Home Blog Page 314

Sirdoonka Ajaanibta oo Guud ahaan iskaga baxay Soomaaliya.

0

Sabti , 15, Nov 2025 {HMC}  Warbixin ay qortay Daily Express, oo ah warbaahin laga leeyahay Maraykanka, ayaa sheegaysa in in ka badan 60 khabiir oo sirdoon shisheeye ah ay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ka baxeen Muqdisho, kaddib markii Safaarada Maraykanka ee Muqdisho ay sheegtay in 11-kii November 2025 la jabsaday nidaamka E-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sirdoonka shisheeye ayaa dalka ka baxaya kadib markii la sheegay in kooxo aan la garanaynin ay gacanta ku dhigeen xogta in ka badan 35,000 qof oo isticmaalay nidaamka E- Visa oo ka kala yimid dalal ay ka mid yihiin Maraykanka.

Xogta la jabsaday waxaa ku jiray: magacyada, sawirrada, taariikhaha iyo goobaha dhalashada, cinwaanada, e-mailada, xaaladda guurka, iyo cinwaanada guryaha. Warbixinta ayaa sheegtay in safaaradaha shisheeye ee Muqdisho ay joojiyeen isticmaalka nidaamka E-visa ee dowladda, iyaga oo ka cabsi qaba in xogtooda la faafiyo.

Warbixinnada caalamiga ah ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta ay Soomaaliya u adeegsadeen marin ay hubka u mariyaan dagaalyahannada RSF ee Suudaan.

Daily Express waxay sheegtay in xogta la tuhunsanyahay in la jabsaday ay sidoo kale muujisay in calooshooda u shaqaystayaal ka yimid Kolombiya ay soo mareen madaarrada Soomaaliya kahor inta ayna gudbin Suudaan.

Safaarada Marakanka ee Soomaaliya ayaa habeen hore sheegtay in la jabsaday nidaamka lagu kaydiyo xogta dal-ku-galka danabaysan ee Soomaaliya, kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay sawiro iyo baasbooro aad u badan oo dadka baahiyay ay sheegeen in ay yihiin dad Soomaaliya usoo safray oo xogtoodii la dhacay.

Dowlada federaalka Soomaliya wali si rasmi ah ugama hadal jiritaanka warkaan, waxaana la filaya in saacadaha soo socda ay ka hadli doonaan.

Ciidanka milatariga Suudaan oo Maanta bilaabay Duulaan ka dhan ah Kooxda FSR.

0

Sabti , 15, Nov 2025 {HMC} Ciidanka milatariga Suudaan oo ay weheliyaan xoogagga hubeysan ee taageerra ayaa maanta la wareegay magaalada istaraatijiga ah ee Umm Dam Haj Ahmed oo ku taalla waqooyiga Kordofan, halkaa oo ay ka saareen ciidanka kooxda RSF.

Ciidanka milatariga Suudaan , waxay hadda u muuqdaan in bartilmaameedkeedu yahay magaalada istaraatiijiga ah ee Barah, si ay u xoojiyaan amniga magaalada El-Obeid, si loo xoojiyo difaacyada Khartoum iyo gobollada dhexe.

Dowlada Soomaaliya oo Shir deg deg ah ka leh Khalalaasaha E-Visa

Sabti 15,Nov 2025 {HMC}  Warar soo baxaya ayaa xaqiijinaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya—gaar ahaan hay’adaha ay khusayso nidaamka socdaalka iyo duulista hawada—ay haatan ku jiraan shir degdeg ah oo looga arrinsanayo jawaabta rasmiga ah ee ay ka bixin doonaan qalalaasaha ka taagan nidaamka E-Visa iyo mareegtii labaad ee dhawaan la sameeyay oo haatanba dhacsan.

Ilo muhiim ah ayaa sheegaya in isqabqabsi xooggan uu ka jiro hagidda iyo maamulka nidaamka E-Visa, gaar ahaan cidda xaqa u leh soo saarista dal-ku-joogga, taas oo noqotay muran dhexmaraya hay’adaha dowladda qaarkood. Waxaa intaa dheer in qaar kamid ah shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah loo sheegay in rakaabka imaanaya Soomaaliya ay ka qaadi karaan dal-ku-galka garoomada dalka gudaheeda, hase yeeshee shirkadaha qaabilsan lacag-qaadista arrintaas ay si adag uga horjeedaan.

Wararka aan heleyno waxay tilmaamayaan in saacadaha soo socda dowladda Federaalka ay soo saari doonto war rasmi ah oo ku saabsan arrintan. Sidoo kale xog hoose ayaa muujinaysa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud, uu amar ku bixiyey in si buuxda loo fuliyo heshiisyadii hore loogu wareejiyey shirkadda loo xilsaaray qandaraaska nidaamka E-Visa.

Miisaaniyadda sanadeedka ee Dowladda Soomaaliya ee 2026 oo koror ku yimid.

Sabti , 15, Nov 2025 {HMC} Kulanka wadajirka ah ee Golaha Shacabka & Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhagaystay Miisaaniyadda Sanadka soo socda 2026 oo sanadkaan ka duwan sanadihii hore sida hannaanka loo diyaariyay & farsamo ahaan

Kulanka waxaa shirguddoomiye ka ah Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, mas’uulka labaad ee ugu derajo sarreeyay waa Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde

Miisaaniyadda sanadka soo socda 2026 waa $1.373 Bilyan oo doollar, halka sanadkii hore ahayd Miisaaniyaddu $1.359 Bilyan oo doollar, farqiga kororka oo ah 1% waa $13,750,793 sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya

Isbaddelka sanadkaan ayaa lagu sheegay in mashaariic kala duwan iyo fursado la abuuri doonno, sidaas awgeed loo baahday in kor u kac la sameeyo iyada oo laga tusaale qaadanaya howlahaas kala duwan ee la qabanayo

Kulankaan oo ah kulanka 4aad ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka, miisaanadda waxa ay kamid tahay waxyaabaha indhaha lagu hayo iyada oo Xildhibaannadu su’aalo weydiiyeen mas’uuliyiinta ka socotay Wasaaradda Maaliyadda XFS.

{DAAWO MUQAALKA} Howlagalo ka dhan AS oo Billaabanay Koofur Galbeed

0

Sabti 15,Nov 2025 {HMC} Howlagalo ka dhan AS oo Billaabanay Koofur Galbeed

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Itoobiya oo ka walaacsan Dekadda Masar ay ka dhiseeyso Jabuuti

0

Sabti 15,Nov 2025 {HMC} Itoobiya oo ka walaacsan Dekadda Masar ay ka dhiseeyso Jabuuti

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Uk oo Qaaday Tallaabo Culus oo ka dhan ah Soomaalida

0

Sabti 15,Nov 2025 {HMC} Dowladda Uk oo Qaaday Tallaabo Culus oo ka dhan ah Soomaalida

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Itoobiya iyo Eretirea Qarka u saaran inuu Dagaal Culus dhaxmaro

0

Sabti 15,Nov 2025 {HMC Itoobiya iyo Eretirea Qarka u saaran inuu Dagaal Culus dhaxmaro

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Puntland oo War Kasoo Saartay Dilka Gaber 14 jir ah oo lagu dilay Gaalkacyo

0

Sabti , 15, Nov 2025 {HMC}  Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in haweeney lagu magacaabo Hodan Maxamuud Diiriye, oo 34 jir ah ay qiratay dilka Saabiriin Saylaan Cabdulle, oo 14 jir ah.

Eedeysanaha ayaa dhawaan gacanta lagu soo dhigay markii maydka gabadhaan xogteeda la helay, waxaana booliisku uu sheegay in la horgeyn doono Maxkamadda.

Marxuumadda ayaa ku noolayd oo shaqaale ka ahayd guriga eedeysanaha falka geysatay, waxaana baaritaan lagu sameeyay moobaylka eedeysanaha laga helay caddeymo muujinaya iyadoo tacaddiyo joogto ah u geysanaysa marxuumadda, sidoo kalena ku haysay addoonsi shaqo.

Sidoo kale, Baaritaan lagu sameeyay maydka marxuumadda ayaa laga helay dhaawacyo dhowr ah oo ay kamid yihiin in lagu dilay Ceeji, in iyo jirkeeda meelo badan oo kamid ah tooreey loogu geystay.

Shacab badan oo ka caraysan dilka gabadhan ayaa sameeyay isku soo bax ay ku dalbanayaan in ay caddaalad hesho marxuumadda. Booliiska ayaa ugu baaway dadku inay is dajiyaan, iyagoo sheegay in sharciga la waafajindoono eedeysanaha.

Traffic police given daily bribe collection targets, report reveals.

0

Saturday November 15, 2025 {HMC} An audit report by the Ethics and Anti-Corruption Commission (EACC) has exposed entrenched corruption within the National Police Service, revealing how junior traffic police officers routinely collect bribes that are channelled up the ranks to their seniors.

According to the anti-graft agency, bribery in the traffic department is not random, but organised with officers assigned daily collection targets.

The audit has further revealed that the NPS suffers a malignant cancer of corruption that begins at the recruitment level, where the majority of slots are handed to wealthy individuals, politicians and top police officers.

The report says corruption runs deep in the police system and whenever recruitment of police constables is announced, cartels, rogue officers collude to divide available places among themselves and offer them to the highest bidders, making the exercise on the fields a mere charade.

This practice, so entrenched in the service leaves only a few positions for Kenyans to win on merit and despite qualifying the entrants are forced to pay hefty bribes, to be recruited into the service.

EACC released the report on Thursday at the National Police Leadership Academy in Nairobi.

Source NTV Kenya