Home Blog Page 3170

{DAAWO SAWIRADA} Dowladdaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo heshiis kala saxiixday.

0

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC}  Dalalka Soomaaliya iyo Boqortooyada wadanka Sucuudigu carabiya ayaa galabta Heshiis Iskaashi Amni ku kala saxiixannay magaalada Riyaad.

Heshiiskan Iskaashiga Amniga ayaa waxaa labada dal u kala saxiixay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sucuudiga.

Heshiiskani wuxuu muhiimad weyn u leeyahay wax weynna ka tarayaa iskaashiga amni ee labada dal sida lagu sheegay qoraalka ka so baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Maamulka Hirshabeelle oo Digniin u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

0

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC}  Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa soo saaray qoraal ku saabsan dhul ku yaalla gobolka Sh/dhexe oo horey loogu asteeyey in laga dhiso garoonka cusub ee dayuuradaha Muqdisho.

Dhulkan ayaa ku yaalla inta u dhexeysa degaanka Ceel macaan iyo degmada Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe.

“Dowladda Hirshabeelle waxa ay markale adkeyneysaa ansax ahaanshaha go’aankii hore ee khuseeyay dhulka sare ku xusan, isla markaasna kaliya loo isticmaali karo ujeedadii loo ogolaaday iyadoo lagala tashanayo dadka deegaanka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Cali Guudlaawe oo sida muuqata loogu digayo dad damacsan iney boobaan ana ujeedooyin kale u isticmaalaan dhulkaas.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay dhiggiisa dalalka Ciraaq iyo Eretariya

0

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ka sugan Sacuudiga ayaa kulamo ka wada magaalada Riyaad ee caasimada dalkaasi.

Xasan Sheekh ayaa maanta la kulmay dhiggiisa dalka CiraaqMudane Abdul Latif Rashid oo hoggaaminayey wafdiga dalkiisa ee ka qeyb-galay shirka dalalka Islaamka.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin is-dhaafsiga khibradaha iyo xirfadaha la xiriira dagaalka lagula jiro waxa loogu yeero Argagixisada, iskaashiga amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya Labada shacab ee walaalaha ah.

Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa ah laba dowladood oo halgan kula jira argagixisada weerarka ku ah dalalkooda, kuwaas oo dib dhibaato ku haya labadaan dowladood.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan duceed kale la yeeshay dhiggiisa dalka Eretariya Isaias Afwerki oo ay ka wada qeyb-galeen Shirka Sacuudiga iyo Afrika

Xasan Sheekh iyo Afwerki ayaa ka wada halday xaaladda gobolka,iyaga oo adkeeyey xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliya iyo dhiggooda Ereteriya/

Waxaa kale oo ay isla qaateen in la sii xoojiyo, wadajirna loo wajaho caqabadaha ay wadaagaan labada dal.

Eritrea ayaa kamid ah dalalka ciidamada u tababara Soomaaliya, waxaana weli dalkaas ku maqan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku jira xeryaha dalkaasi.

Dowladda Uganda oo ciidamadeeda ka eriday labo sarkaal oo ATMIS ka tirsan oo lagu eedeeyay fuleynimo

0

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC}  Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dalka Uganda oo muddooyinkan ku shaqeynaysay saldhigga ciidamada Uganda ee gudaha Soomaaliya, ayaa xukun ku ridday labo sarkaal oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta ATMIS ee Soomaaliya.

Maj John Steven Oluka, oo 58 jir ah, iyo Maj Zadock Abor, oo 49 jir ah, ayaa lagu helay dambi la xiriira Fulaynimo, waxaana lagu ciqaabay in laga eryo ciidamada.

Labada sarkaal ayaa loo haystaa inay si xun u maareeyeen weerarkii Alshabaab ay bishii May ee sanadkan ku qaadeen xerada ciidanka Uganda ee Buulo Mareer, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 5o askari.

Labada sarkaal ayaa la xaqiijiyay inay hayeen warbixino sirdoon ah oo la xiriiray weerar kaga soo wajahan Al-Shabaab, balse waxay ku guuldareysteen in ay si waafi ah u qorsheeyaan oo ay ka jawaabaan weerarkaas, waxayna ku guul daraysteen inay ciidamada dagaal galiyaan, taas bedelkeedna ay dib ugu gurteen degaanka Golweyn.

Dowladda Uganda waxay sheegtay tallaabada ay qaadeen labadan sarkaal ay in hoos u dhigtay sumcadda ciidankeeda. Waxay kaloo raacisay in falka ay sameeyeen ay ku wayday askar badan iyo qalab ciidan.

Jubaland State officials conclude training on Child Protection in Emergencies

0

Kismayo, 12 November 2023– Thirty-six Jubaland State officials have concluded a five-day Training of Trainers course on Human Rights to enhance their knowledge and skills in safeguarding the rights of children and other vulnerable groups.

Conducted in the port city of Kismayo, the training was organised by the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) Civilian Sector Coordination Team Jubaland in conjunction with the State’s Ministry of Women, Family Affairs and Human Rights.

The participants, drawn from Jubaland’s ministries of Interior, Security and Youth, Somali Security Forces (SSF) and civil society organisations were taken through a range of topics to equip them with knowledge, they can use to train colleagues on how to enhance the protection of children.

“In one of the sessions, we covered definitions and strategies for combating child abuse in our society. This was very enriching and enlightening,” said Ibrahim Aden Abdullahi from the Ministry of Labor and Employment.

Mr. Abdullahi added that the course had equipped him with the knowledge and skills on how to combat child abuse and ensure the safety of children in communities.

Arfun Ali Mohamed also from the Ministry of Labour and Employment thanked ATMIS for organising the training saying it would help raise awareness of the challenges faced by children and measures needed to protect them.

“We discussed a range of topics, such as child abuse, its definition, underlying causes, and the hardships experienced by children who are raised without proper parental care. Safeguarding our children is important, as they constitute an integral part of our society, making this course exceptionally significant,” said Ms., Mohamed

Another participant Feisal Haji said the training helped them understand the importance of child rights.

“We also discussed how children in our society are often neglected, with some of them being deprived of necessities like education. Regrettably, when parents divorce, children are often caught in between and are affected by these challenges, ” said Mr. Haji.

The training is part of a series of capacity building for personnel in both the federal and the federal member states.

Strong ATMIS-Somali leadership collaboration key to stability, says UN ASG for Africa

0

Mogadishu, 12 November 2023: The Assistant Secretary-General (ASG) for Africa at the UN Department of Political and Peacebuilding Affairs, Martha Ama Akyaa Pobee has commended the collaboration between the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) and Somali leadership for stabilising Somalia.

At a dinner in her honour in Mogadishu, after a three-day visit, the UN ASG noted considerable progress in the country compared to her previous visit. She emphasised the timeliness and insightfulness of her visit, reassuring ATMIS and Somali leaders of continued UN support.

“I go with a lot of admiration. This country has made great strides. I was here a couple of years ago and I see the progress. I want to assure each of you that we gained a lot of insights from you that should help our organisation, the UN, to have a strategy that is more supportive, that aligns with the needs of the Somali people,” said the ASG.

Somalia’s State Minister for Foreign Affairs, Ali Mohamed Omar lauded the AU and international partners for their role in Somalia’s progress. He acknowledged ATMIS, the EU, and the UN for aiding Somalia’s recovery and stability.

“Somalia would not have been the Somalia of today without all your support. Somalia has come a long way,” said the State Minister.

The AU Special Representative and Head of ATMIS, Ambassador Souef briefed ASG Pobee on Somalia’s humanitarian situation, ATMIS troops’ drawdown, and the overall transition, including addressing flood issues caused by El Nino rains.

“We have had a productive meeting with officials of UNSOS, the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) and our sector commanders to see how we can address the issue of flood caused by the El Nino rains,” said Ambassador Souef.

During her visit, the ASG engaged in discussions with the Special Representative and Head of ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef, and Ambassadors from ATMIS Troop Contributing Countries (TCCs).

The dinner held at ATMIS Mission Headquarters was attended by high-level officials, including Somalia’s State Minister for Foreign Affairs, Ali Mohamed Omar; the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, Catriona Laing; the ASG and Head of UNSOS, Aisa Kacyira Kirabo; the UN Deputy Special Representative for Somalia, Anita Kiki Gbeho; ATMIS Force Commander, Lt. Gen. Sam Okiding, the Deputy Force Commanders, and the diplomatic corps.

Wasiirka Cadaaladda oo magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa dalka Masar

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallim Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Sulaymaan Maxamed Maxamuud iyo Garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee dalka, ayaa gaaray dalka Masar.

Wasiirka Cadaaladda iyo wafdiga la socda ayaa Qaahira ku tegay casuumaad uu u fidiyay wasiirka Cadaaladda Masar, Cumar Marwaan, oo ay dhawaan Ciraaq uga wada qeyb galeen meertadii 39aad ee golaha Cadaaladda ururka jaamacadda Carabta.

Sidoo kale Wasiirada Cadaaladda Soomaaliya iyo Masar ayaa yeelanaya kulamo ay uga wada hadlayaan horumarinta cadaaladda iyo Garaoorka, iskaashiga oo xoojinta xariirka. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Dowladda Masar ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka xiriirka wanaagsan kala Soomaaliya, iyada oo Soomaaliya ka taageerto dhanka waxbarashada, Caafimaadka iyo tababaridda ciidanka Qalabka Sida, sidoo kale sanad waliba yaa dalkaas waxaa waxbarasho u aada Arday Soomaaliyeed.

Laamaha Amniga oo gacanta kusoo dhigay Haweeney Muqdisho ku dishay laba Haween ah

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta gacanta kusoo dhigay haweeney xalay xaafada Buur-Bishaaro ee deegaanka Gubadley ee duleedka magaalada Muqdisho ku dishay labo haween ah oo guri la degnaa.

Dilkaan oo haweeneyda ay u adeegsatay tooreey ayaa ka yimid, kadib markii haweeneyda iyo labada haween kale ee la dilay uu soo kala dhex galay muran kooban oo ka dhashay carruur yar yar oo is dagaallay, kuwaasi oo guriga isla joogay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in haweeneyda falka geysatay ay mar qura soo qaadatay tooreey, isla markaana qeybaha sare ee jirka kala aaday labada dumar oo xilligaas ku kala jiray laba qol oo isku dagan.

Allaha u naxariistee haweenka la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabay jiray Nimco Saalax iyo dumaashideed Iqro Daahir Mahadi, waxaana haweeneyda dilka geysatay iyana magaceeda lagu sheegay Anbiyo Maxamed Cali.

Taliska Booliska oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in Anbiyo Maxamed gacanta lagu soo dhigay, isla markaana cadaalada la horgeeyn doono, maadaama ay nafta naafisay Nimco Saalax iyo dumaashideed Iqro Daahir Mahadi oo ay guri wada daganaayeen.

{DAAWO SAWIRADA} Dowladda oo soo bandhigtay Sargaal ka tirsanaa A S

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa dadka deegaanka ayaa shalay howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud kusoo qabtay sargaal katirsanaa Al Shabaab.

Sargaalkan ciidanka soo qabteen ayaa la sheegay in kooxda Al Shabaab u qaabilsanaa qaadista lacaga Al Shabaab dadka ka qaadaan iyo sidoo kale urururinta xoolaha ay Al Shabaab ku sheegeen Sakawaadka.

Dowladda Soomaaliya ayaana maanta warbaahinta usoo bandhigtay sargaalkan ciidamada soo qabteen oo lagu magacaabo Cabaas Caraaye {Garoobshe}, waxaana sargaalkan oo lagu wareejiyay laamaha ammaanka ku socda baaritaanno .

Ninkan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu kamid ahaa odayaasha deegaanka ee loo xil saaray la shaqeynta Al Shabaab, waxa uu sheegay sargaalkan in uu hadda nabbad qabo wax dhibaato ahna aysan gaarsiin ciidanka gacanta ku haya.

Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud waxaa gacanta ku haya kooxda Al Shabaab , kaddib markii ay horey uga baxeen ciidanka dowladda, waxaana shalay ciidanka howlgal qarsoodi ah ay ka fuliyeen degmadaasi kusoo qabteen sargaalkan halka mid kalana dileen. 

{DAAWO MUQAALKA} Waa in aan isku gurmano oo aan is kaalmeeno”Sheekh Bashiir Axmed Salaad

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC}  Waa in aan isku gurmano oo aan is kaalmeeno”Sheekh Bashiir Axmed Salaad

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA