Home Blog Page 3119

{DAAWO MUUQAALKA} Xil Cabdirashiid Ducaale deegaanada Jubaland ee ay fatahaaduhu saameeyeen waxaa isku milmay Biyihii

0

Isniin November 27, 2023 {HMC} Xil Cabdirashiid Ducaale deegaanada Jubaland ee ay fatahaaduhu saameeyeen waxaa isku milmay Biyihii

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Cadaalad darada hala joojiyo markaas ayay naga Dhamanayaan Fatahaadaha iyo Daadadka”X/ Cabdiraxmaan

0

Isniin November 27, 2023 {HMC} Cadaalad darada hala joojiyo markaas ayay naga Dhamanayaan Fatahaadaha iyo Daadadka”X/ Cabdiraxmaan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Mashaariic La xiriirto yareynta saboolnimada oo laga hirgelinayo Deegaanada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

0

Muqdisho, November 27, 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Kismaayo ku daah furay saddex mashruuc oo la xiriira xalka-waara iyo yareynta saboolnimada oo laga hirgelinayo deegaannada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

 

Wasiirka Qorshaynta Maxamuud Cabdiraxmaan faarax (Beenbeene) ayaa sharaxay Ahmiyadda ay bulshadda Soomaaliyeed u leeyihiin Saddexda mashruuc ee maanta la daah-furay oo kala ah.

HOOS DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Maxkamada Ciidamda qalabka side oo Xukun dil ah oo lagu riday askar qof shacab ah dilay

Isniin November 27, 2023 {HMC}  Dable Boolis Cabdi Kaafi Nuur Yuusuf ayaa loo soo xiray dil bareer ah u geystay marxuum Cali Cabdi Cali falkaas oo kadhacay xaafadda Macalim Nuur ee degmada Dharkeenley Shantii bishii September ee sanadkan
Muran dhex maray marxuumka iyo Sargaal Booliska ka tirsan ayuu eedeysanaha soo dhax galay waxaana xigtay dharbaaxo uu ku dhuftay marxuumka oo ku sugnaa dukaan ay hooyadii ledahay
Dhaqaaq yar kadib eedeysanaha ayaa xabad uu ka tuuray qoray AK47 ah madaxa qaaday marxuumka oo isla goobtii ku naf baxay
Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday lix iyo tobankii bishaan
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn ku xukumay Maanta Cabdi Kaafi Nuur Yuusuf dil toogosho taasoo ah qisaasta marxuum Cali Cabdi Cali
Sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka

{DAAWO MUUQAALKA} : Mamulka Konfur Galbeed iyo Dowladda dhexe waa in ay si wada jir ah ugu gurmadan

0

Isniin November 27, 2023 {HMC} : Mamulka Konfur Galbeed iyo Dowladda dhexe waa in ay si wada jir ah ugu gurmadan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheekh Adduunyada waxaan u sheegeeynaa meesha aan u socono, sida aan u gaareyno mee

0

Isniin November 27, 2023 {HMC}Madaxweyne Xasan Sheekh Adduunyada waxaan u sheegeeynaa meesha aan u socono, sida aan u gaareyno mee

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Askar ka tirsanaa Ciidanka xasilinta Caasimadda oo Goob fagaare ah shaqada Looga Eryay

0

Muqdisho, November 27, 2023; Askar ka tirsanaa guutada 23aad ee ciidanka xasilinta Caasimadda Muqdisho ayaa maanta goob fagaare ah shaqada looga Eryay.

HOOS DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Daaf Furay Hiigsiga Qaran ee 2060 ka

0

Muqdisho, Nofeembar 27, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Hiigsiga Soomaaliya ee 2060-ka oo saldhig u ah horumarinta nolasha, xoreynta iyo xasilinta, dhismaha kaabeyaashe dhaqaalaha iyo dowladnimada dalkeenna.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeyb-galeen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, wakiillada beesha caalamka iyo ururrada bulshada Rayidka ah ayaa lagu soo bandhigay qorsheyaasha muddaysan ee horyaalla shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyadoo la xaqiijiyey awoodda aan u leenahay in aan wadajir u gaarno hiigsigaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda waxa uu sharraxay caqabadaha soo laalaabtay ee dib dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyaan colaadaha, amni darrada, abaaraha iyo fatahaadaha isdaba jooga, waxa uuna sheegay in uu muhiim yahay hiigsigan oo isku xiraya jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.

 

“Maanta, waxaan bilaabaynaa safar cusub, safar u horseedaya dalkeenna barwaaqo iyo horumar. Hiigsiga Qarn ee 2060-ka waxa uu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka gudubno caqabadaha hadda jira, annagoo aasaas adag u abuurayna jiilasha soo socda”.

Hiigsiga 2060-ka ayaa ka kooban saddex qeybood oo kala ah;

1.Yoolalka dhow (2023-2025): waxa uuna yoolkan ku saleysan yahay xasilloonida, dabargoynta argagixisada iyo xal u helista arrimaha banu aadannimo.

 

2. Yoolalka Muddada Dhexe (2025-2040): Dhismaha awoodaha hay’adaha, dib u habaynta qaab-dhismeedka dowladda iyo xaqiijinta maamul muaamul wanaagga.

 

3. Yoolalka Muddada Fog (2035-2060) oo xoogga saaraya horumarinta dhaqaalaha, kor u qaadidda heerka nolosha iyo isku-duubnida bulshada.

DHAMMAAD

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Aweys Majirto Meel Dalka kamid ah oo ka badbaaday Fatahaadaha ku dhuftay dalka

0

Isniin November 27, 2023 {HMC} Xildhibaan Aweys Majirto Meel Dalka kamid ah oo ka badbaaday Fatahaadaha ku dhuftay dalka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xaafadaha Magaalada Baladwyne iyo isbadalka biyaha.

0

Isniin November 27, 2023 {HMC} Xaafadaha Magaalada Baladwyne iyo isbadalka biyaha.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA