Home Blog Page 3138

{DHAGAYSO} Warka Habeenimo ee Warbahinta Hiiraanweyn 21/11/2023

0

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo : Yasiin Cali Axmed

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

 

Muxuu yahay bariiska Hargeysa lagu gubay, halkee buuse ka soo galay Somaliland?

0

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC}  Dowladda hoose ee magaalada Hargaysa ayaa maanta gubtay bariis ay ku sheegeen in uu halis ku yahay caafimaadka dadka kaas oo la qabtay bilowgii bishan November.

Bariiskan ayaa ciidamada ilaalada kantroolka Daloodho ee waqooyiga Hargaysa ay qabteen isagoo ku rarnaa gawaari xamuul ah kana yimid dhanka Jamhuuriyada Jabuuti sida uu BBC-da u xaqiijiyey maayir xigeenka magaalada Hargeysa Khadar Axmed Cumar.

Haya’adda Dhowrista Tayada ee Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa xaqiijisay halista bariiskan.

“Waxaa laga qaaday samballo kuwaas oo laab ay ku baartay haya’adda Dhowrista Tayada ee Somaliland ka dibna waxaa la xaqiijiyey inuusan u wanaagsananyn in la isticmaalo,” ayuu yiri Khadar.

Maayer xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in uusan bariiskan galin magaalada oo lagu guulaystay in la qabto inta la galin suuqa.

Maxkamadda Hargeysa ayaa xukuntay in la gubo bariiskan iyadoo dowladda hoose ay meel fagaaraa ku gubeen. Sidoo kale waxaa waaran iyo xukunno lagu riday dadkii sida ganacsigaa u watay.

Shixnadda oo dhammayd 96 tan oo bariis ayaa maayer xigeenku sheegay in la gubay oo xeer ilaalinta iyo dowladda hoose ay fuliyeen amarkii maxkamadda.

Isagoo sii hadlayey Khadar waxaa uu xusay in inta ogaalkiisa aysan jirin meel kale oo Somaliland oo bariiskaasi lagu gudbay uuna ka koobnaa shixnadaha Hargaysa lagu qabtay ka dib baaritaanno la sameeyey la xaqiijiyey.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka

0

Talaado November 21, 2023 {HMC} Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 21/11/2023

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY 

Shiikh Shariif, Xasan Khayre, CCW Iyo C,qaadir Cosoble Oo Shir gaar ah uga Furmaayo Muqdisho

0

Talaado November 21, 2023 {HMC} Siyaasiyiintii ugu cusleyd Midowgii Musharaxiinta sida Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo Xildhibaan Cabdul qaadir Cosoble ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo inuu shir wadatashi uga furmo Magaalada Muqdisho.

 

ilo wareedyo kala duwan oo ka agdhaw masuuliyiintaas ay inoo xaqiijiyeen Mas’uuliyiintan ayaa khatar siyaasadeed u arka wax ka bedelka Dastuurka, gaar ahaan nidaamka ku dhisan Madaxtooyada ee Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen, waxaana shirkooda la filayaa inuu wax ka bedelo saaxadda siyaasadeed ee dalka.

 

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bilaabay olole ku wajahan xildhibaannada labada gole, si loo meel mariyo qorshaha wax ka bedelka Dastuurka, iyadoo la filayo in 25 bishan November uu si rasmi ah u furmo Kalfadhiga 4aad Golaha Shacabka oo la horgeyn doono wax ka bedelka iyo dhameystirka Dastuurka.

 

{DAAWO MUQAALKA} Guddoomiye Yabooh oo digniin adag u diray shirkadaha korontada ee Muqdisho

0

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC} Guddoomiye Yabooh oo digniin adag u diray shirkadaha korontada ee Muqdisho

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Xaladihii ugu dambeeyey Daadadka El-Niño, fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay dalka

0

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC} Xaladihii ugu dambeeyey Daadadka El-Niño, fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay meel badan oo dalka ka mid ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Waxaan bilaabay tacabka beerteydda Markaan AS ka saarnay dhulkeena ”Shuuriye Muxumed”

0

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC}  Waxaan bilaabay tacabka beerteydda Markaan AS ka saarnay dhulkeena ”Shuuriye Muxumed”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Laftagareen oo xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda KGS kala hadlay dagaalka AS

0

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC} Madaxweyne Laftagareen oo xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda KGS kala hadlay dagaalka AS iyo gurmadka saameynta fatahaadaha

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wasiiru dowlaha waxbarashada Nuuro Mustaf “ Jiilka kasto ee soo baxo waxaa soo saaro macalin”.

0

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC}  Wasiiru dowlaha waxbarashada Nuuro Mustaf “ Jiilka kasto ee soo baxo waxaa soo saaro macalin”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Salah Jama oo ka hadlay shirkii sugnaanta cunnada ee caalamiga ah.

0

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC}  Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Salah Jama oo hadal kajeediyay shir-madaxeedka sugnaanta cunnada ee caalamiga ah ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo qorshayaal looga hor-tagayo saamaynta baahsan ee isbedelka cimiladu sababtay oo cunno yariduna qeyb ka tahay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA