lagu sheegay in xog-uruurintooda ay ku diiwaangeliyeen tacadiyada ka dhanka ah Warbaahinta maalmihii ay socdeen dagaallada iyo duqeynta xooggan ee Israaiil ay ku beegsatay Magaalada Gaza.
Guddiga ayaa soo jeediyay in la ilaaliyo xuquuqda & xorriyadda Suxufiyiinta gaar ahaan kuwa kasoo xog-warrama furimaha dagaalka ee naftooda halista badan u nugul waqti weliba, balse loo baahan yahay in la dhowro.
Qoraalka CPJ ayaa intaas lagu daray in 57daad ruux ay u badan yihiin Suxufiyiinta Falastiin maadaama duqeynta gantaallada culus ee Israaiil ay ku beegsaneysay Magaalada Gaza ku dhinteen waa sida hadalka loo dhigay.
50-ruux waxa ay u dhasheen Falasteen, 4 Suxufi waa Israaiil halka 3 kale ay u dhasheen Dalka Lubnaan waxaana intaas dheer in la xiray 19 Weriye oo aan la sheegin goobta lagu xiray, cidda xirtay iyo xarumaha ay ka howlgallayeen.
Madaxweyne Saciid Deni oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xiisadda taagan
Talado Nofembar 28 2023 {HMC} Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddiga wada-xaajoodka arrimaha doorashooyinka Puntland.
Saciid Deni oo xiisad xooggan kala dhaxeyso siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa xeer madaxweyne ku soo saaray magacaabida guddigan oo 7 xubnood.
“Markuu arkay baahida loo qabo in la magacaabo guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka. Iyadoo oo laga duulaayo in ay dalka ka dhacdo Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada taasi oo ku dhacda hannaanka dimuqraadiyadda ee hal qof iyo hal cod,” ayaa lagu yiri magacaabistan oo ay shaacisay Madaxtooyada Puntland.
Guddigan ayaa waxa uu Saciid Deni guddoomiye uga dhigay Cabdi Faarax Siciid Juxa, oo ah wasiirka arrimaha gudaha dowlad-goboleedka Puntland.
Sidoo kale waxaa guddigaan xubno ka ah; Maxamed Cabdiraxman Dhabancad, Xassan Yuusuf Majabe iyo Dr’s Naciima Cabdiraxmaan.
Guddigan ayaa sida muuqata uu madaxweynuhu kasoo xushay golihiisa wasiiradda, sidoo kalena waxay u badan yihiin xubno ku mayal adag qabashada nooca doorasho ee uu rabo madaxweynaha billooyinka u harsan yihiin.
Magacaabidda guddigan ayuu Deni sheegay inuu kala tashaday madaxweyne ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, guddoonka Golaha Wakiillada iyo weliba xisbiyada siyaasadda.
Lama oga waxa ay guddigan ka goyn karaan ismari-waaga doorashooyinka ee u dhaxeeya mucaaradka iyo Deni, ayada oo horey siyaasiyiinta mucaaradka ay u diideen in ay wada-hadal la galaan madaxwehbe Deni.
Mucaaradka ayaa sheegay in Deni uusan diyaar u aheyn wada-hadalka hanaanka doorasho ee la isku haya, iyaga oo xusay in Deni uu horey u sheegay in uusan marnaba wada-hadal ka gali doonin doorashada uu rabo ee qof iyo cod, taasi oo ay diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.
Hoos ka aqriso magacyada xubnaha guddigan;
1. Cabdi Faarax Siciid Juxa (Guddoomiye)
2. Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Xubin)
3. Dr. Naciima Cabdiraxmaan (Xubin)
4. Cabdullahi Maxamed Xassan (Xubin)
5. Maxamed Cabdiraxman Dhabancad (Xubin)
6. Xassan Yuusuf Majabe (Xubin)
7. Xassan Caballa Xassan Xubin
Si kastaba, Dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka Puntland ayaa waxaa xilligaan lagu cadaadinaya inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, ayada oo beesha caalamka ka digtay rabshado kale oo ka dhaca Garoowe, kuna baaqday in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan.
“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadee,” ayaa lagu yiri farriinta xubnaha beesha caalamka.
“Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.”
Ra’iisul wasaaraha Sweden oo u jawaabay hogaamiye xisbi ku baaqay in la dumiyo masaajidda
Talado Nofembar 28 2023 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa dhaleeceeyay hogaamiyaha xisbiga midigta fog Jimmie Åkesson, kaasoo ku baaqay in la dumiyo dhammaan masaajidada ku yaala Sweden.
Jimmie Åkesson oo Sabtidii kudbad ka jeedinayey shirweynihii sannadlaha ahaa ee xisbigiisa ayaa yiri: “Waa in aan bilownaa in aan dumino masaajidda kuwa ka soo horjeeda dimuqraadiga, Sweden, iyo Yuhuudda.
Isagoo ka jawaabaya hadalka Åkesson, Ra’iisul wasaaraha ayaa yiri, “Waxay ila tahay ixtiraam darro oo lagu xumeyno Sumcada ay Sweden ku leaadahay caalamka”.
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 28/11/2023
Talado Nofembar 28 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo : Mustaf Cali Caddow
Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq



