Home Blog Page 3118

{DAAWO MUQAALKA} Falastiiniyiin lagu toogtay Dalka Mareykanka iyo warar dheeraad ah oo kasoo baxaya.

0

Talaado Nofembar 27, 2023 {HMC} Falastiiniyiin lagu toogtay Dalka Mareykanka iyo warar dheeraad ah oo kasoo baxaya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Xabad joojinta Israel iyo Xamas oo mudo kordhin loo sameeyay iyo wadamo taageeray.

0

Talado Nofembar 28, 2023 {HMC}  Xabad joojinta Israel iyo Xamas oo mudo kordhin loo sameeyay iyo wadamo taageeray.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 27/11/2023

0

Isniin Nofembar 27, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo : Yasiin Cali Axmed

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Guddoomiyaha ONLF oo ka hadlay khilaafka ka dhex jira gudaha ururka ONLF

0

Isniin Nofembar 27, 2023 {HMC} Guddoomiyaha ONLF Cabdiraxman Sheekh Mahdi Maadey ayaa markii u horreysay ka hadlay khilaafka ka dhex jira gudaha ururka ONLF.

Maadey ayaa meesha ka saaray cabsida burbur uu horseedo khilaafka mudada dheer ka dhex jira gudaha ururkiisa, kaasi oo uu sheegay in uusan waxba u dhimeyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Intii halganku socday kolba qolo ayaa go’aysay oo ururka ka baxaysay, waa un qayb halganka kamid ah markaa halgamayaasha in isbaddelku ku dhaco waa un wax dabiici ah, qofku ikhtiyaarkii ayuu ururka ugu jiraa,” ayuu yiri Guddoomiye Maadey.

Waxa uu intaas kusii daray “Midnimada waan jecelnahay walaalaheen naga tagay waanu jecelnahay oo waanu soo wada halganay laakiin way naga leexdeen, balse geediga halganku wuu soconayaa ONLF-na shaqsi ka tagay iyo qof dhibaateeyay waxba uma noqonayso.”

Maadey ayaa sidoo kale waxa ka hadlay waxa ka hirgalay heshiiskii iyaga iyo Itoobiya, isagoo sheegay in Itoobiya ay ka dhaqan-gelisay oo keliya xabad joojinta.

“Heshiiska inaga iyo Itoobiya waxay Itoobiya ka hirgalisay kaliya xabad joojinta, balse qodobadii kale oo ay kamid ahaayeen dib u dejinta ciidanka aysan waxba kama hirgalin illaa hadda,” ayuu yiri Guddoomiye Maadey.

Maxaa ka soo kordhay doontii burcad-baddeedu ku afduubatay xeebaha Puntland?

0

Isniin Nofembar 27, 2023 {HMC}  Taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Axmed ayaa BBC-da u sheegay in doonta laga afduubtay deegaan xeebeedka Maraya ee degmada Eyl ay hadda ku sugan tahay meel ka baxsan biyaha Soomaaliya taas oo ku beegan jasiiradda Suqadara.

Wuxuu sheegay in ragga afduubay doonta ay dhan yihiin 12 nin oo burcad badeed ah oo is abaabulay, kuwaas oo hadda gacanta ku haya doontii iyo shaqaalihii saarnaa.

“Xogtii ugu dambaysay ee an ka helnay doontu waxay gashay biyaha caalamiga ah, ragga haysta ayaa la soo hadlay dadka deegaanka oo u sheegay in doontu ka xumaatay oo ay biyaha dul sabbaynayso” ayuu yiri Maxamed.

Taliyaha ayaa xusay in ragga doontan afduubtay ay doonayeen inay ku doontaan maraakiib kale ayna taas sabab u tahay inay la aadan biyaha caalamiga ah.

“Qorshaha waxaa weeye in saacadaha soo socda la qabto innagoo la kaashanayna ciidamada caalamigaa ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, waxaan kaloo la soconnaa in labadii habeen ee ugu dambaysay ay hal meel taagnayd doontu, balse waan soo afjaraynaa” ayuu yiri G/sare Maxamed Cali.

Waxaa jira warar sheegayay in afduubayaashu ay dalbadeen madax furasho dhan 400 kun oo doollar.

Balse Taliye Maxamed ayaa xusay in haddii ay ragga afduubka gaystay doonayaan lacago ay doonta ku haysan lahaayeen deegaannadii ay ku afduubeen.

Wuxuu intaa raaciyey in qorshahoodu ahaa inay ku raadsadaan maraakiibta maraysa biyaha caalamiga ah.

Taliyaha ayaa sheegay in shaqaalihii saarnaa doonta la afduubay ay badqabaan

Walaaca kalluumaysatada ee burcad badeedda iyo jarriifka

Musatafe Maxamed Xasan oo ka mida kalluumaysatada xeebaha degmada Eyl ayaa BBC-da u sheegay inay walaac ku keentay in falal la xiriira burcad badeed ay ka dhaceen xeebaha.

Wuxuu sheegay in xaaladda haatan taagan oo kale ay ka billowdeen burcad-badeeddii hore ee Soomaaliya, haatanna ay ka cabsi qabaan inay soo laabato.

“Walaaca koowaad wuxuu yahay in dadka badda aadaya aysan kala aqoon cidda ay burcad-badeed tahay,”

Wuxuu sheegay inay ka baqayaan in kalluumeysatada xitaa qaarkood loo maleeyo inay burcad-badeed yihiin.

Wuxuu dhanka kale ka dayriyey xaaladda kalluumaysata oo uu sheegay inay doonyo laga leeyahay Iiraan jarriif ba’an ku hayaan xeebaha taas oo keentay in xitaa ay badda u kalluumaysi tagi waayeen cabsi owgeed.

“Waxay ahayd inaan badda galno oo u shaqo tagno bilowgii bishii sagaalaad oo bad furan ahayd laakiin ilaa maanta doonidayadii iyo kuwo kale oo badan ayaa yaalla xeebta sababtu waa inaan ka cabsi qabo in doonyo waaweyn oo badda ku jiraan ay jiitaan oo qaataan shamaagaha an badda dhiganayno” ayuu yimi Mustafe.

Mustafe wuxuu xusay in kala doorteen inay qalabkooda badda dhigtaan si ay u helaan kalluun, libaax baddeed iyo aargoosto iyo in ay ilaalashaan agabkooda oo ay burbur u gaysanayaan doomaha shisheeye ee ku jira xeebaha.

“Shamaagihii loo dhigi jiray libaaxa ama kaluunka ayey doomahan qaadanayaan,waayo waxay jiidayaan shabag jariifa oo ay doonyaha waaweyn iyo maraakiibta kaluumaysiga jiidaan,marka kuwii an dhiganay way qadanayaan” ayuu intaas ku daray Mustafe oo kalluumayste.

Isagoo ka hadlayey khasaaaraha dhaqaale ka soo gaara burburka ay u gaysteen qalabkooda ayuu xusay inay tahay sababta ay shaqadoodii u aadi waayeen

“Aad ayey qaali u yihiin shamaagga, mid kasta oo ka mida kuwaa waaweyn ee loo dhigo libaaxa ama kaluunka waxay joogtaa 400 oo doollar marka qalabkeeda oo dhan u dhan Yahayna waa 500 oo dollar marka marka badda dhigto hadii habeenkii la qaadanayo waa khasaare weyn,” ayuu yiri Mustafe.

ISHA BBC

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka

0

Isniin Nofembar 27, 2023 {HMC} Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 27 11 2023.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Gaadiid Lagu Wareejiyay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed

0

Isniin Nofembar 27, 2023 {HMC} Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo maanta la wareegtay Gaadiid loogu talogalay Kormeerka Run-way-ga Diyaaradaha garoonka Aadan Cadde.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Taliyaha Ciidamada Soomaaliland oo Maanta Tagay jiidda hore ee Deegaanka Buq-dharkayn

0

Isniin Nofembar 27, 2023 {HMC} Taliyaha ciidanka Soomaalilan ayaa Maanta kormeeray ciidamada ku sugan jiidda hore ee deegaanka Buq-dharkayn oo dhawaan ay ku Dagaalameen Ciidamada SSC Khaatumo iyo Kuwa Soomaaliland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUUQAALKA} Kulan looga hadlayay Saddex mashruuc oo la xiriira xalka waara oo dhacay Magalada Kismaayo.

0

Isniin November 27, 2023 {HMC} Kulan looga hadlayay Saddex mashruuc oo la xiriira xalka waara oo dhacay Magalada Kismaayo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh “Waxaan u bareernay Arin Kale oo Muhiim ah

0

Isniin November 27, 2023 {HMC} Madaxweyne Xasan Shiikh “Waxaan u bareernay Arin Kale oo Muhiim ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA