Home Blog Page 313

Dowlada Soomaaliya oo ka digtay Dadka Borobagaandada Ku faafiyo Baraha Bulshada.

0

Axad, 16, Nov 2025 {HMC}  Agaasimaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo ka falceliyay hadallada ka dhanka ah Barnaamijka E-Visa ayaa sheegay in aanay loo dulqaadan Karin dad uu ku tilmaamay in ay faafinayaan hadallo ka dhan ah adeeggaas.

Mustaf Dhuxulow ayaa intaas ku daray in Soomaalida inteeda badan ay ogoshahay Barnaamijka E-Visa isaga oo ka digay hadallada dhaawaca u geysanaya Sumcadda Dalka maadaama Adeeggaan ay bixineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhuxulow ayaa xusay in aan laga aamusi Karin waxyaabaha ka dhanka ah barnaamijyada lagu muujinayo Soomaalinimada iyo awoodda Dowladda oo aanay marnaba lagu ciyaari Karin sida uu hadalka u dhigay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya.

“Qofka Soomaaliga ah waxyaabo uu ku ciyaari karo iyo kuwo uu san ka hadli karin ayaa jira, tusaale ahaan waxa uu dhihi karaa dhaqaalaha sidaan haloo dhigo balse dowladnimada, Haybadda, Sharafta & Karaamada ma dhaawici karo, ma ahan arrin lagu dhiirran karo, mana la isku dayi kari, barnaamijyada dalka isku keenaya maloo bareeri karo,” Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya.

“Waxa aan la soconaa dadka faafinaya, dadka shaqada waday & kuwa Taageera Probagand-da ka dhanka ah eTAS, waxa dhan waan la soconaa, waxaa halis ah mashaariicda qaranka ee Dowladnimada lagu ilaalinayo in meel fagaare ah lagu weeraro,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Agaasime Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Hadalkaan Agaasime Mustaf Dhuxulow waxa uu noqonayaa Jawaabtii ugu horreysay ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya kasoo saartay hadallo inta badan qabsaday Baraha Bulshada oo ka dhan ah Dal ku galka Online-ka lagu dalbanayo.

 

Wararkii ugu Dambeeyey tahriibayaal ku dhintay Liibiya.

0

Axad, 16, Nov 2025 {HMC}  Ugu yaraan 4 qof ayaa dhimatay kadib markii labo doonyood oo ay la socdeen ku dhawaad ​​100 qof oo tahriibayaal ah ay ku dagtay xeebaha dalka Liibiya Sabtidii, sida ay sheegeen shaqaalaha gurmadka.

Dadka in ay dhinteen ay xaqiijisay Bisha Cas ee Liibiya ilaa hadda waxa ay ahaayeen dhammaan rakaabkii la socday dooni ay la socdeen 26 qof oo u dhashay dalka Bangladesh.

Kooxda bini’aadantinimada ma aysan sheegin in ay jiraan khasaare kale oo soo gaaray rakaabkii la socday dooni labaad oo degtay xilli ay saarnaayeen ku dhawaad ​​70 qof oo u badan Suudaani.

Doonyaha ayaa isticmaalayay marinka dhexe ee Mediterranean-ka ee isku xira Waqooyiga Afrika iyo Talyaaniga, kaas oo ah “waddada socdaalka ugu dhimashada badan caalamka” sida ay sheegtay hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee IOM.

Khilaaf Soo kala dhax galay Xisbiga Jamhuuriga iyo Trump.

Axad, 16, Nov 2025 {HMC} Khilaafka u dhaxeeya Donald Trump iyo haweeneyda xisbiga Jamhuuriga ee Marjorie Taylor Greene ayaa cirka isku sii shareertay, taasoo muujineysa in uu burburay xiriirkii u dhaxeeyay madaxweynaha Mareykanka iyo mid ka mid ah difaacyadiisa ugu adag.

Jimcihii, Trump ayaa Greene ugu yeeray “qof xun” qoraal uu soo dhiga baraha bulshada wuxuuna sheegay in ay tahay in aan laga fariisin doorashada sanadka soo socda.

Sabtidii, wuxuu ugu yeeray “khaa’in”. Greene ayaa maalmihii la soo dhaafay su’aal ka keentay in Trump uu wali ku taagan yahay “America First” iyada oo cambaareysay sida uu u maareynayo faylalka Jeffrey Epstein.

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado in Goluhu ka baaraan-dego in faylalkaas shacabka loo soo bandhigo iyo in kale.

Maamulka Waqooyi Bari Oo ku dhawaaqay Go’aan Looga hortagayo tahriibka.

Axad, 16, Nov 2025 {HMC}  Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay xayiraad cusub oo lagu adkeynayo safarka dadka da’doodu ka yar tahay 30 sano, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xakameynayo tahriibka iyo ka ganacsiga dadka ee gobolka kusii kordhaya.

Wasaaradda Howlaha guud iyo gaadiidka ee maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegtay in go’aankan uu ka dhashay walaac sii xoogeysanaya oo ku saabsan socdaalka sharci darrada ah, iyadoo la helay caddeymo muujinaya in shabakadaha dadka dhoofiya ay adeegsanayaan farsamooyin casri ah oo lagu tahriibinayo dhalinyarada, gaar ahaan kuwa aan wali gaarin da’da masuuliyadda. Sida ay wasaaraddu sheegtay, arrintan waxay keentay in la xoojiyo kormeerka lagu sameeyo safarada ka baxa degaannada maamulka.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale tilmaamay in qaar ka mid ah xafiisyada bixiya tigidhada diyaaraduhu laga yaabo inay ku lug yeeshaan fududeynta dhaqdhaqaaqyada shabakadaha tahriibka, taas oo sababtay in maamulka uu adkeeyo mas’uuliyadda saran shirkadaha socdaalka.

Amarkan cusub wuxuu si gaar ah u abbaarayaa dhammaan xafiisyada tigidhada diyaaradaha ee ka howl-gala gobolka, oo ay ku jirto shirkad lagu magacaabo Sagal Travel Agency oo duulimaadyo u kala qaada Muqdisho iyo Laascaanood todobaadkiiba laba jeer. Wasaaraddu waxay ku wargelisay in qof kasta oo 30 sano ka yar uusan safri karin haddii aan waalid la socon, isla markaana aan la aqbali karin waraaqaha dammaanad qaadka ee aan si rasmi ah u soo marin hay’adaha dowladda iyo odayaasha deegaanka ee loo xilsaaray xaqiijinta.

Wasaaradda ayaa Sagal Travel Agency ku amartay inay dib u hubiso dhammaan tigidhada ay gacanta ku hayso, oo ay ku jiraan kuwa ay soo diraan shirkadaha kale ee la shaqeeya, si loo xaqiijiyo in dhammaan shuruucda cusub lagu dhaqmo. Maamulka ayaa uga digay dhammaan shirkadaha safarka in ku xadgudubka amarkan looga qaadi doono tallaabo sharci ah, iyadoo lagu dari doono liiska hay’adaha lala xiriirinayo ka ganacsiga dadka.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli maamulka Waqooyi Bari uu sheegay inay sii kordhayaan kiisaska dhalinyaro lagu qaldo safarro sharci u muuqda oo u beddela tahriib khatar ah, halka waalidiinta iyo odayaasha dhaqanku ay ku baaqayaan in si dhab ah loola dagaallamo shabakadaha dadka dhoofiya.

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Maanta Fuliyay howlgal qorsheysan.

0

Sabti , 15, Nov 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Waajid ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Howlgalkaan oo qayb ka ah dadaallada lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa ciidamada waxay ka sameeyeen deegaanada u dhexeeya Faami Daamey ilaa Ceel Cure, kuwaas oo muddooyinkii dambe Khawaarijtu u adeegsan jireen gabaad iyo marin ay ku dhibaateeyaan shacabka deegaanka.

Taliyaha Ururka 95-aad ee Guutada 9-aad, L/x/le Isaaq Maxamed Ibraahim, ayaa sheegay in Khawaarijtii deegaanka ku sugneyd ay iskaga carareen goobihii lagu bartilmaameedsaday.

Taliyaha ayaa shacabka ku nool degmada Waajid iyo nawaaxigeeda ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidanka, lagana wada hortago cid kasta oo amniga wax u dhimaysa.

Dowlada Yugaandha oo tiri “Haddii aynaan bad helin, dagaal baa dhici doona.

0

Sabti , 15, Nov 2025 {HMC} Wadamada Kenya iyo Uganda oo ka mid ah dalalka Bariga Afrika ayaa khilaaf afka ah soo kala dhexgalay mas’uuliyiintooda ugu sarreysa, taasoo ka dhalatay fikrado adag oo ku saabsan dekedda.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa mee fagaare ah uga dhawaaqay toddobaad ka hor dhammaadkii bishii Oktoobar in dalkiisu “uu galayo badweynta Hindiya” isagoo sii maraya Kenya, taasoo dhalisay walaac ku saabsan saameynta ay ka dhalin karto gobolka.

Kadib su’aasha adag ee madaxweynaha iyo mowqifka geesinnimada leh, ayaa dadka qaar waxay sheegayaan in mustaqbalka uu khilaaf ka dhex qarxin karo waddamada Bariga Afrika.

Madaxweyne Museveni waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi uu siiyey Telefishanka Qaranka.

Wareysiga ayaa lagu qabtay bariga magaalada Mbale, halkaasoo ay olole ka wadeen.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku soo qaaday lahaanshaha dekedda isagoo ka hadlay is dhexgalka dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha ee waddamada Bariga Afrika.

Museveni waxa uu sheegay in afarta dal ee Bariga Afrika ay leeyihiin horumar dhinaca tignoolajiyadda ah oo ay ku jiraan militariga iyo sahaminta hawada sare, taasoo la jaan qaadaysa baaxadda dhaqaale ee ay leeyihiin.

“Sidee Afrika isku difaaci kartaa? Is-dhexgalka dhaqaale ayaa caawin doona dhaqaalaha,” ayuu yiri

“Taas waa sababta aan dadka ugu sheego, miyaydaan arkin sababta aan ugu baahannahay inaan midowno, sababtoo ah… haddii Uganda ay rabto inay abaabusho ciidammo badda ah, sidee ayay u dhisi kartaa? Ma lihin ciidammo badda ah,” ayuu yiri, isagoo usii gogol-xaaranaya su’aashii ugu weynayd.

In kasta oo Kenya ay tahay waddan muhiim u ah ganacsiga iyo sahayda ganacsiga ee Uganda, haddana weli lama hirgelin qorshayaashii mashaariicda wadajirka ahaa ee shidaalka, dhismaha waddooyinka, iyo dhismaha waddo tareen.

Madaxweynaha ayaa yiri “Wada hadal aan dhammaad laheyn ayaa Kenya la galnay… khadka tareenka, dhismaha dhuumaha shidaalka, sababtoo ah dalkeenna si dabiici ah waa mid aan bad lahayn, laakiin badda anigana waan leeyahay, maxaa yeelay aaway baddeyda, anigaa iska leh baddaas, mustaqbalka waxaa dhici doona dagaal, waxaa hubaal ah in mustaqbalka aan dagaal geli doonno”.

Hadalkan uu Museveni jeediyay kaliya ma noqon mid laga doodo oo laga tebiyo baraha bulshada iyo warbaahinta caadiga ah ee Kenya, balse sidoo kale wuxuu dhaliyay caro.

Isagoo arrintaas ka jawaabaya, sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Korir Singoy, ayaa sheegay in dalkiisu u hoggaansamayo shuruucda caalamiga ah iyo qaab-dhismeedka sharci ee lagu maamulayo xuquuqda dhulalka iyo kheyraadka dabiiciga ah, soo jeedinta Uganda-na ay tahay sharci-darro.

Uganda waa dal aan bad lahayn, balse hamiga Madaxweyne Yoweri Museveni ee ah in la dhiso ciidamada badda iyo in si aan xaddidneyn loo wadago badweynta Hindiya ayaa khatar cusub ku abuuraysa Bariga Afrika.

Museveni ayaa sheegay in Uganda ay leedahay xuquuq badeed oo ay la jaan qaadayso deriskeeda xeebta leh ee Kenya iyo Tanzania, isagoo si maldahan u sheegay haddii aysan taasi suuro-gal ahayn in tallaabo milateri laga qaadi karo.

Falastiiniyiinta la sheegay in Qaza laga keenay oo laga dajiyay Koonfur Afrika.?

0

Sabti , 15, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa sheegay in Koonfur Afrika ay baareyso diyaarad “qarsoon” ah oo la soo kireystay taasoo keentay 153 qaxooti Falastiini ah oo dalkeeda soo galiyay iyaga oo aan haysan dukumeentiyadii loo baahnaa Khamiistii, madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa ku dhawaaqay Jimcihii.

“Kuwani waa dad reer Gaza ah oo si qarsoodi ah loo saaray diyaarad soo martay Nairobi (caasimadda Kenya) oo halkan timid,” Ramaphosa ayaa u sheegay suxufiyiinta, isagoo intaas ku daray in hay’adda sirdoonka iyo waaxda arrimaha gudaha ay baarayaan arrintan.

Kooxdan ayaa timid garoonka caalamiga ah ee OR Tambo, balse markii hore waa loo diiday in ay gudaha u galaan, waxayna diyaaradda ku xayirnaayeen in ka badan 10 saacadood, maadaama aysan “baasaboorkooda ku haysan warqaddii caadiga ahayd ee ay ku dhoofi lahaayeen”, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

Balse aakhirkii waa loo oggolaaday in ay soo galaan ka dib markii ay soo faragaliyeen hay’ad samafal oo maxalli ah iyo sababta oo ah “dareenka iyo naxariis ay u muujisay dawladda”, ayuu yidhi Ramaphosa.

Xaaladdaha ku xeeran ka bixitaankooda Gaza iyo socdaalkooda Koonfur Afrika ayaan weli caddayn. Koonfur Afrika ayaa taageero xooggan u fidinaysay qadiyadda Falastiin intii uu socday dagaalkii Xamaas iyo Israa’iil ku dhexmarayay Gaza.

Ramaphosa wuxuu sheegay in kooxda “si qarsoodi ah loo saaray diyaarad soo martay Nairobi” ka dib-na Koonfur Afrika, sida ay sheegtay mareegaha News24. Ciidamada Israel ee gacanta ku haya marinka Qaza gaar aaan laanta Cogat ayaa bayaan ay soo saareen ku yiri:

“Dadka ayaa ka baxay marinka Gaza ka dib markii uu ogolaansho ka helay dal saddexaad si uu u qaabilo.” Dalka ma cayimin.

Sida laga soo xigtay safaaradda Falastiin ee Koonfur Afrika, kooxdan ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Ramon ee Israel waxayna u duuleen dalka iyaga oo sii maray caasimadda Kenya ee Nairobi, “iyadoon wax ogeysiin ah laga helin ama la qorsheyn”.

153 ka mid ah, 23 ka mid ah waxaa u suurtagashay in ay u duulaan meelo kale, iyadoo 130 ka mid ah laga aqbalay dalka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Koonfur Afrika.

Xigasho BBC

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 15-11 2025

0

Sabti 15,Nov 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY 

Shiinaha oo billaabay soo saarista robot-yada Walker S2.

0

Sabti , 15, Nov 2025 {HMC} Shiinaha ayaa billaabay inuu markii u horreysay warshadaha u diro robot-yada Walker S2, kuwaasoo shaqooyin joogto ah qabanaya, waxayna hadda dalabaad ka heleen shirkadaha BYD, Geely, FAW-Volkswagen, Dongfeng, iyo Foxconn.

Robot-yada Walker S2, waxay awood u leeyihiin inay ka qeybqaataan wax soosaarka warshadaha iyo daabuulka alaabaha, taa oo shaqo la’aan ka dhigaysa kumannaan ruux oo shaqooyinkan qaban jiray.

Qofka Hargeysa u socdo hadda kadib dal-ku-galka Soomaaliya laguma xujayn doono.

0

Sabti , 15, Nov 2025 {HMC}  Soomaaliland ayaa ku dhawaaqday in hadda kadib aan shacabka Somaliland lagu xujayn doonin in ay qaataan dal-ku-galka danabaysan ee Soomaaliya, arrintaasina ay dhammaatay shalay.

Xubno wasiiro ah oo xukuumadda Somaliland u xilsaartay arrimaha hawada iyo ka hortagga fiisaha danabaysan ee Soomaaliya ayaa sheegay in hadda kadib aan dadka u safraaya Somaliland laga weydiin doonin fiisaha Soomaaliya, kaddib dadaallo ay sameeyeen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in Somaliland ay la xidhiidhay waddamada caalamka, isla markaana ay u sheegeen in dowladda Soomaaliya aanay wax maamul ah ku lahayn hawada Somaliland.

Waxa uu sheegay in xidhiidhada ay sameeyeen ay horseedeen in Ururka Caalamiga ah ee Duulimaadyadu (IATA) uu ku qanco in Somaliland ay awood buuxda u leedahay maamulka hawadeeda.

“Waxay IATA xaqiijisay in Somaliland ay awood buuxda u leedahay maamulka madaarradeeda, badqabka diyaaradaha iyo nabadgelyada rakaabka, waxaana sii socon doona xidhiidhka diblomaasiyadeed ee dhammaan waddamada,” ayuu yidhi wasiirku.

Fu’aad Axmed Nuux, Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada, ayaa sheegay in barnaamijkii E-Visa-ha ee dowladda Soomaaliya ay ku soo rogtay dadka u socda Somaliland uu shalay ku ekaa, isla markaana dadka imanaya Somaliland ay hadda dal-ku-galka ka qaadanayaan madaarrada dalka.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay isku dayday in ay caddaadis saarto Somaliland, sida in dadka reer Taiwan laga mamnuuco in ay u safraan Hargaysa, balse dhammaan isku dayadii ay samaysay ay fashileen, Somalilandna ay guulaysatay iyada oo adeegsanaysa awoodeeda diblomaasiyadeed iyo xeerarka caalamiga ah.

“Waxa ku xigtay tallaabadii E-Visaha oo iyaduna shalay dhammaatay, marka waxa farxad ah in intii xukuumaddan joogtay aanay Soomaaliya u suurtagelin arrin hawada la xidhiidha oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in hawshu aanay wali dhammaan, balse ay doonayaan in si buuxda ula wareegaan maamulka hawada, iyaga oo wadi doona tallaabooyin lagu dhamaystirayo shuruucda hawada. Waxa kale oo uu sheegay in laga soo bilaabo 10-kii November ay Somaliland si buuxda u maamulaysay hawadeeda, diyaaradaha u socda hawadeeda marayana ay si buuxda uga amar qaadanayeen.

Wasiirku waxa uu sheegay in shacabka Somaliland ay qaadeen olole ay ku doonayaan in maamulka hawada loogu celiyo Somaliland, balse arrimaha hawadu yihiin kuwo xasaasi ah oo u baahan in shuruucda loo raaco, isla markaana tallaabooyinkii ay qaadeen ay ku salaysnaayeen sharciga caalamiga ah.

Ma jiro wali wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku saabsan arrimaha fiisaha, balse Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay in la jabsaday nidaamka fiisaha Soomaaliya, oo xogtooda laga xaday dad ku dhow 35,000 oo ruux. Waxa kale oo jira warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ka guurtay shabakaddii hore ee dal-ku-galka oo ay hadda mid cusub furtay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in nidaamka cusub ee dal-ku-galka danabaysan uu wax ka tarayo amnigeeda, isla markaana loo baahan yahay in qof kasta oo u safraya Soomaaliya – oo ay Somaliland ku jirto – uu bar internet ah ka dalbado dal-ku-galka.