Home Blog Page 3169

{DAAWO SAWIRADA} Israa’iil oo khasaare Xoogan ka soo gaaray Dagaalkii maanta ay la gashay Xisbullah

0

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Dhacdooyin dhowr ah oo isdabajoog ah ayaa ka dhacay xadka woqooyi ee Israa’iil saacadii la soo dhaafay sida ay ku warameysi warbaahinta bariga dhaxe.

 

In kabadan Toddobo askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa ku dhaawacmay weerar hoobiye ah sida ay warbaahinta u sheegeen Israa’iiliyiintu iyagoo intaas sii raaciyay inay taas kaga jawaabeen madaafiic ay ku garaacidoonaan fariisimaha Ururka Xisbulla.

 

Intaa Ka dibn waxaan la maqalnay in 15 gantaal laga soo tuuray wadanka Lubnaan kaas oo ay ku dhawaacmeen lix qof oo rayid Israa’iiliyiin ah oo mid aad u daranyahay.

waxaa la sheegay in gantaalahaan loo adeegsaday gantaalka lidka taangiyada.

weeraradan ayaa yimid kadib markii Yoav Gallant, wasiirka gaashaandhigga uu sheegay in Xamaas iyo Xisbullah ay tijaabinayaan Israa’iil, ayna isku dayayaan inay ka mashquuliyaan howlgalka Qaza.

Israa’iiliyiintu waxay yiraahdeen kuwani hadda ma ahan daandaansi oo kaliya – tani waa gardaro. “Haddii ay nagu sii wadaan weerarka waxay samayn doonaan khaladkii ugu weynaa noloshooda,” Gallant ayaa yidhi.

Dowladda Maraykanku waxay ka walaacsan yihiin sare u kaca xaaladda dhanka woqooyi e Israa’iil. Ma rabaan inay arkaan waxa Qaza ka dhacaya oo isu badala colaad goboleed aad u weyn, mar walbana khatartaas ayaa jirta.

{DAAWO MUQAALKA} Garab isaaga shacabka ayaa kaga guuleysaneynaa AS ”Taliyaha guutada 27-aad ee XD Abuu Dujaana”

0

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Garab isaaga shacabka ayaa kaga guuleysaneynaa AS ”Taliyaha guutada 27-aad ee XD Abuu Dujaana”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Qorshaha bixitaanka Ciidamada ATMIS waxaa ay ku socotaa si miisaman oo laga shaqeyey”Wasiir Cadaala

0

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Qorshaha bixitaanka Ciidamada ATMIS waxaa ay ku socotaa si miisaman oo laga shaqeyey”Wasiir Cadaala

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Hiiraan State oo Bilaabay Caawinta dadka aan mari karin mesha ugu qatarta badan Fatahaada

0

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Ciidamada Hiiraan State oo Bilaabay Caawinta dadka aan mari karin mesha ugu qatarta badan Fatahaada

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Dagaalka Buqdharkayn raali galina siiyay Ugaaska Samaroon

0

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Dagaalka Buqdharkayn raali galina siiyay Ugaaska Samaroon

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu dambeeyay ee soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 12.11.2023

0

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Dawadayaal  halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wararkii ugu dambeeyay ee soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya :Yasiin Cali Axmed

Farsamadii :Maxamed Baryare Xaamud

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARARKII UGU DAMBEYAY 

{DAAWO MUQAALKA} Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Xaafado hor leh oo ka tirsan Baledweyne

0

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC}  Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Xaafado hor leh oo ka tirsan Baledweyne

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Ciyaartoy Mataleysa Maamulka Hirshabelle oo maanta laga sa gootiyay Magaalada Baladweyne.

0

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Ciyaartoy ku matalitoonto maamulka Hirshabelle tartanka kubada cagta ee Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir ayaa maanta laga sagootiyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

 

Ciyaartooydan ayaa laga so kala xulay afar dagmo oo kala ah  Jalalaqsi Matabaan Bulo burte iyo Baladweyne sida uu hiiraanweyn u sheegay Xoghayaha Xiriirka kubada gacta Maamulka Hirshabelle Xasan Bile.

 

Ciyaartooyda maanta laga sagootiyay Magaalada Baladweyne kama muuqdo diyaar garoow xoogan marka loo eego maamul goboleedyada kale.

 

intabadan shaqooyinkii maamulka hirshabelle waxaa saameeyay weyn ku yeeshay khilaafkii ka dhashay dhismaha maamulkaas kaas oo ilaa iyo hada taagan waana sababta uu diyaar garoow fiican uga muuqanin.

Wariyaha Ciyaaraha Hiiraanweyn

Cabdi Majiid Aweys Isxaaq

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbahinta Hiiraanweyn 12/11/2023

0

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya :Yasiin Cali Axmed 

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

 

{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay daah-furay Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee Diiwaanka Bulsho

0

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee Diiwaanka Bulsho ee Midaysan oo lagu yaraynayo saboolnimada iyo sugnaan la’aanta cuntada, si loogu diyaariyo bulsho adkaysi u leh aafooyinka ay ka mid yihiin abaaraha, fatahaadaha iyo Ayaxa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay mudnaanta uu xilligan u leeyahay dalka nidaamkani oo ay xuddun u tahay siyaasadda Xukuumadda Dan-Qaran ee ah in la helo horumar ay bulshadu qayb ka yihiin, una siman yihiin si loo xoojiyo ammaanka, koboca dhaqaalaha iyo wada-socodka bulshada Soomaaliyeed.

 

Mudane Xamsa ayaa faray dhammaan Hay’adaha Caalamiga ah, kuwa Waddaniga ah iyo inta ku hawlan hawlaha Gargaarka inay isticmaalaan Diiwaanka USR ee Dawladda si looga fogaado, iska warqab la’aan iyo xaqiijinta in bulshada si hufan loogu adeego, taasi oo keenaysaa in lagu kalsoonado dawladda, waxayna caawinaysaa dhisidda dawlad-wanaagga.

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —