Home Blog Page 3164

Guriceel oo Lagu soo Bandhigay Nin Dilay Askari ka Tirsan CXDS

0
Talado Nofembar 14, 2023 {HMC} Guriceel: Goob fagaare ah ayaa lagu soo bandhigay saacado kahor Cabdisalaan Cali Axmed oo ku eedaysan dilka marxuum Cabdulaahi Cali Hudey oo ahaa walaalka taliyaha Booliiska degmadaasi oo la diley tobankii bishaan.

Hay’addaha amaanka ayaa ninkan ku eedaysan dilka xalay gacanta kusoo dhigay xilli uu isku dayay inuu baxsado, waxaana soo qabashadiisu qaadatey dhowr maalmood oo lagu raad joogey kadib.

fagaaraha bandhigan waxaa ku sugan Maamulka degmada’ Odayaasha dhaqanka’ Saraakiil’ Bahada saxaafadda iyo qeybaha ka duwan bulshada waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan maxkamad uu kasoo muuqdo Cabdisalaan Cali Axmed.

{DAAWO SAWIRADA} Wararkii ugu Dambeeyey Xaalada Baladweyne iyo Qoysas ku go’doonsanaa Biyaha oo lasoo badbaadiyay

0
Talaado November 14, 2023 {HMC} Xaalada Magaalada Baladweyne ayaa ah mid aad u adag, waxaana Magaalada buux dhaafiyay fatahaada Wabiga Shabeelle, Biyahii ugu xooganaa sanadahan ayaa Magaalada ku dhiftay sanadkan sida ay sheekeyn Maamulka Degmada.

 

Dhinaca kale waxaa jiray dad farabadan oo go’doon ay galiyeen Fatahaada wabiga Shabeelle, kuwaas oo ku nool tuulooynka Magaaalda hoos-yimaado.  Wasaarada gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka Maamulka Hirshabelle ayaa sheegtay in gurmad sama-tabixin ah u sameeysay ilaa 50 qoys oo biyaha ay galiyeen go’doon labadii maalin ee ugu dambeeyay.

 

Wasaarada ayaa sheegtay in dadka biyaha laga soo saaray ay ahaayeen waayeelo iyo Caruur Jaanis u heli waayay in ay baxaan fatahaada ka hor. Degaanada gurmadka samatabixinta laga wado manta waxaa kamid ah , Nimcaale, Leeboow, Shiniile iyo Qarsooni oo dhamaantood dhinaca waqooyi ka xigo Magaalada Baladweyne.

 

Isku-duwaha wasaarada gargaarka iyo maareeynta Masiibooyinka Gobolka Hiiraan Cabdisalaan faarax maxamed ayaa sheegay in markii hore ay ku shaqeeynayeen hal dooman lakiin hada loo baahday mid kale oo deg deg ah madaama dadka godoonka ah ay aad ubadan yahiin.

 

Mudane Cabdi-salaan ayaa dadka ugu digay inticmaalka Buundada Nuurxawaad oo ah marin halis ah oo biyaha aad ugu xoogan yahiin. Waxaana 24 saac ee ugu dambeeyay biyaha ay qaadeyn ilaa 3 qof oo labo kamid ah ay wali ku maqan yahiin meeydkooda.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo digniin kama dambeys ah siiyay xukuumadda Xamza

0

Talado Nofembar 14, 2023 {HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay shir deg deg ah la yeeshay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag ula hadlay xubnaha golaha.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaad kala socotaa darbiga Maraykanka ee Soomaali badan ay ka boodeen

0

Talado  Nofembar 14, 2023 {HMC} Waa dhul buuraleey ah, waxaana ku daboolan geedo yaryar oo ku dhex jira dooxyo yar yar iyo togag, inta badan magaalooyinkeeduna waxay u eg yihiin goob nasiino

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Israaiil oo quus ka taagan soo furashada Maxaabiista u afduuban Xamaas.

0

Talado Nofembar 14, 2023 {HMC} Israaiil oo quus ka taagan soo furashada Maxaabiista u afduuban Xamaas.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Wasiir ka tirsan Dowladda UK oo xilkooda ku waayay ka hadalka dagaalka Gaza.

0

Talado Nofembar 14, 2023 {HMC}  Ra’iisul wasaarihii hore ee UK David Cameron ayaa loo magacaabay Wasiirka arrimaha dibadda dalkaas, ka dib isku shaandheyn ballaaran uu golaha Wasiirrada u uku sameeyey Ra’iisul Wasaare Rishi Sunak.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Eretareeya oo isaga baxday tartanka Koobka Adduunka 2026 kaddib cabsi ay ka muujisay in ay baxsadaan Ciyaartoyda!

0

Talado Nofembar 14, 2023 {HMC}  Xulka Qaranka Eretareeya ayaa isaga baxay Tartanka Isreeb-reebka ee loogu soo baxayo Koobka Adduunka sanadka 2026 ee ka dhacaya Dalalka kala ah Mareykanka, Maksiko & Kanada kuwaas oo ku guuleystay martigelintiisa.

Ciyaartoyda Xulka Eretareeya oo marka ay baxayaan Rihan (Damaanad) ahaan looga reebo Dukumiintayada qaaliga ah ee ay heystaan si ay ugu qasbanaadaan dib ugu laabashada Dalkooda ayaa markaan guud ahaan laga saaray tartanka.
Sababta ay ciyaartoydaan aan loogu qabin kalsooni ay dib ugu laabtaan Dalkooda ayaa lagu sheegay in aysan heysan fursad markale ay dib uga soo baxaan Waddankooda oo dhibaatooyin dhinaca Shaqada iyo maamulka ah uu ka jiro sida hadalka loo dhigay.

Sheekadaan oo ay bannaanka soo dhigtay shabakadda The Guardian ee Dalka Ingiriiska la leeyahay ayaa lagu sheegay in ciyaartoyda oo marar badan aanay dib ugu laaban dalkooda kaddib markii ay usoo safreen waddamo kale oo Afrika ah guud ahaan laga reebay tartanka.

Xiriirka Cayaaraha ee Dalka Eretareeya ee loosoo gaabiyo (ENFF) ayaa la sheegay in uu fariintaan u gudbiyay madaxda sida gaarka ah ugu shaqeyneysa howshaan maadaama go’aankaan uu yahay mid dhanka Dowladda kasoo baxay loosoo marsiiyay.

Tan iyo sanadkii 2009kii waxaa la ogaaday in ku dhowaad 60 cayaaryahan oo dalkooda uga soo baxay in ay ka goysteen Xulka Qaranka Eretareeya oo xitaa waxa ay iska dhiibeen waddamo dhaca Qaaradda Afrika maadaama ay isku arkaan in ay kasoo baxsadeen dhibaatooyin ay ku dhex jireen.

Dalalka colaadaha ay ka jiraan oo ay kamid tahay Soomaaliya ayaa lagu amaanay in ay xakameeyaan ciyaartoydooda oo dib ugu laabta Dalkooda marka ay gutaan waajibka qarankooda taasina ay muujineyso sida ay uga go’an tahay in xulkooda ay soosaaraan.

70 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay waddanka Burkina Faso

0

Talado Nofembar 14, 2023 {HMC}  Ugu yaraan 70 qof oo rayid ah oo u badnaa dad waayeel ah iyo carruur ayaa lagu dilay weerar ka dhacay tuulo ku taalal waqooyiga waddanka Burkina Faso horraantii bishan, sida bayaan uu soo saaray uu ku sheegay dacwad-oogaha waddankaas.

Kooxo aan la aqoonsan ayaa weerar ku qaaday tuulada Zaungou oo ku taalla waqooyiga Burkina Faso 5-tii Nofembar, halkaas oo ay ku dileen dadka deegaanka, ayna dab qabadsiiyeen hanti.

Koox ka tirsan hey’adaha caddalaadda oo loo diray inay baaritaan ku sameeyaan ayaa ogaaday in ugu yaraan 70 qof ay dhinteen. Inta badan dhib anayaasha ayaa ahaa carruur iyo waayeel, sida uu bayaan uu soo saaray ku sheegay dacwad-oogaha gobolka.

Waxa ay intaasi ku dartay in aan wali la cayimin tirada saxda ah ee dhaawaca iyo dadka la la’yahay.

“Ciddi ka dambeeysay falalkan waxashnimada ah ilaa iyo hadda lama garanayo, baaritaannaduna waa ay socdaan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Burkina Faso waa mid ka mid ah dhowr waddan oo galbeedka Afrika ah oo la dagaallamaya kacdoonka dhiigga badan ku daatay ee jihaad doonka ah ee xididdada u siibay dalka ay deriska yihiin ee Mali sannadkii 2012-kii.

Reuters.

Brazil oo dhaleeceeysay weerarada ay Israa’iiliyiitnu ka gaysanayso Qasa

0

Talado Nofembar 14, 2023 {HMC}  Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa Isniintii ku eedeeyay Israa’iil in ay ku dilaan marinka Qasa dad aan waxba galabsanin, isagoo ku nuuxnuuxsaday in jawaabta Israa’iil ay tahay mid aan ka khatar yarayn weerarkii ay qaadeen Xamaas 7-dii Oktoobar.

Lula ayaa yiri intii lagu guda jiray xaflad rasmi ah oo ka dhacday Brasilia:
“Kadib falkii argagixisanimo ee ay geysteen Xamaas, waxaa caddaatay in jawaabta ay ka bixisay Israa’iil aysan ka  khatar yarayn kan Xamaas. Waxay dilaan dad aan waxba galabsan iyadoon wax halbeeg ah lahayn.”

Sidoo kale, Lula, oo ah madaxweynaha waddanka ugu weyn Latin America, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay duqeysomeelaha ay carruurtu joogaan, sida isbitaallada, iyadoo marmarsiinyo uga dhigayso in halkaas ay ku sugan yihiin argagaxiso.

Waxa uu intaa ku daray, “Marka hore, waa inaad badbaadisaa haweenka iyo carruurta, ka dibna aad la dagaallanto cidda aad rabto,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse

Tirada askarta Isreal looga dilay dagaalka ka socda gudaha Gaza oo korortay

0

Talado Nofembar 14, 2023 {HMC} Magaalada Gaza ee dhulka Falastiin waxaa ka socda dagaal toos ah oo u dhaxeeya ciidamada Isreal iyo dagaalyahannada Xamaas, waxaa sidoo kale magaalada ku socda duqeymo culus oo lagu garaacayo.

Ciidamada Isreal ayaa khasaaro xooggan kasoo gaaray duullaanka ay ku qaadeen magaalada Gaza, waxa ayna ciidamada la kulmeen iska caabin xooggan oo kaga timid dhinaca kooxda Xamaas ee maamusha Gaza.

Milatariga Isreal ayaa shalay qirtay in labo askari oo hor leh looga dilay howlgalka dhulka ah ee ku qaadeen magaalada Gaza, waxaa sidoo kale jira askar kale oo badan oo lagu dhaawacay howlhalka.

Warbaahinta Isreal ayaa shaacisay in tirada ciidamada Isreal ee lagu dilay howlgalka dhinaca dhulka ah ee Gaza ka socda hadda gaartay 44-askari,waxaana jira askar kale oo dhaawacyo culus qaba oo laga cabsi qabo in ay u geeriyoodaan.

Dagaalka ka socda magaalada Gaza ayaa la filayaa khasaaraha kasoo gaaraya ciidamada Isreal sii kordhaan, kooxda Xamaas ayaana ku jirta dagaal xooggan ay isaga caabinayaan duullaanka ciidamada Isreal.