{DAAWO MUQAALKA} Sheekh abdikariin”Qofkii qof Dilaa waa in si deg deg ah loo dilaa, Si bulshad a u nabad gasho.”
Isniin Nofembar 13, 2023 {HMC} Sheekh abdikariin”Qofkii qof Dilaa waa in si deg deg ah loo dilaa, Si bulshad a u nabad gasho.”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Hoose Xamar oo ka warbixiyay howla biya dhaamin ah oo ay ka fuliyeen Muqdisho
Isniin Nofembar 13, 2023 {HMC} Dowladda Hoose Xamar oo ka warbixiyay howla biya dhaamin ah oo ay ka fuliyeen Muqdisho
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Maamulka Gobolka Banaadir oo shir deg-deg ah ka yeeshay xaaladda adag ee ka taagan Muqdisho.
Isniin Nofembar 13, 2023 {HMC} Mas’uuliyiinta sare ee maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa xalay shir deg-deg ah ku yeeshay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, kaas oo looga hadlay xaaladda adag ee ka taagan Muqdisho.
Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyey duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimacaale (Madaale) iyada oo ay u dhammaayeen maamullada degmooyinka.
Intiisa badan waxaa shirka diiradda lagu saaray saameynta ka dhalatay roobabkii xooganaa ee maalmihii u dambeeyay ka da’ayay Muqdisho oo sababay culays xoogan iyo burbur.
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo kulanka kadib la hadlay waraabinta ayaa ka warbixiyay shrkooda, wuxuuna sheegay in ka hadleen wax ka qabaashada xaaladaha ka jira gobolka.
“Waxaa xarunta maamulka gobolka Banaadir ka qabsoomay shirkii degmooyinka iyo maamulka sare, shirkaas oo ahaa mid deg-deg ah, loogana hadlaayey xaaladaha guud ee ka jira magaalada Muqdisho, gaar ahaan roobabka” ayuu yiri guddoomiye Yabooh.
Sidoo kale wuxuu intaasu ku daray inay la socdaan dhibaatada ka dhalatay daadadka ku dhuftay magaalada Muqdisho, ayna maamul ahaan haatan wadaan dadaallo xoogan.
“Waa roobab aad iyo aad culayskooda u wata, faa’iidadoodana wata, dadku waa u baahnaayeen roobabka, laakiin daadad iyo biyaha kasoo rogmaday culaysbaa ka yimid, marka culayskaas ayaan rabnay in degmooyinka ay isla wadaagaan” ayuu sii raaciyay.
Ugu dambeyn wxuuu hoosta ka xariiqay inay ku howlan u gurmashada dadka ay dhibaatada soo gaartay qaadista biyo gooyay waddooyinka muhiimka ah ee caasimada.
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbahinta Hiiraanweyn 13/11/2023
Isniin Nofembar 13, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya :Mustaf Cali Caddow
Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Xaalad quus ah oo ka taagan xaruunta caafimaad ee Qasa ugu weyn
Isniin Nofembar 13, 2023 {HMC} Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay xaalad halis ah oo ka jirta xarunta ugu weyn ee caafimaadka Qasa ee Al-Shifa oo ay ka jirto koronto la’aan, cunto yari iyo biyo la’aan ba’an.
Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in “rasaasta joogtada ah iyo qaraxyada” ee ka dhacaya agagaarka isbitaalka ay “sii xumeeyeen xaaladihii hore ee halista ahaa” iyo in Al-Shifa “uusan hadda u shaqeyn sidii isbitaal oo kale”.
Milateriga Israa’iil ayaa ku celiyay inay “diyaar u yihiin inay gacan ka gaystaan” daad-gureynta tobannaanka dhallaanka ah ee nugul ee lagu xanaaneeyo xaruuntan, lana geeyo isbitaal kale.
Madaxa qaliinka ee Al-Shifa, Dr Marwan Abu Sacda, ayaa BBC-da u sheegay in ilmihii saddexaad ee dhawaan dhashay uu u dhintay maadaama aan la hayn adeegyadii ay ahayd in carruurtu ay helaan marka ay dhashaan.
Xizbullah oo hub cusub u adeegsatay weerarro culus oo ay ku qaadday Israel
Isniin Nofembar 13, 2023 {HMC} Hoggaamiyaha Xizbullah ayaa sheegay inay hub cusub u adeegsanayso weerarrada ka dhanka ah Israa’iil, iyad oo rasaasta la isweydaarsanayo ee xadka koonfureed ee Lubnaan ay sii xoogaysanayso, xilli Israa’iil ay dagaal kula jirto kooxda Xamaas ee Gaza.
Sida Sayyed Hassan Nasrallah uu ku sheegay khudbadiisii labaad ee telefishinka laga sii daayay tan iyo markii uu billowday dagaalka Xamaas iyo Israa’iil, waxay toddobaadkii la soo dhaafay, kooxda ay Iran taageerto ay “xoojiyeen ficilkooda “hoggaanka Lubnaan marka loo eego tirada hawlgallada, bartilmaameedyada iyo nooca hubka,”
Dhaqdhaqaaqa Muslimiinta Shiicada ah ayaa markii ugu horeysay adeegsatay gantaalada Burkan, isaga oo intaa ku daray in gantaalahaas ay qaadi karaan “culus dhan 300-500 kiilogaraam.”
Xizbollah ayaa billowday inay adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn “markii ugu horreysay taariikhda iska caabbinta” gudaha Lubnaan, sida uu sheegay Nasrallah, isaga oo intaas raaciyay inay gudaha Israa’iil ku duuli jireen “diyaaradaha wax basaasa” maalin kasta, qaarkoodna ay gaareen Haifa, Acre iyo Safed.
Hadalka Nasrallah waxa uu dhaliyay digniin ka timid wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant, oo sheegay in muwaadiniinta Lubnaan “ay cawaaqib xumo kala kulmi doonaan ficilka Xisbubllah” wuxuuna raaciyay: “Waxa aan ka samaynayno Gaza, waxaan sidoo kale ku samayn karnaa Beirut”.
Tan iyo markii Xamaas ay 7-dii Oktoobar weerar ku qaadday Israa’iil marinka Qaza, xuduudda koonfureed ee Lubnaan waxaa sii xoogaysanayay is-weydaarsiga weerarrada oo u dhexeeya Israa’iil iyo Hezbollah, oo xulafo la ah kooxda Falastiiniyiinta, taas oo kicinaysa cabsida laga qabo in uu dhaco dagaal ballaadhan.
{DAAWO SAWIRADA} Ciyaar yahayn ku dhintay garoonka dhaxdiisa xilli uu kubad ciyaarayay
Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Ciyaartoyda caanka ka ah Qaranka Ghana, Raphael Dwamena ayaa ku dhintay garoon uu ku ciyaarayay, kaddib markii uu xanuun kusoo booday uuna ku dhax dhacay garoon kuyaalla dalka Albania.
Xiddigan geeriyooday ayaa katirsanaa kooxda kubadda cagta ee Egnatia ee ka ciyaarta horyaalka dalka Albania, waxa uuna ciyaaryahanka oo ka ciyaarayay dhinaca weerarka dhintay shalay oo Sabti aheyd xilli uu garoonka ku jiray isaga oo matalayay kooxdiisa.
War kasoo baxay xiriirka kubadda cagta ee dalka Albania ayaa lagu sheegay in dhaqaatiirta ku guuldareesteen badbaadinta ciyaaryahanka, waxa ayna xiriirka tacsi u direen kooxdii uu katirsanaa iyo qoyska ciyaaryahan Raphael Dwamena .
Ciyaaryahankan geeriyoday ayaa ahaa gool-dhaliyaha ugu sareeyay horyaalka dalka Albania, waxa uuna kooxdiisa xilli ciyaareedkan u dhaliyay sagaal gool, halka qarankiisa uu u saftay sagaal kulan uu u dhaliyay labo gool.
Raphael Dwamena ayaa sannadkii 2021-kii ayuu ku dhacay garoonka ciyaar ka dhacday Austria oo dhexmartay kooxdiisa Blau-Weiss Linz iyo Hartberg, laakiin wuu soo kabsaday, oo wuxuu sii watay xirfaddiisa ciyaareed.
Ciyaaryahakan geeriyooday ayaa usoo ciyaaray kooxo katirsan horyaalka dalka Spian, waxa uuna mar ku sigtay in uu ku biiro kooxda ka dhisan horyaalka Ingiriiska Brighton, hasa ahaatee ciyaaryahanka ayaa ku dhacay tijaabada caafimaadka.

{DAAWO SAWIRADA} Israel oo Duqeysay xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada Gaza
Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay wararka sheegaya in duqeymo khasaare geystay ay ka dhaceen xarunta ugu weyn ee Qaramada Midoobay ku leedahay Gaza.
Warbixin ay soo saartay, UNDP waxay ku sheegtay in la duqeeyey xarunta ay maamulaysay Barnaamijkeeda Kaalmaynta Shacabka Falastiin ee UNRWA.
Madaafiicda ayaa la sheegay in ay ka dhasheen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah oo aad u badan,” ayaa lagu yiri qoraalka.
“6-dii Nofembar UNDP waxay sheegtay in dhowr boqol oo qof oo magangalyo doon ah ay galeen xarunta, waxaana jira calaamado muujinaya in tiradani ay aad u korodhay,” ayay raacisay.
Madaxda hayada UNDP ayaa yiri: “Masiibada joogtada ah ee dhimashada iyo dhaawaca ee soo gaartay dadka rayidka ah ee ku xayiran colaaddan waa wax aan la aqbali karin, waana in la joojiyo. Dadka rayidka ah, kaabayaasha rayidka iyo ku xad-gudubka xarumaha Qaramada Midoobay, waa in la ixtiraamo oo la ilaaliyo mar kasta. Sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, oo ay ku jiraan mabaadi’da kala-soocidda, saami-qaybsiga, iyo taxaddarka, waa in la ixtiraamaa oo la dhowraa” ayaa lagu yiri qoraalka UNDP

{DAAWO SAWIRADA} Sida loo kala xukumay dadkii Shaqaalaha dawladda ka tirsanaa ee AS lagu eedeeyay
Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Dad ka tirsnaa shaqaalaha maamulka gobolka Benaadir oo ku eedaysnaa inay la shaqeeyaan Ururka Al-shabaab ayaa maanta la xukumay.
Sida aan ka soo xigannay warbaahinta ku hadasho afka dawladda Soomaaliya , ayaa sidan u kala dhignaa xukunkoodu:
“Cabdiraxiin Maxamed Cusmaan Jimcaale (Macruuf) Ayaa u qaabilsanaa Alshabaab Gudbinta Macluumaadka iyo Xogaha Xubnaha ka shaqeeya Degmooyinka kala ah, Dayniile, Yaaqshiid, Hilwaa, Hodan, Howl-wadaag. Macruuf ayaa Afar iyo tobankii bishii Jun ee sanadkaan Hay’adda Nabad Sugidu ka soo qabatay suuqa weyn ee Bakaaraha.
Computer-kiisa ayaa laga helay liiska xogta iyo taleefanada Shariif Nuur Awliyo iyo Cabdi Cali Tabliiq iyo Xubno kale oo Maqanayaal ah oo uu horjooge u ahaa, Maanta aye Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamadda ku xukuntay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah.
Shariif Nuur Cali Aadan Ayaanle (Shariif Owliyoo) oo ahaa gudoomiyaha waaxda October ee Dagmada Hodan ayaa loo soo xiray u gudbinta Al-shabaab Macluumaadka iyo Xogaha Xubnaha Dowladda ee ka shaqeeya Degmada Hodan. Waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah.
Jabriil Cabdullahi Cali Cadoow (Sheekha) ayaa isna Al-shabaab u qaabilsanaa Qeybta Faafinta Fikirada guracan ee kooxda, waxa uuna tababar ku saabsan Jabhadaha ku soo qaatay Saakow, waxa uuna ka mid ahaa basaasiinta maleeshiyada ku dhuumaaleysata Muqdisha, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah.
Cabdi Cali Cibaar Wardheere (Tabliiq) ayaa uqaabilsanaa Al-shabaab Qeybta Soo gudbinta Macluumaadka Deegaanka Daarusalaam iyo Carafaad, isagoo u gudbin jiray Xogta Qaraxyada ka dhaca Goobahaas. Waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah.
Canab Xuseen Cumar Fiidow ayaa Cabdiraxiin ugudbin jirtay xogta Degmada Hodon iyo Xarunta Xisbiga, sidoo kalana ay ka taageri jirtay Al-shabaab baraha bulshada gaar ahaan Fecbook. Waxa ayna Maxakamadda ku xukuntay Hal sano oo Xabsi ciidan ah.
qaar ka mid ah kooxdan ayaa iyagana ay Maxkamadda ku xukuntay Sadax sano oo xabsi ilkuhayn ah.
1. Cawil Jaamac Cabdulle Xiireey.
2. Raxma Cabdishakuur Cali Muumin(Sandheere)
3. Maxamuud Axmed Siyaad Barre(Muruq)
4. Sharma’arke Muuse Ismaaciil Caraale
Halka Asiili Maxamed Dhicisow Faarax iyo Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kacaan) lagu waayay wax danbi ah ay maxakamadu sii daysay.
Xukunkan Waxaa la wadaagay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.”




