Home Blog Page 3163

Maxay tahay sababta SSC-Khaatumo looga reebay tartanka ciyaraha maamul-goboleedyada Soomaaliya?

0

Talaado November 14, 2023 {HMC} Ilo ka tirsan wasaaradda ciyaaraha Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in gabi ahaanba laga reebay ciyaartoyda xulka SSC- Khaatumo ka qayb galka ciyaaraha Maamul Goboleedyada dalka oo dhawaan la filayo inay ka furmaan magaalada Muqdisho.

Ilahan ayaa sheegay inay arintan u qaadatay soo jeedin ka timid guddiga garsoorka ee ciyaaraha oo tilmamaay inaysan SSC- Khaatumo buuxin shuruudihii looga baahnaa ka qayb galkooda ciyaarahan

Waxaa sidoo kale wasaaradda ciyaaruhu ay sheegtay inaysan jirin cid cadaadis ku saartay inay ka reebaan liiska ka dib warar soo baxay oo sheegay inay culays soo food saaray.

Magaca Khaatumo ayaa ka soo muuqday liiska isku aadka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka oo dhawaan ay shaaciyeen wasaarada ciyaaraha iyo xiriirka kubada cagta ee dalka.

‘‘Wasaarada ayaa markii hore qaatay go,aanka in SSC-Khaatmo lagu daro liiska maamulada ciyaaraya sababtoo ah in dhalinyaradaas deeganadooda ay ka dhaceen colaadaha la siiyo fursad ay kaga qayb gali karaan is dhexgalka ayaa ahay muhiimada kowaad hase yeeshee guddiga garsoorka ayaa ku adkaystay inaysan buuxin shuruudihii looga baahnaa saasna aysan ugu qab gali karin ka dibna ay wasaaradu ku qanacday soo jeedintooda” ayey ilo ka tirsan wasaarada ciyaarahu intaa ku dareen.

Dhanka Khaatumo oo aan la hadalnay sarkaal dhanka cayaaraha u qaabilsan ayaa sheegay inay arrintan ka leeyihiin kulan ayna shaacin doonaan wixii uga soo baxa.

Maxay yihiin shuruudaha looga baahan yahay maamul-goboleedyada?

Ka qayb galka ciyaaradaha dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir waxaa qaban qaabadeeeda leh wasaaradda ciyaaraha siyaasad ahaan halka farsamada qabsoomida ay leeyihiin xirirka kubada cagta Soomaaliyeed.

Shuruudo dhowr ah ayaa ku xiran ka qayb galka ciyaarahan heer federal oo lagu qabto Muqdisho labadii sanaba mar.

Mid kasta oo ka mida maamulada goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir waxaa looga baahan yaay inuu leeyahay xiriir kubada cagta oo dhisan iyo guddiyo ciyaaro oo heer gobol ilaa heer degmo ah kuwaas oo nidaamiya ciyaarahaas.

Tan labaadna waxaa inay jiraan tartamo ka dhaca maamulada oo ay qabteen xiriradooda heer gobol ama degmo si looga soo xulo ciyaaryahanada mati lahaa maamulkaas oo ka qayb gali lahaa tartanka ay isku arkayaan dhammaan maamulada dalka.

SSC-Khaatumo oo loo diiday ka qayb galka ciyaarahan ee sanadkan ayaan lahayn xiriro ciyaaraha anana qaban tartamo ciyaaraha oo deeganadoodaa.

Tartankaan ayaa baaqday labadii sano ee lasoo dhaafay, lama qaban 2018 iyo 2019, kaliya saddex jeer ayey dhacday in tartankaan la hirgaliyo waxaana ku guuleystay Puntland, Jubbaland iyo gobolka Banaadir.

Sanadkii 2016 waxaa tartanka hantay xulka Puntland oo rigooreyaal kaga qaaday Jubbaland, halka 2017 ay ku guuleysteen xulka Jubbaland kuwaas oo si aargoosi ah finalka ugu garaacay Puntland.

Xulka gobolka Banaadir ayaa sanadkii 2020-kiina ku guulaystay hanashada kooban ka din markii ay ka adkaadeen Maamulka Galmudug oo markii ugu horeysay finalka koobkan yimi.

Puntland ayaa qaadacday ka qayb galka kulankan kaas oo kaliftay in dib u dhaca muddo sanad tartarkan iyadoo wasaaarada ciyaaraha Puntland ay ku macnaysay in loo maamulin sidii loo baahnaa.

ISHA BBC

Garaad Jaamac oo ku hanjabay in ciidanka SSC ku fasixi doonaan Hargeysa

0

Talaado November 14, 2023 {HMC} Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa hanjabaad culus u diray xukuumadda Somaliland, oo uu kala dhaxeeyo dagaal xooggan.

Garaad Jaamac ayaa waxa uu ku goodiyay in ciidamada SSC-Khaatumo ay ku fasixi doonaan in ay gudaha u galaan deegaanada Somaliland, haddii buu yiri ay Somaliland joojin weydo daandaansiga ay ka wado dhulkooda.

“Somaliland hadday mar danbe sheegato dhulkayaga ama dhahdo Xad baan soo xiraynaa, aniguna waxa aan tegeynaa guryahooda (Hargeysa) waana soo qab-qaban doonaa kuwii dhibta ka gaystay dhulkayaga,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

Wuxuu uga digay Somaliland in ay joojiso abaabulka dagaal ee ay ka waddo Oog, xilli maalmihii lasoo dhaafay uu labada dhinac dagaal ku dhexmaray deegaano dhaca duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

“Wax badan waa xakamaynaynaa, si aanay ciidamadeenu uga tallaabin dhulkooda, haddii mardambe ay sheegato Somaliland dhulkayaga waan ku fasixi doona,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Garaadka.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in weli uu socdo oo ay ku jiraan halgankii lagu xoreeyay gobolka Sool, wuxuuna sheegay inay waajib ku tahay in degaanadooda ay ka difaacdaan Somaliland.

Hadalka Garaadka SSC ayaa imanaya maalmo kadib markii duleedka magaalada Laascaanood uu dagaal xooggan ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan oo labada dhinac ah.

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii ugu dambeeyay ay daganeyd xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kadib markii Somaliland laga qabsaday xerada Goojacadde.

Madaxweynaha Indonesia oo dhigiisa Biden gaarsiiyey fariin uu ka siday 57 dal oo Muslim ah

0

Talaado November 14, 2023 {HMC} Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo, ahna madaxweynaha waddanka ugu Muslimiinta badan dunida ayaa Aqalka Cad kula kulmay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Waxaa uu soo gaarsiiyay farriin uu ka siday 57 dowladood oo dunida Muslimka ah, taasoo ay kaga dalbanayeen inuu ku cadaadiyo Israa’iil xabad joojin laga hirgeliyo Gaza.

Joko Widodo ayaa ku cadaadiyay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden intii lagu gudajiray booqashadii aqalka cad inuu soo afjaro xasuuq Gaza ka socda uuna gacan ka geysto xabbad-joojin.

Dagaalkii Israa’iil iyo Xumaas ayaa daboolay wadahadalada, oo loola jeeday in lagu soo bandhigo kor u qaadida xiriirka ka dhexeeya Indonesia iyo Mareykanka

Laakiin Biden ayaam soo hadal qaadin kulaka ka dib arrinta Gaza, isagoo diirada saaray qorsheynta si kor loogu qaado iskaashi lala yeesho Indonesia ilaa heerka ugu sareeya, oo loo yaqaan iskaashi istiraatiijiyadeed oo dhameystiran.

Washington ayaa isku dayaysa iney xulafo ka dhiso gobolka Aasiya-Pacific iyada kaasoo ka dhan ah saameynta Shiinaha ee kor u sii kaceysa, iyadoo Indonesia ay muhiim u tahay dhismaha xulufadaas.

“Waxaan ka wada hadli doonaa wadashaqeynta ku saabsan macdanta loo isticmaalo baytariyada gawaarida korantada iyo tikniyoolajiyada kale ee tamarta nadiifka ah, oo ay leedahay indonesia kayd badan” ayuu yiri Biden.

{DAAWO MUQAALKA} Nabadoon Dacar Xirsi Nuur “Gargaarka loogu Talagalay Shacabka Baladweyne Guryo ayaa Laga dhistay”

0

Talaado November 14, 2023 {HMC}  Nabadoon Dacar Xirsi nuur oo kamid ah Odayaasha dhaqanka Gobolka hiiraan ayaa maamulka hirshabelle ku edeyay in ay leexsadeen Gar-gaarka loogu talagalay shacabka Magaalada Baladweyne.

Hadalka nabadoon dacar ayaa waxa uu ku so beegmayaa xili Boqolaal dad weyne reer Baladweyne ah ay guryahooda ka barakaceen kuwaas oo siweyn ugu baahan kaalmo bini aadanimo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

 

Mamulka KGS oo shaaciyey tirada dad ku dhintay Baydhaba

0

Talaado November 14, 2023 {HMC} Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo galabta warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhaba ayaa shaaciyey tirada dad ku dhintay daadadkii ka dhashay roobka deyrta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in 12 qof ay ku dhinteen daadadkii ku dhuftay magaalada Baydhaba, isagoo ka sheekeeyey dhacdooyinka qaar sida ay u dhaceen.

”12 qof ayaa ku dhimatay daadadkii ku dhuftay Baydhabo oo ay ku jirto Haweeney caano keentay magaalada oo Meydkeeda maalmo kadib la helay,” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Sidoo kale Madaxweyne Laftagareen wuxuu sheegay in hanti badan, guryo iyo gaadiid ay burburiyeen daadadka, “dad badan oo tabar yar ayaa ka cararay guryahooda, 50% magaalada waa laga barakacay,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa ay kula kulmeen.

Ujeedka wafdiga uu horkcayo ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa daarna sidii uu ugu kuur-gali lahaa xaaladda dadka ay saameyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta (El-Niño).

Saalax oo ay weheliyaan masuuliyiinta hay’adda SODMA, xubno kamid ah hey’adaha samafalka iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa isla markii ay gaareen Baydhabo booqday oo indhaha soo saaray xaaladda ka taagan xeryaha qaxootiga iyo dadka nugul oo ay waxyeello iyo barakac kale kasoo gaartay roobabka.

Sidoo kale ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa kulammo la yeeshay madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo sidoo kale Hay’adaha ka shaqeeya gargaarka.

Waxa uu kula dardaarmay in la mideeyo dhammaan dadaallada socda, si gurmad loo gaarsiiyo dadka biyuhu saameeyeen isla markaana looga hortago cudurrada ka dhasha biyaha.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed inay usoo gurmadaan dadka dhibaataysan ee ay roobabku saameeyeen.

Mamulka Puntland oo eedeyn culus u jeedisay VILLA SOMALIA

Talaado November 14, 2023 {HMC} Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Villa Soomaaliya ku eedeeyay inay duullaan kusoo qaaday nabadda iyo jiritaanka Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa eedeyntan u jeediyay Villa Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay ka shaqeynayso bur-burinta jiritaanka maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay in Villa Soomaaliya ay adeegsaneyso shaqsoyaad dano gaar leh, oo la fahamsan yahay inuu ula jeedo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda madaxweyne Deni, kuwaasi oo maanta soo saaray jadwal doorasho.

“Waxaan aad uga xumahay in dowladda federaalka Soomaaliya ka shaqaynayso in Puntland bur-burto,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Puntland.

Waxa uu intaas kusii daray “Arrintaas way socotaa (hanaanka doorashada qof iyo cod) gobollada Puntland oo dhan bay ka socotaa hadda oo dowladda federaalka isku dayaysaa in ay fara-geliso oo khalkhal iyo amni-xumo abuurto”.

Wasiir ayaa sidoo kale waxa uu Xildhibaannada heer federaal ee laga soo doorto deegaannada Puntland ku eedeeyay inay qeyb ka yihiin qorshaha Villa Soomaaliya duullaan kusoo qaaday nabadda iyo jiritaanka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

”Dowladda federaalka waxay gacan siinaysa dad khal-khal iyo xasilooni-darro ka buuraya gudaha, si ay u burburiso nabadda iyo jiriraanka dowladnimada Puntland,” ayuu sidoo kale yiri wasiirka.

Maamulka Puntland ayaa waxaa xilligaan ka taagan xiisad xooggan oo salka ku haysa khilaafka arrimaha doorashooyinka, iyada oo mucaaradka ku dhowaaqeen doorasho ku qabsoomeysa waqtigeeda, halka maamulka uu sheegay in dhamaan ay u diyaarsan yihiin farsamooyinkii lagu qaban lahaa doorashada qof iyo cod.

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiye Nuur dheere waa in Maxkamad lasoo taago isaga ayaana ku eedeysan dilkii Foosha Xumaa ee ka dhacay Dagmada Jalalaqsi

0

Talaado November 14, 2023 {HMC} Xildhibaan Cabduwaaxid Axmed Cumar Wadaadyare oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa maanta qabtay shir jaraaid qabtay ayaa gudoomiyaha Dagmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge ku eedeyay dilka askari loogu geystay Dagmada Jalalaqsi.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Fatahaada Wabiga Shabeelle oo Saameyn weyn ku yeelatay Ganacsatada Magaalada Baladweyne

0

Talaado November 14, 2023 {HMC} Fatahaada Wabiga Shabeelle ayaa Saameyn weyn ku yeelatay Ganacsatada Magaalada Baladweyne.

Qaar kamid ah Ganacsatada Magaalada Baladweyne oo la hadlay Warbaahinta Hiiraanweyn ayaa sheegay in qasaaro xoogan ay u geysatay agabkooda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

WAR DEG DEG AH: Mucaaradka Deni Oo Soo Saaray Jadwal Doorasho Cusub Iyo Xiisada Oo……

0

Dallada Mucaaridka Puntland ayaa goordhow ku dhawaaqday jadwalka doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimada Puntland.

War-saxaafadeed ay soo saareen kadib kulan ugu soo dhamaaday magaalada Garowe ayey ku sheegeen doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ay qabanayaan 8-da bisha January ee sanadka cusub 2024.

Sida ku xusan qoraalkooda, 31-da bisha December waxaa la shaacinayaa liiska xildhibaanada cusub, 1-da January waxaa la dhaarinayaa xildhibaanada, halka 4-ta January la dooranayo gudoonka golaha wakiilada maamulka Puntland.

Si kastaba, arrintan ayaa kusoo beegmeyso xili Xeerka Doorashooyinka Puntland loo qeybiyey golaha Wakiilada Puntland, waxaana xeerkan soo gudbisay Golaha wasiiradda.

{DAAWO MUQAALKA} Wararaka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka

Talaado November 14, 2023 {HMC} Wararaka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 11/14/2023.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU WAAWEYNAA