Home Blog Page 3171

Wasiirka Cadaaladda oo magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa dalka Masar

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallim Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Sulaymaan Maxamed Maxamuud iyo Garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee dalka, ayaa gaaray dalka Masar.

Wasiirka Cadaaladda iyo wafdiga la socda ayaa Qaahira ku tegay casuumaad uu u fidiyay wasiirka Cadaaladda Masar, Cumar Marwaan, oo ay dhawaan Ciraaq uga wada qeyb galeen meertadii 39aad ee golaha Cadaaladda ururka jaamacadda Carabta.

Sidoo kale Wasiirada Cadaaladda Soomaaliya iyo Masar ayaa yeelanaya kulamo ay uga wada hadlayaan horumarinta cadaaladda iyo Garaoorka, iskaashiga oo xoojinta xariirka. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Dowladda Masar ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka xiriirka wanaagsan kala Soomaaliya, iyada oo Soomaaliya ka taageerto dhanka waxbarashada, Caafimaadka iyo tababaridda ciidanka Qalabka Sida, sidoo kale sanad waliba yaa dalkaas waxaa waxbarasho u aada Arday Soomaaliyeed.

Laamaha Amniga oo gacanta kusoo dhigay Haweeney Muqdisho ku dishay laba Haween ah

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta gacanta kusoo dhigay haweeney xalay xaafada Buur-Bishaaro ee deegaanka Gubadley ee duleedka magaalada Muqdisho ku dishay labo haween ah oo guri la degnaa.

Dilkaan oo haweeneyda ay u adeegsatay tooreey ayaa ka yimid, kadib markii haweeneyda iyo labada haween kale ee la dilay uu soo kala dhex galay muran kooban oo ka dhashay carruur yar yar oo is dagaallay, kuwaasi oo guriga isla joogay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in haweeneyda falka geysatay ay mar qura soo qaadatay tooreey, isla markaana qeybaha sare ee jirka kala aaday labada dumar oo xilligaas ku kala jiray laba qol oo isku dagan.

Allaha u naxariistee haweenka la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabay jiray Nimco Saalax iyo dumaashideed Iqro Daahir Mahadi, waxaana haweeneyda dilka geysatay iyana magaceeda lagu sheegay Anbiyo Maxamed Cali.

Taliska Booliska oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in Anbiyo Maxamed gacanta lagu soo dhigay, isla markaana cadaalada la horgeeyn doono, maadaama ay nafta naafisay Nimco Saalax iyo dumaashideed Iqro Daahir Mahadi oo ay guri wada daganaayeen.

{DAAWO SAWIRADA} Dowladda oo soo bandhigtay Sargaal ka tirsanaa A S

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa dadka deegaanka ayaa shalay howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud kusoo qabtay sargaal katirsanaa Al Shabaab.

Sargaalkan ciidanka soo qabteen ayaa la sheegay in kooxda Al Shabaab u qaabilsanaa qaadista lacaga Al Shabaab dadka ka qaadaan iyo sidoo kale urururinta xoolaha ay Al Shabaab ku sheegeen Sakawaadka.

Dowladda Soomaaliya ayaana maanta warbaahinta usoo bandhigtay sargaalkan ciidamada soo qabteen oo lagu magacaabo Cabaas Caraaye {Garoobshe}, waxaana sargaalkan oo lagu wareejiyay laamaha ammaanka ku socda baaritaanno .

Ninkan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu kamid ahaa odayaasha deegaanka ee loo xil saaray la shaqeynta Al Shabaab, waxa uu sheegay sargaalkan in uu hadda nabbad qabo wax dhibaato ahna aysan gaarsiin ciidanka gacanta ku haya.

Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud waxaa gacanta ku haya kooxda Al Shabaab , kaddib markii ay horey uga baxeen ciidanka dowladda, waxaana shalay ciidanka howlgal qarsoodi ah ay ka fuliyeen degmadaasi kusoo qabteen sargaalkan halka mid kalana dileen. 

{DAAWO MUQAALKA} Waa in aan isku gurmano oo aan is kaalmeeno”Sheekh Bashiir Axmed Salaad

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC}  Waa in aan isku gurmano oo aan is kaalmeeno”Sheekh Bashiir Axmed Salaad

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Madixii As u qaabilsanaa degmada Ceeldheer oo isagoo nool gacanta lagu soo dhigay.

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Madixii As u qaabilsanaa degmada Ceeldheer oo isagoo nool gacanta lagu soo dhigay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Dad kabadan Hal milyan ayuu saameeyey Daadadka iyo fatahaadaha dalka W/ daa”uud

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Dad kabadan Hal milyan ayuu saameeyey Daadadka iyo fatahaadaha dalka””W/ daa”uud

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {12/11/2023}

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya :Cabdi samad  iyo Mustaf Ali 

Farsamadii :C/Kaafi Cismaan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

 

Q/M oo Puntland ugu baaqday hirgelinta heshiis nabadeed oo dhax mara SSC iyo Somaliland

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Qaramada Midoobay ayaa dowladda Puntland ugu baaqday in ay doorkeeda ka qaadato hirgelinta heshiis nabadeed oo lagu dhammeeyo colaadda labada maamul ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

Baaqaas waxa jeedisay ereyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms. Catriona Liang oo Sabtidii ka hadlaysay magaalada Garoowe halkaas oo ay kulan kula yeelatay madaxda sare ee Puntland.

Waxaan Puntland ugu baaqaynaa in ay doorkeeda ka qaadato dhiirrigelinta in labada dhinac ay khilaafkooda ku xalliyaan si nabadgelyo ah si loo hubiyo in aanu gacan-ka-hadalku mar kale kor u kicin.

Waa in ay jiraan tallaabooyin lagu soo celinayo is-aaminaadda oo la halmaala is-dhaafsashada maxaabiista sidaa daraaddeed in Puntland ay doorkeeda qaadato iyada oo adeegsaneysa xiriirka sokeeyenimo ee qabaa’ilka si loo hubiyo in waddo nabadeed lagu socdo” ayay tiri marwo Catriona Liang.

Waxay sidoo kale Puntland ku amaantay in ay marti-gelisay in ka badan 100,000 oo rayid ah kuwaas oo bara-kacay markii ay socdeen dagaalladii Laascaanood “Waan ogsoonahay in ay taasi ahayd mas’uuliyad aad u weyn waxaana Puntland uga mahadcelineynaa sida diirran ee ay u qaabishey dadkaa” ayay sii raacisay.

{DAAWO SAWIRADA} Wararkii ugu Dambeeyay Fatahaad xoogan oo Baladweyne ku dhufatay

0

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Wabiga Shabeelle ayaa Manta si weyn ugu fatahay Xaafada Magaalada Baladweyne , Wabiga ayaa ku fatahay Xaafadaha Kooshin Xaawo Taako iyo Buunda-weyn ee Degmada.

Sidoo kale Fatahaada Ayaa saameyn waxaa ay ku yeelatay dhamaan isku socodkii Magaalada iyo Deegaanka Ceeljaalle oo dadkii ugu badnaa ee ka barakacay ee Fatahaada Wabiga Shabeelle ugu barakacay Xaafadaha Magaalada.

 

{DAAWO MUQAALKA} Xamaas oo 3 arrin oo xasaasi ah ka dalbatay madaxda Islaamka

0

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Xamaas oo 3 arrin oo xasaasi ah ka dalbatay madaxda Islaamka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA